Muxuu Ronaldo ku yiri wiilka xalay booskiisa galay ee wacdaraha dhigay?

0
Wednesday December 07, 2022 - 18:27:54 in Wararka by
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Ronaldo ku yiri wiilka xalay booskiisa galay ee wacdaraha dhigay?

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Ramos iyo Ronaldo

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Ciyaarta inta aysan billaaban ka hor, dhammaan hadal heynta ayaa aheyd in Cristiano Ronaldo laga tagay. Markii ay ciyaarta dhammaatayna, qof walba waxa uu ka hadlayay Goncalo Ramos.

Kaamirooyinka ayaa kusii wada jeeday gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Boqtaqiiska, kaasoo falcelintii uu sameeyay markii la beddelay ciyaartii hore ee qarankiisa ay ka careysiisay tababare Fernando Santos, isagoo ka mid noqday ciyaartoyda keydka la soo fariisiyay kulankii wareegga 16-ka ee ay la yeesheen Switzerland, oo qeyb ka ah Koobka Adduunka ee Qadar.

Kursiga keydka waxaa hareereeyay sawir qaadayaal doonaya in ay sawiraan Ronaldo oo aan raali ka aheyn in la fariisiyay, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee uu isagoo fyoow ka maqnaado xulka Boortaqiiska oo ciyaaraya tartan weyn tan iyo 2008.

Laakiin dareenka ayaa markiiba u wareegay ficilka garoonka dhexdiisa ka socday, iyadoo 21-sano jirka lagu beddelay booska Ronaldo uu ka faa’ideystay fursadda, waxa uuna qeyb ka noqday ciyaar cajiib ahayd oo ay Boortaqiiska ku hanteen guul 6-1 ah.

Billow Koobka Adduunka ah oo xasuus leh

Markii tababaraha Boortaqiiska Santos uu qaatay go’aanka uu Ronaldo kursiga keydka ugu fariisiyay, ma uusan rajo ka qabin natiijo ka wanaagsan tan uu helay.

Kaliya ma ahan in xulkiisu ay lix gool ka dhaliyeen ciyaartii kala harka ee Koobka Adduunka, balse wiilka da’da yar ee uu ku nasiibsaday ayaa saddex gool dhaliyay habeenkii ugu weynaa ee xirfaddiisa.

Ramos

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Isagoo jira 21 sano iyo 169 maalmood, Ramos waa ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ee saddexleey ka dhaliya Koobka Adduunka tan iyo 1962-kii, markaas oo uu sidaasoo kale sameeyay Florian Albert.

Weeraryahanka kooxda Benfica ayaa 17 daqiiqo markii uu garoonka ku jiray helay kubbad uu si wanaagsan u qaatay, waxa uuna shabaqa u daba mariyay gool hayaha Switzerland, Yann Sommer.

Wax yar ka dib markii laga soo noqday nasashada qeybta koowaad ee ciyaarta ayuu gool kale ku hubsaday shabaqa, isagoo ka miro dhaliyay laad uu ka helay Diogo Dalot, sidaasna waxa uu uga dhigay 3-0.

Laad kale ayuu ka helay Raphael Guerreiro, waxa uuna Ramos xaqiijiyay seddexleeydiisa cajiibka ah, isagoo kubadda si layaab leh uga dul qaaday gool haye Sommer. Waa saddexleydii ugu horreysay ee laga dhaliyo Koobka Adduunka ee 2022.

Inkastoo la bixiyay daqiiqaddii 74-aad, waxa uu ciyaarta ku soo gabagabeeyay isagoo tuuray darbooyinkii ugu badnaa (Lix), darbooyinka uu goosha ku beegay (shan).

Markii Ramos la bedelay, goolhayihii hore ee England Robert Green ayaa u sheegay BBC Radio 5 Live: "Taasi waxay ahayd ciyaar cajiib ah oo uu soo bandhigay Goncalo Ramos. Waa bandhiggii ugu fiicnaa ee la arko ilaa inta uu socday Koobka Adduunka”.

Waa kuma Ramos?

Goncalo Ramos

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Ronaldo weli wax gool ah uma dhalin Boortaqiiska lix kulan oo kala har ah oo ay ciyaareen halka Ramos uu dhaliyay saddex gool ilaa hadda.

Ramos, oo ku soo baxay tababarka da’ yarta kooxda Benfica, ayaa wadar ahaan u ciyaaray Portugal kaliya 33 daqiiqo seddex kulan oo uu u saftay dalkiisa ka hor inta uusan wajihin Switzerland.

Hal gool ayuu ku dhaliyay ciyaar saaxiibtinimo oo 23-daqiiqo u uku jiray markii ay la kulmeen Nigeria bishii November, ka hor inta uusan laba daqiiqo iyo sideed daqiiqo ka ka helin labadii kulan ee guruub-yada ee Ghana iyo Uruguay.

Ka dib waxa uu ahaa beddel aan la isticmaalin ciyaartii Boortaqiiska oo horey u soo baxday ay guul darro kala kulmeen South Korea.

Si kastaba ha ahaatee, marka la eego bilawgiisii ​​​​ugu horeysay ee heer caalami ee heerka kala haritaanka ee Koobka Adduunka, wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed muujinaya inuu waxyaabaha noocan ah dhowr sano ku sameynayay tababarka.

Isagoo dhaliyay 14 gool iyo lix caawin 21 kulan oo uu u saftay Benfica xilli ciyaareedkan - oo ay ku jiraan toddobo gool lixdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka - Ramos hubaal ma ahan ciyaaryahan ay kalsooni ku yar tahay waqtigan.

Laakiin mar walba waxa uu ka fikirayay sida uu noqon doono kulankiisa ugu horreeya ee la billowdo ciyaar qeyb ka ah Koobka Adduunka. Hadda wuu helay jawaab ku filan.

Waa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee saddexley ka dhaliya kulankiisa ugu horreeya ee Koobka Adduunka tan iyo markii uu sidaas sameeyay Miroslav Klose oo Jarmal ah, kaasoo ahaa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Koobka Adduunka ee ragga, 2002.

Sidoo kale Ramos waa gooldhaliyaha labaad ee ugu da’da yar Portugal taariikhda Koobka Adduunka, ka dib Ronaldo oo sidaas sameeyay sanadkii 2006.

Bandiggan cajiibka ah ka dib waxa uu dareemi doonaa inuu sameeyay wax walba oo uu awoodo si uu u xaqiijisto booskiisa wareega 8da ee ay ku ballansan yihiin xulka Morocco.

Muxuu sameynayaa Ronaldo?

Ronaldo

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Ramos oo wax laga waydiiyay Ronaldo dhammaadkii ciyaarta ayaa yiri: "Cristiano Ronaldo waxa uu ila hadlaa aniga iyo qof kasta oo kooxda ka tirsan, waa hogaamiyahayagii waxana uu mar walba isku dayaa in uu i caawiyo”.

Mar walba waa la ogaa in uu war weyn noqon doono waxa dhaca marka uu hakad galo taxanaha kulamada isku xiga ee uu weeraryahankii hore ee kooxaha Real Madrid, Juventus iyo Manchester United u safanayay xulkiisa qaranka ee Boortaqiiska.

Marka la eego saamaynta Ramos, ma jiri karto dammaanad qaad ah in Ronaldo 00 37 jir ah uu dib u soo ceshan doono booskiisa marka la gaaro kulanka Morocco ee dhici doona Sabtida.

Tababaraha Boortaqiiska Santos ayaa sheegay in uusan runtii jecleysan falcelinta uu sameeyay Ronaldo markii la beddelay daqiiqaddii 65-aad ee kulankii ay guul darrada kala kulmeen South Korea ciyaartii ugu dambeysay ee heerka guruub-yada, taasoo lala barbar dhigay sida uu si lama filaan ah ugu dhammaaday waqtigiisii ​​Manchester United bishii hore.

Laacibka shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa beeniyay inuu si toos ah ugu xanaaqay tababarihiisa, balse wuxuu kursiga keydka isku arkay kulankii Switzerland.

Isagoo noqday ninkii ugu horeeyay ee gool ka dhaliya shan tartan oo Koobka Adduunka ah horaantii tartanka, qaab ciyaareedka kooxdan ee mararka qaar liita ayaa laga yaabaa inuu ku khasbo Ronaldo inuu aqbalo door aan ahayn kii uu rabay.

Weeraryahankii hore ee England Ian Wright oo la hadlayay ITV, ayaa yiri: "Tani waa koox si fudud ku socon karta waddada oo dhan, Ronaldo ayaana wali wax ku biirin kara.

"Haddii uu si fiican isu dejiyo, wuxuu nasiib u yeelan karaa inuu u dhaliyo goolka guusha ee ciyaarta kama dambeysta ah."

Xigasho:-bbc





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip