Xukun lagu riday Askarigii Isbaaro kutaalla Balcad kudilay Darawalka

0
Sunday December 04, 2022 - 11:16:14 in Wararka by
  • Visits: 169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukun lagu riday Askarigii Isbaaro kutaalla Balcad kudilay Darawalka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ku riday xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo uu Dilay Shilimaad uusan Xaq ugu lahayn 29-kii November bishii tagtayā€¯ Sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsane Cabdiraxmaan waxa uu joogay Isbaaro tiilay Balcad meesha looga baxo, gaar ahaan halka loo yaqaano kulanka Yarow Farxaan oo ah wadada aada dhinaca Magaalada Jowhar.

Maragyadii saarnaa Gaariga shacabka ah waxa ay sheegeen in Xukunsanaha uu si ku tala gal ah u dilay Marxuumka.

Marxuumka ayaa ahaa Darowal si wayn looga yaqaano tuulooyinka iyo degmooyinka Shabeellaha Dhexe oo uu muddo ku safrayay.

Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa maalintii shalay aheyd ka soo Muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo sheegayay in isbaarooyin farabadan yaallaan degmada Balcad.

Shan Maalin kadib saaka ayaa Marxuum Saylax Cabdulle Axmed Salaada Janaasada lagula dukaday Masjid kuyaalla Xaafada Fagax, iyada oo ugu dambeyn lagu Aasay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xilligii uu dhacay dilka Isbaaro kutaalla degmada Balcad loogu geystay Saylax Cabdulle Axmed ayaa waxaa ka dhashay carro xoogan, iyada oo Ehelladiisa oo Risaala la hadlay ay dalbadeen in ay cadaalad u helaan dilkaas, hayeeshee ugu dambeyn Maanta xukun dil ah lagu riday Askarigii geystay dilkaas





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip