Lionel Messi Oo Isha Ku Haya Rikoodh Taariikhi Ah Kulanka Caawa.

0
Friday December 09, 2022 - 22:10:03 in Wararka by
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi Oo Isha Ku Haya Rikoodh Taariikhi Ah Kulanka Caawa.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Lionel Messi ayaa isha ku haya inuu barbareeyo rikoorka gooldhalinta koobka adduunka ee Argentina marka ay wajahayaan Netherlands wareega 8 dhamaadka.

Xiddiga Leo Messi ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa wareega 16-ka isagoo dhaliyay goolkii furitaanka kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Australia.

Messi ayaa haatan isha ku haya inuu barbareeyo rikoorka Gabriel Batistuta ee tartanka, ka dib goolkiisii ​​ugu horeeyay ee wareega 16-ka ee koobka adduunka kulankii ugu dambeeyay.

Xiddiga todobada jeer ku guulaystay Ballon d’Or waxa uu leeyahay sagaal gool shantii tartan ee uu ciyaaray koobka adduunka, waxana uu Isha ku hayaa in uu bar-bareeyo ama uu jabiyo rikoorka gool dhalinta xulka Argentina ee Batistuta ee 10 gool.

Messi ayaa haatan ku jira kaalinta 2-aad ee gool dhalinta koobka adduunka sanadkan waxana uu ka dambeeyaa Kylian Mbappe oo dhaliyay 5 gool ilaa haatan tartanka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip