
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 2-DA JUUN 2016-KA
Kulanka ayaa ahaa mid lagu soo bandhigayay barnaamijyo taxane ah oo Hay’ada Hor muud Foundation ay waddo, kuwaasoo lagu gargaarayo dadka dhibaateysan ee ku nool Muq disho iyo Gobollada Dalka.
Mas’uuliyiinta Hormuud Foundation, ayaa sheegay in barnaamijkoodaan uu qayb ka yahay barnaamijyada ay ugu talogaleen inay bulshada jilisan ku caawiyaan dadka naafada ah iyo kale ee aan waxba haysan.
Sidoo kale, Naafada ka faa’iideystay deeqda Hormuud Foundation, ayaa waxay tiro ahaan gaarayeen 400ruux oo isugu jiray naafo iyo indhoolayaal, kuwaas oo isugu jiray Dad waaweyn iyo Carruur.
Guddoomiyihii Hore ee Hay'adda Hormuud Foundation, C/llaahi Nuur Cismaan oo Goobta ka Hadlay, ayaa ugu baaqay Dadka Alle wax siiyay meel kasta oo ay Dunida ka joogaan in ay Walaalahooda aan waxba heli karin ku caawiyaan wax ay ku afuraan inta lagu jiro bisha Ra madaan ee soo socota.
"Barnaamijkaan, Wuxuu Hordhac u yahay Barnaamijyo Taxane ahaan doono inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, kuwaasoo lagu caawinayo dadka aan waxba haysan,” ayuu hadalkiisa raaciyay C/llaahi Nuur.
Waxaa isna goobtaas ka hadlay, Cabbaas Ismaaciil Caddoow oo ah Guddoomiyaha urur ay na afada Soomaaliyeed ku mideysan yihiin oo ku hadlay magaca naafada deeqdan lacageed la guddoonsiisay shalay, Wuxuuna Hormuud Foundation uga mahadceliyay Kaalmada ay siisay Dadka Naafada ah.
Dhanka kale, Cabbaas ayaa xusay in shirkadda Hormuud ay tahay shirkaddii ugu horre ysay oo u istaagtay inay kaalmeyso Dadka jilicsan, isagoo sheegtay inay shirkadu mudnaanta 1-aad siiso Dadka Naafada ah iyo kuwa kale ee jilicsan.
Guddoomiyaha Hay'ada Hormuud Foundation, Muuse Axmed Nuur oo isna munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegey in ay Shirkaddu kaalin weyn ka qaadan doonto inta lagu Gudojiro Bisha Ramadaanka Afurinta dadka jilicsan iyo kuwa naafada ah.
Ugu dambeyn, Wuxuu Xusay in Barnaamijkan uu qayb ka yahay barnaamijyo ay Hay’adda Hormuud Foundation ku caawinayso shacabka dhibaateysan ee Soomaaliyeed inta lagu jiro bisha Ramadaan oo maalmo ay naga xigaan
MADAXII WEERARKII JAAMACADA GARISSA OO LA DILAY
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in howlgal gaar ah oo ay Habeen hore halkasi ka fuliyen ciidamada Dowlada,kuwa Jubbaland iyo ciidamo Mareykanka ah in lagu dilay madaxii ka dambeeyay weerarkii Jaamacada Garissa Maxamed Kuno oo loo yaq aanay Dulyaden.
Howlgalka lagu dilay dulyaden waxa ka qeybgalay ciidamada ajaanib ah oo watay laba diy aarad oo ah nooca Helicopterka ah sida wararka qaar ay sheegayan.
Maamulka Jubbaland waxa ay sheegten iney dilen islamarkaana ay hayan meydkiisa Mad axii ka dambeeyay Weerarkii Jaamacada Garissa 2 April 2015kii,halkasi oo lagu dilay ku dhawaad 150 Ruux.
WASIIRO KA TIRSAN XUKUUMADA SOOMALIYA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE
Wasiiro ka tirsan Xukuumada Federaalka ee Soomaliya ayaa shalay gaaray Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Wasiirada gaaray Magaalada Beledweyne waxaa kamid ah wasiirka Arrimaha Gudaha Xuk uumada Somaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen "Odwaa” iyo Wasiirka Amniga Soomaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed.Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledwe yne ee Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, Saraa kiil ka Tirsan Dowlada iyo Amisom.
Ujeedka ugu weyn ay u gaareen Magaalada beledweyne ayaa lagu sheegay sidii ay u kormeeri lahaayeen dadka uu saameeyay fatahaada wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledw eyne ee uu dhawaan maasheeyay xaafada ku yaala Magaaladaas.
TALIYAHA AMISOM OO LOO MAGACAABAY SARGAAL JABUUTIYAAN AH
Wakaalada wararka ee Jabuuti ayaa shaacisay in Ururka Midowga Afrika Taliye cusub u soo magicaabay Ciidamada Nabad ilaalinta Amisom ee ka jooga Somaaliya.
Taliyaha cusub oo lagu magacaabo Generaal Cusmaan Nuur Subagle, waxa uu u dhashay dalka Jabuuti, wuxuuna sida ay Wakaaladu sheegtay la wareegi doonaa hoggaanka 22 kun Ciidan kala duwan ee howlgalka Amisom Somaliya ka jooga kana kala socoda dhowr dal oo ka tirsan midowga Afrika.
Xilkan Taliyenimada Ciidamada Amisom ee Soomaaliya ee loo magacaabay Generaal Cusmaan Nuur Subagle ayaa waxaa hore u hayay Gereraal Kenyaati laga soo billaabo dhamma adkii bishii Dishember 2015kii. Sida ay Wakaalada Wararka ee Jabuuti qortay waxay magicaa bista Taliyahan cusub ku soo beegmeysaa xilli howlgal xooggan lagula jiro kooxda Alshabaab sidii looga saari lahaa degaanada ay weli ku hrsan yihiin iyo in ciidamada Dowlada lagu taageero howlgaalkaasi.
Taliyaha cusub ee loo soo magaagaacay Ciidamada Amisom ee Somaaliya Generaal Cusmaan Nuur Subagle ayaa hore sanadihii 20122013 kii Taliye ugu noqday howgalka Ciida mada Amisom ee Somaaliya, wuxuuna si joogta uga qeyb gala shirka ay yeelanayaan gudiga wa da jirka ah ee looga hadlyo arrimaha Mileteriga ee hoggaanada dalalka ciidamadooda ka jooga an Somaaliya.
MEYDADKA AFAR RUUX OO SHABAAB AH OO KISMAAYO LAGU SOO BANDHIGAY
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in goor dhaweyd Magaaladaasi lagu soo bandhigay meydadka Afar ruux oo Shabaab ka tirsan.
Afarta ruux ee Shabaabka ka tirsan ee la soo bandhigay ayaa la sheegay inay ku dhinteen duqeymo habeen hore Diyaarado dagaal ay ka fuliyeen deegaanka Buulo gaduud oo Qiyaastii 30KM u jirta Magaalada Kismaayo.
Wararka waxa ay sheegayaan in meydadkaan ay ka muuqdaan rasaastii lagu dilay iyo waxyeelo kale oo rasaas u badan.
Saraakiisha ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa sheegay inay jiraan kuwa kale oo dhaawac ah oo dhanka Duurka u cararay, balse ay socdaan howlgalo lagu baadigoobayo.
Diyaarado dagaal ayaa habeen hore duqeeyay Deegaanka Buulo gaduud oo Shabaab ay ku sugan yihiin, inkastoo aanan la ogeyn halka laga leeyahay Diyaaradaha Duqeynta fuliyay, balse warar soo baxaya ay sheegayaan in dalka Mareykanka laga leeyahay.
Saraakiisha ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa sheegay Khasaaraha Shabaabka ka soo gaaray Duqeymahaasi inay intaan ka badan yihiin, laakiin hada la helay kaliya meydadka Afartaasi ruux.
WIIL YAR OO SOOMAALI AH OO KA MID NOQDAY DAD KU DHINTEY BADDA MEDITERREANKA
Meydka ilmo yar oo sawirkiisa caalamka oo idil argagax ku dhaliyay toddobaadkan ayaa loo malaynayaa inuu yahay wiil lix bil jir ah oo Soomaali ah iyadoo ay suurtogal tahay in
hooyadii ay ka mid tahay dadka ku dhintey doon degtey sida ay sheegeen ciidamada Booliska shalay.
Sawirkan ayaa noqday sidoo kale sawir wiil saddex sano jir ah oo u dhashay dalka Siiriya kaasoo ku dhintey xeebaha dalka Turkiga sanadkii aynu ka soo gudubnay. Dad ka badan 9000 oo ruux oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintey xeebaha badda Mediterranean tan iyo bilowgii sanadkii 2014.
Meydka Ilmahan ayaa waxaa isagoo sabeynaya badda ka soo helay markab laga leeyahay dalka Jarmalka kaasoo u shaqeynayay hay’ad dhinaca badbaadada badaha ah oo lagu magacaabao SeaWatch kadib markii ay la degtey doon alwaax ka sameysan taasoo ku degtey meel u jirta xeebta Libya 58km waxaana saarnaa doontaas dad kabadan 400 oo ruux.
Hay’ada SeaWatch ayaa si dhaqso ah meydka ilmahan ugu wareejisay shaqaalaha ma rkab ay leeyihiin ciidamada badda Talyaaniga. Markabkan oo lagu magacaabo Vega ayaa keenay maalintii Axada ahayd magaalada xeebta ah ee ku taal Koofurta Talyaaniga ee Raggio Calabria 135 ruux oo la soo badbaadiyay iyo meydadka 45 ruux oo ay ka mid yihiin labo wiil iyo gabar.
SeaWatch ayaa sheegtay in ay u baahisay sawirka ilmaha yar sababtoo ah waxaan doonaynay in laga dhaadhiciyo madaxda Yurub inay xaqiijiyaan marin ammaan ah oo dadka tahriibaya ay helaan iyadoo ugu yaraan 700 oo ruux ay ku dhinteen toddobaadkii hore badda Mediterraneanka
"Sawirka waa meydka ilmo yar oo lix bilood jir ah kaasoo ay dadka aan soo badbaadinay ay ku sheegeen inuu yahay wiil Soomaali ah,”ayuu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters sarkaal Boolis ah.
"Dadka la badbaadiyay ee aan la hadalnay waxa ay noo sheegeen in wiilka hooyadii aysan ku jirin meydadka la soo helay,”ayuu sii raaciyay sarkaalkan.
Booliska waxa ay xireen labo ruux oo ka soo kala jeeda dalalka Siiriya iyo Morocco kuwaasoo kamid ahaa dadkii la soo badbaadiyay oo la geeyay Reggio Calabria Axadii waxana la badan ruux lagu eedeeyay inay ahaayeen dadka tahriibiya dadka.
Nin saddexaad oo u dhashay dalka Sudan oo loo maleynayo inuu ahaa kabtankii waday doonta degtay ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintey badda.
DOWLADDA OO CAMBAAREYSAY WEERARKII HOTEL AMBASADOR LAGU QAADAY
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday hotelka Ambasador ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa sheegay in ay Xu kuumaddu cambaareyneyso weerarkaasi, islamarkaana ay aad uga xun yihiin dhibaatada uu gey stay qaraxa.
Ciidamada amaanka dowladda ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay wax aana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax udhaceen.
Xildhibaano iyo dad kale oo qurba joog ah ayaa degan Hotelka Ambasador oo ka mid ah Hotelada ugu waa weyn magaalada Muqdisho, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan oo weli soconaya.
Alshabaab oo war kooban ku soo qoray ku soo qoray baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayaa waxa ay sheegteen Mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Hotel Ambasador.
TURKIGA OO SOOMAALIYA UGU DEEQDAY $ 2 MILYAN BIL KASTA
Golaha wasiirada cusub ee dalka Turkiga ayaa ansixiyay lacag deeq ah oo bil walba dow lada Turkiga ay siinayso Somaliya ,taasoo gaaraysa $ 2Milyan guud ahaanna isku darkeedu ay dhan tahay $ 24 Milyan.
Wargeyska Rasmiga ee dowlada Turkiga ayaa shalay oo Talaada ah warkan shaaciyay wuxuuna cadeeyay in lacagahan kaalmada ah lagu kabayo misaaniyada dowlada Somaliya iyo adeegyada hay’adaheeda, iyadoo loo siinayaa Somaaliya si qeyb qeyb ah.
Qeybta ugu horeysa ayaa waxay noqonaysaa lix Milyan Doollar oo hal mar la siinayo So omaaliya, kadib markii la soo mariyo wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga si looga dhigo qaab heshiis labada dal ah ay gaareen.
Sida laga warqabo waxaa Todobaadkan dekeda magaalada Muqdisho ku soo xirtay mar kab Turkiga leeyahay oo sida gargaar bani’aadanimo oo lagu qiimayay $ 8 milyan looguna tala galay dadka Soomaaliyeed ee wax yeelada ka soo gaartay daadadka iyo abaartii dalka ku dhufa tay .Xigashowakaalada Anadul
TARSAN OO KA HADLAYA SHIRKA MADASHA QARANKA,DOORKA TURKIGA IYO MAQAAMKA MUQDISHO
`Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir islamarkaana ahaa duqii Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo wareysi gaar ah siiyay radio Dalsan ayaa ugu horeyn ka hadlay doorka do wlada Turkiga ay ka qaadaneyso horumarka Soomaaliya.
Tarsan waxa uu sheegay in Turkiga ay daacad ka tahay taageerida dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed,isaga oo intaasi ku daray in dowlada federaalka ay aad uga gaabisay ka fa’idey siga garab istaaga Turkiga.
Waxa uu ka hadlay lacag laba Milyan ah oo ay dowlada Turkiga ugu deeqen Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatooyinka taagan.
Turkiga ayuu sheegay Tarsan iney Soomaaliya u balan qaaden iney u tababari doonan una qalabeyn doonan 20 kun oo Askari.
Tarsan waxa uu ka digay in lacagtan 2 milyan in loo adeegsado ololaha doorashada ee soo socda.
Gudoomiyaha ayaa sido kale ka hadlay maqaamka Muqdisho,waxa uuna dhaliil xoogan u jeediyay madasha qaranka isaga oo intaasi raaciyay in awoodii baarlamaanka la adeegsaday.
Maqaamka Muqdisho ayuu sheegay iney ka hadli karan xildhibaanada Baarlamaaka Soom aaliya balse ma ahayn iney madasha qaranka ka doodan ayuu hadalkiisa raaciyay Tarsan.
Haddaba halkan ka dhageyso wareysi uu arrimahasi uga hadlayo Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
CIIDAMADA TALYAANIGA OO XIRAY LABA NIN OO DADKA TAHRIIBIN JIRAY
Ciidamada badda ee dalka Talyaaniga ayaa lagu soo waramayaa iney xabsiga dhigen laba nin oo lagu sheegay iney ahaayen naaqudayaal dadka tahriibin jiray.
Wararka waxa ay intaasi ku darayan in labadan nin iney waden doon ku quustay jaziirada Sishiliya ka hor inta aysan ciidamada badda Talyaaniga u gurman dadkasi.
ku dhawaad 630 ruux ayay ciidamada badda Talyaaniga soo badbaadiyen sida warb aahinta dalkasi ay baahisay.
Hey’adda UNHCR ayaa daraad ku dhawaaqday in laga cabsi qabo in ku dhawaad 700 oo muhaajiriin ah ay ku dhinten badda Mediterraneanka isbuucii hore iyaga oo isku dayay iney yurub gaaran.
SHEEKH MAXAMED DULYADEYN OO KAMID AHAA HOGAAMIYAASHA ALSHABAAB OO LA DILAY
Kadib markii dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay Deegaanka Buulogaduud ee Gobolka Jubada Hoose ayaa lagu xaqiijisay in dagaalkaas lagu dilay mid kamid ah Hogaamiy aashii Alshabaab oo lagu magacaabi jirey Sheekh Maxamed Dulyadeyn.
Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubaland C/rashiid Janan oo Shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in Sheekh Maxamed Dulyadeyn In uu kamid ahaa dadkii la dilay.
Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii dhawaan lagu qaaday Jaamacada Gaarisa ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya bishii april ee sanadkii 2015kii xiligaas oo Aroornimo ay aheyd.
Deegaanka oo dagaalka ka dhacay Habeen hore ee Buulo Gaduud ayaa qiyaastii 30km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.
XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA UK OO MUQDISHO KU SOO FOOL LEH
Xoghayaha Arrimaha Dibadda dowladda UK Philip Hammond ayaa maalinta berri lagu wa daa in booqasho hal maalin ah ku yimaado magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Mr Hammond ayaa la kulmi doona Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isa goo kala hadli doona waqtiga kala guurka doorashooyinka la filayo inay Agosto ka dhacaan.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK ayaa sidoo kale la kulmi doona Mas’uuliyiinta Safaaradda UK ee Muqdisho, isagoo ka wareysan doona xaalada Soomaaliya iyo waxqabad kooda.
Dowladda UK ayaa dhowaan Ciidamo u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo ka taageeraya Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda la dagaalanka AlShabaab.
Sanadkii 2012 ayay aheyd markii Xoghayihii hore ee Uk William Hague uu booqasho ku yi mid magaalada Muqdisho, sidoo kale sanadkii 2013 ayuu Muqdisho u yimid si uu u furo Safa aradda Britain ee Muqdisho.
Dhinaca kale waxaa maalinta Jimcaha iyana lagu wadaa inuu Muqdisho soo gaaro wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo markii 3aad imaanaya.
MAXAA KA SOO BAXAY KULANKA BAARLAMAANKA EE SHALAY ?
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa isku raacay in la soo hormariyo ansixinta sharciyada muhiimka u ah dalka iyo ku wa la xiriira Doorashooyinka dalka ka dhacaya.
Xildhibaanada ayaa sharciyada ay isku raaceen in ansixintooda la soo hormariyo waxaa ka mid ah Sharciga lagu dhisayo Maxkamada Dastuuriga dalka, Sharciga Axsaabta, iyo wax ka bad alka Dastuurka dalka iyo Shrciyo kale.
Furitaanka kulanka ka dib ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu Xildhibaaanada u aqriyay Shuruucda hor taalla Baarl amaanka.
Hadal jeedinta ka dib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka waxay isku raaceen in la horm ariyo oo la ansixiyo sharciyada dalka muhiimka u ah.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shara xay waxyaabaha la isku raacay iyo sida uu u qabsoomayo Kulamada Baarlamaanka Maalmaha soo socda.
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jaw aari ayaa ka hadlay wararka sheeegaya in Baarlamaanka Soomaaliya uu dalbaday in waqti loogu daro si ay u dhameeyaan howlaha hor yaalla.
Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in wararkaasi ay been yihiin balse ay doonayaan in ays an dhicin in dalka uu noqdo Baarlamaan la’aan.
NIN LA DHASHAY XILDHIBAAN FAARAX SHEEKH C/QAADIR OO KU DHINTAY WEERARKA AMBASSADOR HOTEL
Allaha u naxariistee C/xamiid Sheekh C/qaadir Maxamed oo la dhashay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho.
C/xamiid Sheekh C/qaadir oo watay gaarigiisii gaarka ahaa, ayaa wadada kula kulmay weerarka abaabulan, ee xarakada Shabaabku ku qaadeen Hotelkaasi, oo kaabiga ku haaya wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama.
Weerarkan, ayaa waxaa lagu soo beegay, xilli inta badan ay dadku ka rawaaxeen goobah ooda shaqao, leeskuna diyaarinaayay Salaaddii Maqrib.
C/xamiid Sheekh C/qaadir, ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhacday rasaastii bilowgii hore ee weerarka loo adeegsaday, iyadoona ay xabad kaga dhacday madaxa.
Marxuumka oo dhaawac ahaan looga qaaday halkaasi, ayaa mar dambe ugu geeriyooday Isbitaalka Madiina. C/Xamiid oo dhinaca aabaha ay walaalo ka ahaayen Xildhibaan Faarax, ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso Magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan 15 qof, ayaa waxaa la’ogyahay in lagu dilay weerarka bahalnimada ah ee Shabaabku ku galeen Hotelka Ambassador, halka in ka badan 50 kalana lagu dhaawacay.
Dhanka kale waxaan weli la soo gaba gabeen weerarka lagu qaaday Ambassador Hotel, iyadoo gudaha Hotelka laga maqlayo rasaas ay isweydaarsanayan Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Somaliya iyo raggii weerarka soo qaaday.
Weerarkii ugu dambeeyay ee laga helayo nawaaxiga Hotelka, ayaa sheegaya in ragga we erarka soo qaaday ay isugu taggeen hal qol, inta badan dhismahana ay la wareegen ciidanka sida gaarka ah u tababaran.
XILDHIBAANNO KU DHINTAY WEERARKII HOTEEL AMBASSADOR IYO KHASAARAHA OO KORDHAY
Tirada dadkii ku Geeriyooday weerarkii ay sheegatay Alshabaab ee Gellinkii Dambe ee sha lay oo Arbaco ah lala beegsaday Hoteelka Ambassador ee Muqdisho, iyadoo gaartay 15qof, waxa ana ka mid ahaa laba xildhibaan oo baarlamanka Federaalka Soomaaliya ka tirsanaa.
Xildhibaannada ku Geeriyooday Weerarkan ayaa waxay kala yihiin; Maxamed Maxamuud Guure iyo C/llaahi Jaamac oo isku meel lagu dilay, Waxaana sidoo kale dadka geeriyooday ka mid ah saddex ka tirsanaa ilaaladii Hoteelka.
Sidoo kale, Dhaawacyada ayaa kor u dhaafaya 50qof, kuwaas oo intooda badan la geeyay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho iyadoo agaasimaha Isbitaal Madiina Dr. Maxamed Yuusuf uu she egay in Dhaawacyo badan lasoo Gaarsiiyay, ayna Qaarkood ku sameeyeen Qalliinno kala duwan.
Mas’uuliyada weerarka ayaa waxaa sheegatay Alshabaab, waxaana weli Gudaha Hoteelka ku jira Xoogag ka tirsan Alshabaab, Inkastoo ay kula jiraan Ciidammo Dowladda Somalia ka tir san, kuwaasoo la dagaalamaya kooxaha hubeysan.
RASAAS IYO QARAXYO SAAKAY LAGA MAQLAYO DHISMAHA AMBASSADOR HOTEL EE MAGAALADA MUQDISHO
Rasaas iyo qaraxyo, ayaa waxaa weli laga maqlayaa Dhismaha Hotelka Ambassador, oo gelinkii dambe ee Arbacadii ay weerar qorshaysan ku galeen xubno ka tirsan dagaalyahanada Ururka Al Shabaab.
Inta badan Dhismaha Hotelka, ayaa waxaa la wareegay Ciidanka sida gaarka ah u tababa ran ee loo yaqaano (Alpha Group), iyadoo dagaalyahanada xarakada leeskugu geeyay qayb ka ah Dhismaha Hotelkaasi.
Xarakada Al Shabaab oo la rumeysan yahay in ay xiran yihiin suumanka ka samaysan wal xaha qarxa, ayaa waxaa xilliyada qaarkood aaggaasi laga maqlayaa bambooyinka gacanta laga tuuro, oo ay ku caabinayan Ciidamada Dowladda.
Boqolaal ka tirsan Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Militariga Somaliya, ayaa wax aa tan iyo xalay lagu arkayaa dhammaan wadooyinka soo gala Ambassador Hotel, si ay kaga hort aggaan gurmad loo soo fidiyo dagaalyahanada Shabaabka.
Idaacada Andalus oo ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa saakay baahisay in Xooga ga Shabaabka, ay weli hawlgal ka wadaan gudaha Hotelka Ambassador.
Ciidamada Alpha Group, ayaa waxay saacado badani ku qaadatay sidii ay u soo afjari laha ayen raggii weerarka soo qaaday, sababo ku aadan waqtiga oo habeen ku soo beegmay iyo wad ooyinka soo gala Hotelka oo aanay xalay ka jirin wax koronto ah.
BOGGA CAYAARAHA
WARBIXIN: WAA KUWEE 100 CIYAARTOY EE SUUQA KALA IIBISAGA UGU QAALISANI? XARUNTA CAALAMIGA AH EE DARAASAADKA KUBBADA CAGTA EE CIES FOOTBALL OBSERVATORY OO SHAACISAY BOQOLKA CIYAARTOY EE SUUQA UGU QAALISAN IYO LIISKA OO DHAN
CIES Football Observatory oo ah xarun caalami ah oo samaysa daraasaadka kubbada cag ta isla markaana wada shaqayn la leh FIFA, UEFA iyo xidhiidhka kooxaha Yurub ayaa shalay daabacday daraasadeeda laba sanadlaha ah ee ay ku qiimayso ciyaartoyda suuqa kala iibisaga qiimaha ugu sareeya ka taagan.
CIES Football Observatory ayaa la aas aasay sanadkii 2015 , waxaana aas aasay Drs Raf faele Poli iyo Loïc Ravenel waxayna la shaqaysaa jaamacada University of Neuchâtel ee dalka Switzerland, waxaana ka shaqeeya khabiiro ku xeel dheer qaabka daraasadaha kubbada cagta loo sameeyo iyada oo waliba la isticmaalayo hanaan dhaqaale oo lagu saleeyo qiimaha ciyaa rtoyda.
QIIMAHA DARAASADA CIES FOOTBALL OBSERVATORY EE 100 CIYAARTOY EE SUUQA UGU QAALISAN:
1. Lionel Messi (Barcelona) – £163m
2. Neymar (Barcelona) – £155m
3. Cristiano Ronaldo (Real Madrid) – £106m
4. Antoine Griezmann (Atletico Madrid) – £93m
5. Harry Kane (Tottenham) – £87m
6. Anthony Martial (Man United) – £86m
7. Luis Suarez (Barcelona) – £81m
8. Paulo Dybala (Juventus) – £80m
9. Sergio Aguero (Man City) – £75m
10. Paul Pogba (Juventus) – £70m
11. Gareth Bale (Real Madrid) – £62m
12. Eden Hazard (Chelsea) – £60m
13. Alexis Sanchez (Arsenal) – £58m
14. Dele Alli (Tottenham) – £58m
15. Thomas Muller (Bayern) – £57m
16. Raheem Sterling (Man City) – £56m
17. Robert Lewandowski (Bayern) – £52m
18. Alvaro Morata (Juventus) – £50m .
19 Toni Kroos (Real Madrid) – £48m
20. Gonzalo Higuain (Napoli) – £47m
21. Isco (Real Madrid) – £47m
22. P.E Aubameyang (Dortmund) – £48m
23. James Rodriguez (Real Madrid) – £45m
24. Romelu Lukaku (Everton) – £45m
25. Hector Bellerin (Arsenal) – £43m
26. Kevin De Bruyne (Man City) – £43m
27. Philippe Coutinho (Liverpool) – £40m
28. Yannick Carrasco (Atletico Madrid) – £39m
29. Willian (Chelsea) – £39m
30. Koke (Atletico Madrid) – £39m
31. Mauro Icardi (Inter Milan) – £38m
32. Diego Costa (Chelsea) – £38m
33. Mesut Ozil (Arsenal) – £38m
34. David Alaba (Bayern) – £38m
35. Thibaut Courtois (Chelsea) – £37m
36. Eric Dier (Tottenham) – £37m
37. Karim Benzema (Real Madrid) – £37m
38. Sergio Busquets (Barcelona) – £37m
39. Raphael Varane (Real Madrid) – £36m
40. Christian Eriksen (Tottenham) – £36m
41. David de Gea (Man United) – £36m
42. Cesc Fabregas (Chelsea) – £35m
43. Nicolas Otamendi (Man City) – £35m
44. N’Golo Kante (Leicester) – £34m
45. Douglas Costa (Bayern) – £34m
46. Memphis Depay (Man United) – £34m
47. Riyad Mahrez (Leicester) – £33m
48. Pedro (Chelsea) – £33m
49. Lucas Moura (PSG) – £33m
50. Jerome Boateng (Bayern) – £33m
51. Saul Niguez (Atletico Madrid) – £32m
52. Alexandre Lacazette (Lyon) – £32m
53. Andre Gomes (Valencia) – £32m
54. Olivier Giroud (Arsenal) – £32m
55. Jan Oblak (Atletico Madrid) – £31m
56. Virgil van Dijk (Southampton) – £31m
57. Daley Blind (Man United) – £31m
58. Ross Barkley (Everton) – £31m
59. Emre Can (Liverpool) – £30m
60. Ivan Rakitic (Barcelona) – £30m
61. Marco Verratti (PSG) – £30m
62. Mohamed Salah (Roma) – £30m
63. Leonardo Bonucci (Juventus) – £30m
64. John Stones (Everton) – £29m
65. Roberto Firmino (Liverpool) – £29m
66. Aaron Ramsey (Arsenal) – £29m
67. Erik Lamela (Tottenham) – £29m
68. Nemanja Matic (Chelsea) – £29m
69. Oscar (Chelsea) – £29m
70. Juan Mata (Man United) – £28m
71. Giannelli Imbula (Stoke) – £28m
72. Manuel Neuer (Bayern) – £28m
73. Angel di Maria (PSG) – £27m
74. Sadio Mane (Southampton) – £27m
75. Carlos Bacca (AC Milan) – £27m
76. Son Heungmin (Tottenham) – £27m
77. Felipe Anderson (Lazio) – £27m
78. Jamie Vardy (Leicester) – £27m
79. Denis Suarez (Villarreal) – £27m
80. Dimitri Payet (West Ham) – £26m
81. Leroy Sane (Schalke) – £26m
82. Marquinhos (PSG) – £26m
83. Henrikh Mkhitaryan (Dortmund) – £26m
84. Chris Smalling (Man United) – £25m
85. Radja Nainggolan (Roma) – £25m
86. Julian Brandt (Bayer Leverkusen) – £25m
87. Wilfried Zaha (Crystal Palace) – £25m
88. Bernardo Silva (Monaco) – £24m
89. Kostas Manolas (Roma) – £24m
90. Gerard Pique (Barcelona) – £24m
91. Paco Alcacer (Valencia) – £24m
92. Miralem Pjanic (Roma) – £24m
93. Danilo (Real Madrid) – £24m
94. Alessandro Florenzi (Roma) – £24m
95. Jordon Ibe (Liverpool) – £23m
96. Marco Reus (Dortmund) – £23m
97. David Silva (Manchester City) – £23m
98. Joe Hart (Manchester City) – £23m
99. Marcelo (Real Madrid) – £23m
100. Jonathan Tah (Bayer Leverkusen) – £22m
FIIRO GAAR AH:Lacagaha ciyaartoy kasta lagu qiimeeyay waa Pound, waxaana lagu soo celiyay tirada milyanka ugu dhaw
MANCHESTER UNITED OO GACANTA KUSOO DHIGAYSA MID KAMID AH XIDDIGAHA UGU WANAAGSAN HORYAALKA SERIE A DA.
Manchester United Ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Roma Miralem Pjanic kaas bartilmeedka koowaad u noqday macalinka dhawaan galka ah ee Jose Mourinho Sida ay werinayso majalada El Mundo Deportivo, Roma Khadkeeda dhexe ayaa soo jiitay indhaha kooxaha Waa wayn ee qarada Yurub waxaana kamid ah Barcelona, Chelsea, Juventus iyo Paris SaintGermain, balse Jose ayaa ku raja wayn in uu Pjanic kusoo biiriyo Garoonka Old Trafford ee magaalada Manchester Wuqoyiga Dal Weynaha Britainm,Balse Majalada Gazzetta dello Sport ayaa fahansan in Gallerosi anay iibin doonin kubad sameeyaha reer Bosnia, waxaana badalkeeda ay doonayaan in ay
kasaxiixan xiddigan heshiis cusub oo uu kusii joogi doono garoonka Olimpico ee caasimada dalka Taliyaaniga.
NATIONLINK TELCOM
BISHARO BISHAARO BISHAARO
OGEYSIIS
Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK Waxay Macaamiisheeda Sharafta Leh U sameeysay Qiimo Dhimis Ballaaran,taas oo ah ku shubo 1$ Doollar Kuna hadal 140 Daqiiqo oo Gudaha dalka ah Xilli kasta Habeen iyo Maalin intaba, Sidoo kale ku Shubo 1$ Doollar kuna Hadal 16 Daqiiqo oo Dibada ah, waana 35 Dal oo kuwa Soomaalidu ku badan tahay Waaciyo
WIXII FAAHFAAHIN AH WAC NABARKAAN 100/222/333
Nationlink Isku Xiraha Dadweynaha
.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 2-DA JUUN 2016-KA
HORMUUD FOUNDATION OO U QAYBISAY LACAG KAASH AH BOQOLLAAL NAAFO SOOMAALIYEED AH Shirkadda Hormuud Qaybteeda Gargaarka, ayaa Shalay Deeq lacageed oo gaareysa 50, 000 oo Doollar u Qaybisay Indhoolayaal iyo Dad Naafo ah oo ku dhaqan Muqdisho, Waxaana