Daawo: Jacfar oo dib u soo abaabulay duulaan culus safar dhulka ahna Hiiraan ku tegay

0
Wednesday November 30, 2022 - 19:34:48 in Wararka by
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Jacfar oo dib u soo abaabulay duulaan culus safar dhulka ahna Hiiraan ku tegay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo hoggaaminaya ciidan xoog leh ayaa safar dhulka ah uga baxay magaalada Muqdisho, isagoo maanta gaaray degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Jacfar ayaa dib u soo abaabulay howlgalkii dhawaan fashilmay ee xoreynta deegaanada beeshiisa oo Wabxo iyo Ceelbuur ay ugu horeeyaan.

Kolonyada uu hoggaaminayo Xildhibaan Jacfar waxaa maanta gobolka Sh/Dhexe ka sii raacay guddoomiyaha gobolkaas Axmed Faal, waxayna degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ugu tageen oo ku soo dhaweeyey guddoomiye Cali Jeyte.

Kulanka maanta Tardo ka dhacay oo muhiim u ahaa howlgalka ciribtirka Al-Shabaab ee ka socda HirShabeelle, waxaana diiradda lagu saaray sidii maamullada labada gobol ay adeegyada bulshada u gaarsii lahaayeen deegaanada laga xoreeyey kooxda, isla markaana inta dhiman loo xoreyn lahaa.

Safarkaan dhulka ah ayaa suurta galay kadib markii Al-Shabaab laga xoreeyey inta badan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle.

Haatan Xildhibaan Jacfar ayaa doonaya in koonfurta ilaa bariga gobolka Galgaduud uu ka xoreeyo kooxda, halkaas oo beeshiisu ay degto, wuxuuna hoggaaminayaa ciidan xoog leh, masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo duulaanka qeyb ka ah.

"Waxaan maalmaha soo socda wax ka xorey doonaa degmada Aadan-yabaal, kadibna waan ka sii gudbeynaa,” ayuu yiri Xildhibaan Jacfar oo dadka deegaanka ugu baaqay inay kacaan oo fursadaan ay ka faa’iideystaan.

Hoos ka daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip