
Mareykanka oo digniin u diray dalal ay kujirto Soomaaliya
Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay madaxda wadamada Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya xasilooni darro oo uu sheegay in dalalka ruushka iyo Shiinaha ay ka wadaan Afrika, iyaga oo adeegsanaya lacago mallaayiin Dollar ah oo ay ugu maga dareen taageero.
Hadalkaan ayaa waxaa shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika ka jeediyay Xoghayaha Difaaca Ameerika, Lloyd Austin, halkaas oo ay ku sugan yihiin Madaxweynayaal uu kamid yahay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha mareykanka Joe Biden ayaa doonaya in uu dib u soo celiyo saameyntii Mareykanka ee Afrika, isaga oo isticmaalaya diblomaasiyad shakhsi ah, taas oo keentay in uu qaabilo Afartan iyo sagaal hoggaamiye oo Afrikaan ah.
Xoghayaha Difaaca Ameerika, Lloyd Austin ayaa sidoo kale sheegay in Ruushka iyo Shiinaha ay sanad walba sii ballaarinayaan, iyaga oo adeegsanaya dhaqaale saameynta ay ku leeyihiin dalalka Afrika,
"Qaybta dhibka leh ee jirta ayaa ah inaysan had iyo jeer ahayn kuwa hufan marka la eego waxa ay sameynayaan taas oo abuurta dhibaatooyin ugu dambeyntii carqaladeyn doona, haddii aysan horayba u ahayn,” ayuu xusay Austin.
Ugu dambeyn Xoghayaha Difaaca Ameerika, Lloyd Austin ayaa dowladda ruushka ku eedeeyay inay billaawday in dalalka Afrika ay si raqiis a hubka uga iibiyo, isaga oo adeegsanaya calooshood u shaqeystayaal qaaradda oo dhan ah, taasina ay tahay mid aan la aqbali Karin, isla markaana keeni karta xasilooni daro.
Hadalkan kasoo yeeray dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli inta badan Madaxda Afrika ay ku sugan yihiin dalkas, isla markaana ay wada-hadallo la leeyihiin Madaxda Mareykanka si loo xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya.
Mareykanka oo digniin u diray dalal ay kujirto Soomaaliya
...