Booliska DF oo gacanta ku dhigay nin dilay gabar 17 jir ah

0
Sunday December 04, 2022 - 17:58:40 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska DF oo gacanta ku dhigay nin dilay gabar 17 jir ah

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ciidamada Booliska ee ka howlgala magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dilka gabar 17 sano jira ah, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaaladaas oo xarun u ah Sh/ Dhexe.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Zakiya Xuseen ayaa qoraal aysoo saartay ku sheegtay in ciidamada ay ku guuleysteen inay soo xiraan eedeysanaha oo lagu magacaabo Daahir Cali, kaas oo ku eedeysan dilka Marxuumad Caasho Cabdullaahi.

"Taliska Boliiska Hirshabbele gaar ahaan saldhiga degmada Jowhar ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysane Dahir Cali kaasoo ku eedeysan dilka gabar 17 jir ah oo lagu magacabi jiray Caasho Cabdullahi,” ayey tiri taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in eedeysanaha haatan lagu wareejiyay maxkamadda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Zakiya ayaa sidoo kale u mahadcelisay dadka shacabka ah, waxayna sheegtay haddii ay Booliska iyo Bulshada wada shaqeeyaan wax badan la qaban karo.

"Eedeysanaha waxaa lagu wareejiyay maxkamada waxaana la marsiinaya nidaamka cadaalada. Bulsho iyo Booliis oo iskaashada waxeey ka hortagi karaan balo walba baladkeena ka dhaco,” ayaa markale qoraalkiisa sii raacisay General Zakiya Xuseen.

Ma shaacin waxa sababay dhacdadaan dilka ah ee loo geystay Caasho Cabdullahi oo aheyd gabar 17 sano jir ah, taas oo ku nooleyd gudaha magaalada Jowhar.

Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca tacaddiyo loo geysto dumarka oo isugu jir dil iyo kufsi, kuwaas oo sanadihii u dambeeyey kusoo badanayay gudaha waddanka.

Ciidamada Booliska Somalia oo Gacanta kusoo dhigay Nin dilay gabadh 17 jir ah | Kalshaale Warar Sugan iyo Suugaan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip