Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Aadan Yabaal oo qarka u saaran in la xoreeyo

0
Sunday December 04, 2022 - 14:11:13 in Wararka by
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Aadan Yabaal oo qarka u saaran in la xoreeyo

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ayaa la filayaa inay maanta qabsadaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay hareereeyeen haddii aanay wax isbeddeli.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray degmada ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka carareen kadib markii ciidamada dowladda ay aad ugu soo dhowaadeen.

Ciidamada dowladda iyo shacabka, oo ka kala ruqaansaday deegaanada Ceelbaraf iyo Masaajid Cali Gaduud, ayaa horey cagta u sii mariyay fariisimihii maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Mabaax, Guulane iyo Daarusalaam. Ciidamada ayuu dagaal culus ku qabsaday deegaanka Mabaax, inkastoo ay markii dambe u suurtagashay inay jiiraan kooxihii argagixisada.

Korneyl Saney Cabdulle Gaab, Taliyaha Guutada 4-aad ee Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamadu ay hadda kaabiga ku hayaan degmadaasi. Korneyl Saney oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in Aadan Yabaal ay saacadaha soo socdo soo geli doonto gacanta qaranka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliska Ciidamada Mareykanka iyo Turkiga ee fadhigoodu yahay caasimadda Muqdisho ay aqbaleen in ay dhanka cirka laga garaaco difaacyada Al-Shabaab, taasi oo Shabaabka ku qasabtay inay baxsadaan

Shabaabka ayaa Aadan Yabaal ku lahaa saldhiggooda ugu weyn ee Gobolka Shabellaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay kaga sugan yihiin gobolka.

Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Aadan Yabaal oo qarka u saaran in la xoreeyo - Caasimada Online




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip