Askarigii dilay Juweeriya Subcis oo xukun lagu riday

0
Monday December 12, 2022 - 15:58:21 in Wararka by
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askarigii dilay Juweeriya Subcis oo xukun lagu riday

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

 Maxkamadda magaalada Jigjiga oo gacanta ku heysay kiiska dilka ah ee xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta go’aan culus kasoo saartay dhacdadaasi.

Maxkamnadda ayaa dil ku ridday askarigan oo ka tirsanaa Booliska Federaalka ee Itoobiya, kaas oo lagu helay dilka xildhibaanadda oo bishii October ka dhacay garoonka Jigjiga.

Maxkamadda ayaa xukunka ay maanta ridday oo aad loo sugayey u cuskatay xeerka ciqaabta ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa go’aanka maxkamadda si weyn usoo dhaweeyay ehellada marxuumadda iyo dadka deegaanka oo u mahadceliyay maxkamadda.

AUN Xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa xubin ka aheyd xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, waxaana ay caan ka hayd deegaanka Soomaalida.

Dilka xildhibaan Juweeriya ayaa si weyn looga dareemay magaalada Jigjiga, ayada oo dadkuna ay sameeyeen dibad-bax ay uga soo horjeedaan dilka marxuumadda.

Si kastaba, Itoobiya ayaa inta badan fulin xukunnada dilka ah ee ay ridaan maxkamaduhu, iyadoo badanaa dadkaas dilka loogu beddalo xukun adag oo xabsi daa’in.

Askarigii dilay Xildhibaanad Juweyriya Subcis oo xukun adag lagu riday (Sawirro) | Breaking News Somalia


Askarigii dilay Xildhibaanad Juweyriya Subcis oo xukun adag lagu riday (Sawirro) | Breaking News Somalia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip