HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 3-DA DICEMBAR 2022-KA
Xasan Sheekh oo 100 Aqoonyahan ka bixina ya kharashka waxbara shada ee PhD
Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sh. Maxamuud oo Shalay ka qeyb galay Munaasa badda Qalin-jab inta Aqoonyahannada Soomaa liyeed ee sanadka ka baxay Jaamacadda Nab adda ee Qaramada Midoobay ayaa Maamulka Jaamacaddu waxay go’a amiyeen in ay Madaxweyn aha ugu magac-daraan Xa runta ay ku leeyihiin Soo maaliya.
Madaxweynaha oo Jaamacaddan ka qaat ay sanadkaan, shahaadada sare ee cilmiga na badda, maamul wanaagga iyo horumarinta ay aa ugu hambalyeeyay dhammaan Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee Shalay kala qalin-jabiy ey heerarka kala duwan ee culuumta ay bixiso Jaamacadda Qaramada Midoobey, waxa uuna tilmaamay doorka laga filanayo inay ka qaataan halganka ciribtirka jahliga& dib u dhaca dal ka.
"Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dhisid da tiirarka tacliinta sare oo ku saleysan hal-abu ur & xirfad, horseedaysana nabad iyo dib u he shiisiin waarta. Shalay waxaan u fadhinnaa qal in jabinta 18 Aqoonyahan Soomaaliyeed oo qaa tay PhD iyo 144 kale oo heerka Labaad ee Mas terka ah, taas oo dhiirri gelinaysa mustaqbalka dalkeenna,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay aa sheegay in boqol ardey la siinayo deeq wax barasho PhD ah oo ay Jaamacadda UPEACE fulin doonto saddexda sano ee soo socota, taas oo kor loogu qaadayo heerka tacliinta sare ee Soomaaliya, iyadoo dawladdu ay arrinkaas la kaashaneyso Jaamacadda Nabadda iyo saaxii bada kale ee taageera Waxbarashada dalkeena
Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh ayaa uga u mahad-celiyay dhammaan macalimiintii qaybta ka ahaa waxbarashadiisa, gaar ahaan maamulka iyo ardeyda Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay oo uu ka qaatay takh asuska cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga iyo Horumarinta.
Golaha Wasiirada Oo Ansixiyey Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka Iyo Darajooyinka
Golaha Wasiiradda XFS ayaa Shalay kul an ay yeeshan oo uu shir guddoominayay Ra’ii sul Wasaaraha XFS, Hamza Abdi Barre waxa ay ku ansixiyeen Siyaasadda Jaangoynta Mu shaarka iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka ee Dowladda oo ay golaha hor keentay Wasa aradda Shaqada iyo Arrimaha bulshadda.
Siyaasadda Jaangoynta Mu shaarka iyo Dar ajooyinka Shaq aalaha rayidka ee Dowladda ay aa waxa ay caawinaysaa xaqiij inta ujeedooyin ka dawladda ee ku saabsan habka mushahar-bixinta iyo astayn ta darajooyinka shaqaalaha rayidka ah. Baahi da siyaasaddan hirigelinteeda keentay ayaa ah in laga guuro nidaamkii hore ee darajo oyinka shaqaalaha ee ku saleysnaa kaliya he erka waxbarasho, loona guuro nidaam cusub oo ku saleysan baahiyada shaqo kasta oo dow ladeed kuwaas oo ay ka mid tahay: aqoon, wa ayo aragnimo, xirfad iyo karti.
Siyaasadda la meel mariyay ayaa meesha ka saareysa nidaamka hadda jira ee Darajada Shaqaalaha oo ku saleysan kaliya ‘Heer Waxb arasho’ balse aanan loo eegin heerarka kala duwan ee mas’uuliyadaha shaqooyinka la qaba nayo.
Weerarkii Hotel Villa Rays oo aan jawaab la’aan noqon doonin
Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdi sho ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay qorsheynayso tallaabada ku habboon ee ay qa adi laheyd, ka dib weerarkii dableyda Al Shaba ab ka tirsan ka gaysteen Hotel Villa Rays ee Ma gaalada Muqdisho.
Hotelkan oo Madax tooyada Qaranka ka xi ga dhanka Degmada Bo ondheere ayaa ku ya ala goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo oo xee nda abka Xarunta Villa Somalia ah.
Weerarkan ayaa intii uu socday waxa uu saameeyay dhaqdhaq aaqa Madaxtooyada Qa ranka iyo dhismooyinka kale ee hay’adaha dowl adda ee halkaasi ku ya ala, iyadoo uu hadalhayn xoog lehna ka dhex dhaliyay qaybaha bulshada.
Dadka wax ku qora barraha bulshada ayaa su’aal geliyay, sida lix nin oo Shabaabka ka tir san ugu suurtagashay inay ka gudbaan barraha kontorool ee lagu hubiyo amniga hotelkaasi oo muhim u ah Qasriga Madaxtooyada, waana xilli wadooyinka hotelkaasi soo gala ay markii hor eba u xirnaayeen amniga Madaxtooyada. Wee rarka ayaana intii uu socday waxay dableydaasi gantaalaha garbaha laga tuuro ku garaaceen gidaarka Madaxtooyada.
Waddooyinka iyo isgoysyada kale ee ka baxsan Madaxtooyada waxaa yaala barro kon torool oo amniga gaadiidka iyo dadweynaha la gu hubiyo, iyada oo dadku ku adagtahay in si caadi ah isaga kala gudbaan.
Dadka qaarkii ayaa qaba aragtida ah inaan ay Shabaabku weerari kari lahayn goob amnige eda sidaasi loo ilaaliyo, haddii aysan jiri lahayn gacan gudaha ah.
Ma cadda nooca ay jawaabcelinta dowladdu noqon doonto, lamana garanayo haddii Saraak iil ay xilkooda ku waayi doonaan iyo haddii kal aba. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha ku dhow dhow ayaase dersaya wa xa ay noqon kareyso tallaabada xigta ee ay do wladdiisu qaadayso. Horaan Dowladda Federa alka ayaa lagula taliyay in ay wax ka bedesho hannaanka lagu sugo amniga Caasimadda Mu qdisho, tiiyoo wax ka suurtagalay aanay jirin.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Villa Somalia ay garowsan tahay in weerarkani uu weji gabax ku yahay dowladnimada dalka, haddii uu cagaha la soo galay aqalkii dalka looga arriminayay.
Weerarku waxa uu imaanaya, xilli dowladdu ay dhawaan sheegtay in hawlgalada ka socda gobolada dalka qaarkood lagu dilay 600 oo ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, halka 1200 kalena lagu dhaawacay.
Guddoomiye Sacdiya Samatar Oo Wada-Had al La Yeelatay Madaxweynaha Maxkam adda ICC
Guddoomiye xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Ma rwo Sacdiya Sama tar ay aa wadahadal khadka telef oonka ah la yeelatay Pi otr Hofmański, Madaxwey na ha Maxkamadda Dambi yada Caalamiga ah ee ICC.
Wadahadalka ayaa ku saabsanaa sida loo xo ojin karo nidaamka cadaaladda Soomaaliya, ga ar ahaan marka laga hadlayo dambiyada caa lamiga ah.
Qoraal kooban oo uu guddoomiye Piotr Ho fmański, soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Wadahadalka uu la yeeshay guddo omiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacab ka uu ahaa mid waxtar leh. Waxa uu yiri:
"Wadahadalka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fe deraalka Soomaaliya, Sacdiya Samatar, ayaa Shalay yeeshay wadahadal taleefoon oo wax tar leh oo ku saabsan suurtagalnimada xoojinta nidaamka Garsorka Dambiyada Caalamiga ah”.
Soomaaliya oo ah wadamada saxeexay he shiiska lagu dhisay maxkamadda ICC ayaa wa xa ay ka mid tahay wadamada ay ka dhaca an ama ka dhaceen dambiyo u baahan hannaan garsoor oo caalami ah.
Villa Somalia Oo Qaab Casri Ah Loo Dhisayo & MW Xasan Sheekh Oo Shalay Dhagax Dhigay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan dib u ha beynta Xafiisyada Madaxtooyada ayaa dhagax dhigay dib u dhis casri ah oo lagu sameynayo Madaxtooyada.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qorshey aasha ugu muhiimsan dowladdiisa ay ugu horre eyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al shabaab, dib u habeynta xarummaha iyo hannaanka Hay’adaha do wladda iyo hirgelinta ku dhaqanka shuruucda dal ka, taas oo aas-aas u ah dowlad Soomaaliyeed oo ay ku kalsoon yihiin shacabkeedu, gudan kar tana waajibaadk eeda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay aa uga mahad-celiyey dowladda, shacabka Tur kiga iyo shirkada Albayrak sida ay gacanta uga geysanayaan dib u casriyeynta Xafiisyada Mad axtooyada, iyaga oo mar walba garab istaag iyo taageero u muujiya dowladda iyo sha cabka Soomaaliyeed.
Munaasibadda dhagax-dhigga Madaxtooya da cusub ee dalka waxaa ka qaybgalay Ra’iisu lwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaal iya Xamse Cabdi Barre, Wasiiro ka tirsan Xuku umadda, Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaal
iya iyo Madaxa shirka Albayrak.
Shariif Xasan oo shaaciyey caqabad ka hey sata inuu tago Baydhaba
Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in loo diiday inuu tago maga alada Baydhaba, wuxuuna hadalkaan ka shee gay kulan ay Shalay isugu yimaadeen siyaasi yiin ka soo jeeda deegaanada K/Galbeed.
Shariif Xasan ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Laft agareen uusan u ogoleyn inuu Baydhaba ku tago diyaarad, halka dhulka ay joogaan Al-Shabaab oo aan lagu safri karin.
Sidoo kale madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed wuxuu sheegay in dadka lagu caburiyo deegaanada maamulkaas oo xoriyad uusan heleyn qofkii aan taageersaneyn maamulka uu hoggaamiyo Laftagareen.
Shariif Xasan ayaa carabka ku adkeeyey inay doonayaan in doorashada Madaxweynaha K/Galbeed waqtigeeda lagu qabto, isagoo rajo ka muujiyey in mar un uu tegi doono Baydhaba oo qorshaha mudo kororsiga ah ee Laftagareen uusan soca doonin.
Dhinaca kale Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanada Daynuunaay iyo Goofgaduud-buurey oo hoos taga magaalada Baydhaba, halkaas oo Al-shabaab ay ku laayeen ciidan badan.
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed wuxuu ka tacsiyeeyey khasaarihii ciidanka loogu geystay weerarkaas oo sababay inay kooxdu la wareegto labadaas deegaan, ciidan badana ay ku layso, isagoo sheegay waxaas aan loo dul-qaada doonin.
Ugu dambeyntii Shariif Xasan ayaa dowladda dhexe ku amaanay sida ay uga go’antahay in laga adkaado oo lasoo afjaro kooxda Al-shabaab oo dhibaato badan ku heysa umadda Soomaaliyeed, dadka reer Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay inay kacdoon sameeyaan oo dhulkooda ay ka xoreystaan Al-shabaab.
Guddoomiye Sacdiyo Samatar Oo Shalay Kulan La Yeelatay Qaar Kamida Culimada
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Samatar, ayaa kulan la qaadatay qaar ka mid Culima’udiinka Soomaaliyeed kuwaas oo kala hadlay arrimo si been abuur ah loogu faafiyay Baraha Bulshada.
Guddomiye Sacdiyo Yaasiin ayaa Culimadda uga mahadcelisay sida ay u soo ajiibeen kulankeedi ayaa waxa ay Bul shada iyo Cumimadda Soomaaliyeed uga jaw aabtay Khudabadii ay ka jeedisay daah-furka ol’olihii 16-ka maalmood ee Tacadiyadda ka dhanka ah ee Haweenka & Carruurta.
Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa xustay hadaladii baraha Bulshada la wareejinaayay iyo mowduuca ay ka hadleysay aanaheyn mid hal meel u wada socda. Ugu dambeyn Guddoo miye Sacdiyo Yaasiin ayaa Bulshada Soomaa liyeed u sheegtay in aan wada ilaalino Shuruu cda dalka iyo in meel loogu soo wada jeesto tacdiyada loo geeysto Haweenka iyo Carruurta yaryarka ah, waxaana ay markale adkeeysay in laga wada shaqeeyo mid nimada iyo ilaalinta diinteena Suuban.
Hadal-heyn badan ayaa ka dhalatay hadalkii maalmo kahor ay jeedisay Guddomiye Sacdiyo Yaasiin ee ahaa inay xoog ku ansixineyso sha rciga jinsiga, haddii kalena ay isaga tegi doonto magaalada Muqdisho.
Dowladda Oo Soo Saartay Digniin Ku Wajahan 11 Gobol
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in 11 gobol oo ka tirsan dalka ay wajahi karaan khatar kaga imaan karta halista daadadka roobka (flash floods).
Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarun teeda ka-digista halis-wadare edka ayaa waxaa lagu sheegay in goboladaas oo kala ah Galgaduud, Sh/dhexe, Sh/Ho ose, Bakool, Banaadir, Gedo, Jubbada-dhexe, J/Hoose, qeybo kamid ah gobolada Baay, Bari iyo Hiiraan ay saadaashu sheegayso inay asb uucan heli doonan roobab inta u dhaxeysa 10 – 100 (mm).
"Haddii roobabkaasi ay goboladaas uga da’aan sida ay saadaashu sheegayso waxay degmo oyin gobolladaasi kamid ah wajihi karaan khatar kaga imaan karta halista daadadka ay roobabk aasi sababi karaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale waxay hay’addu sheegtay in gobol ada kale ee dalka ay asbuucaan heli doonaan roob xadigiisu u dhaxeeyo 01 – 10 (mm), kaasi oo dadku ay ku diirsadaan, oo aan saamayn badan lahayn.
Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaran ka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ay aa toddobaadyadii u dambeeyay soo saareysay "Saadaasha Roobka todobada casho ee soo socota”, taasi oo ay uga digeyso haddii ay jirto halis ka dhalan karta roobabkaasi.
Wasiir Roobow oo shacabka u ballan-qaad ay Soomaaliya oo laba arrin ka maran
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrima ha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo Dorraad xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Norway oo uu hogaaminayay Safiirka Norway ee Soomaaliya Danjire Haakon Svane, ayaa ballan-qaaday Soomaaliya oo laba arrin ka banaan.
Waxaa safiirka ku wehlinayay kulankaan Ergeyga gaarka ah dowladda Norway uqaabilsan Arrimaha Soomaliya Heidi Johansen iyo Mr. Ole Lindeman, Safiirkii hore dowlad da Norway ee dalka Afgha nistan.
Kulanka ayaa diirada lagu saa ray xoojinta iyo sare uqaadida iskaashiga dowl adda Soomaa liya iyo Norway, gaar ahaan dhin acyada la-dag aalanka kooxaha argigixisada ee caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soom aaliyeed.
Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa wafdigaan uga warbixiyay sida ay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ugu howlan tahay tiir kamid ah tiirarka ugu muhiimsan xukuumadda ee la xiriira dabargoynta kooxaha Khawaarijta.
"Wasaaraddan waxay u taagan tahay ilaalinta qiyamka Islaamiga, kaasi oo na-faraya ciribtirka afkaaraha khawaarijtu kaga been sheegaan Dii nteena Xaniifka ah, kuna baneeysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed, waxaan rabnaa in aan gaarsiino shacabka Soomaaliyeed, Soomaaliya oo nabad ah, ka maran cagajugleyn iyo cabsig elinta Argigixisada,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu la wadaagay wafdigan uu horkacayo Safiirka Norway qorshaha wasa aradiisa ee la-dagaalanka Al-Shabaab, wuxuu na yiri "Anagoo raaceyna jiheynta Madaxda Qar anka Wasaaraddu waxay dhamaan goboloda dal ka ka howl-gelinaysaa Ducaad dadka ubay aanisa Diinteena Xaniifka ah, kuna hagta dhaba ha toosan ee ay jidaysay Diinteena Islaamka”.
"Hadafkeenu waa in dalkan laga ciribtiro argigixisada feker ahaan iyo ciidan ahaanba, waana sababta ay xukuumaddu uqaaday howl-galo isku-dubaridan oo cadowga dhankasta loo gu naafeynayo”.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay "Waxaan rab naa in aan badbaadino dhaliyarada lagu marin habaabiyay afkaaraha qaldan ee ku dhisan dil ka, isdilka iyo kaligii muslinimada, kuna hagno Nabada, walaaltinimada iyo is-jeceylka Islaam ka, si ay uga soo laabtaan kooxaha Khawaar ijta”.
Safiirka iyo wafdigiisa ayaa wasiirka uga ma had-celiyey qaabilaadiisa, iyaga oo ku amaanay howlaha uqabsoomay wasaaradda intii uu joo gay gaar ahaan qabashada shirweynihii Culima da Soomaaliyeed 24-29 Okotobar ee sanadkan.
Waxay sheegeen in dowladda Norway ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaal iyeed, ayna dadaal weyna ka geysanayso ho wlaha hortabinta u leh dowladda Soomaaliya ga ar ahaan dadaalada ay wado wasaaradda Awq aafta iyo Arrimaha Diinta XFS ee ku aadan ciribtirka fekerka Xagjirka ah.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dish ay 40 katirsan dagaalamaayasha kooxda Alshabaab
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ho wlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa saaxiibada caa lamiga ah lagu dilay 40 katirsan kooxda Alshabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaal iya ayaa lagu sheegay in ho wlgalka uu ka dhacay deegaanka Cali Fool dhe ere oo katirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeeladda dhexe.
Dowladdu waxay sheegtay inuu howlgalkan qeyb ka yahay ciribtirka Alshabaab, iyo in la jar o dhaqdhaqaaq kaste oo ay isugu gudbi karaan Shabaab ku sugan Shabeellada dhexe iyo Hiir aan
Gabar dhalinyaro ah oo Shalay iska soo tuurtay dabaq ku yaala magaalada Muqdisho
Duhurnimadii Shalay waxaa dabaq ku yaala de gmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir iska soo tuurtay gabar dhalinyaro ah oo magaceeda lagu soo koobay Fartuun.
Gabartaan iska soo tuurtay dabaqa ayaa la sheegay in dhawaan uu kusoo booday xanuun lagu sheegay Jini, hayeeshee baraha bulshada waxaa lagu faafiyay in gabadhaani ay dabaqa isaga soo tuurtay Jeceyl dartiis.
Muqaal si weyn loogu dhex faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaayay gabadha oo kasoo boodeysa dabaqa, islamarkaana kusoo dhul dhaceysa dirin ay dhulka la taagnayeen dhalinyaro dhowr ah oo dooneysay iney ku badbaadshaan, hayeshee waxaa la xaqiijiyay in gabadha ay soo gaareen dhaawacyo jajab u badan oo dhanka lugaha iyo gacmaha ka gaaray.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay qoyska Fartuun oo la xariira sababaha rasmiga ah ee keenay in gabartooda iska soo tuurto dabaqaan ku yaalo xaafada Israac agagaarka buundada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.
Ma ahan markii ugu horeysay oo gabar Soomaaliyeed ay iska soo tuurto dabaqyada ku yaala magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana sidaan oo kale sanadkii hore dabaq isaga soo tuurtay gabar kale oo dhalinyaro aheyd oo la sheegay in Jaceyl dartis dabaq isaga soo tuurtay.
DF oo beenisay aragti laga faafiyey kacdoon ka shacabka
Inkastoo guulo laga gaaray dagaalka furimaha, haddana khubarada dhanka ammaanka qaarkood ayaa is weydiinaya in dowladdu ay leedahay "Istaraatijiyad cad” oo ay kaga adkaaneyso Al-Shabaab.
Maleyshiyaadka ka tirsan xoogaga gaca nsaarka la leh Al-Qaacida ayaa todoba adkan gudaha u galay Hotel caan ah oo ku dhagan Mada xtooyada, halkaasi oo ay ku dileen 9 ruux.
Bishii October, maley shiyada ayaa laba qarax gaari oo waaweyn ku beeg satay isgoys mashqu ul badan oo ay ku dhinte en 121 qof in ka badan 330 kalena ay ku dhaa wacmeen.
Dadka dhaliilsan dowladda ayaa ku doodaya in maamulka Xasan Sheekh uu ku biiray dagaalka ka dib abaabulo dadka degaanka oo laga sameeyay gobolka Hiiraan oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Sidoo kale, magaalada Wabxo ee maamulka Galmudug, ayaa waxay Ciidamadu baneeyeen, ka dib markii ay muddo kooban qabsadeen. HirShabelle iyo Galmudug waa meelaha si iskood ah kacdoonka uga bilowday.
"Haddii aad bilaabayso dagaal, waxay u baahan tahay istiraatijiyad cad, taas oo leh bar bilow iyo dhamaad,” ayuu yiri Ibraahim Macalin Cabdullaahi, taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Banaadir.
Ibraahim oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas raaciyey: "Waxay u badan tahay in dowladda ku qasbanaatay in ay ku biirto dagaalka kadib abaabulka shacabka. Meelaha la geeyay waa in loo helo boolis iyo sirdoon.”
Wasiirka gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa diiday fikradda ay dowladdu dagaalka Al-Shabaab ee ka soconaya qaybo kamid ah waddanka ay ku wajahday qorshe la’aan.
"Waa qorshe dowladeed oo bilaawday, mana jiro dagaal aysan dowladdu qorsheynin ama aysan hoggaamin,” ayuu u sheegay Laanta Afka Soomaaliya ee VOA-da. "Ma jiraan wax kadis ah oo ku saabsan”.
Saraakiisha difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallada hadda socda ay sare u qaadi doonaan marka ay dalka dib ugu soo laabtaan 5,000 oo askari oo kale oo lagu soo tababaray Eritrea, inkastoo aan weli waqti go’an loo qaban.
Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay iney gacanta ku dhigeen nin dili rabay Askari ka tirsan ciidanka dowladda
Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen nin hubeys an oo dil u geysan rabay askari ka tirsan ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaali ya, kaasoo magacii sa lagu sheegay Mux sin Cali Mustaf.
Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ninkaan hubeysan ku qabteen degmada Wadajir, isagoo ku hubeysan bastoolad, islamarkaana xilliga la qabanayay uu doonayay inuu degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilo askari ka tirsan ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar.
"Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Degmada Wadajir ayaa gacanta ku soo dhigay Eedeysane Khawaarij Muxsin Cali Mustaf ina Hooyo Iisho Muqtaar Cali iyo bastooladiisa, oo Shalay 09:50 barqanimo xili uu ku howlanaa inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Dee gaanka Xamar” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Duudishe.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday iney kala shaqeeyaan arrimaha amn iga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoona si weyn u bogaadiyay dadkii ku dhii raday iney kala shaqeeyaan ciidanka in gacanta lagu dhigo eedeysanaha la sheegay inuu dili rabay askariga ka tirsan ciidamada ilaalada deegaanka Xamar.
Ciidamada dowladda oo isaga baxay dega anka Goofgaduud Buureey & faah faahino laga helayo
Wararka Shalay naga soo gaaraya degaanka Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in Shalay halkaasi ay isaga bazeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo gacanta ku haayay.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin ay Ciidamadu isaga baxeen degaanka, waxaana la wareegay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed weli wax faah faahin ah kama bixin sababta ay uga baxeen degaanka Goofgaduud Buureey oo 30km u jira Magaalada Baydhabo, halkaas oo dhowr jeer ay weerareen Al-Shabaab.
Dorraad gelinkii dambe ayay aheyd markii dagaal xoogan uu ka dhacay degaanka Deeynuunaay oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Baydhabo, halkaas oo la sheegay inay Al-Shabaab la wareegeen.
Madaxweyne Mustafe Cagjar " Cid kasta oo aanu is lahayn dambiyo ayay galeen dowla dda waanu ka saarnay"
Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo si waafi ah uga hadlay tacaddiyadii hadda ka hor ka dhacay degaanka Soomaalida ayaa sheegay in guud ahaan tacaddiyo kala duwan ay ka dhaceen degaanka gaar ahaan xilligii xukuumaddii isaga ka horreysay ee Cabdi Maxamuud Cumar.
Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa kale oo uu sheegay inay jiraan guddi la aasaasay oo loo xil saarey inay soo baraan tacaddiyaddii iyo dhibkii kala duwanaa ee hadda ka hor degaanka ka dhacay, balse waxa uu sheegay guddidaasi inaysan wali shaqadoodii billaabin.
Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumaddiisu uusan wakhti xaadirkan ku jirin qof tacaddi horey uga gaystay degaanka Soomaalida " Cid kasta oo aanu is lahayn dambiyo ayay galeen oo dadka degaanka ayay dhibaato u gaysteen nidaamka dowliga kuma jiraan waanuna ka saarnay", ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.
Balse Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay jiraan dad kamid ah xukuumadda degaanka Soomaalida oo la leeyahay tacaddi bay gaysteen, kuwaas oo wali wax aan wax dambi ah lagu soo eedayn amase aan wax caddaymo buuxa aan lagu haynin, sidaas darteedna aan la iska soo xiri karin waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cafjar.
Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in cid walba oo tacaddi loo gaystay ama qof dhibaato ka sheeganaya, inuu helayo caddaalad dhammaystiran maadaama hay'adaha garsoorka ee degaanka wax badan laga badalay.
Dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa jira dad badan oo dhibanayaal ah kuwaas oo sheegaya in xilliyo hore tacaddi loogu gaystay degaanka sida Jidh dil, Xarig iyo kuwo lamid ah oo dhammaantood ka dhacay degaanka gaar ahaan xilliyadii xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar.
Deni Oo Dowladda Norwey Kala Hadlay Iney Taageeraan Arrin Siyaasiyiin Badan Ka Diidan Yihiin.
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Habeen hore habka foggaan araga ee "Zoom”-ka kulan Kula qaatay Masuuliyiinta Dowladda Norway u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Masuuliyiinta Dowladda Norway ka socda ee uu Kulanka la qaatay Madaxweynuhu ayaa kala ah Ergayga gaarka ah ee Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya Marwo Heidi Elburgi Johansen, La-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway
Ole Lindeman iyo Safiirka Dowladda Norway ee Soomaaliya Amb. Haakon Svane.
Kulanka oo uu Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, ayaa looga hadlay Guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland, Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee Puntland iyo Mashaariicda horumarin.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Norw ay taageeradooda ku aadan hannaanka dimuq raadiyadda Puntland iyo Doorashooyinka Gole yaasha deegaanka iyo Mashaariicda hor umarin ee ay Dowladda Norway ka taageerto Puntland.
Yuusuf Dabageed: Xamar inaan baabuurk ayga ku imaan karo waa guul weyn oo laga gaaray dagaalka Alshabaab
Madaxeweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ku guulaysteen inay isku furaan gobolada Hiiraan, Shabeellada dhexe iyo Banaadir.
Yuusuf Dabageed oo wareysi siinayay warbaahin ta dowladda ayaa sheegay inay ciidamadu hadda u jihaysanayaan xoraynta inta u dhaxaysa Masaajid Cali Galgaduud iyo Aadan Yabaal, halkaas oo uu sheegay inay Shabaabku ku dhuumaalaysanayaan.
Dhulka la xoreeyay ayuu madaxweyne ku xigeenku ku sheegay masaafo dhan 300km oo dherer ah. Wuxuu ku tilmaamay guul weyn oo laga gaaray dagaalka lagula jiro Alshabaab. Sidoo kale wuxuu sheegay in gurmadka Muq disho ka yimaada uu lug ku tago deegaann ada la xoreeyay, halkii awal hore diyaarado lagusoo daabuli jiray.
"Meesha aan subixii kasoo tooso intaan kasoo baxaa ayaa Muqdisho baabuurkayga ku imaan karaa. Waxaa kaloo farxad iyo guul noo ah in ciidankii Matabaan dagaalka kasoo bilaabay ay Shalay ku sugan yihiin xadduuda Shabeellada dhexe,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.
Urur Goboleedka IGAD oo taageeray cods iga Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqa bataynta hubka
Wasiirrada arrimaha dibadda urur goboleedka IGAD ayaa aqbalay codsi uu jeediyay Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) oo ahaa in Soomaaliya lagu garab istaago qorshaha ay ku doonayso in laga qaado cunaqabataynta hubka ee wakhtiga dheer saaran. Wasiir Abshir Cumar Jaamac ayaa ka sheegay shirka 48-aad ee wasiirrada arrimaha dibadda IGAD oo Shalay ka dhacay Khartoum in cunaqabataynta hubku caqabad ku tahay qorshaha dowladdiisa ee ah Soomaaliya Nabadgelyo ah oo Xasiloon, wuxuuna ka codsaday inay IGAD garab istaag buuxa siiso qorshaha dowladda Soomaaliya ee Golaha ammaanka mar kale lagaga codsanayo in laga qaado cunaqabataynta hubka.
Dhinaca kale wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa isla qaatay codsi kale oo dowladda Soomaaliya soo jeedisay oo ahaa in mashaariicda horumarinta iyo fursadaha hoggaaminta iyo shaqooyinka ururka IGAD si caddaalad ah lagu qaybsado maadaama Soomaaliya oo ka mid ah dalalkii asaasay ururka aysan hellin saamigii ay xaqqa u lahayd ee xagga mashaariicda iyo hoggaanka ururka labadaba.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kaashanaysa ururrada ay xubinta ka tahay Soomaaliya sida IGAD, midowga Afrika iyo kuwo kale si loogu guulaystoqorshaha dowla dda ee ah in la qaado cunaq abataynta hubka.
Madaxweyne Qoorqoor Oo Tagay Degaanka Qaayib Oo Dhawaan Al-Shabaab Ku Qaaday Weerar Culus
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Shalay gaaray deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo todobaadkii hore Al-shabaab ku qaaday weerar khasaaro xooggan dhaliyey.
Qoorqoor oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug,Xildhibaanada Baarlamaan ka Federaalka Ah ee Soomaaliya, qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug, gudoomiyaasha degmoonyinka Cadaado iyo Baxdo ayaa soo kormeeray xaaladda guud ee deegaanka iyo difaacyada iyo furimaha ciidanka deegaanka iyo ciidamada qalabka sida oo iskaashanaya.
Madaxweynaha Galmudug oo meel fagaara ah kula hadlay qaar ka mid ah ciidama da, ayaa ku boggaadiyay dagaalka ay kula jiraan, iyo sida ay uga hortagaan weerarka Sha baabka ee deegaanka lagu soo qaado.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada ka dhanka ah Shabaabka lasii joogteynayo oo degmooyin iyo deegaano horleh laga xoreynayo maalmaha soo socda.
Al-shabaab oo laba jeer weeraro ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah ku qaaday deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, waxaana wee rarada ka dhashay khasaaro badan oo dhima sho iyo dhaawac leh.
Hoggaamiyaha Burkina Faso Oo Shaaciyay Inuu Dhacay Afgambi Dhicisoobay
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee dalka Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré, ayaa ku dhawaaqay inuu u ahaa bartilmaameedka isku daygii afgambi ee todobaadkii hore.
Kulan uu la yeeshay ururada bulshada rayidka Khamiistii, kabtan Traoré, ayaa xaqiijiyay inuu dhacay isku day afgambi.
Wuxuu sheegay inuu garanayo cidda ka dambeysay afgambiga dhicisoobay, laakiin aanu doon ayn inuu xiro, maadaama uu "doorbiday wada hadal, xaala ddana uu xakameeyey”.
Kabtan Traoré, ayaa waxa uu xukunka dalka Burkina Faso la wareegay 30kii Sebtembar ee sanadkan, isagoo afgambi ku qabsaday xilka.
Wuxuu meesha ka saaray taliyihii isaga ka horreeyay, Kornayl Paul-Henri Damiba, oo isaga laftiisu xukunka ku qabsaday afgambi.
QM oo dalbatay lacago dheeraad ah si wax looga qabto abaarta kajirta Soomaaliya
Qaramada Midoobay ayaa weydiisan doonta 25% lacag dheeraad ah sanadka 2023 si ay u maalgaliso howlaha gargaarka bini’aadantinimo ee caalamka, sida uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters madaxa gargaarka Qaramada Midoobay Martin Griffiths, isaga oo sidoo kale ka digay in iyadoo aan weli macl uusha looga dhawaaqin Soomaaliya, haddana dadku ay mar hore u dhim anayeen gaajo.
Qaramada Midoobay ayaa codsatay lacag farabadan oo dhan 41 bilyan oo doolar si loo gu bixiyo gargaar nafo lagu badbaadinayo san adka 2022 waxaana lagu wadaa in la bilaabo rafcaankeeda sanadka 2023.
"Macluusha waxay kor u kici doontaa qiyaastii 25% taasina waa naxdin,” madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa yiri isaga oo aan shaacin tirooyin gaar ah. "Waxay kor u kacday sannad kasta qiyaastii 25% sannadihii ugu dambeeyay… farqiga u dhexeeya baahiyaha iyo maalgelinta ayaa sii kordhaya.”
Waxa uu sheegay in 2022-ka Qaramada Midoo bay ay heshay kaliya 44% lacagta loo baahan yahay, isaga oo intaa ku daray: "Sanadihii tagay, waxaan u aragnay 60-65% sida caadiga ah.”
Martin Griffiths wuxuu sheegay in farqiga u dhexeeya maalgelinta iyo baahiyaha uu sii kordhayay sababta oo ah "saameyntii labadii sano ee la soo dhaafay” ee dhacdooyinka sida dagaalka Ukraine, iskahorimaadka, masiibada COVID-19 iyoSoomaaliya ayaa meelo badan oo kamid ah waxaa kajirta abaar daran, taas oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn, waxaana yaraaday gurmadkii laga rabay dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamia ah.
Turkiga oo xiray nin Soomaali ah oo barta TIKTOK ku faafiyay muuqaal isagoo jeex jee xaya lacagta dalkaas
Dowladda Turkey ayaa xirtay nin Soomaali ah oo bartiisa Tiktok soo galiyay muuqaal ku sa absan isagoo jeex jeexaya lacagta dalkaas.
Muuqaalkaan oo aad u dhex wareegaya barta Tiktok ayaa waxaa si weyn caro uga muu jiyay shacabka Turkiga, kuw aas oo si xooggan uga sameeyay falcelin caro leh. Ninkan Soomaaliga ah ee la xiray ayaa la sheegay inuu ka yimid oo haysto dhalashada waddanka Finland. Falka uu ku kacay ayaa la ga yabaa inuu saameyn u geysto Soomaalida ku nool dalka Turkiga.
Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii Haw eeney Soomaali ah oo ku sugan dalka Turkiga ay difaacday haweeney Siiriyaan ah oo loo xir ay qaraxii ka dhacay magaalada Istanbul oo ay ku dhinteen lixda qof.
Warbaahinta adduunka ayaa soo qaadatay muuqal ay ku faafisay baraha bulshada, iyadoo sheegaysa in haweeneyda la xiray aanay iyadu falka ku lug lahayn.
Sanadihii ugu dambeeyay Turkiga ayaa il ga ar ah ku eegayay Soomaalida ku sugan dalkii sa. Qaar badan oo kamid ah ayaa dalkaas laga soo tarxiilay, iyagoo lagu eedeeyay inay sharci darro ku joogeen.
Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka Trump Oo Mar Kale Guul-Darro Ku Dhacday
Maxkamad racfaan oo ku taalla dalka Mar eykanka, ayaa soo afjartay dib u eegis lagu sa meeyay dukumeentiyadii laga soo qaaday dhis maha Mar-a-Lago ee Donald Trump.
Go’aankan ayaa guul u ah waaxda cadaalad da ee Mareykanka, taasoo baaritaan ku samey neysa haddii Trump uu qaatay dukumiintiyo sir ah, markii uu ka guur ayay Aqal ka Cad. Baarayaashu ayaa hadda waxay si buu x da u eegi karaan du kumeentiyada.
Xukunka ayaa waxaa sameeyay khamiistii gu ddi saddex garsoore ah oo fadhigeedu yahay magaalada Atlanta ee dalka Mareykanka, ka dib markii waaxda cadaa ladda ay ka hortimid go’aan bishii Sebtembar, taasoo ogolaatay co dsigii Trump ee dib u eeg ista gaarka ah.
Xukunkeeda, maxkamadda rafcaanku, ayaa waxay qortay inaysan jirin "liisan garsoor oo la gu fara gelinayo baaritaanka socda”.
Amiirkii kooxda Daacish oo lagu dilay dag aal ka dhacay…
Hoggaamiyihii ururka Daacish Abu al-Hass an al-Hashimi al-Qurayshi ayaa ku dhintay daga al dhowaan dhacay, sida uu xaqiijiyey afhayeen ka kooxdaas oo warbaah in ta la wadaagay fariin cod ah oo la baahiyey Arbaca dii, oo aan bixin faahfaahin intaas ka bada
Al-Qurayshi ayaa noqonaya hoggaamiyihii 2aad ee kooxda Daacish ee la dilo sannadkan gudihiisa, xilli ay kooxdani isku dayayso inay dib u soo celiso awoodeedii, iyada oo unugyo kha as ah oo ka tirsan kooxdani ay weeraro dhima sho badan dhaliya ka geysanayaan dalalka Ciraaq iyo Syria. Sidoo kale garabka kooxda Daacish ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa iyaguna bila han u dambeeyey waxay she egteen inay geysteen weeraro badan oo ay ku laayeen tob anaan qof.Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in al-Qurayshi la dilay bartamihii bishii October, iyada oo lagu dilay hawlgal ay qaadeen ciidama da mucaaradka Syria ee ku sugan G/ Koonfure ed ee Daraa. Hase ahaatee illaa haatan lama garanayo sababta keentay inay bil iyo bar qaad ato in la shaaciyo geerida hoggaamiyaha Daac ish.
Afhayeen u hadlay ciidamada milateriga ee Maraykanka ayaa sheegay in aanay jirin ciida mo Maraykan ah oo ku lug yeeshay hawlgalkan
Codka ay baahiyey ururka Daacish oo lagu baahiyey barta Telegram ayaan xog badan lag aga bixinin hoggaamiyaha cusub ee kooxda, ha se ahaatee afhayeenka kooxdaas ayaa codka uu soo duubay ugu baaqay xubnaha ururku in ay bayco la galaan hoggaamiyaha cusub.
"ISIS waxay weli tahay khatar weyn oo ka ji rta gobolka,” sidaas waxaa sheegay taliska dhe xe ee ciidamada Maraykanka, iyaga oo intaas ku sii daray "Taliska dhexe iyo xulafadayadaba waxaa naga go’an in laga gulayso ISIS”.
Kooxda Xuquuqda aadahana ee dusha kala socota qulqulatooyinka Syria ee fadhigeedu ya hay dalka Britain ayaa bishii hore ee October waxay sheegeen in xoogaga mucaaradka Syria ee ku sugan gobolka Daraa inay dileen xubno ka tirsan ururka Daacish, iyaga oo sheegay in dadka la laayey ay ku jireen hoggaamiye u dha shay dalka Ciraaq.
Hoggaamiyihii Daacish al-Qurayshi ayaa ah aa shaqasi aan wax badan laga aqoonin, wux uuna hoggaanka kooxda Daacish la wareegay bishii February ee sannadkan, ka dib markii ay Maraykanku dileen hoggaamiyihii hore ee Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi.
Waxaa la rumaysan yahay in magacyada ay qaateen labadan hoggaamiye inaanay ahayn ku wooda rasmiga ah. AP, Reuters
Madaxweynihii hore ee dalka Shiinaha oo geeriyooday
Hogaamiyihii hore ee dalka Shiinaha Jiang Zemin, ayaa Shalay geeriyooday isaga oo 96 sano jir ah kadib xanuun hayay, sida ay she egtay warbaahinta dowlad da dalkaasj.
Jiang oo ahaa madaxweyna ha Shiinaha 1993 ilaa 2003, wuxuu shiinaha ka dhigay isbedelo taariikhi ah oo ay ka mid yihiin dib u soo nool eynta iyo dib u hab eynta suuqa, ka soo noqosh ada Hong Kong ee gumey sigii Ingiriiska 1997 iyo soo galitaanka ururka Ganacsi ga Adduunka (WTO) 2001.
"Geerida Jiang Zemin waxay khasaare aan la soo koobi karin ku tahay xisbigeena, ciidanke ena iyo dadkeena dhamaan qowmiyadaha kala duwan,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday xisbiga hoggaam iyaha Shiinaha.
Madaxweynahaan ayaa lagu xasuusta in tal ada la wareegay xilli aad u adag oo ay dalka Shiinaha ka taagneyd banaan-baxyo waawayn iyo xasiloonni darro siyaasadeed.
Dhacdadani waxay dhalisay loolan adag oo xa gga awoodda ah oo ka dhacay Shiinaha oo hor seeday dib-u-habayn in lagu sameeyo xisbi ya da dalka ka jira.
Shir Lagu Soo Bandhigay Istaraatijiyadda Xasillinta Degaanada Laga Saaray AS Oo Ka Dhacay Muqdisho
Ra’iisul Wasaare ku-Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Shalay daah-furay shir lagu soo bandhigay Ista raatijiyadda Qaran ee Xasillinta deegaannada laga xorreeyey Al-shabaab oo ay ka soo qayb galeen Wakiilada Beesha caalamka ee Soom aaliya.
Shirka oo ay kasoo qeyb galeen Wasaarad aha ku shaqada leh Arrimaha xasillinta ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ayaa lagu soo bandhigay warbixinno waafi ah oo sha rraxaya hawl-galladii u dambeeyey ee xorraynta iyo horumarrada laga sameeyey sidii adeegga aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa goobaha soo galay gacanta Dawladda.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo hadal ka jeediyay madasha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in gacan garga ar lala gaaro dadka Soo maaliyeed ee muddo ku sugnaa deegaanada la xorreeyay, isla marka ana loo baahan yahay in la iska kaashado fulinta qorshahan ballaaran ee xasillinta ah.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ka warbi xiyey guulaha laga gaaray hawlagallada dalka looga xoraynayo deegannada Al-shabaab ku su gan yihiin iyadoo kaashanaysa dadka deegaan kan oo u abaabulan sidii ay iskaga xorayn lah aayeen.
Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo ka hadashay cabasho kasoo yeertay ganacs atada Qaadka Miirowga
Ganacsatada Qaadka ee magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay wasaarad da maaliyadda dowladda Soo maaliya inay canshuurta ku ko rdhisay Qaadka Miirowga ah ee ka yimaada dalka Ken ya.
Iskusoo bax ay sameeyeen ganacsatadu ayay ku sheegeen in qaadkii Shalay waaberigii ka soo dagay garoonka Aad an Cadde uu weli ku xanniban yahay garoonka, kadib markii ay shee geen in wasaaradda maal iyadda ay amartay in miisaan lagu canshuuro.
Ganacsatadu waxay warbaahinta u sheeg een inay qaadka ku canshuurtaan waxa loo yaq aano Marduuf, balse hadda waxay tilmaameen inay ka cabanaayaan in dowladdu ku amartay in canshuurta lagu bixiyo miisaanka culayska Qaadka.
Dhinaca kale, wasaaradda maaliyadda oo ka jawaabaysay cabashada ganacsatada Qa adka, ayaa ku eedeysay inay diideen inay dowl adda kala shaqeeyaan canshuurta lagu salleey ay cabirka kiloo garaamka Qaadka.
Wasaaradda maaliyaddu waxay ku tilm aam tay nidaamkan inuu yahay halbeeg daah furan oo lagu cabiri karo canshuurta Qaadka, waxa yna sheegtay in halbeeggaan uusan waxba ka beddelayn qiimihii canshuurta horey loogu qaadi jiray.Si kastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaa qa ganacs iga qaadka Miirowga ayaa Shalayy ahaa mid aad u yar, inkastoo galinkii dambeqe ybo kami da Qaadka Miiroga lasoo fasaxay, la mase oga in ganacsadu qaateen awaamiirta do
wladda ka soo baxay.
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 3-DA DICEMBAR 2022-KA
...