
Dhageyso: Waa kuwee labada kooxood ee isugu imaan doona ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka Adduunka?
,,
Ciyaaraha adduunka ee ka socda dalka Qadar, ayaa haatan waxay soo gaareen heerka semi final-ka, ama afar dhamaadka. Xaley ayaa waxaa qabsoomay labo kulan, oo aad u xiiso badnaa. Kulanka koowaad, ayaa waxaa isaga hor yimid xulalka Morocco iyo Portugal, waxaana guulaysatey xulka Morocco, halka kulanka labaad uu dhex marey xulalka dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska, halka guushu ay raacdey Faransiiska.
Morocco iyo Faransiiska ayaa ah labadii kooxood ee ugu danbeeyey ee u gudbay heerka afar dhamaadka. Haddaba, falan qeeyaha ciyaaraha Deysane, ayaa bal dib u jileecaya ciyaarihii xalay dhacay, iyo sida ay kooxuhu kala ahaayeen iyo sidoo kale kooxaha loo saadaalinaya inay foodda isku daraan ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka Adduunka 2022 ee Qadar.
Dhageyso: Waa kuwee labada kooxood ee isugu imaan doona ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka Adduunka?
,,