Fannaanka Cabdi Cajuun oo shaaca ka qaaday xirfad kale oo uu leeyahay

0
Thursday December 01, 2022 - 22:54:06 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fannaanka Cabdi Cajuun oo shaaca ka qaaday xirfad kale oo uu leeyahay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

XIGASHADA SAWIRKA,CABDI CIISE CAJUUN

Cabdi Ciise Cajuun oo ka mid ah fannaaniinta Soomaalida ayaa BBC-da uga war bixiyay sida uu u maareeyo heesaha uu sameeyo, isagoo sheegay in ay soo maraan caqabado kala duwan.

Cajuun oo sidoo kale ah abwaan iyo laxamiiste ayaa xusay in waxa ugu adag ee Fanka lagala kulmo uu yahay saaridda Laxanka, maadaama ay jiraan heeso aad u badan oo isu ekaan kara dhawaaq ahaan.

"Waxaa fudud hees sameynta waxaana dhib badan laxan sameynta sababtoo ah laxanku [kumannaan heeso] oo Soomaali sameysay oo kaa horreysay baa la rabaa inaad heestan luuqdeeda [ka leexisid], marka erayga waa la iska helaa oo dadkoo dhan wey sameyn karaan laakiin waxa aadka u dhibka badan waa laxanka, marka maadaama aan wixi ku dhex jiro inaan barto khasab bey noqotay,” ayuu yiri.

Mararka qaar waxaa isu ekaado heesaha uu sameeyo laxankooda iyo kuwo hore, sida uu sheegay fannaanka.

"Habeen dhaweyto hees uu leeyahay nin la yiraahdo Ugaaska oo aniga iyo fannaanadda Hodan Xasan aan qaadnay oo la yiraahdo Yalam Yalam ayaan sameyneynay, markaan isku dayay inaan laxankii saaro ayuu mid i ag fadhiya igu yiri, ‘heestan waxay u ekaatay hees adiga iyo Nimco Dareen aad qaaddeen’,” ayuu sii raaciyay.

Muxuu yahay magaca Cajuun?

 
Qoraalka Codka,

Fannaanka Cabdi Cajuun oo ka hadlay fankiisa iyo caqabadaha uu la kulmo

Dhanka kale, Cabdi Ciise oo caan ku ah "Cajuun” ayaa sharraxay sida ay ku timid naaneystiisa loo wada garan og yahay.

"Magacu horta Cajuun ma uusan ahayn, Waxaa ii bixiyay nin la yiraahdo Macallin Maxamuud Macallin Aaadan oo imika nolol aan ku ogaa. Magucu wuxuu ahaa Cujuun, Cujuusha na waxaa la yiraahdaa qaalimaha yar yar ee geela, oo ah marka uu neefka geela ah nirig dhaafo welina uusan gaarin awr.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray sida uu ugu dambeyn "Cujuun” isugu beddelay "Cajuun”, waxa uuna yiri: "Ciyaalkii aan malcaamadda [dugsiga] ayaa inay Cujuun-kii kari waayeen ayey ka dhigeen Cajuun, marka Cajuun-ku sidaas ayuu ku yimid.”

Cabdi Ciise Cajuun

XIGASHADA SAWIRKA,CABDI CIISE CAJUUN

Xirfado kale oo uu leeyahay Cabdi Cajuun

Marka laga soo tago Fanka, Cabdi Ciise Cajuun waxa uu leeyahay xirfado kale oo uu sheegay in uu dib ugu laaban doono marka waqtigeeda la gaaro.

"Heesaha iyo eray sameynta marka laga yimaaddo kolley xirfado badan oo aan leeyahay wey jiraan sida caafimaadka, laakiin hadda kuma shaqeeyo, hadda waxa keliya ee aan ku koobanahay waa shaqada fanka,” ayuu yiri.

Cajuun waxa uu noo sheegay in uu shahaado Diploma ah ka heysto cilmiga caafimaadka, uuna yahay kalkaaliye caafimaad oo tababaran.

Mar uu ka hadlayay ilaa mudada uu heesaha sii wadi doono iyo inuu xirfadihiisa kale usoo jeedsan doono ayuu ku jawaabay: "Qorshaheygu ma aha in aan isku illoobo fanka oo aan kusii jiro, laakiin waa wax [hiwaayaddeyda ah oo aan jeclahay], marka aan is dhaho waqtigii loogu talogalay waad ka gaartay ama intii aad heesi kareysay waad heestay waxaan rabaa inaan howlaheyga kale ka qabsado.”

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip