
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 7-DA DICEMBAR 2022-KA
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay ka go'an tahay dib usoo celinta wad ahadaladii Somaliland
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Ma xamuud oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soo maaliya Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjira ha Norway ee Soomaaliya, Haakon Svane, ayaa la wadaagay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadalla da DFS iyo Soomaa liland.
Madaxweynaha ayaa xusay doorka fududeynta iyo isu soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Dowla dda Federa alka Soomaaliya iyo Soomaaliland, kuwaas oo uu sheegay inay bilow fiican u yihiin xal u helidda tab ashooyinka jira iyo xaqiijinta xasilloonida iyo horu marka dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladaha Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada DFS iyo SL, waxa uuna xusay qorshihiisa qaran ee la xiriira So omaali Heshiis ah, taasoo uu sheegay in ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan So omaaliland.
Wakiilada Gaarka ah ee Turkiga Aykut Kumba roğlu iyo Norway Heidi Johansen ayaa ku bogaad iyey madaxweyne xasan Sheikh, sida ay uga go’ an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta bulshada.
Maxaa looga hadlay kulanka RW Xamza iyo madaxa ATMIS?
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xa mza Cabdi Barre ayaa Sahalay xafiiskiisa ku qaab ilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afr ika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine.
Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Souef ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay arrim aha amniga, dadaallada dib-u-xoreynta, xasillinta iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagu cirib-tirayo kooxaha Argagaxisada.
Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine ay aa intii uu kulanku socday wuxuu dowladda ugu ha mbalyeeyay guulaha la taaban karo ee ciidan ka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaash anaya ay kasoo hooyeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, gaar ahaan guushii ugu dambeysay ee argagaxisada looga xorreeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Danjire Souef ayaa ballan-qaaday in ATMIS ay DFS kala shaqeyneyso dagaalka lagu cirib-tir ayo kooxaha argagixisada iyo dadaallada xukuu madda ee amniga iyo xasilloonida looga hir-gel inayo dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina wa xa uu ciidanka Midowga Afrika uga mahad-celiyay doorkooda dhismaha nabad-gelyada dalkeena.
M/Weyne Xasan Sheeh oo sheegay inay Shabaab afduubteen shacabkii Aadan Yabaal
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sh.Maxamuud oo Sahalay khudbad u jeediyay sha cabka Soomaaliyeed ayaa ka ha dlay xaalada gu ud ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo waddanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadal jeedi ntiisa diiradda ku saaray guulaha laga gaaray how lgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka iyo qabashada degmada Aadan Ya baal.Ugu horreyn wuxuu boggaadiyey ciidama da Xoo gga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka adag kula jira kooxda Al-Shabaab, wuxuuna she egay in ay garab taagan tahay dowladda. Madaxw eynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in Sahalay ay xor tahay degmada Aadan Yabaal, wux uuna xaqii jiyey in ciidamadu ay si nabdoon kula wareegeen degmadaas.
"Dorraad ciidamada waxa ay joogaan degmada Aadan Yabaal Al-Shabaab xittaa kuma dagaala min nimanku waa nimankaas, Hirshabeelle waxaa ka dhiman Runirgood,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Al-Sha baab ay burburiyeen ceelashii biyaya ee ku yaal lay degm adaasi, islamarkaana ay horay usii afdu ubteen shacabkii deganaa halkaasi.
"Aadan Yabaal waxay ka siibteen labadii Ceel ku tiilay bambooyinkii biyaha shacabkiina inta af duubeen ayey kaxeysteen,” ayuu markale yiri ma daxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey "Dadka qa arkii ogaal la’aan ayey Al-Shabaab ugu shaqeeya an, Soomaaliya xaalad caadi ah kuma jirto, Al-Sha baab masoo laabanay aan”
Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya ay aa farriin u diray shacbaka Soomaaliyeed, wuxuu na ka dalbaday in Shabaab kadib ay u diyaar gar oobaan dib u dhiska dalka.
"Dadka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa ha diyaar garoobaaano sida Shabaab aan ugu kac nay, kadib ha isku diyaariyaano sidii loo dhisi lah aa dalka Shabaab waa tegay” ayuu yiri.
Madaxweynaha Hirshabelle Oo Ku Dhawaaqay Howlgalo Cusub Oo Ka Dhan Ah Alshabaab
Madaxweynaha Dowlad Goboledka Hirshabeel le Cali Guudlaawe Xuseen oo Sahalay dib ugu la abtay caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle isagoo safar dhulka ah uga tegey magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay hawlgalo cusub oo ka bilaabanaya deegaanada Galbeedka Hirshabe lle. Cali Cabdullaahi Xuseen Madaxweynaha Hir shabelle oo labadii sano ee uu maamulka Hirsha belle hayay markii ugu horeysay safar dhulka ah ku gaaray magaalada Jowhar siina maray deegaa no bariga magaalada Jowhar ayaa ka hadlay haw lgalada cu sub ee ka dhan ka ah Alshabab.
"Dhammaan deegaanada Bari ka xiga wabiga Shabelle dowlad goboleedka Hirshabelle waa laga saaray Khawaarijta waxyar ayaana ka haray wax aana aan dhawaan bilaaba ynaa hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta oo looga saarayo dhinaca Galbeed ee Hirshabelle,waxaana dhawaan aan tegeynaa deegaanada Buqaqable, Ceel-Cali iyo Gamboole oo aan ka xoreyn doonaa Khawaarij ta.”ayuu yiri Cali Guudlawe.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa guul wayn oo taariikhi ah ku tilmaamay qabashada degmada Aa dan yabaal oo ay Dorraad la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka.
"Ciidankii howlgalka ka soo bilaabay balcad iyo kuwii ka soo bilaabay feerfeer waxa ay ka wada howl galayaan Aadan Yabaal waa horumar dhab ah oo la gaaray.” Waxa uu Madaxweynaha Hirsh abelle Cali Cabdulaahi Xuseen u mahadceliyay Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sh.Maxamuud da daalka uu ku bixinayo sidii looga xoreyn lahaa Al shabaab guud ahaan dalka oo dhan. Safarka dhulka ah ee uu Madaxweynaha Hir shabelle Cali Cabdulaahi Xuseen uga ambabaxay M/Muqdisho ayaa waxaa ku wehelinayay Gudd oomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan waxana uu soo maray de gmooyinka Warsheekh iyo Raage Ceelle iyo dee gaano ay ka mid ahaayeen Warciise iyo Qoordhe ere oo dhowaan lagala wareegay Alshabaab.
Muxuu deni kala soo noqdey safarkiisi Muq disho?
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gabal-dhicii Isniinta dib ugu soo laabtey caa simada maamulka Puntland ee Garoowe. Deni oo ka soo laabtay Muqdisho ayaa waxa uu sa farkiisi qaatay wax ku siman 30 saac oo kaliya, ta asi oo safarkaasi ka dhigeysa midkii ugu gaabnaa abid ee ugu baxo meel ka baxsan Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa intii uu ku sug na M/Muqdisho waxa uu kulan la qaatay madaxwe ynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ka asi oo looga wada-hadlay mad-madow soo kala dhex-galay labada masuul iyo dalabaad uu watay Deni.
Wararka laga helayo kulanka Saciid Deni iyo Xas an Sheekh oo qaatay ku dhawaad 4 saac ay aa waxay sheegayaan in aan kulanka wax is fah am ah ka soo bixin, taasi oo kaliftey in madaxwey naha Puntland uu si deg-deg ah uga soo baxo magaalada Muqdisho.
Khilaafkan ayaa salka ku haya magacaabidda saraakiil hogaamin lahayd amniga ciidamada DFS oo ka soo jeeda Puntland, waxaana Deni uu ku do odayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo, intii DFS ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay doonto.
Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaa sadda ku jirin.
Dhinaca kale, Deni ayaa saacadihii koobna ee uu ku sugna magaalada Muqdisho waxa uu kulan la qaatey safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaa liya Mr Larry André. Kulankaasi ayaa waxay 2da masuul uga wada-hadleen xaalada maamulka Pu ntland iyo arrimo kale oo la xiriira amniga.
Illo-wareedyo ka agdhawaa kulankaasi ayaa soo warinaya in madaxweynaha Puntland lagu ca naantey qaabkii uu u dhaqmey markii ay saraakii sha Ameerikaanku dib ugu laabteen magaalada Gaalkacyo, waxayna dhinacyadu isla qaateen sida loo sii wada shaqeyn karo.
Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Sal dhig ay ku sugan yihiin Ciidanka Puntland
xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa Dorraad waaberigii hore waxaa ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Puntland ku leeyih iin degaankaBuuraleyda ah ee Galgala ee G/ Ba ri. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiic dhowr ah oo ku dhacay Saldhiga iyo agagaarkiisa, sidoo kalena Ciidamada Puntland ay dhankooda tiro madaafiic ah ku jawaabeen.
Weli lama cadeyn khasaaraha ka dhashay mad aafiicda, hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay we erarka ayaa waxaa ay sheegeen in ay madaafii cda la heleen Gudaha Saldhiga Ciidamada Puntl and, isla markaana khasaaro ku gaarsiiyeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka buuraleyda ah ee Galgala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ay hal kaasi ka wadaan howlgallo kala duwan iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay kaga jawaabayaan weer arka madaafiida ah ee lagu soo qaaday.
Dhowr jeer
oo hore ayaa Al-Shabaab waxa ay weerar hoobiyeyaal ah iyo mid toos ah ku qaade en
Saldhigyada Ciidamada Puntland ay kuleeyihi in degaannada Af-Urur iyo Galgala,
waxaana Pun tland ay sheegtay inay iska difaacday weerarads.
Xildhibaan baaq deg deg ah soo saaray kadib qabsashada Aadan Yabaal
Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirs an Golaha Shacabka ayaa si weyn u bogaadiyay xoreynta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isaga oo dowladda u direy ba aq deg deg ah.
Xildhibaan Ayuub ayaa dowladda Soomaaliya u gu baaqay in ay adee gyada dadweyne si dha khso ah u gaarsiiso degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal iyo dhamaan deega anada laga xor eeyo argagixisada Al-Shabaab.
"Waxaan hambalyo u dirayaa geesiyaasha Cii danka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada dadka deegaanka ee soo hoyey guushan weyn. Waxay mudan yihiin ammaan iyo gacansiin si loo xoojiyo dedaalada dalka looga xoraynayo Khawa arijta Alshabaab,” ayuu yiri Xildhibaan Ayuub Ism aaciil Yuusuf.
Waxa uu sii raaciyay "Soomaaliya waxa ay ku jirtaa dagaal qaran oo dalka looga xoraynayo ca dawga arxanka daran ee argagaxisada Alshabaab oo in ka badan 15 sano afduub u haysta waddan keenna. Dadka Soomaaliyeed iyo dawladdooda waa in ay iska kaashadaan ciribtirka cadawgan oo hortaagan nabadda, horumarka iyo midnimada um madda Soomaaliyeed.”
Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in la xejisto dhamaan guulaha laga gaaray howl-galka dagaal ee socda, islamaarkaan maamul daadajin loo sameeyo dhulka la xoreeyo.
Ugu dambeyntiina waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadiyay sida wanaags an ee u hoggaaminayo hawl-galka dagaal ee dal ka looga sifaynayo Khawaarijta Al-Shabaab.
"Dhammaanteen waa inaan Madaxweyna ha iyo maamulkiisa ku gacansiinnaa hawshan qaran. So omaaliya waa ka guuleysanaysaa cadawga gudaha iyo kan dibadda insha Allaah. Soomaaliya ha noolaato.”
DF oo garwadeen ka noqotay heshiiska ‘isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta’
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis sahlaya ‘isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta’ kaas oo suurta-gelinaya inay is wici karaan shabakadaha bixiya xiriirka teleefannada ee ka jira dalka.
Heshiiskan ayaa dhigaya in xiriirka taleefoona da ee shirkadaha isgaarsiinta la isku furo wixii ka dambeeya 10-ka January 2023-ka, iyadoo la dha meystiri doono isku xirka dhammaan shirkadaha Febraayo 2023.
War-saxaafadeed lagu shaaciyey heshiiskaan ay aa lagu sheegay in arri nka isku xirka mobilka ay tahay howl sharciy ad, wad atashi iyo farasamo wa dajira u baahan, sidaas da rteed loo galay kulamo wadatashi waqti dheer qaa tay, balse natiijo laga gaaray.
Maareeyaha Hey’ada Isgaarsiinta Qaranka Mu stafa Yaasiin Sheekh ayaa sheegay in heshiiskan uu horseedayo horumarinta adeegga isgaarsiinta dalka oo saldhig u ah dhammaan kaabayaasha asha aasaasiga u ah soo kabashada Soomaaliya.
"Isku-xirka shabakadaha ka sokow in uu yahay w aajib sharci ah iyo xuquuq macmiil, haddana waa halbeeg muhiim u ah caafimaad qabka suuqa Isga arsiinta iyo maalgelinta teknolojiyad iyo addeegyo cusub, waxaana rajaynaynaa in heshiiskan uu soo afjari doono wadahadal la soo bilaawday as’aaskii Isgaarsiinta dalka”. Ayuu yiri Maareeyaha Hay’ad da Mustafa Yaasiin Sheekh.
Tallaabadan ayaa soo gebogabeyneysa kala xanibnaanta shirkadaha taleefoonada oo mudo dheer caqabad ku ahayd dadka Soomaaliyeed iyo shirkadaha isgaarsiinta, sida uu xusay wasiirka Is gaarsiinta &Tiknolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif.
Mas’uuliyiinta shirkadaha ee saxiixay heshiiska ayaa bogaadiyay sida loo soo dharaandhiriyay he shiiska oo is waafajiyay shuruucda dalka, baahida taagan, caqabadaha howshan ku xeeran iyo la jaa nqaadidda nidaamka caalamiga ah ee isku xirka moobeelka, taas oo ka dhigeysa mid muddo koo ban si fudud lagu hirgalin karo.
Waa tallaabo kale oo xoojineysa heerka ay Soo maaliya kaga jirto isgaarsiinta qaaradda iyo dunid aba, fursada cusubna u abuureysa suuqa isgaarsi inta dalka, dhanka kalena sahleysa nolosha iyo is ku xirka bulshada.
Heshiiska oo ay wadajir u saxiixeen maareeya ha hay’ada Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh iyo madaxda shirkadaha isgaarsiinta wa xaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta ugu sareysa wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiya dda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud.
Go’aan deg deg ah oo kasoo baxay shirka Lafta-gareen iyo laamaha amniga
Madaxweynaha dowlad-goboleedka K/Galbe ed Md.Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo Sahalay dib ugu soo laabtay dalka ayaa gudoo miyey shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga deegaanada Koonfur Galbeed.
Shirka oo ay isugu imaadeen saraakiisha laa maha amniga qeybahooda kala duwan ayaa waxa laga soo saaray go’aan deg deg ah oo howl-galka dagaal ee ka dhan ka ah Al-Shabaab looga bilaabayo de egaanada maamul kaasi, gaar ahaan gobol ka Baay.
"Shirkaan waa kama dambeysay a waamiir ay aa la kala qaatay oo fulinteeda hadda ku dhaqaa qeyna. Waxaa lagu go’aamiyay shir kaan in howl-galo deg deg ah ay ka bilaaban doonaan gobolka Baay, saacadaha soo socda waa dareemi doonta dhamacda kulul ee idinku soo socota.” Saraaki isha shirkaan kasoo qeyb-gashay oo kala ahaa Ta liyaha Booliiska KGS, Taliyaha Boliiska gobolka Baay, Taliyaha Saldhiga Baydhabo, Taliyaha Ciid anka Madaxtooyada KGS iyo Saraakiil ka socday ciidanka xooga qeybta 60-aad, ayaa waxa uu madaxweynaha K/ Galbeed faray in sidoo kale la ballaariyo howl-galada ka dhanka ah cadowga.
"Dadweynaha reer K/Galbeed gaar ahaan G/Baay oo hadda uu ka bilaaban doono howl-gal ka waxaa ka codsaneyna inay ciidamadooda gac an siiyaan oo u tilmaaman cadowga oo ay baacs an doonaan. Waxaa dareemi doontaan nabad-gel yo. Waa go’aankii u dambeeyay waana bilaabana ya howl-galka.”
Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shaba ab oo ay muddooyinkii dambe iska kaashanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo cad owga laga xoreeyay deegaano dhowr ah oo ay sanado badan gacanta ku hayeen
Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Mid oobay oo iska kaashanaya wax ka qaba shada Abaaraha Soomaaliya
Shir wadajir ah oo dhex maray ururka Jaam aca da Carabta iyo Qaramada Mid oobay ayaa loo ga hadlay si dii wax looga qaban lahaa xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya.
Shirkan ayaa inta badan ujeedadiisu ahayd sidii la iskaga kaashan lahaa dadaallada ay urura du ugu jiraan ka hortagga khatarta abaaraha iyo macluusha ka jirta gobollo badan oo Somaliya ah.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Mi doobay Danjire Hossam Zaki oo ka hadlayay ujee ddooyinka shirka ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay garwaaqsatay xaaladda adag ay keen tay abaarta inay ku baaqdo shir loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galayaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya.
Zaki ayaa intaa ku daray in shirka soo socda uusan ujeedkiisu ahayn in la helo ballan qaadyo gaar ahaan maadaama baahida Soomaaliya ay ta hay mid aad u ballaaran, balse ay tahay in la isku dubbarido dadaallada ka dhexeeya Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay si loo gaaro da naha Soomaaliya
Koox burburin ku bilowday qubuuraha caanka ah ee Macalin Nuur
In ka badan 30 sano meydad ku aasnaa qubuu raha Macalin Nuur ee deegaanka KM 13 ee dulee dka Muqdisho ayaa lagu bilaabay in dib loo fago, iyadoo aan la ogeyn cidda fageysa iyo sababta loo burburinayo qubuurahaas.
Gabar uu dhalay caalinkii weynaa Macalin Nu ur oo tob anaan sano ka hor sadaqeyst ay dhulka ay ku yaallaan qubuurahaan ayaa warbaahinta u sheegtay in aysan garaneyn cidda ka dambeysa falkaan.
Gabadhaan waxay sheegtay in reer Macalin Nuur aysan waxaba ka ogeyn falkaan, balse ay sa meynayaan ‘dad uu hunguri ka galay’ dhulka ay qubuurahaan ku yaallaan.
Sidoo kale waxaa halkaas tagtay koox dhalinya ro ah oo ka socda qoyska reer Macalin Nuur, wax ayna warbaahinta u sheegeen inay ka hor tegi doo naan falkaan, wixii horay u dhacana ay saxayaan oo qubuuraha la qoday ee dib u aasayaan.
Warbaahinta maxaliga ah ayaa soo bandhigt ay burburinta lagu sameeyey qubuurahaas uu dhu lkooda sadaqeystay caalimkii weynaa Macalin Nu ur, iyadoo banaanka loo soo saaray meydadka dad la aasay tobanaan sano ka hor.
Dad meydadka ehelkoodii geeriyooday ban aan ka loo soo saaray iyo kuwo garan waayey hal kii ay meydka ku aasteen, kadib burburintii lagu sameyey qubuuraha ayaa warbaahinta la had lay.Dadkaan ayaa dowladda ka codsaday inay wax ka qabato rag la garan waayey qorshaha ay damacsan yihiin oo la arkay iyagoo burburinaya oo ’Baldoos ku xaaqaya’ dhulka ay ku yaallaan qubuuraha Macalin Nuur. Qubuurahaan oo aad u baaxad weyn tobana ankii sano ee lasoo dhaafay na dadka geeriyooda lagu aasayey ayaa ku yaalla deegaanka Tareedi sho oo dhaca inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Cee lasha Biyaha waxayna can ku yihiin magaca ‘Qubuuraha Macalin Nuur.’
Galmudug: Dhuusamareeb oo laga dha gax dhigay xarunta gurmadka deg-degga ah
Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibo oyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wahli yaan Wasiirka Gargaarka Galmudug Abdirahman Makkaawi iyo Duqa M/Dhuusamareb ayaa si wad ajir ah u dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg de gga ee D/G/ Galmudug.
Gudoomiyaha SODMA ayaa sheegay in ay dha waan dhisi doonaan Xarunta Gurmadka deg de gga ah, taas oo baahi wayn looga qabo deegaann ada Galmudug.
Sidoo kale wasiirka W/Gargaarka Galmudug oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga xar unta ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay dhism aha xaruntaan taas oo uu oga mahad celiyay hay’ adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka.
Ugu danbayn, Gudd.ye Maxamuud Macallin ayaa u mahadceliyay wasiirka Wasaaradda Garga arka&Duqa ee Galmadug Geedaqorow sida wan aagsan oo ay hay’adda u soo dhaweeyeen uguna deeqeen dhul laga dhiso xarun loogu adeeggo shacabka Galmudug.
XASAN SHEEKH oo arrin muhiim ah ka sheegay xiritaanka shirkii Jabuuti
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Sahalay soo xiray shirkii Heritage ee ka socday wadanka Jabuuti ayaa mar kale si qota dheer uga hadlay halganka dalka looga xorey nayo kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhulka HirSha beelle uu intiisa badan ka soo baxay gacanta Al-Shabaab, isagoo tusa ale u soo qaatay in hal degmo oo Hiiraan ka tir san aysan maa mulin.
"Bartamaha Sooma aliya labada dowlad go boleed ee ku taalla, dhul badan ayaa laga xoreeyey Shabaab, Hiiraan hal degmo kama taliyaan, Sh/ Dhexe degmada Ruun-nirgood ayey ku dambeey aan, gaarigii Xamar laga kaxeysto ayaa lagu tag aa lixda de gmo ee kale ee Sh/Dhexe,” ayuu yiri mada xweynuhu.
Xasan Sheekh ayaa aad u amaanay ciidanka xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dam beysay Aadan-Yabaal oo Sahalay ay si rasmi ah dowladdu u xaqiijisay in laga xoreeyey Al-Sha baab.
"Ciidamada Qaranka iyo shacabka soomaaliy eed waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaal ka Khawaarijta, waxaa u dambeysay degmada Aadan Yabaale oo ay dadkeenna ku dhibi jireen Sahalayse xor ah. Al-shabaab waa ku jabeen da gaalka tooska ah. Alle mahaddi waxaan soo gaa rnay heer dadkeennu ka doodayaan Shabaab ka dib dalka halkee loo jiheynayaa,” ayuu yiri Mada xweynuhu.
Shirkaan uu qabtay Machadka Heritage ee Ma daxweyne Xasan Sheekh uu Sahalay soo xiray ay aa looga hadlayey arrimaha ku geedaaman isbed elka cilillada, wuxuuna madaxweynuhu ka hadlay qorshaha dowladdiisa ee isbedelka ku yimid cim illada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad ugu ma hadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti oo bu d-dhig u ahaa dhismaha dowladda Soomala
iyeed, isagoo ka taariikheeyey sida ay Jabuuti u soo caawisay dadka Soomaaliyeed
Faysal Cali Waraabe oo markale ka dayr iyay ururada siyaasada Somaliland
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somali land ee UCID, ayaa sheegay in ururada siyaasada ee cusubi ay Somaliland burburinayaan.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in nidaamka furista ururada ee uu madaxweynaha Somaliland hor kacayaa uu uu Somaliland burbur u horseedi doono. "Waxad maqasheen anoo leh mashruuca uu wa do Muuse Biixi waa burburka Somaliland, macna heedu maaha ana burburinay a, lakiin waa habkay u burburaysay" ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe.
Waxa uu ku andacooday in sharciga ururada si yaasada ee xukuumadu gadhwadeenka ka tahay uu yahay sharci ogolaanaya in beel kastaaba urur gaar ah furato.
"Bal Muuse waxad waydiisan, wuxuu leeyahay sharci baan ilaalinayaa oo uu gaalada u sheegay, anagaaba ku ixtiraamaynee intu soo fadhiisto shar ciga uu ilaalinayo ha sheego sharciga odhanaya jilib kastaaba urur ha furto" ayuu yidhi Guddoo miye Waraabe.
Xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka Somal iland, ayaan wali ka heshiin ta soo horaynaysa do orashooyinka ururada siyaasada iyo madaxtoyada
Guddiga Difaaca Ee Golaha Shacabka Oo Kulan Ka Yeeshay Cabasho Ka Timid Xildhibaanada
Guddiga Difaaca ee G/ Shacabka ayaa Sahalay yeeshay kulankoodii caadiga ahaa waxaana shir guddoominayey G/Guddiga mudane xil.Yuusuf Geelle Ugaas. Ajandaha kulanka Ayaa ahaa in la falanqeeyo warqad G/Golaha Shacabka uga timid Guddiga oo ku saabsaneed cabasho ka timid qaar ka mid ah xildhibaanada BJFS taasi oo aheyd in is hor istaag lagu sameeyey isu socodkooda si aan munaasab aheyna loola dhaqmay.
Guddiga oo Arinkaas ka Duulaaya waxay icla amiyeen in kulan wadajir ah la qaataan Guddiga amniga kadibna Gudi farsamo lasoo magacaabo oo ka socda labada guddi si baaritaan sax ah loo gu sameeyo arintaas dhacday iyo cida Amarkaas bixisay.
Madaxweynaha Somaliland oo shuruudo ku xidhay wada-hadal u furma xukuuma da Soomaaliya
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cab di, ayaa wada-hadal u furma xukuumada Sooma aliya ku xidhay 7 shuruudood oo ay ugu horayso in loo wada-hadlo sidii 2da dowladood, iyo in la he lo xal ku dhamaada 2da dowladood oo kala mad axbannaan.
Madaxweynaha oo qaabilay ergo ka kala soco ta waddamada Norwey iyo Turkiga oo u socday dib u bilaabida wada-hadalada xukuumada Somali land iyo Soomaaliya, ayaa ergada ku wargaliyay in Somaliland diyaar tahay hadii la helayo wada-hadalo macno leh.
Madaxweynaha ayaa ergada u sheegay in la hirgaliyo dhamaan heshiisyadii lagu gaadhay wa da-hadaladii hore, hadii la doonayo in dib loo bil aabo wada-hadalada, iyo in la helo nidaam caala mi ah oo dhex dhexaadin ah, kaasi oo damaanad qaadi kara fulinta qodobada lagu heshiiyo.
Waxa uu soo jeediyay in la helo xoghayn maa musha xogta shirarka, xoghayntaasi oo aamin ah, dhexdhexaad ah, isla markaana ku sifowday how lkarnimo, sidookale, waxa uu soo jeediyay in la helo xeerar lagu dhaqmo inta wada-hadaladu so cdaan. Waxa uu ergada u sheegay in loobahanyahay ajende qeexaya khilaafka labada dhinac si looga wada-hadlo arrimaha udub dhexaadka u ah, isla markanaa uu wada-hadalku noqdo mid wakhtiyay san oo wakhti xadidan kusoo dhamaada.
Somaliland sannadkii 2012 ayay markii u hora ysay ogolaatay in ay la hadasho Soomaaliya, lak iin kadib wada-hadalo is xig xigay oo sannado so cday wax natiijo ah oo la taaban karo lagama gaa dhin, Somaliland ayaa xukuumadii hore ee Soom aaliya ku eedaysay in ay ka baxday heshiisyadii la galay. Hoos ka akhriso 7 shuruudood ee Somalila nd ku xidhay wada-hadlada Soomaaliya
1. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku ad kaysanaysaa in la helo hanaan laba dawladood iyo xal ku dhamaada laba dawladood kala madax-bannaan, sababtoo ah waxaanu ahayn laba dawl adood oo xor ah oo iskood u midoobay 1dii july, 1960. Balse kala noqday 1991-kii, waxaana intaa dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee la soo dhaafay ahayd dawlad madax-bannaan oo ku nool nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hir-gelisay wareegyo badan oo doorashooy in xor iyo xalaal ah. Somaliland waxa ka dhacay shan (5) xilwareejin madaxweyne oo nabad ah. 3 ka mid ah iyaga oo loo marayo doorashooyin toos ah ayey qabsoomeen.
2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtir aamaa oo la hir-geliyaa si degdeg ah, tani waa ha bka kaliya ee lagu dhisi karo kalsoonida.
3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin ah oo caalamiya (International mediation mechanism) oo dammaanad qaadaya fulinta natiijada ka soo baxda wada hadalka.
4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydin ta xogta, isla markaana Xoghayntu waa inay ku si fawdo dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay u lee dahay karti iyo xirfad hawshan.
5. Waa inuu jiraa mabaadi'dii (principles) muhi im ah iyo xeer-dhaqan (code of conduct) oo hana anka wada-hadalku saldhig u noqon doono.
6. Waa in uu jiraa Ajende cad oo qeexaya khil aaf ka u dhexeeya labada dhinac, si looga wada wa da-hadlo arrimaha udub-dhexaadka u ah khila afka.
7. Wadahadalku waa inuu ku soo gebegaboo bo waqti xaddidan.
Raysal Wasaaraha Somaliya oo qaabilay Wakiilka Shiinaha ee Afrika
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa Dorraad Magaalada Muq disho ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Afrika, Danjire Liu Yuxi.
Raysal Wasaaraha iyo Wakiilka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal ee Somaliya iyo Shii naha.
Danjire Yuxi ayaa Raysal Wasaare Barre soo gaarsiiyay salaan diiran, oo uu uga siday dhiggiisa Shiinaha, Li Keqiang, waxaana uu sheegay in D/Shiinuhu ay ka go’antahay xoojinta iskaashiga iyo taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.Raysal Wasaare Barre ayaa dhina ciisa soo dhaw eeyay xiriirka is qadarinta ku dhis an ee 2da dowla dood, waxaana uu uga mahad celiyay Dowladda Shiinaha taageerada dhinacy ada kala duwan ee Somaliya ay siiso.
Seddax guul-darro oo Al-Shabaab ka soo waj aheysa luminta AADAN-YABAAL
Sanado badan kadib Sahalay dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay gacan ku heynta maamulka degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo uusan dagaal ka dhicin.
Aadan-yabaal Al-Shabaab waxay u aheyd saldhig weyn oo weerarrada gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ay ka abaabulaan, sidoo kale waxay Aadan-yabaal Al-Shabaab u aheyd ildhaqaale.
Xoreynta Aadan-yabaal waxay guul weyn u tahay dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay mid ka mid ah yoolalkeedii ugu weynaa todobaadyadaan, halka Al-Shabaab ay soo wajihi doonaan seddax caqabadood oo soo kuusaya cimrigooda gobollada dhexe.
1 – Al-Shabaab waxaa ku adkaa doonta inay sii heystaan dhulka ay hadda ka joogaan gobolka Shabeellada Dhexe.
2 – Waxa meesha ka bixi doona weerarradii rogaal celiska ahaa ee laga abaabuli jiray Aadan-yabaal oo Al-Shabaab ay ku qaadi jireen deegaanada koonfurta iyo bariga gobolka Hiiraan.
3 – Qorshaha xiga xoreynta Aadan-yabaal waa in ciidanku ay u sii gudbaan gobolka Galgaduud oo kooxda laga xoreeyo Galcad, Mesega-waa, Ceeldheer ilaa Ceelbuur.
Deegaanada gobolka Hiiraan ayaa hadda kadib ka nasa doona weeraradii Al-Shabaab ee laga soo abaabuli jiray Aadan-Yabaal, waxaana guushaan HirShabeelle ay halganka ka soo hoysay fariin u direysaa dowlad goboleedyada kale, sida Jubbaland, Galmudug iyo K/Galbeed.
Markii la eego guusha HirShabeelle ee dagaalka Al-Shabaab, waxaa la sugayaa goorta ay Galmudug xoreysa doonto Xarardheere iyo Ceelbuur oo ay dhaqaaqi doonaan ciidanka ku sugan Qaayib, Dhuusamareeb iyo Wisil.
Madaxeynaha Soomaaliya oo Sahalay ka hadlay dagaallada ka socda dalka ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu war lagu farxo ka imaan doono Jubbaland iyo K/Galbeed, Al-Shabaab-na ay tageen oo ay taariikh tahay.
"K/Galbeed iyo Jubbaland waxaa ka socda diyaar garow aan caadi aheyn, dadka iyo ciidanka ayaa abaabulan, labadaas dowlad goboleed gobolladooda war fiican ayaa ka soo socda, halka HirShabeelle iyo Galmudug ay ka sii xoroobayaan cadow, dadka Soomaaliyeedow walaalayaal Shabaab waa taariikh, waana tegay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
.Aljazeera oo dacwad ka dhan ah Israa'iil u gudbisay maxkamadda ICC
Telefishinka Aljazeera ayaa Talaadadii sheegay inay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada u gudbisay dacwad ka dhan ah ciidamada Israa’iil oo ku saabsan dilka weriye Shireen Abu Akleh, oo lagu toogtay weerar ay Israa’iil ku qaadday Daanta Galbeed bishii May.
Aljazeera ayaa sheegtay in Dacwadan ay daba socotay baaritaan ay sameeyeen kooxda qareennada ee shabakada wararka ee telefishinka Aljazeera.
"ICC waa inay caddeysaa shaqsiyaadka sida tooska ah ugu lug lahaa dilka Abu Akleh" ayuu yiri qareenka Aljazeera Rodney Dixon KC oo shir jaraa’id ku sheegay Talaadadii magaalada Hague.
"Go'aannada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa dhigaya in kuwa mas'uulka ka ah la baaro oo lala xisaabtamo, haddii kale, waxay qaadaan mas'uuliyadda la mid ah sidii kuwii rasaasta furay," ayuu yiri Dixon. Marxaladda ku xeeran dilka Abu Akleh ayaa lagu muransan yahay.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Yair Lapid ayaa Talaadadii sheegay in cidina aysan su'aalo weydiin doonin askarta Israa'iil.
"Qofna wax su'aalo ah ma weydiin doono askarta Israel, qofna naguma wacdiyi doono akhlaaqda dagaalka, hubaal ma ahan shabakadda Al Jazeera," ayuu yiri Lapid. Reuters.
Maxkamadda Sare Ee Pakistan Oo Amar Ka Soo Saartay Weriye Caan Ahaa Oo Lagu Dilay Kenya
Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa u magac awday guddi ka kooban shan garsoore si ay u kor meeraan baaritaanka lagu hayo dilka wariye caan ah oo lagu toogtay dalka Kenya.
Arshad Sharif ayaa bishii October ee sanadkan waxaa toogasho ku dilay ciidamada booliska xili uu ku sugnaa dalka ku yaala bariga Afrika, iyadoo boolisku ay sheegeen inuu ahaa kiis lagu qaldamay.
Mr Sharif ayaa ahaa nin si weyn u dhaleeceeyay ciidamada Pakistan, waxaana dilkiisa uu caro xoogan ka dhaliyay guud ahaan dalka Pakistan.
Maxkamadda ayaa shaacisay guddiga ka kooban 5-xubnood oo uu hoggaamin doona guddoomiyaha maxkamadda sare Umar Atta Bandyal. Bayaan ka soo baxay maxkamada ayaa lagu sheegay in ay jawaabo ka dalbatay wasaaradaha arrimaha dibadda iyo gudaha ee Pakistan.
Faahfaahino kasoo baxaya weerar khasa are geystay oo ka dhacay duuleedka magaalada Gaarisa
Dagaalamayaal ka tirsan kooxda Shabaab ayaa weerar jidgal ah oo khasaare geystay ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidanka dalka Kenya oo maraayay duuleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.
Weerarka dhabagal ka ah ee ciidamada Al-shabaab la beegaadeen kolonyada gaadiidka ay ku socdaalayeen ciidanka dowladda Kenya ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa deegaanada Weelmareer iyo Yunbis, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamada Kenya iyo dagaalyahanada ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dad deegaanka oo qaarkood warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada Kenya lagu dhuftay qorayga loo yaqaano Sabanka, kaasoo dhinac ka gubtay, hayeeshee aysan xaqiijin karin khasaaraha raamiga ah ee gaaray askartii saarneyd gaariga Sabanka lagu dhuftay.
Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka jigdalka ah ayaa sidoo kale waxay sheegeen in khasaare xoogan ay weerarka ku gaarsiiyeen ciidanka Kenya ee ku socdaalayay inta u dhaxeyaa deegaanada Weelmareer iyo Yunbis.
Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Kenya ayaa sheegeen iney fashiliyeen weerarkii kaga yimid Ururka Al-Shabaab, islamarkaana haatan ay wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan raggii weerarka kusoo qaaday.
Dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab ayaa inta badan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka waqooyi Bari ka geysta weeraro gaadmo ah, mid toos ah iyo qaraxyo ay la beegsadaan ciidamada dalka Kenya oo haatan ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.
Bannaanbaxayasha iyo Milateriga Sudan oo heshiis gaaray
Dalka Sudan waxaa heshiis ku saxiixay militariga dalkaasi iyo guddiga shacabka, si loo soo afjaro is marin waaga siyaasadeed ee muddooyinkii u dambeeyey kajiray dalkaasi.
Heshiiska cusub ayaa dhigaya in dowlad cusub ay wada dhistaan militariga iyo rayidka, iyo in mudaddaasi lagu diyaariyo barnaamij kala guur siyaasadeed oo Sudan looga hergelinayo dowlad rasmi ah oo rayidku hoggaamiyo.
Muddo sabado ah ayaa waxaa khalalaaso siyaasaded iyo mid amni uu kajiraa dalka Suudaan, hayeeshee dhawaan la rajeeyna yo inay dhammaadaan oo la dhiso dowlad ay ku midysan yihiin Millateriga iyo Rayidka.
Ciidamadda Itoobiya Oo Loo Heysto Xas uuq Ay U Geysteen Maxaabiis Tigrey Ah.
Warbixin uu daabacay wargeyska caaanka ah ee Washington Post ayaa muujinaysa in ciidamo Ethiopian ah oo ilaalinayey maxaabiis iyo dadka shicib ah oo ku sugan qaar ka mida magaalooyinka yaryar ee Ethiopia inay bishii November ee sannadkii hore inay laayeen illaa 83 maxbuus oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigrayga, kuwaas oo lagu hayey xero ku taalla dhinaca Koonfureed ee dalka Ethiopia.
Warbixinta ayaa dhacdadan ku tilSahalayy inay ahayd mid ka mida dilalkii ugu dhimashada badnaa ee loo geysto qaar ka mida maxaabiista ciidamada Tigrayga, tan iyo intii ay colaaduhu ka bilaabmeen dalkaas.
Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in dilalkan oo aan hore loo shaacin in la geystay bishii November 21-keedii ee sannadkii 2021, waxaana dilalkaasi ay ka dhaceen xero u dhow magaalada Mirab Abaya, halkaas oo lagu hayey in ka badan 2000 oo askari oo Tigray ah oo la soo xidhay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay wargeyska Washington Post, in 16 illaa 18 ka mid ah ilaalada xeradaasi inay rasaas ku fureen maxaabiista, gelinkii dambe ee maalintaas, taasoo keentay in qaar badani ay u cararaan dhinaca duurka ama kaymaha, waxaana eryaday ciidamada dalka Ethiopia.
Warbixinta la daabacay ayaa intaas ku dartay, in ka dib markii ay carareen maxaabiistu muddo ku dhow saacad, inay is heleen qaar ka mida dadka deegaanka, iyaga oo ka baryay inay caawiyaan, hase ahaatee, halkii ay filayeen in la caawiyo, waxaa weerar ku soo qaaday koox hubaysan oo ka kooban illaa 150 qof, kuwaas oo watay baangado, ulo iyo dhagxaan, waxayna weerar ku qaadeen maxaabiistii soo baxsatay ee Tigreega ahayd.
Goobjoogayaasha ayaa sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay in si khaldan loogu sheegay in maxaabiistan Tigreegu inay yihiin maxaabiis dagaal oo ka masuul ahayd geerida, saraakiil ciidan oo laga laayey bulshada deegaankaas.
Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in askarta la laayey, inaanu midkoodna ka qaybgelin dagaalada looga soo horjeeday ciidamada Ethiopia.
Weeraradan ayaa dhacay xilli ciidamada Tigreegu ay ku sii siqayeen caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Maxaabiista sheekada lagu wareystay ayaa ku qiyaasey in weerarrada ay ka dhasheen cabsi ama rabitaan aargoosi.
Meydadka 83-ka qof ee Tigrayga ah ayaa lagu aasay xabaal wadareed ka baxsan xerada xabsiga, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.
"Waxa la isu dulsaaray sidii qoryo oo kale,” ayuu yidhi mid ka goobjoogayaashu.Wargeyska ayaa sheegay inay waraysteen in ka badan labaatanee yo qof oo ay ku jiraan qaar ka mida maxaabiista, shaqaale caafimaad, saraakiil ciidan iyo qaraabo ka soo jeeda deegaanka, ka hor intii aan warbi xintan la daabicin maalintii Isniinta
KADIB CIYAARA XARAARAD LAHAYD, XULKA MOROC CO OO KA TAQALUSAY SPAIN, WAREEGA 8 DHAMA ADKA AYAAY ISKA XAADIRIYEE
Xulalka Morocco Iyo Spain ayaa soo bandhigay mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan koobka adduunka sanadkan kadib markii ay isku haleeleen wa reega 16-ka koobka addu unka.
Kulanka ayaa ahaa mid adag o ay labada xul isugu jawaabayeen fursado isla markaas xul walba doo nayay in uu ku hor maro goo lka furitaanka.
Xulka Morocco ay aa adeegsanayay weera ro rogaal celis ah xilli uu xulka Spain maamulayay ciyaarta isla markaas kubada haystay inta badan ee ciyaarta.
Morocco ayaa dar-dar badnaa iyaga oo marar badan ku dhawaaday in ay Spain ka dhaliyaan goolal xilli Xulka Spain ku dhibaato oday in ay dhaafaan daafaca Xulka Morocco. Kadib dadaal ay sam eeyeen xiddigaha labada xul waxa ay 90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah inkasta oo ay labadooduba fursdo fiican heleen. Xulko Morocco ayaa ahaa midka helay fursadaha ugu bada ee halista ah iyaga oo laba jeer ku dhawaaday in ay hogaanka u qabtaan ciyaarta laakiin iska khasaariyay fursado fiican.
Dhinaca kale xulka Spain ayaa helay hal fursad oo kaliya inkasta oo ay ahaayeen xulka inta badan ciyaarta maamulayay isla markaas kubada haystay.
Kadib markii ay ku kala bixi waayeen waxa lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah si ay midkood guul u gaadho uguna gudubto wareega xiga ee tartanka.
Labada xul ayaa wax goolal ah kala dhalin waayay waxana la isla tagay rikoodhayaal ama gool ku laad si midkood u badiyo.
Goolhayaha Morocco ayaa qabtay ama badbaadiyay 3-dii riko odhe ee ugu horeeyay ee xulka Spain xilli ay xiddigaha Morocco dhaliyeen 3 ka mid ah 4-tii rikoodhe ee ay heleen.
Xuka Morocco ayaa rikoodhayaal kaga badiyay xulka Spain ka dib markii Goolhayaha Morocco noqday Geesiga Xulkiisa isla markaas qabtay 3-dii rikoodhe ee ugu horeeyay ee xulka Spain
HAWEENKU MA WAXAY KA HELAAN NIN COD WEYN MISE NIN COD YAR?
kulanka ugu horreeya marka qofka laga qaadanayo feker, waxaan ahmiyad weyn siinnaa sida uu qofku u hadlayo.
Maxay tahay sababta?
Sababtu waxay tahay codkeenna ayaa xambaarsan warbixin badan oo nagu saabsan.
Melissa Barkat Defraudes, oo ku takhasustay luqadaha waxna ka dhigta Jaamacadda Montpellier, ayaa sheegtay in codkaaga oo aad ku tiraahdo erayo aadna dadka kula wadaagto warbixin, aysan keliya ka tarjumeynin halka aad ka soo jeeddo ee balse ay qeexeyso qofka aad tahay.
'Waxay ka tarjumeysaa caafimaadkaaga maskaxda iyo guud ahaan – tayada codkaaga ayaa bixinaysa warbixin adiga kugu saabsan.'
Waxaa jira farqi la taaban karo oo u dhaxeeya codadka dadka oo aad si fudud ku aqoonsan karto, kaddibna aad sekenno gudahood feker uga qaadan karto qofka.
Balse ka warran tayada codka ee aan gaar ahaan raadineyn? Ama tusaale ahaan, sidee ayaan u doorannaa hoggaamiye annagoo ku saleyneyna codkiisa?
Natiijada doorashooyinka ayaa muujiya in inta badan ay guuleystaan musharraxiinta codadka dhaadheer.
Dadka uu codkoodu awoodda leeyahay ayaa loo arkaa in ay yihiin kuwo la aamini karo, inta badan shaqooyinka hela ahna dadka aadka loo doonayo.
Waxaa xiiso leh, in codkeenna iyo lahjaddeenna ay is beddelaan marka la eego hadba deegaanka aan joogno, sidoo kale dadka kale ayaan ku dayannaa waxaana doorannaa saaxiibbada ay isku ekyihiin lahjaddeenna iyo codkeenna. Dumarka ayey arrintan saameysaa dookh ahaan
XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Katarzyna Pisanski, oo wax ka dhigta Jaamacadda Lyon, ayaa sheegtay in 'wada hadalka caadiga ah ay wax caadi ah tahay inaan beddelno codkeenna iyo qaab hadalkeenna si aan ula mid noqonno qofka kale. Haddii uu qof si tartiib ah u hadlayo, sidoo kale tartiib ayaan u hadalnaa. Haddii uu qof xoog u hadlayo sidoo kale isla sidaas ayaan u hadalnaa. Waa awood aan u leennahay inaan xiriir la sameyno dadka kale.'
Marka la eego soo jiidashada dareenka leh, ma dhihi karnaa codka dadka qaarkood ayaa ka soo jiidasho badan qaar kale?
Muddo aad u dheer, waxaa loo maleynayaa in codka xooggan ee siyaasiyiinta ka dhiga kuwo caan ah uu sidoo kale ragga ka dhigo kuwo soo jiidasho leh."Hoormoonka testosterone ee ragga ayaa lala xiriiriyaa codkarnimada, taasoo micnaheedu yahay haddii codkaagu uusan awood lahayn, ay ka dhigan tahay in hoormoonkaaga testosterone uu daciif yahay," ayay tiri Melissa Barkat Defradis.
'Waxaan ognahay in testosterone uu muhiim u yahay ragga. Haddii uu ninku leeyahay cod dhiirran, uu heli karo lammaane isla markaana uu carruur badan dhali karo.'
Waxay sheegtay in 'isagoo adeegsanaya codkiisa uu ninku soo jiidan karo lammaanriisa. Tan waxay ka dhigan tahay in qofku uu sidoo kale leeyahay hab difaac fiican uuna yahay qof dhiirran oo leh xirfado hoggaamineed.'
Taasina waxaa sababta ay khubarrada baayolojigu u qabaan in codka awoodda leh uu soo jiito haweenka.
Bal malee haweenkana?
Codad badan oo daafaha adduunka laga soo duubay, ayaa la ogaaday in haweenka codka dhiirran ay si deg dge u helaan lammaane.
Sidoo kale waxaa la sheegay in in haweenka da’da yar ay leeyihiin cod dhiirran, codkooduna uu ka tarjumayo da’dooda iyo sida ay soo jiidasho u leeyihiin.
Dumarka ayaa dhanka kale lagu xushaa codka dabacsan
XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Baaritaan laga sameeyay arrintan, ayaa lagu ogaaday in haweenka ay codkooda sare u qaadi jireen xilliyada shukaansiga, balse sanadihii ugu dambeeyay, baarayaasha qaarkood ayaa sheegaya in arrintan uu isbeddel ku imaanayo.
Katarzyna Pisacinki, ayaa daraasad ku sameysay haween qof la sheekeysanaya muddo lix daqiiqo ah, waxaana la weydiiyay in ninka ay la sheekeysanayeen ay ka heleen iyo in kale.
Katarzyna Pisanski ayaa is barbar dhigtay codadkooda waxayna ogaatay in haweenkan ay codkooda dabciyeen markii ay la hadlayeen ragga ay ka heleen, halka ay kor u qaadeen amaba aysan codkooda waxba ka beddelin marka ay la hadlayeen kuwa aysan ka helin.
Waxay sidoo kale ogaadeen in raggu ay ka heleen haweenka codka debecsan.
Daraasad taas la mid ah oo lagu sameeyay ragga iyo haweenka Faransiiska u dhashay ayaa lagu ogaaday in ragga Faransiiska ay ka helaan haweenka codka dabacsan XIGASHO:BBC


0 



HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 7-DA DICEMBAR 2022-KA
...