Haddise laguu dhiibo Madaxnimada Adiga oo aan weydiisan waa laguu kaalmeynayaa. ” Alaah ayaa kuugu kaalmeynayo Masuuliyadaa” ( F.S: 1aad)
( Ar, Somaliya Madaxnimada ma Adiga oo aan weeydiisan ayaa laguu dhiibaa, mise Xoog, Lacag, Dagaal, Malxiis raadso, Dowlad shisheeyaa i wato ayaa lagu raadiyaa, Xukunkii aad sidaa ku heshay Allaah ma kuugu kaalmeeynaa.
Ar, ameey Ciladda na heysato midaa tahay?)
2.
Waxaa jirto murti caalamiya oo leh: waxaan ahay kan aan ahay, uma baahni ansixintaada. ( F.S: 2aad)
( Somalida qaar ayaa yiraa: Haddii Barfasoorkii Sidaa yahay, maxaad u maleeynee.
Kan oo kale ayaa Barfasoor sheeganaa!….kuwaasi ma waxa ey ka socdaan Xafiiska laga ansaxiyo Barfasoorada)
3.
Andro karinji ayaa yiri: Mar kasta oo Da’ ii koroto waxaa yaraado, in aad daneeyo waxa Dadku ey sheegayaan.
Waxaa igu filan in aan arko waxa ey sameynayaan. ( F.S: 3aad)
( Ar, Somalida Da’ uma kororto miyaa.
Mar kasta waxa ey daneeyaan waxa ey Siyaasiyiintu u sheegayaan, ee ma fiiriyaan waxa ey sameynayaan)
4.
Weyl Smith ayaa yiri: Marka Dadka qaar ey kaa tagaan, taa macnaheedu ma ahan in ey dhamaatay Noloshaadii ee waxaa dhamaaday Qeybtii iyaga kaaga xirneed oo kaliya. ( F.S: 4aad)
( Somaliya Dad ayaa u maleynayo haddii Qof Madax ah oo u daneey jirtay xilka laga qaado in Noloshoodii ey u dhamaatay.
Waxa dhamaaday oo kaliya qeybtii dantu kaaga xirneyd isaga oo kalya.
Mustaqbalkaaga Allah ayaa hayo)
5.
Daariq bin ziyaad ayaa yiri: Walaalkaa waa kan ku anfaco ee ma ahan kan ku leh waxaan nahay Qaraabo. ( F.S: 5aad)
( Somalida in aad wax u tarto waxaa uga muhimsan in aad isku qabiil tihiin)
6.
William Shakespeare ayaa yiri: Nuucyada Dulmiga waxaa ugu daran, Markii Daalimku uu ciyaaro Doorkii Dulmanaha, ee Dulmanihii lahu tuhmo in uu Daalim yahay. ( F.S: 6aad)
( Tani, Somaliya, maka dhacdaa?)
Qore: -Yahya Amir
.
FAALLO:-Ar, Somaliya Madaxnimada ma Adiga oo aan weeydiisan ayaa laguu dhiibaa?=Nasashada Jimcaha. Q- 334aad= =
...