Madaxweyne Mustafe Cagjar " Xoriyatul qawlku ma aha waxaad rabtid sheeg iyo waxaad rabtid samee"

0
Wednesday November 30, 2022 - 20:53:07 in Wararka by
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Mustafe Cagjar " Xoriyatul qawlku ma aha waxaad rabtid sheeg iyo waxaad rabtid samee"

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
 Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo Warbaahinta gaarka loo leeyahay waraysi siiyay ayaa ka xog waramay arrimo ay kamid ahaayeen Xorriyadda hadalka iyo Saxaafadda, isagoo sidoo kale soo hadal qaaday Telefishinka Nabad Tv oo degaanka horey uga jiray balse xukuumaddu wakhti hore albaabada u xidhay.
 
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in telefishinka Nabad tv ee la xidhay oo kaliya aan la odhan karin xoriyaddii hadalka iyo saxaafaddii ayaa la cabudhiyay, iyadoo degaanka ay ka howlgalaan Warbaahino badan oo madax banaan, balse Warbaahintii ku xad gudubta shuruucda Saxaafadda ee degaanka la xidhayo waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.


"Telefishinka Nabad tv waxaa lagu xidhay wakhtigaa inay damceen inay iska horkeenaan qawmiyadaha ku nool degaanka Soomaalida oo ay diyaariyeen barnaamijyo iska horkeenaya dadka, taana ma aha wax la oggol yahay, Warbaahino kale hadday sidaa sameeyaana waala xiri, Xorriyatul qawlku ma aha waxaad rabto sheeg iyo waxaad rabto samee, qawaaniin ayaa jirta oo Warbaahintii ama Wariyihii dhaafa qawaaniintaa la qabanayo". ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in degaanka Soomaalida ka howlgalaan ilaa 12 Telefishin iyo Warbaahino kale oo madax banaan iyo waliba dad badan oo Baraha bulshada aad wax ugu qora dowladdana ku dhaliila, sidaas oy tahayna aysan jirina cid la hadasha oo qabsata Warbaahinnadaa kala duwan, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa wixii isbaddalkii waxaa kusoo badanayay Warbaahinta qaybaheeda kala duwan ee madaxa banaan, kuwaas oo ka howlgala guud ahaan dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo dowladduna ay shuruuc u samaysay Saxaafadda, taas oo sida Madaxweynuhu sheegay Warbaahintii ama Wariyihii ku xad gudba la qabanayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip