
Ciidamadda ATMIS Oo Wiil Dhalinyaro Ahaa Si Arxan Daro Ah Ugu Dilay Duleedka Muqdisho.
..
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mid kamid ah kolonyada gaadiidka ee ciidamadda ATMIS ay si arxan darro ah ugu dileen halkaasi wiil dhalinyaro ahaa.
Marxuumka ay dileen oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Faarax Fiidow ayaa kamid ah dhalinyarada firfircoon ee wax baratay, iyadoo ehelkiisa ay sheegeen in waxyeelada ugu badan ay ka soo gaartay qeybaha sare ee jirka sida madaxa, wajiga iyo feeraha, maadaama gawaaridooda waaweyn ui jiiray.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhaawac ahaan loola soo cararay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ugu danbeyntii maqribnimadii caawa uu ugu geeriyooday.
Ehelka marxuum C/raxmaan ayaa dowladda ka dalbaday iney u cadaalad helaan wiilkooda, iyadoo aan la ogeyn in gacanta lagu dhigay danbiilayaashii dilka ah ka danbeeyay.Ciidamadda ATMIS oo wiil dhalinyaro ahaa si arxan daro ah ugu dilay duleedka Muqdish
Ciidamadda ATMIS Oo Wiil Dhalinyaro Ahaa Si Arxan Daro Ah Ugu Dilay Duleedka Muqdisho.
..