Kylian Mbappe, laacibka loo maara la'yahay ee caawa ka hortagaya Marooko

0
Wednesday December 14, 2022 - 14:05:57 in Wararka by
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kylian Mbappe, laacibka loo maara la'yahay ee caawa ka hortagaya Marooko

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Qoraalka sawirka,

Kylian Mbappe

Kylian Mbappe

Xulka kubadda cagta ee waddanka Faransiiska ayaa ah dal kale oo reer Yurub ah oo la ciyaari doona xulka adag ee waddanka Marooko.

Xulkan lagu naanayso Les Bleus ayaa isku dayay in markii labaad oo xiriir ah uu qaado Koobka Adduunka, sida Brazil ay samaysay 60 sanadood kahor waa 1962-kii, markaas oo ay difaacatay Koobka Adduunka ee ragga.

Xulka kubadda cagta ee Marookana waa midkii ugu horreeyay ee Afrikaan iyo Carab ah ee soo gaara nus dhammaadka Koobka Adduunka.

Weerraryahanka xulka Faransiiska Kylian Mbappe ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay ciyaaryahanka haatan ugu wanaagsan ee Koobka Adduunka, waxaana aad loo hadal hayaa sidii xulka Marooko ay ciyaaryahankaas u joojin lahaayeen.

BBCda ayaa haddaba idiin soo gudbinaysa toddoba arrimood oo ay tahay inaad ka ogaataan Mbappe…

1. Waa ciyaaryahanka labaad ee ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta

Sanadkii 2017-kii, ayuu Mbappe waxa uu amaah ahaan ugu soo biiray kooxda PSG isagoo ka soo tegay kooxda Monaco, kahor inta uusan si toos ah sannad kaddib ugu wareegin kooxdaas lacag gaaraysa 180m euros (£166m).

Weli waa ciyaaryahanka ugu qaalisan caalamka. Waxaa ka horreeya oo kaliya laacibka reer Brazil ee Neymar oo 222m euros (£200m) PSG uga soo biiray kooxda Barcelona 2017-kii.

Mbappe ayaa 190 gool u dhaliyay kooxda haysata horyaalka Faransiiska ee PSG 237 kulan oo uu u dheelay, isagoo ka garab dheela laaciibiinta kala ah Neymar iyo Lionel Messi.

2. Wuxuu gaaray guulo xiriir ah

Muddo toddoba sanadood ah oo uu xirfadle ahaa, waxa uu Mbappe ku guulaystay:

  • 2018 Koobka Adduunka
  • 2020-21 Koobka Uefa Nations League
  • Shan koob oo horyaalka Ligue 1 ah (4 PSG, iyo hal Monaco uu la qaaday)
  • Saddex koobka French Cups
  • Laba koobka French League Cups

Si shakhsi ah waxa uu 2017 ugu guulaystay abaalmarinta Wiilka Dahabiga ah (Golden Boy Award) – taas oo la siiyo ciyaartoyda 21-jirrada ka yar ee ka dheela kooxaha Yurub, laba jeer ayuu noqday ciyaaryahanka ugu wanaagsan Faransiiska, hal mar waxaa loo magacaabay laacibka horyaalka Ligue 1-ka ee sanadka iyo ciyaaryahanka da’da yar ee ugu wanaagsan oo uu ku guulaystay saddex jeer. Sidoo kale 2018 waxaa loo doortay inuu ahaa ciyaaryahankii da’da yaraa ee ugu wanaagsanaa Koobka Adduunka, halka uu afar jeer ku guulaystay gooldhalinta horyaalka Faransiiska ee Ligue 1.

Waxa uu PSG ka caawiyay in markii ugu horraysay ay gaarto finaalka Champions League-ga sannadii 2020, markaas oo ay ka badisay kooxda Bayern Munich.

3. Waxa uu shiday Koobka Adduunka

Kylian Mbappe

Mbappe ayaa 19 jir ahaa markii uu dowr muhiim ah ka ciyaarayay guushii Faransiiska uu ka gaaray Koobkii Adduunka ee 2018, markaas oo uu dhaliyay afar gool.

Goolkii uu Croatia ka dhaliyay ciyaartii 4-2 ku soo dhammaatay ayaa ka dhigtay inuu noqdo ciyaaryahankii labaad ee da’yar ee finaalka Koobka Adduunka gool dhaliya, kaddib markii uu sidaas sameeyay laacibka reer Brazil ee Pele 1958.

Mbappe haatan isaga iyo Messi ayaa wada hoggaaminaya gool dhalinta tartanka Qatar ka socda oo min shan gool ayey dhaliyeen, Koobka Adduunkana waxa uu ka dhaliyay 9 gool isagoo sidaas uga hormaray laacibkii waynaa ee Diego Maradona, kaas oo siddeed gool u dhaliyay xulka Argentina, laacibka reer Burtaqiis ee Cristiano Ronaldo.

Dhab ahaantii waa ciyaaryahankii ugu yaraa ee sagaal gool ka dhaliya Koobka Adduunka, iyadoo sidaas uu ku jabiyay rikoorkii uu dhigay Eusebio, kaas oo sideed gool u dhaliyay Burtaqiiska markii ay da’diisu aheyd 24 sanadood iyo 182 maalmood.

4. Isagoo da'yar ayuu bilaabay inuu rikoorrada jabiyo

Mbappe, oo ku dhashay duleedka magaalada Paris ayaa bilaabay inuu ciyaaraha u dheelo kooxda As Bondy oo ka dhisneyd Meesha uu ku dhashay, ciyaartii ugu horraysay ee uu koox xirfadle ah u dheelana waxa aheyd middii uu Diseembar 2015 u saftay kooxda Monaco.

Markii uu ahaa 16 jir iyo 347 maalmood waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gala taariikhda kooxdaasi – isagoo sidaas ku jabiyay rikoor uu hore u dhigay laacibkii Faransiiska iyo Arsenal Thierry Henry 1994 – markaas oo garoonka la soo galiyay daqiiqaddii 88-daad ciyaar ay kooxdiisa la laheyd kooxda Caen.

Saddex bilood kaddib waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gool dhaliya kulankiisii ugu horreeyay ee wayn, goolkaas oo uu ka dhaliyay kooxda Troyes. Rikoorkii hore yaa dhigay? Waa Henry.

5. Aad buu u dheereeyaa

Ciyaartii 3-1 uu Faransiiska wareegga 16-ka uga soo gudbay xulka Poland, ayaa xawaaraha uu ku socday waxaa la diiwaangeliyay inuu ahaa 35.3km/h, mudadaasna lix ciyaaryahan umbaa la diiwaangeliyay inay xawaare intaas ka badan ku ordeen Koobka Adduunka ee sanadkan.

Bishii Sibteembar, horyaalka Ligue 1 ayaa sheegay inuu ahaa ciyaaryahankii ugu xawaaraha dheereeyay isagoo jarayay 36km/h.

6. Wuxuu iska diiday lacag badan oo uu ugu wareegi lahaa kooxda Real Madrid

Kylian Mbappe

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Kaddib muddo dheer oo uu daba socday madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez uuna heshiis dhaqaale la galay kooxda faca wayn ee ka dheesha La Liga-ha Spain, Mbappe ayaa go’aansaday inuu iska sii joogo Paris waxaana uu saxiixay qandaraas ku kacaya saddex sanadood oo cusub.

Sida uu tilmaamayo khabiirka kubadda cagta ee Spain Guillem Balague, labada kooxoodba waxa ay danaynayeen in saxiixa ciyaaryahanka ay ku bixiyaan 150m euros (£127m).

Sikasta oo uu xaal ahaadase, Mbappe Meesha kama uusan saarin inuu mustaqbalka u wareego kooxda reer Spain ee haysata horyaalka Champions League-ga, isagoo bishii May BBCda u sheegay in riyadii Real Madrid aysan "weli ka dhamaan”.

7. Laacib caalami ah oo aan islawaynayn

Bishii Oktoobar, Mbappe waxa uu kaalinta koobaad ka galay liiska ciyaartoyda kubadda cagta ee la siiyo lacagta ugu badan ee wargeyska Forbes – waa markii ugu horraysay oo qof aanan Messi ama Ronaldo aheyn uu kaalintaas koobaad ku soo baxo muddo sagaal sanadood ah.

Waxaa la qiyaasayaa inuu xilli ciyaareedkan qaadanayo $128m (£115.2m).

Mbappe ayaa sidoo kale caan ka ah baraha bulshada ay ku wada xiriiraan ee Facebook, Instagram iyo Twitter, oo iskudarkooda waxaa soo raaca 100 milyan oo qof.

Waxaa sidoo kale uu ku soo baxay liiska ciyaartoyda kubadda cagta ee saamaynta ku leh Instagramka ee ka dheelaya Koobka Adduunka 2022, markaas oo uu ka soo dhinac muuqday ciyaaryahannada sida Ronaldo, Messi iyo Neymar.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip