Maxkamad kutaala Maraykanka oo xabsi 26 sano ah ku riday nin Soomaali oo xaaskiisa dilay

0
Wednesday November 30, 2022 - 19:12:22 in Wararka by
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad kutaala Maraykanka oo xabsi 26 sano ah ku riday nin Soomaali oo xaaskiisa dilay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
 Nin Soomaali ah oo lagu helay inuu xaaskiisa ku dilay magaalada Cleveland Heights ee gobolka California ayaa lagu xukumay 26 sano oo xabsi ah.

 
Maxamed Abidaaziz Keerow oo 48 jir ah ayay xeer beegtida San Diego ku xukuntay horaantii sanadkan dil darajada 1-aad ah, isagoo loo haystay geeridii Muna Salaad Kuru oo 36 jir ahayd.


Dilkeeda oo dhacay sannadkii 2019, ayaa Walaasheed Aamina Salaad Kuru waxay markii Meydka walaasheed la helay ku eedeysay in uu ka dambeeyay Ninkii qabay Muna.

Maalmo ka dib dhimashadeeda, Waaxda Bilayska San Diego ayaa Kerow u aqoonsaday inuu yahay tuhmanaha dilka xaaskiisa, waxaana warsaxaafadeed Boolisku uu soo saaray ku sheegay inuu baxsaday lana raadinayo dilkeeda.

Kerow ayaa laba toddobaad ka dib lagu xiray dalka Panama, halkaas oo uu baxsad ku tagay.

Muna Salaad Kuru waxay ahayd Ganacsato lahayd xarun maalintii lagu haayo carruurta oo ku taalla magaalladda San diego ee dalka Maraykanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip