Mid ka mid ah Wasaaraddaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo magaca laga badalay

0
Sunday December 04, 2022 - 22:58:37 in Wararka by
  • Visits: 149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah Wasaaraddaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo magaca laga badalay

    ,,...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,...
Axad, December, 4, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu magaca kaga badalay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya.

Wareegtada uu magaca kaga badalay Raysal wasaare Xamse Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa ku taariikheysan bishii dhamaatay 30-keedii ee sanadkan 2022, iyadoo magaca rasmiga ah ee Wasaaradda lagu sheegay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah (Ministry of Fisheries and Blue Economic.


Wasaaradda Kaluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa noqoneysa Wasaaraddii ugu horeysay ee magaca laga badalo, tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka, lamana cadeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in magaca laga badalo Wasaaradda Kalluumeysiga Kheyraadka Badda.


Hoos ka Akhriso wareegtada oo dhameystiran:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip