Guuldarradii Burtaqiiska ma waxay aheyd dhammaadka Ronaldo?

0
Saturday December 10, 2022 - 23:08:24 in Wararka by
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guuldarradii Burtaqiiska ma waxay aheyd dhammaadka Ronaldo?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Ronaldo oo ilmaynaya kana sii baxaya garoonka kaddib markii xulka Marooko uu xulka dalkiisa ee Burtaqiiska kaga adkaaday rubac dhammaadka Koobka Adduunka

Riyadii Koobka Adduunka ee Cristiano Ronaldo ayaa dhammaatay, waxaana suuragal ah in aanay jirin meel halkaas loogaga soo laabto – hasayeeshee waayihiisii ciyaaraha miyaa sidaasi ku soo idlaaday?

Kursiga kaydka ayaa la galiyay kaddib markii uu la dooday tababaraha xulka dalkiisa, iyadoo tartankaasi Ronaldo uusan u muuqan inuu si farxad leh ku dhammaysan doono – balse sida uu u ilmaynayay markii Burtaqiiska laga reebay Koobka Adduunka ayaa muujinaysa xaaladda xirfadeed ee uu ciyaaryahankaasi wajahayo.

Guuldarrada aanan la filayn ee xulkiisa uu kala kulmay Marooko ayaa Ronaldo - oo 37-jir ah - waxa ay ka dhigaysaa in liiskiisa aanay ku jirin billadda ciyaartoyda ku guulaystay Koobka Adduunka – taas oo ah waxa kaliya ee ka maqan ciyaaryahankan – haatanse laacibkan ayaanan haysan koox uu u dheelo kaddib markii ay si caro leh bishii la soo dhaafay ku kala tageen kooxdiisii hore ee Manchester United.

Ronaldo oo oynaya ciyaarta kaddib

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Cristiano Ronaldo oo ilmaynaya kaddib guuldarradii Burtaqiiska

Dadka ayaa goor horaba iswaydiinayay kooxda xigta ee uu ciyaaryahankan u dheeli doono, walow dadka Burtaqiiska ay weli jecelyihiin ciyaaryahankan, haddana waxaa su’aalo la iska waydiinayaa mustaqbalka u dheelista dalkiisa halka uu ku dambayn doono.

Dhalinta gool taariikhi ah, xanaaq xigay iyo gelinta kursiga kaydka

Ronaldo ayaa isaga tegay kooxda Manchester United ka hor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka, hasayeeshee si wanaagsan ayuu xaalku ugu bilowday waddanka Qatar.

Qaabka uu ugu guulaystay gool-ku-laad Burtaqiiska loo dhigay ciyaartii ugu horraysay ee kooxaha ee ay Ghana la ciyaareen ayey FIFA ku tilmaantay "hab mucjiso ah”, goolkaas markii uu dhaliyayna waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee shan tartan oo Koobka Adduunka ah gool ku dhaliya.

Waxyar kaddibse xaaladdu si degdeg ah ayey isu baddeshay, oo ma aanay u suuragelin in labadii ciyaar ee xigtay ee ciyaarta lagu soo bilaabay uu gool dhaliyo kahor inta aanay tababarihiisa Fernando Santos isku qaban caradiisa ku aaddaneyd in la baddelay ciyaartii Kuuriyada Koonfureed.

Waxaa kursiga keyda la dhigay Ronaldo ciyaartii xulkiisa uu kaga hortegay Switzerland – waa markii ugu horraysay ee uu keydka galo tartan wayn tan iyo 2008-dii – waxaana booskiisa la dheelsiiyay ciyaaryahanka da’da yar ee Goncalo Ramos kaas oo saddex gool dhaliyay, Ronaldo-na waxa uu u muuqday laacib kursiga keydka uun fadhiya.

Waddadii oo kale ayaa la marsiiyay ciyaartii Marookana, walow daqiiqado badan laga dheelsiiyay qeybtii labaad ee ciyaarta si uu wax uga baddelo natiijada, oo waxaa la soo geliyay daqiiqaddii 51-aad markaas oo xulkiisa 1-0 lagu hoggaaminayay.

Ronaldo oo ka falcelinaya markii daqiiqaddii 97-aad uu Pepe gool cunay

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Ronaldo oo ka falcelinaya markii daqiiqaddii 97-aad uu Pepe gool cunay

In Ronaldo uu ciyaarta soo galo oo kaliya ayaa u sahashay inuu taariikh kale dhigo – waxay aheyd markiisii 196-aad ee uu dheelo ciyaar caalami ah iyadoo uu la sintay ninka rikoorkaas haysta ee Bader Al-Mutawa ee reer Kuwayt – hasayeeshee isbaddel wayn kuma uusan kordhin ciyaarta sidii uu sanado badan hore u samayn jiray.

Ronaldo ayaa hore u haystay rikoorka goolasha ugu badan ee uu ciyaarahan ka dhaliyo ciyaaraha caalamiga ah, oo 118 ayuu dhaliyay, balse uusan muuqan mid goolashaas wax ku sii dari kara maaddaama xulka Marooko uu si adag isugu xirnaa.

Markii la yeeriyay seerigii ugu dambeeyay ee ciyaarta, waxa uu Ronaldo gacan qaaday qaar kamid ah ciyaartoyda Marooko, kaddibna waxa uu toos uga baxay garoonka iyadoo ay wehlinayaan nin kaamera wax ku sawira – si koobanna qof ka soo gudbay kooxaha ammaanka oo isku dayay inuu sawir la galo Ronaldo ayaanay u suuragelin.

Ronaldo ayaa inta uusan ka bixin garoonka waxa uu ceshan waayay ilmada, sidaasna waa qaabka lagu xasuusan doono sida Koobkiisa Adduunka uu ku soo idlaaday iyo weliba khilaafkii soo kala dhexgalay isaga iyo tababarahiisa.

Tababare Santos ayaanan wax wayn ka soo qaadin khilaafka la sheegay, waxaana uu yiri: "Ma filaayo waxa ku dhacay Ronaldo, iyo dhaleecaynta loo soo jeedinayo, inay saamayn ku yeelatay ciyaarta. Waxaynu nahay koox midaysan.

Kursiga keydka ayaa la geliyay, balse aad baa loo jecel yahay

Cristiano Ronaldo ayaa ciyaartii xulka Burtaqiiska la dheelay Marooko waxaa la galiyay kursiga keydka

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Qoraalka sawirka,

Cristiano Ronaldo ayaa ciyaartii xulka Burtaqiiska la dheelay Marooko waxaa la galiyay kursiga keydka

Waa suuragal in kooxdu ay midaysan tahay, hasayeeshee waxaa hubaal ah in Burtaqiiska uu ka huleelay tartanka – kaddib doodo badan oo ku aaddan in kooxdaas ay iswadi karto iyadoo uusan ku jirin laacibkooda wayn ee sii duqoobaya.

Haddaba haddii uu sii joogayo Santos amaba uu isaga tagayo tababaranimada xulka Burtaqiiska, waxay u badan tahay inuusan xilligan xulka ka bixi doonin Ronaldo.

Taariikho badan ayuu Ronaldo xulkiisa u dhigay waxaana aad loogu xasuustaa guushii Koobka Euro 2016, kaas oo ah koobka kaliya ee wayn ee uu xulkiisu ku guulaystay.

Tirada taageerayaasha Burtaqiiska ee xirnaa funaanadaha lagu soo buufiyay ‘Ronaldo 7’ ee Sabtidii ku sugnaa afaafka hore ee garoonka Al Thumama ayaa astaan u aheyd in aanay hilmaamin guulihii uu xulkaas soo gaarsiiyay, walow ay toddobaadyadii la soo dhaafay waxyaabo dhaceen.

Lama oga illaa hadda in ciyaaryahankan uu dheeli doono Koobkiisii Adduunka ee lixaad, iyadoo waqtiga tartankaas la qaban doono uu ciyaaryahankan jiri doono 41 sanadood, balse haddii uu doonayo waxaa hubaal ah inuu heli karo fursad uu ku safto tartanka Euro 2024.

Kooxda uu waqtigaas u ciyaari doono ayaase ah arrin kale oo gebi ahaanba ka duwan tartamada caalamiga ah ee uu safan karo muddadaas.

Kooxo badan ayaa muujiyay inay danaynayaan inay la saxiixdaan Ronaldo markii kowda bisha Janaayo uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, oo ay ku jirto kooxda Sucuudi Carabiya ee Al-Nassri, taas oo todobaadkii hore lacag aad u badan u soo bandhigtay ciyaartoyda.

Xigasho:-bbc




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip