Cristiano Ronaldo oo ku dhawaaqay hadalkii la wada sugayay

0
Monday December 12, 2022 - 21:46:31 in Wararka by
  • Visits: 643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo oo ku dhawaaqay hadalkii la wada sugayay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Riyadii Koobka Adduunka ee Cristiano Ronaldo ayaa dhammaatay, waxaana suuragal ah in aanay jirin meel halkaas looga soo laabto.

Guul darrada aanan la filayn ee xulkiisa uu kala kulmay Morocco ayaa Ronaldo - oo 37-jir ah - waxa ay ka dhigaysaa in liiskiisa aanay ku jirin billadda ciyaartoyda ku guulaystay Koobka Adduunka – taas oo ah waxa kaliya ee ka maqan ciyaaryahankan – haatanse laacibkan ayaanan haysan koox uu u dheelo ka dib markii ay si caro leh bishii la soo dhaafay ku kala tageen kooxdiisii hore ee Manchester United.

Ronaldo ayaa garoonka ka baxay isagoo ilmeynaya ka dib guul-darradaasi, markaasi ka dibna lama arag laacibka 37-jirka ee dedaalka badan ku bixiyay kubbadda cagta, hase yeeshee shalay ayuu bartiisa Instagram ku soo qoray qoraal qiirad ka muuqato oo uu kaga sheekeeyay guul-darradii qarankiisa ka soo gaaratay Koobka Adduunka iyo halgankii uu soo galay in dalkiisa uu u qaado Koobka Adduunka.

"Ku guuleysiga Koobka Adduunka ee Portugal waxay ahayd riyada ugu weyn ee xirfadeyda. Nasiib wanaag, waxaan ku guuleystay koobab badan oo heer caalami ah, oo ay ku jiraan kuwo aan la qaaday Portugal, laakiin inaan magaca waddankeena ka dhigo heerka ugu sarreeya adduunka ayaa ahayd riyadeyda ugu weyn.”

Ronaldo

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Dhanka kale Ronaldo ayaa sheegay inuu halgan dheer ku bixiyay si ay riyadaas u rumowdo.

"Waan u halgamay. Aad baan ugu dagaallamay riyadaas. 5-tii jeer ee aan Koobka Adduunka ka qeyb galay dhammaan goolal ayaan dhaliyay koobabka adduunka in ka badan 16 sano, mar walba waxaan garab taagnaa ciyaartooy waaweyn oo ay taageerayaan malaayiin reer Portugal ah, waxaan bixiyay wax walba. Wax walba garoonka ayaan kaga tagay. Weligay wejiga kama dadban dagaalka mana ka quusan riyadaas laakin nasiib darro darraad ayay dhammaatay riyaadas.”

"Kaliya waxaan rabaa inaad dhammaantiin ogaataan in wax badan la sheegay, wax badan ayaa la qoray, wax badan ayaa la isla dhex marayay, laakiin u heellanaantayda Portugal waxba iskama beddelin xitaa daqiiqad.”

"Had iyo jeer waxaan ahaa halyeey u halgama ujeeddada dadka oo dhan, weligayna dhabarka uma jeedin asxaabtayda iyo dalkayga. Waad mahadsan tahay Portugal. Mahadsanid Qadar Riyadu waxay ahayd mid wanaagsan ka hor inta soo dhammaan.”

Cristiano Ronaldo

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Ronaldo oo ah qofka taageerayaasha ugu badan ku heysta barta Intstagram-ka ayaa qoraalkiisa si weyn looga fal celiyay, taas oo muujineysa in uu ahaa hadal la wada sugayay.

Hadal-heynta ku saabsan Ronaldo ayaa cirka ku shareerneyd dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay, ilaa wixii ka horreeyay billowga Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qadar.

Wareysi uu bixiyay goor sii horreysay ayuu dhaliilo ugu jeediyay kooxda uu ka tirsanaa ee Manchester United, kaasoo horseeday in uu ka tago kooxda.

Wareysiga carada dhaliyay ee Ronaldo ayaa daba socday go'aankii uu macallinka United kursiga keydka ku fariisiyay Ronaldo oo aan raalli ka ahayn in la nasiyo.

Dhowr maalmood ka horna waxaa warbaahinta qabsaday warka ku saabsan Ronaldo ka dib markii kursiga keydka laga fariisiyay xulkiisa qaranka ee Boortaqiiska, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee ay sidaas dhacdo tan iyo sanadkii 2008.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip