Koofur Galbeed Oo Shaacisay In Olole Ka Dhan Ah Lafta-Gareen Uu Ka Socdo Muqdisho.

0
Monday December 05, 2022 - 11:27:58 in Wararka by
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koofur Galbeed Oo Shaacisay In Olole Ka Dhan Ah Lafta-Gareen Uu Ka Socdo Muqdisho.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa si kulul uga hadlay dhaq dhaqaaqyo uu sheegay in lagu duminayo maamulkooda oo sida uu sheegay ka socdo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiir Ilyaas oo maalmahan magaalada Muqdisho ku sugnaa ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, halkaasoo uu ku qabtay shir jaraa’id uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay qeyb ka tahay amaanka iyo siyaasadda.

Waxa uu sheegay in loosoo qalab qaatay in la dumiyo nidaamka iyo kala danbeybta ka jirta Koofur Galbeed, isagoo dadka mucaaradka ugu goodiyay iney talaabo adag ka qaadayaan, si looga hortago qalalaase ka dhaca deegaanada maamulkaas.

Si kastaba, hadalka ka soo baxay wasiir Ilyaas ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan siyaasiyiinta Koofur Galbeed ay sameysteen madal ay ku mideysan yahay taasoo ka dhan ah mudo kororsiga halka sano ah ee baarlamaanka Koofur Galbeed ay u sameeyeen madaxweyne Lafta-Gareen.

Koofur Galbeed oo shaacisay in olole ka dhan ah Lafta-Gareen uu ka socdo Muqdisho. - Jowhar somali news leader




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip