Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta uu Roobow ugu soo daray DF

0
Sunday December 04, 2022 - 16:11:51 in Wararka by
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta uu Roobow ugu soo daray DF

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa waddanka Ingiriiska ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dhismaha dowladdiisa, gaar ahaan magacaabiistii Wasiir Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay faahfaahin dheeraad ah ka soo baxiyey sababta uu Roobow ugu soo daray dowladda federaalka, kaas oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa The Guardian u sheegay inuu aaminsan yahay in Mukhtaar Roobow uu ku qancin saaxibadiisii hore inay kasoo baxaan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka ka dambeeya arrintaan uu yahay in Al-Shabaab la tuso in aan la bahdili doonin ama la dhibaateyn doonin, haddii ay kasoo goostaan kooxda.

"Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka Al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bahdilin doonin, aan si xun loola dhaqmin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in muhiimaddu ay tahay Al-Shabaab lagala dagaalamo xagga fikirka, si loogu dhiirageliyo dhalinyaro dhalinyada ku jirta inay isaga soo baxaaan.

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horey uga mid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab ayaa 2017 isku soo dhiibay dowladda federaalka, wuxuuna kadib isku sharraxay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana isaga oo musharrax ah laga soo xiray magaalada Baydhabo, kadibna loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho oo lagu xiray.

Magacaabista Roobow oo ku soo baxay liiska Golaha Wasiirada ee Ra’iisul wasaare Xamza ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed, maadaama isaga oo maxbuus ahaa uu mar qura isku beddalay Wasiir ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta uu Roobow ugu soo daray DF - Caasimada Online




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip