HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH isniin 5-TA DICEMBAR 2022-KA

0
Monday December 05, 2022 - 08:45:15 in Wararka by
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH isniin 5-TA DICEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Oo Kulan La Qaatay Guddoonka Iyo Guddiyada Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaan ka Federaalka Soomaaliya oo uu uga warbixiy ey halganka dalka lagaga xoreynayo argagixis ada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in Baarlamaanka FS ay udub-dhexaad u yi hiin qorshaha dalka lagaga xoreynayo argagix is ada Alshabaab, maadaama ay wakiil u yihiin shac abka Soomaaliyeed ee la rafaadsan dhib aatada iyo gumaadka ay ku hayaan argagixisa da Khawa arijta ah ee Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa ku boorriyey Guddoonka iyo Xildhibannada BFS in ay dardar-geliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasad aha hortabinta u leh dowladnimada ee Xukuuma ddu ay u soo gudbinayso, lana xoojiyo wada-shaq eynta goleyaasha dowladda.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiy aha Golaha Shacabka BFS Md. Sh.Aadan Max amed Nuur, Guddoomiye Kuxigeennada 1aad iyo 2aaad ee G/Sh, Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar & Md.C/hi Cumar Abshirow.

R/Wasaare Xamza oo kulan la yeeshay wasiir ka socda Norway + Ujeedka

Ra’iisul wasaaraha Soomaliya, Md.Xamza Cab di Barre ayaa Shalay xafiiskiisa ku qabilay wafdi culus oo ka socda dowladda Norway.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaamineysay Wasiir ka Horumarinta Caalami ga ah ee Norway An ne Beathe Tvinnereim, taas oo soo gaartay M/ Muqdisho ee caasimada dalka.

2da mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka kid yihiin xoojinta xariirka labada dowladood iyo iskaashiga labada dalka gaar ahaan taagerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta Soomaaliya.

Anne Beathe Tvinnereim oo kulanka ka hada shay ayaa sheegtay in dowladda Norway ay ka go’antahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uga mahad celisay qaabilaadda iyo soo dhoweynta uu ugu sameeyey M/Muqdisho.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha oo isna hadal kooban jeediyey ayaa ku amaanay Norway taag eerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Norway ayaa ka mid ah waddada reer Yurub ee haatan xiriirka wanaagsan laleh dowladda Soo maaliya, waxayna safaarad rasmi ah ku lee daha ya gudaha caasimada Muqdisho.

Dowladda Norway Oo Soomaaliya Ku Taage eraysa $30 Milyan Oo Horumarinta Dhaqaalaha Ah.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Shalay kulan kula yeeshay M Muqdisho Wasiirka Hor marinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Anne Beathe oo booqasho ku timid dalka.Kulanka dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Soomaa liya iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee No rway ayaa looga hadlay arrimaha horumarinta dha qaalaha dalka iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda. "Waxa aan Shalay ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Anne Beathe. Waxa a an ka wadahadalnay arrima ha horumarinta dhaq aalaha dalka iyo nidaamka Maamul ka Guud ee Maaliyadda D/ Norway waxa ay Somaliya ku taag eeraysaa lacag dhan $30 Milyan oo dollar taasi oo ay inoo soo marisiinayso Bangiga Adduunka, laca gahaas waxaa lagu horumarindoonaa dhaqaalaha Sooma aliya”. Ayuu yiri Wasi irka Maaliyadda Soomaaliya.

Dowladda Norway ayaa Soomaaliya ku taagee ray saa lacag dhan $ 30 Milyan oo doollar Marey kanka ah ta asi oo ay u soo marsiinayso Bangiga Adduunka. $ 30 Milyan ayaa laguu talagalay horu marinta dhaqa alaha Soomaaliya iyo arrimaha dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda.

Norway ayaa ka mid ah dalalka Midowga Yurub ee DFS ka taageera dhinacyada horumarin ta dhaqaalaha iyo mashaariicda kale duwan ee ho rumarineed.Dowladda Norway oo Soomaaliya ku taageeraysa $30 Milyan oo Horumarinta dhaqaal aha ah. dowladda norway oo soomaaliya ku taa geer ay sa $30 milyan oo horumarinta dhaqaala ha ah.

Xasan Sheekh oo markii ugu horreysay faah faahiyay sababta uu Muqtaar Roob oow ugu soo daray dowladdiisa

Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sh.Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay shaaciyay sababta uu dowladdiisa ugu soo daray in uu kamid noqdo Mu qtaar rooboow oo ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo mar kamid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha ugu sareeya Ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo Wareysi siiyay Wargeyska Caalamiga ah The Guardian ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta XFSoomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali Abu u Mansuur uu ku qancin karo qaar ka mid ah asx aabtiisii hore inay kasoo goostaan Ururka Al-Shabaab.

"Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka Al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bahdilin doonin, aan si xun loola dhaqmin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray Mada xweynaha in Muqtaar Rooboow uu habab isgaar siineed la sameeyay xubnaha dhexdhexaadka ah ee katirsan Al-Shabaab, isla markaana uu ku dhi iro geliyay inay isaga soo tagaan, taasina ay tahay qorshaha kaliya ee dowladdi isu ugu adkaan karto Al-Shabaab.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee XFS Muqtaar Rooboow ayaa isku soo dhiibay dowlad dii hore ee uu hogg aaminayay Maxamed Ch/I Farmaajo, balse ay mar kii dambe kasoo xirtay Magaalada baydhabo, xilli uu u sharaxnaa xilka Madaxweyn aha Koonfur Gal beed, waxaana hadda uu kamid yahay golaha Wa siirada XFS R/Wasaare Xame Cabdi BarreMd.Muqtaar Rooboow ayaa horay u sheegay in sababta uu uga soo tegay Al-Shabaab ay tahay markii uu arkay dhibaatada ay dadka Soomaliyeed kuhay aan mudada 1-ka sano ah, iyada oo ay xu sid mud an tahy in uu Al-Shabaab dagaal kula gal ay mee lo kamid ah gobolka Bakool.

Booliska oo soo bandhigay daawooyin ‘halis ah’ oo garoonka lagu qabtay

Booliska Soomaaliya ayaa Shalay Muqdisho ku soo bandhigay daroogooyin laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Afhayeenka Booliska Soomaali ya Sadiiq Doodi she oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga booliska ee garoonka diyaaradaha ayaa soo bandhigay Kar toomo aad u badan oo darooga daan ay ku jirtay, taas oo u badan daa wooyin. "Waxaan idiin soo ba ndhigeynaa daaw ooyin bad an oo loo isticmaalo da raago ahaan, kuwaas oo booliska ka howlgala garoonka uu gac anta ku dhi gay, in kastoo daawooyin kaan xan uuno loo ade egsa ka ro, hadana waxaa ji rta in daroogadu ku badan tah ay, oo intooda bad an aan si sax ah loo isticma alin,” ayuu yiri Afhaye enka Booliska Soomaaliya.

Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in dowladda oo ku dadaaleysa inay xakameyso dembiyada ay dalka ka geysa karaan dadka daraagiska isticma ala ay ka hortagtay in daawooyinkaan qatarta ah dalka lasoo geliyo.

"Ciidamada ammaanka waxaa la siiyey waajib ah inay ka hor tagaan wax kasta oo qatar ku ah xa siloonida dadkeenna, hadii aan sii deyneyno daro ogadaan, lama aanaa dagaalameen Khawaarijta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sadiiq Aadan Cali.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Booliska ayaa ganac satada Soomaaliyeed kula dardaarmay inay dhaq aalahooda ka deystaan waxaan aysan dowlado oda iyo diinta suuban ee Islaamka aysan ogoleyn, khatartana ku ah bulshada ay u adeegayaan.

Wasiir Juxa oo awoodiisa la dhimay iyo mada xtooyada maamulka Puntland oo

Madaxtooyada Puntland ayaa la wareegtay qayb kamid ah shaqada arrimaha dimuqr aadiye ynta ee wasaaradda arrimaha gudaha, gaar ah aan dhanka xiriirka iyo dhaqaalaha dibada.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa dhawaan Wakii lada Beesha Caalamka ku wargeliyay arrintaan, isaga oo u sheegay in hadda kadib ay arrimaha dimuqraadiy eynta Punt land kala xiriiraan Wasiiru-dowlaha Madax tooya da Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

Arrimaha dimuqraadiyeynta ay aa waxa markii hore Beesha Caalamka kala sha qeyn jirtay Was aaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimu qraadiyeynta ee maamulkaasi, aya ga oo xiriir toos ah la sameyn jiray Wasiir Juxa.

"Wakiilada Beesha Caalamka ee arrimaha dim uqraadiyeynta ka taageera Puntland oo aqbalay amarka madaxweynen Deni ayaa la socodsiiyay Wasiir Juxa in hadda kadib ay howlaha dimuqraa diyeynta kala xiriiri doonaan Madaxtooyada Punt land,” ayuu yiri sarkaal si dhow ula socday arrin taan. Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland ayaa dhawaan la arkayay isaga oo Madaxweyne Deni ku wehlinaya shirar uu Nairobi iyo Garoowe kula yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caa lamka, kuwaasi oo looga hadlayay arrimaha dim uqraadiyeynta maamulkaasi.

Inkasta oo si dhab ah loo ogeyn qorshaha uu madaxweynaha ka leeyahay arrintaan ayaa hadda na waxa soo baxeysa inaysan ka madhneyn arr imo dhaqaale, maadama Beesha Caalamka ay taageero lacageed oo badan ku bixiso arrimaha

dimuqraadiye ynta Puntland.


C/C/Shakuur oo shaaciyey khatar la xarii rta Al-Shabaab oo Muqdisho kasoo wajahan

Ergayga arrimaha bini’aadanimada Soom aaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dalka Jabuuti uga qeyb gelaya shir uu soo qaban-qaabiyay Machadka Heritage ayaa ka jeediyey khudbad ku saabsan doorka amni darr ada ee dadka barakacayaa sha ah.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kaamamka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho ay soo buux-dhaafiye en dad aan heysan wax ay noloshooda ku maa reeyaan, kuwaas oo dowladdu aysan la socon dhaqdhaqaaqooda iyo xaaladaha ku soo kor dhaya.

Cabdiraxmaan ayaa ku dooday in dadkaas looga faa’iideysan karo duruufaha heysta.

"In ka badan labo milyan oo Soomaali ah ayaa abaaraha ka soo qaxday, waxay deegaameyste en hareeraha Muqdisho, Baydhaba iyo magaalo oyin kale, mana jirto cid ka war-qabta waxay nol oshooda ku maareeyaan oo mararka qaar amni darro la geli karta,” ayuu yiri.

Ergeyga ayaa sheegay in dagaalka Al-Sha baab aan looga maarmeyn in la xiro halka ay is ka soo abaabuli karaan, sida inay helaan dad shaqo la’aan ah oo duruufaha heysta ay uga faa’iideystaan.

"Xal u helida arrimaha barakacayaasha iyo cimillada sii xumaaneysa ayaan yoolka 1aad ka dhigan lahaa, kan labaadna dagaalka Al-Shaba ab,” ayuu yiri.

"Labada milyan iyo sagaalka boqol ee soo barakacday uma laabanayaan beerihii iyo dhul kii miyiga ahaa, sababtoo ah meel ay u laabta an malaha oo beero ma jiraan, marka waxaan

Qabaa in arrinta barakacayaasha ay Shabaab ka ka culustahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Shirkaan Jabuuti ka socda ayaa looga had layaa arrimaha cimillada sii xumaaneysa ee dun ida, wuxuuna sheegay Cabdiraxmaan in hadii wax laga weydiiyo qorshe howleedka ugu hore eya ee la wajahayo uu ka dhigi lahaa tan cimi llada, gaar ahaan arrimaha deegaanka iyo xal u helida barakacayaasha.

Wuxuu intaas ku sii daray in Soomaaliya ay tahay wadanka ugu magaaloobi og Afrika, "Dadkii miyiga waa kasoo tegaayaan, magaala diina waxaba kuma heystaan, meesha dhibka dhan ka taagan yahayna waa halkaas,ayuu yiri.

Mid ka mid ah Wasaaraddaha Xukuumad da Fedaraalka Soomaaliya oo magaca laga badalay

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraal ka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa waree gto uu soo saaray waxa uu magaca kaga bada lay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Somaliya

Wareegtada uu magaca kaga badalay Raysal wasaare Xamse Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa ku taar iikheysan bishii dhamaatay 30-keedii ee sanad kan 2022, iyadoo magaca rasmiga ah ee Wasa aradda lagu sheegay Wasaaradda Kalluumeysi ga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah (Ministry of Fi sheries and Blue Economic. Wasaaradda Kaluu meysiga XFS ayaa noqoneysa Wasaaraddii ugu horeysay ee magaca laga badalo, tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowla ddii dhexe ee dalka, lamana cadeyn sababta ra smiga ah ee ka dambeysa in magaca laga bada lo W/Kalluumeysiga Kheyraadka Badda.

Hoos ka Akhriso wareegtada oo dhameystiran:-



Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Aadan Yabaal oo qarka u saaran in la xoreeyo

Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ayaa la filayaa inay Maanta qabsadaan degma da Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhe xe oo ay hareereeyeen haddii aanay wax isbed deli.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaar ay degmada ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka carareen kadib markii ciida mada dowladda ay aad ugu soo dhowaadeen.

Ciidamada dowladda iyo shacabka, oo ka ka la ruqaansaday dee gaa nada Ceelbaraf iyo Ma saajid Cali Gad uud, ay aa horey cagta u sii mariyay fariisimihii malee shiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deeg aanada Mabaax, Guulane iyo Daarusalaam. Cii damada ayuu dagaal culus ku qabsaday deeg aanka Ma baax, inkastoo ay markii dambe u suurtagashay inay jiiraan kooxihii argagixisada.

Korneyl Saney Cabdulle Gaab, Taliyaha Gu utada 4-aad ee Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xo ogga Dalka ayaa sheegay in ciidamadu ay ha dda kaabiga ku hayaan degmadaasi. Korneyl Saney oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa shee gay in Aadan Yabaal ay saacadaha soo socdo soo geli doonto gacanta qaranka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliska Ciida mada Mareykanka iyo Turkiga ee fadhigoodu yahay caasimadda Muqdisho ay aqbaleen in ay dhanka cirka laga garaaco difaacyada Al-Shab aab, taasi oo Shabaabka ku qasabtay inay bax sadaan

Shabaabka ayaa Aadan Yabaal ku lahaa sal dhiggooda ugu weyn ee Gobolka Shabellaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay ka ga sugan yihiin gobolka.

Wasiir Roobow Oo Shurudo Culus Dul Dhi gay Cid Kasta Oo Faafineysa Dinta Islaamka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaa fta XFS Mukhtaar Roobow Ab uu-Mansuur ayaa sheegay in dowladda ay wado qorshe Shati loogu jarayo dad ka faafinaya Diinta Islaamka.

Wasiir Roobow oo wareysi gii u horeeyay bix Iyay tan iyo markii loosoo magacaabay xilka wa siirka oo uu siiyay wargeyka Guardian ayaa tilm a amay in howsha Shati bixinta lagu bilaabayo Imaamy ada Masaajida iyo Macalimiinta Dugsiy ada Qur’ aanka Kariimka. Mr.Roobow oo mar soo noqd ay Amiir kuxigeenka kooxda argagix isada ah ee Al-Shababa ayaa arrintan hadafka laga leeyah ay ku micneeyay in laga hortago faafinta fikrad aha xagjirnimada.

Isagoo ka hadlayay aragtidiisa ciidanka Mac wileyda ee Shabaab la dagaalamaya waxa uu la barbar dhigay kooxihii wax iska caabinta ee dalka Ciraaq ka saaray kooxda Daacish.Wasiir Roobow oo shuruudo culus dul dhigay cid kasta oo faafineysa Diinta Islaamka.

Maxaa Looga Hadlayaa Shirka Madasha Her itage Ee Shalay Ka Furmay Jabuuti?

Shirka Madasha Aragti Wadaagga ee Macha dka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa Shalay ka furmay magaalada Jabuuti. Madasha n oo ah tii 6aad oo Machadka qabto ayaa ku soo aaday 10 guurada ka soo wareegatay aas-aaska Machadka Heritage.

Mowduuca Madasha ee sanadkan ayaa ah is bedelada Cimilada iyo colaadaha Geeska Afr ikax waxaa shirka furay Ra’iisul Wasaare ku-xig eenka Somaaliya & Wasiirka Bey’adda Jabu uti.

Wararka la helayo ay aa waxaa ay sheeg ay aan in Shirka Mada sha Aragti Wadaagga ee Machadka Daraasaad ka Siyaasadda ee Herit age ay soo xiri doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha So omaaliya xasan Sheekh Maxamuud

Waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka socota DFS, kuwa dowlad goboleedyada, dowlad Deeg aanka Soomaalida Itoobiya, Gobolka Waqooyi Bari iyo aqoonyahano iyo ururada bulshada oo ka kala yimid dalka dibaddiisa iyo deegaanada Geeska Afrika.

Diyaaradaha dagaalka Israel oo duqeey ay Magaalada Qaza

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa wee rar ku qaaday goobo ku yaalla marinka Qaza, ka dib markii gantaal uu ku soo dhacay koon furta Israa’iil, iyadoo xiisaddaasi ay gaartay he er aad u kulul oo ka taagan Daanta Galbeed ee la haysto, halkaas oo 10 Falastiiniyiin ah ay ku dileen ciidammada Isra a’iil tan iyo toddobaadkii hore.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in duqeyma ha cirka ee saacadihii hore ee Axadda ay la bee gsadeen goob lagu farsameeyo hubka iyo god ad dhulka hoostiisa mara oo ay leeyihiin Xam aas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda ganta alkan oo lagu soo warramayo inuu yahay kii ugu horreeyay ee la rido muddo bil gudaheed ah, kaasoo ay milateriga Israa’iil sheegeen inuu ku dhacay meel bannaan oo u dhow xaynda abka Qaza iyo Israa’iil fiidnimadii Sabtida isa goo aan geysan khasaare nafeed iyo mid hant

iyeed toona.


Puntland: Siyaasiyiin ka digay muddo koro rsi uu sameeyo madaxweyne Deni

Golaha wadatashiga iyo waxgaradka Puntland oo ah gole ay ku midaysan yihiin qaar kamid ah si yaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahannada ayaa ka digay waxay ugu yeer een xasilooni darro siyaasade ed oo ka dhalan karta muddo kororsiga madaxweyne Deni.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku baaqeen in doorashada waqtige edii aan laga dib dhigin, waxayna barlamaanka ugu baaqeen inay Puntland ka bad-baadiyaan hu banti la’aan siyaasadeed.

Golahan ayaa sidoo kale sheegay in dib loo dhi go diiwaan galinta dadweyanaha ee uu guddiga doorashadu wado, iyagoo sheegay in lagu jiro xilli abaareed oo ay dadka reer guuraaga ah dhul kooda ka hayaameen iyagoo naq raadis ah

Ciidamadii la geeyay Gaalkacyo oo howl gallo ka bilaabay meelo kamid ah Gobolka Mudug

Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo ha bbeeleed u abaabulan ayaa gaaray Magalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyada oo ujeedka lagu sheegay in ay howgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ay ka bilaabi doonaan degaannada ay G/Mudug kaga sugan yihiin.

Ciidamada ayaa waxaa M/Gaalkacyo ku soo dhaweeyay madax ka tirsan Maamulka Gamudug iyo Odoyaasha Dhaqanka, waxaana ay sheegeen in soo dhaweynayaan kuna faraxsan yihiin Cidam adan inay xureystaan degaannadooda.

Dhanka kale saraakiisha hoggaamineysan Cii danka ayaa dhankooda sheegay in ka go ‘antahay ka xureynta Ururka Al-Shabaab degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Mudug oo ay kamid tahay degmada xarardheere oo Al-Shabaab ay ku sugan yihin mudo 15 ah.

Qeybo badan oo kamid ah Gobolka Mudug ay aa waxaa horay uga dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka iyo Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada huwanta ah ay degaano dhowr ah la wareegeen.

Hoos ka Akhriso 
Xukun lagu riday Askarigii Isbaaro ku taalla Balcad kudilay Darawalka

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soo maaliya ayaa Shalay Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ku riday xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo uu Dilay Shil imaad uusan Xaq ugu lahayn 29-kii November bi shii tagtay” Sida uu Warbaahinta u sheegay G/le Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Ma xkamadda Darajada 1Aad ee C/ Q/Sida.

Xukunsane Cabdiraxmaan wa xa uu joogay Isb aaro tiilay Balc ad meesha looga baxo, gaar ah aan halka loo yaqaano kulanka Yarow Farxaan oo ah wadada aada dhinaca Magaalada Jowhar.

Maragyadii saarnaa Gaariga shacabka ah waxa ay sheegeen in Xukunsanaha uusi ku tala gal ah u dilay Marxuumka.

Marxuumka ayaa ahaa Darowal si wayn looga yaqaano tuulooyinka iyo degmooyinka Sh/Dhexe oo uu muddo ku safrayay. Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa maalintii Dorraad aheyd ka soo Muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo sheegayay in isbaarooyin farabad an yaallaan degmada Balcad.

Shan Maalin kadib Shalay ayaa Marxuum Saylax Cabdulle Axmed Salaada Janaasada la gula dukaday Masjid kuyaalla Xaafada Fagax, iyada oo ugu dambeyn lagu Aasay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xilligii uu dhacay dilka Isbaaro kutaalla degma da Balcad loogu geystay Saylax Cabdulle Axmed ayaa waxaa ka dhashay carro xoogan, iyada oo Ehelladiisa oo Risaala la hadlay ay dalbadeen in ay cadaalad u helaan dilkaas, hayeeshee ugu da mbeyn Shalay xukun dil ah lagu riday Askarigii geystay dilkaas

Faah faahin: Nin Ganacsade ahaa oo lagu dilay duleedka Magaalada Muq disho

Rag hubeysan ayaa Habeen hore meelo ka mid ah dgaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka M/Muqdisho waxaa ay kudileen Nin Ganacsade caanka ahaa degaanka as oo lagu magacaabi jiray Cabdirax maan She ekeeye, iyaga oo dilka ka dib goobta isaga baxsaday.

Dad kusugan degaanka Ceelasha Biyaha ayaa Risaala u sheegay in raga hubeys naa oo ku labi snaa dareeska Ciidamada dowlad da ay ahaayeen Burcad ka dhacayay taleefoonki isa xilli uu kasoo baxay masjid uu salaad kusoo dukaday, haye eshee muran dhex-maray kadib ay dhowr xabado od ku dhufteen, kadibna ay ka qaateen tale efoonkiisa.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya yaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, balse aysan ku guuleysan inay qabtaan raggii dilka u geystay Ganacsadaha kadibna ka dhacay taleefoonkiisii.

Meydka Ninka Ganacsada ahaa ayaa waxaa la keenay Xarunta ay’adda dambi baarista ee CID-da waxaana ehelladiisa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka dalbanayaan inay cadaalad u helaan dilkaas, isla markaana soo qabtaan dadkii ka dambeeyay.

Maamulka iyo laamaha Ammaanka ee degaan ka Ceelasha Biyaha ayaan weli ka hadlin dilka Nin ka Ganacsadaha ahaa, waxaana jrat in dhowr jer sidaan oo kale ay rag burcad ah halkaasi ugu dile en dad kale, xilli ay dhac u geysanayeen.

Magaalada Muqdisho iyo degaannada ku xee ran ayaa waxaa dadka kunool ay dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira, dil, dhac iyo dhibaato oyin kale ay kala kulmayaan Kooxo Burcad ah, iyada oo hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ay wax ka qaban la’yihiin. Xigasho:RADiorisala.com

MAXAY TAHAY DIYAARADDA NUKLIYE ERKA XA PELE: HALYEEYGII REER BRAZIL OO KA WARBIXIYAY XAALADDIISA CAAFIMAAD XILLI ISBITAAL LA DHIGAY

Magaalada Doxa oo la soo bandhigay waxyaabo taageero loogu muujinayo

Laacibka reer Brazil Pele ayaa sheegay inuu wali yahay nin "xooggan islamarkana rejo wanaagsan qaba" xilli lagu daweynayo isbitaal ku yaalla Sao Paulo.

War qoraal ah oo uu soo saaray Sabtidii ayuu ku sheegay in fariimaha taageerada iyo sidoo kale daawashada Brazil ee Koobka Adduunka ay siiyeen "awood".

Horey ayay dhakhaatiirta u sheegeen inay "wali daweyn ku socto xaaladiisana ay deggan tahay".

Aarrintan ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in la geeyay qeybta daryeelka degdeg ah si loogu daweeyo.

"Saaxiibayaal, waxaan rabaa in aan qof walba dejiyo oo uu wanaagga rajeeyo," ayuu ku yiri hadal uu soo dhigay Instagram-ka.

"Anigu waan xooganahay, rejo badan ayaan qabaa, daawaynteydii caadiga ahayd ayaan qaadanayaa, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo dhamaan kooxda caafimaadka iyo kalkaaliyayaasha daryeelka ay i siiyeen.

"Illah ayaan ku kalsoonahay, fariin kasta oo jacayl ah oo aan ka helay aduunka oo dhan waxay i siinaysaa tamar buuxda iyo sidoo kale daawashada Brazil ee koobka adduunka, ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Pele waxaa uu dhaliyay 77 guul 92 kulan

Pele oo imika 82 jir ah islamarkana saddex jeer ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa isbitaalka ku jiray tan iyo Talaadadii, wuxuuna habeenkii Khamiista sheegay inay ahayd "booqasho uu bil kasta ku tago isbataalka si uu u ogaado xaaladiisa ".

Dalka martigelinaya Koobka Adduunka ee Qatar ayaa Sabtidii muujiyay taageerada uu u hayo Pele, iyagoo iftiimiyay dhismayaal ay ku xardhanaayeen farriimo loogu rajeynayo "inuu caafimaad degdeg ah helo".

Waxa bishii Sebtembar 2021 laga saaray buro mindhicirkiisa.

Sida ay sheegeen dhakhaaiirta isbataalka uu ku jiro Pele ayaa laga helay caabuq xagga neef-mareenka ah, Jimcihiina islamarkana isbitaalku wuxuu sheegay inay xaaladdiisu wanaagsan tahay.

Weeraryahankii hore ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Brazil isagoo dhaliyay 77 gool 92 kulan oo uu ciyaaray waxaana uu dhaliyay afar koob adduunka ah.

Dadka reer Brazil ayaa si aad ah uga faana Bele marka ay timaado dhanka kubadda cagta.

Pelé waxaa uu heer sare ka gaaray kubada cagta iyada oo ay jirtay in uu ka soo jeeday dal dadkiisu ay sabool u badnaayeen xilligaasi.

Pelé aad buu u liitay oo qoyskiisu ma awoodin xitaa inay u iibiyaan kubbadda cagt, waxaa uuna ku ciyaari jiray banooni laga sameeyay xaanshiyo la isu ga-geeyay.Waxaa uu kooxdiisi ugu hore ysay oo ahayd Santos ku biiray isaga 15 jir Ah

XIGASHO:-BBC


MBAARTA UU MAREYKANKA SOO SAARAY EE AAN LA ARKEYN MARKA AY HAWADA GASHO? B-21


XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa soo bandhigay diyaarad cusub oo ah kuwa xambaarah Nukliyeerka ah oo lagu magacaabo B-21, taasi oo si tartiib tartiib ah u bedeli doon ta diyaaradii ugu horeeyay ee la duuliyay dagaalkii qaboo baa.

Bamkii ugu horreeyay ee muddo 30 sano ah ayaa mid kiiba ku kacaya ku dhawaad ​​$700 malyan oo doolar wux uuna qaadi karaa hubka Nukl iyeerka iyo kuwa caadiga ah.

Sida la filayo, faahfaahinta ga arka ah ee diyaaradda ayaa ah mid qarsoodi ah.

Laakin Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in tallaabadani "ay ka marag kacayso faa'iidooyinka sii waaraya ee Ameerika ee dhanka hal-abuurka".

Diyaaradda B-21 ayaa lagu soo bandhigay xaflad Jimcihii lagu qabtay xarunta Northrop Grumman ee California.

Mr Austin ayaa sheegay in diyaaraddu ay horumar weyn ka sameyn do onto duqeymaha hadda jira ee duullaanka Mareykanka ah, isagoo she egay in "xitaa nidaamyada difaaca hawada ugu casrisan ay ku adkaan doonto in la ogaado B-21 ay hawada ku jirto ".

"Konton sano oo horumar ah dhanka tignoolajiyada aan ogaan karin karin ayaa galay diyaaraddan," ayuu yiri.

B-21

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Waxa uu intaa ku daray in diyaaradda sidoo kale lagu dhisay habka "open system architecture", kaas oo u oggolaanaya in lagu daro "hubka cusub ee aan xitaa weli la ikhtiraacin".

Inkastoo aan la sheegin suurtagalnimada ah in diyaaradda ay tahay mid aan cidna wadin iyo Inkale intii ay socotay xafladda, haddana afhayeen u hadashay ciidamada cirka Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradda "ay diyaar u tahay suurtagalnimadaas, balse ma jiro go'aan lagu duuli karo shaqaale la'aan".

Duulimaadka ugu horreeya ee B-21 ayaa la filayaa inuu dhaco sanadka soo socda.

Waxay ugu dambeyntii bedeli doontaa noocyada B-1 iyo B-2 waxaana lagu qiyaasay inay ku kacayso $ 203bn oo doolar si loo horumariyo, sida laga soo xigtay Bloomberg.

Lix diyaaradood ayaa hadda farsamada ku jira, isaga oo intaa ku daray in ay muujin doonaan "jiilka soo socda ee qarsoodiga ah" iyo in ay isticmaalayaan "farsamo cusub iyo qalab wax soo saar oo aan la cayimin".

Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa qorsheynaya inay helaan ugu yaraan 100 ka mid ah diyaaradaha.XIGASHO:-BBC


GOORMAA AYAY AHAYD MARKII UGU HOREYSAY EE QOF FARIIN QORAAL EED LOOGU DIRO TELEFOONKA GACANTA?


Farriin qoraaleedkii ugu horreeyay ee gaaban ayaa loo soo diray talee fankan oo la yiraahdo Orbitel 901

XIGASHADA SAWIRKA,BEN WOOD

­­­­Mid ka mid ah hababka ugu dhaqsaha badan ee isgaarsiineed waqtig eenna, waa fariimaha gaaban ee qoraalka ah ee ay dadka isugu diraan telefoonadooda gacanta.

Balse markii ugu horeysay oo fariin gaaban oo qoraal ah lagu diro taleef onka gacanta ayaa ahayd 30 sano ka hor waxaana uu dalkii ugu horeeyay ee laga diray ahaa dalka Ingiriiska.

30 sano ka hor, shirkadda taleefanka gacanta ee Vodafone ayaa no qtay shirkaddii ugu horeysay ee farriinta gaaban u soo dirta injineer ku sugnaa Berkshire.

Farriintii ugu horreysay ee la diro ayaa ahayd mid hambalyo ah oo ku saabsanayd xilliga ay dadka masiixiyiinta u dabaaldagaan ciidooda.

Qof Shaqaale ah oo lagu magacaabi jiray Nelly Papworth ayaa farriin u diray sanaddii 1992-dii mid ka mid ah madaxda shirkadda, Richard Jar vis, isagoo u dabbaaldegaya Christmas-ka, balse ma uusan helin jawaab.

Taleefanka Jarvis uu sitay xilligaas ayaa ahaa mid ku cusub suuqa, waxaana lagu magacabi jiray Orbitel 901, culeyskiisu waxaa uu ahaa 2.1 kiilo garaam. Waxaa uu taleefoonkaasi miisaankiisu dhanna ilaa 12 iPhone ama 14 taleefoon gacanta ee ana Shalay aan isticmaalno. Xilligan fariimaha qoraalka ah, waxaa sanad kasta is-weydaarsada balaayiin qof . Toban sano ka hor, ayaa qaamuuska lagu diray eryegaee "farriin qoraaleed ama SMS" . Iyadoo fariimaha qoraalka ah ee taleefoonada la isugu diro ay wali tahay adeeg jira, ayaa waxa hadana imika la wareegay isgaarsiinta dhanka internetk-ka ee qoraalada la isgu gudbiyo sida WhatsApp.

Sida laga soo xigtay xog uruurin la sameeyay, 40 bilyan oo farriimaha gaaban ah ayaa taleefoonada la isugu diray dalka UK sanadkii 2021, taa soo hoos uga dhacday 150 bilyan oo fariin oo la isu diray sannadkii 2012. Marka la barbardhigo, Shalay, 100 bilyan oo farriimood ayaa addu unka oo dhan la isugu diraa WhatsApp-ka maalin kasta.

Si kastaba ha ahaatee, farriimaha gaaban ee teleefoonada ayaa weli waxa isticmaala hay'ado kala duwan .

Waxaa ka mid ah, fariimaha ay hay'adaha kala duwan diraan sida in qofka la xusuusiyo ballamaha caafimaadka iyo shirkdaha qaar oo ade egyadooda macaamiisha ugu dira telefoonada.

Markii ugu horreysay ee adeegga fariimaha gaaban ee ee SMS loo yaqaano uu bilaabmay, waxaa kaliya ah oo la diri karay 160 xaraf, mar kiiba.

Fikirkan fariimaha ahi waxa uu ka soo bilaabmay Yurub sannadihii 1980-aadkii, 10 sano ka hor inta aan farriintii ugu horreysay loo dirin tale fanka gacanta.

Taleefanadii hore waxay lahaayeen furayaal ama kiiboorro iyo lamba rro ku dhajisan. Marka, tusaale ahaan, si loo qoro xarafka Ingiriisiga 'C', waxay ahayd lagama maarmaan in la riixo lambarka 1 saddex jeer.

Nigel Linde, oo ah khabiir dhanka isgaarsiinta ah oo ka tirsan jaamac adda Salford, ayaa sheegay in shirkadaha soo saara taleefannada xilli gaasi aysan si wanaagsan ugu darin xarfaha Ingiriisiga.

Waqtigaas, Ben Wood oo ka faalooda arrimaha tignoolajiyada wuxuu xusuustay in dadka la bari jiray sida loo helo loona diro fariimaha gaaban ee qoraalka ah.

Waxaa muddo kooban gudaheed ay dadka aad u barteen sida loo diro fariin qoraaleedka, waxayna gaareen heer ay si fudud farriimaha u diraan iyagoon eegin xarfaha ku yaalla telefoonada gacanta.

Waayahaan danbe dadku waxa ay waqti badan ku lumiyaan in ay eeg aan fariimaha lagu soo diro telefoonadooda halkii ay ku hadli lahaayeen telefoonadooda.

Tani waa calaamad muujinaysa in fariimaha qoraalka ah si weyn loola qabsaday, ayuu yidhi Ben Wood.

XIGASHO:-BBC



XULKA FRANCE OO GARAACAY POLAND, 8 DHAMAADKA KOOBKA ADDUUNKA AYAY ISKA XAADIRIYEEN.

Wararka Ciyaaraha Maanta, ee Koobka Aduunka

Xulka France ayaa garaacay xulka Poland iskana xaadiriyay 8 dhamaadka ko obka adduunka kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Al Thumama Stadium.

Xulka France ayaa si dar-dar leh ku bilow day iyaga oo Poland ku qaadayay weerar aan kala joogsi lahayn isla markaas maamulayay ciyaarta.

Laakiin xulka Poland ayaa ahaa xulka sameeyay tijaabada ugu horaysa ee ciyaarta iyaga oo ku dhawaaday in ay dhali yaan gool isla markaas hogaanka u qab taan ciyaarta.

Si kasta ha ahaatee Goolhayaha France iyo daafacyda France ayaa samee yay badbaadino la yaab leh Poland-na ka hor istaagay in ay dhaliyaan gool.

Daqiiqadii 44-aad ayuu xulka France dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Olivier Giroud kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Xiddiga Giroud ayaa isku qoray taari ikhda France waxana uu noqday xiddiga ugu go olasha badan taariikhda xulka qar anka France isaga oo dhaliyay goolkiisii 52-aad.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka France ahaa midka fiican una qalmay in uu hogaamiyo ciyaarta.

Qaybta dambe ayuu xulka Poland isku dayay in uu soo laabto waxana ay samee yeen fursado laakiin kuwaas ayaa ku dha maaday Fashil.

Daqiiqadii 74-aad ayuu xiddiga Kylian Mbappe dhaliyay goolka 2-aad ee xulkiisa waxana uu ka dhigay 2/0 uu xulkiisu ku dheeraystay hogaanka ciyaarta kana dhig ay 2/0.

Xulka France ayaan halkaas ku joogsan waxana ay raadinayeen goolal kale xilli uu xulka Poland ka baxay daafaca si ay u dhaliyaan goolal.

Daqiiqadiin 90-aad ayuu xulka France dhaliyay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kylian Mbappe kaas oo ciyaarta ka 3-/0 uu xulka France ku hogaaminayo ciyaarta.

Xulka Poland ayaa daqiiqadii 90+8-aad dhaliyay gool sharafeedka waxana u dha liyay xiddiga Robert Lewandowski kaaa oo ciyaarta ka dhigay 3/1

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka France iska xaadiriyay ware ega 8 dhamaadka koobka adduunka ka socda Qatar.

INGIRIISKA OO SENAGAL KA REEBAY KOOBKA ADUUNKA , WIILA SHA AFRICA HAL DHIBAATO AYAY KA SHEEGTEEN

Wararka Ciyaaraha Maanta, ee Koobka Aduunka

Qaladaad ka dhacay ayaa lagu ciqaabay Senegal loogana cirib tiray koobka aduunka xilli Ingiriiska si xaraarad leh isaga xaadi riyeen wareegga 8-da koobka adunka ,waxa uuna kulankaan ahaa midkii ugu horeeyay labada qarsan ku dhex mara k/aduunka

Sheekada ciyaarta qeybta hore : Ingiriiska ay aa Senegal nasiinada ugu dirtay laba gool oo nadiif ah oo ay heleen dham aadkii qeybta hore waxaana saxiixay Hend erson

Bilowgii , inkastoo halis gilin aysan sam eyn ,Ingiriiska iyaga ayaa fir fircoonaa kuna wacnaa maamulka qadka dhexe balse Sen egal 30 daqiiqo ka dib ayay bilaabeen in si dhab ah ugu soo dhiiradaan weerarka Ingi riiska

Fursado ayay cuneen daqiiqadi 22-aad halka mid rasmi ah shabaqiisa uu ka bad bad baadiyay goolhayaha Ingiriiska daqiiqadii 31-aad

Ingiriiska halis muuqata ma sameyn waxii markaas ka damabeeyay difaac ayay u janj eersadeen , xilli goolka Senegal uu ka muu qday qalad dhanka daafaca ah maadaama si ka bad badis ah ay ay uga dhaqaaqeen boo sadkooda, ka dib Ingiriiska isku dayo kale ayay sameynayeen .

Ingiriiska inakstoo xisaab ahaan ku saree yeen kubad haysashada hadana foojignaan badan ayay ku jireen , Senegal-na waxaa ka amqnaa in ay is dajiyaan , waxaana goolka labaad oo rogaal celis ahaa saxiixay harry Kane waqtigii dheeriga ciyaarta .

Soo laabashadii , labada qaran waa ay dadajinayene ciyaarta isku dayana waa ay sameynayeen balse wax halis am aheyn .

Senegal diirada , saareyn ciyaarta walaac ay aa ka muuqday illaa lagu helay gool sede xaad Saka uu saxiixay daqiiqadii 57-aad maa daama wiilasha africa ay ka dhacayeen qaladaad dhanka baasaska ah Ingriiska , ka dib goolashaas waxa ay ciyaarayeen kub ad aan cadaadis laheyn waliba goolal dheer aad ah ayay isku dayayeen

qeybtaas labaad , Senagal waa ku adkeyd in kubadda si sax ah u gaarsiiyaan afka hore Ingiriiska , waxaana loogu dhameeyay 3 -- 0 ,gool ee ay ku macsa laameeyeen koobka adduunka .

Ingiriiska kulankaan waxa uu ahaa kii 8-aad ee ay qaran african ah la yeeshaan iya doo koobka aduunka la joogo , waligood wax guul darro kalama kulmin .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip