FAALLO Dardaarankii Sh. Cumar uu iigu soo kaa dhiibay Adiga, Akhristow.

0
Sunday December 18, 2022 - 10:04:41 in Wararka by
  • Visits: 1010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO Dardaarankii Sh. Cumar uu iigu soo kaa dhiibay Adiga, Akhristow.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

waxaan ugu tagay hal Nin oo la yiraa Sh.

 

Cumar oo ahaa Caalim dhinaca Diinta Islaamka iyo Culuunta Seyniska ku ah ( F.S: 1aad).

Sh.

 

Cumar, Maalintii oo dhan Masjidakaa ayuu ku cibaadeystaa, Habeenkiina waxa uu u hoydaa Tuulada oo ey joogaan Wiil iyo Gabar uu dhalay oo iyaga oo Rajo ah uu soo koriyay, haddana Xaasas ah.

Masjidka dhulka hoostiisa ah waxaa ku aasan 40 Saxaabi.

 

Waxa jiray in wakhtiyadii Dambe in Asaxaabtu ey Turkey qabsadeen, kadibna in 800 ey u soo gudbeen jaziiradaan iyaga oo Doomo wato si ey Diinta u fidiyaan Dalka Cyprus, kadibna dagaal ayaa lagu laayay badankoodii.

 

Halkaana waxaa lagu aasay 40 ka mid ah markii meydkooda la soo ururiyay laakin Magacyo kuma qorno. ( F.S: 2-4aad)

Sh. Cumar waxa uu ii qalay Neef Ido ah, Hilib Idaad oo "fresh” ah waaba u baahnaa oo Muddo maba arag.

Waxa uuna igu yiri: ilaa Makhribkii ma tagi kartiin 5tiinu: Aniga , Sadaxdeydii Gabdhood ee Ardayda ahaa iyo Wiil Baabuurkiisa nagu waday oo isaguna Arday ahaa.(F.S: 5aad)

Dardaarankii.

Sheekadii iyo Dardaarankii uu Galabtaa ii sheegay waxaa ka mid ahaa.

Somalida iyo Muslimiinta uga dig.

 

Miraha Abuurka ah ee Yurub laga keeno ee hal mar wax dhalo.

 

Tusaale, waxa uu yiri: Waxaan leheyn Yaanyo dabeeci ah oo noo baxdo, taranteedu ma badneyn, waxaana dhax gali jiray Nuuc Tirxi ah oo Banaanka uga yimaad kadibna bolol ayeey noqon jirtay, Laakin, Miraheeda ayaa dib u Abuura jirnay.

 

Tirxiguna ma ahan mid Cudur sida.

Waxaa naloo keenay Abuur yaanyo oo ka taran badan teenii hore, Tirxina ma galaayo, Laakin Miraheeda dib looma Abuuri karo.

 

Waa in aan Sanad waliba Abuurka ka doonano Yurub.( F.S:6&7aad).

Teenii hore Tirxiga maxaa u keenay.

 

Miraha ku dhax jiro yaanyaadeenii hore ayaa lahaa Caraf dabeeci ah oo soo jiidato Tirxiga.

 

Tan cusub waxaa laga dilay wixii Dabeeciga ahaa ee carfayay ee keenayay in ey Tirxiga soo jiitaan iyo in dib loo abuuri karo Mirahaa.

1.

 

Faa’iidada 1aad ee Reer Yurub waxa ey aheyd in aan Suuq u noqono oo aan Abuurka ka doonano oo aan ku tiirsanaano, haddii xiriirkeenu xumaado wax ma Beera karno, Sababta oo ah Miraha Yaanyada iyo kuwa kale oo aan beerano waxaa laga keenaa yurub. khudaarta noo baxdo Miraheeda dib looma abuuri karo.

2.

 

Faa’iidada 2aad oo ey nagu qabaan ayaa ah waxa ey ogaadeen in Yaanyadaan ma dhaliiska ah laga qaado Cudur , waxa ey diyaariyeen Daawadii Cudurkaa.

 

Mar kale ayaan Suuq Daawo u noqonay, Daawada ey u soo saareen in aan isaga daweeyno isla Cudurkii aan ka qaadnay Abuurkii ma tarmaha ahaa, Daawadaa ayeey mar kale naga iibiyeen.

Hadda waan joojinay Abuurkii ma tarmaha ahaa iyo Daawadii aan ka soo iibsan jirnay Yurub, waxaan u noqonay Abuurkeenii hore, si aan u helno Cunto dabeeci ah oo aan Cudur laga qaadeyn.

intaa iga gaarsii Beeraleyda Dalkiina ayuu igu yiri: Sh.

 

Cumar.

Allaah ayaa iiga markhaari ah in aan soo gudbiyay Dardaarankii Sh.

 

Cumar, in kasta oo aan idin kala soo daahay.

Qore: -Yahya Amir

.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip