HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 29-KA NOVEMBAR 2022-KA

0
Tuesday November 29, 2022 - 09:26:55 in Wararka by
  • Visits: 384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 29-KA NOVEMBAR 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khud bad Ka Jeediyay Shirweynaha Maalga shiga Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max amuud oo furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya ayaa xusay in dalkeenna ay ka jirto fursado maalgashi oo ballaaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaa sha dowladda ee ku aad dan xaqiijinta Soomaali ya ku habboon maalga shi, taas oo ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumar inta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqosh ada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dhabar adaygga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficillada gurracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uu na xaqiijiyey in dalka laga cirib tiri doono ar xan-laaweyaashaas, si sharaf iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan muwaadiniinta Soomaaliy eed.

"In kastoo aan halkan u imid si aan u dhi irri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u ba ahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, hadd ana dhammaan arrimahaas waxaa barbar so cda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka.”

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyad da ayaa dul istaagay kobaca gancsiga iyo ma shaariicda guuleystay ee ay fuliyeen dhalliny arada iyo maalgashadeyaasha Soomaaliye ed, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada iyo qurba-joogta Somaliyeed sida ay hantidooda ugu soo celiyeen dalkooda, door muuqdana uga qaadanayaan horumarka.

Booliska oo shaaciyay in lasoo afjaray weerarkii Villa Rays iyo khasaaraha

Afhayeenka ciidamada Booliska, oo Shalay qabtay shir jaraa’id, ayaa shaaciyay in lasoo afjaray weerarkii Hoteelka Villa Rays, islamar kaana ay gebi ahaanba ciidamada dileen rag gii soo qaaday weerarka.

Waxa uu sheegay in da gaal-yahaanada soo weer aray Hotelka ay ahaayeen lix dhagar-qabe, waxayna ciidamada dowlad da ay toogteen shan kamid ah raggaasi, hal ka midka kalena uu is qarxiyay.

"Khawaarijta ayaa dishay illaa siddeed qof oo Shacab ahaa oo ku sugna Hoteelka, waxay ciidamada ammaanka ay ku guuleyst een inay soo bad-baadiyaan 60 qof oo Sha cab ah,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jir in wax dhaawac ah oo soo gaaray dadka sha cabka ah, halka ay ciidamada ammaanka ka dhinteen 1 Askari, ayada oo ay ka dhaawa cmeen 5 kale."Waxaa ka tacsiyeynayna qoy saskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay Hoteelka oo isugu jira dadka shac abka iyo Askarta. Ilaahay waxaa ka baryeyna inuu u booga dhayo inta dhaawaca.”

Guddoonka baarlamaanka oo dib-u-dhigay kulankii wadajirka ee labada aqal

Guddoonka 2da gole ee baarlamaan ka So omaaliya, ayaa shaaciyay dib-u-dhigista kul ankii wadajirka labada aqal ee baarlamaan ka, kaas oo Shalay ka dhici lahaa xarun ta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka baaqday ayaa ahaa akhrin ta 1-aad ee miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2023.

Golaha Wasiirrada Soo maaliya ayaa bar tamihii bi shan ansixiyay $967.7 oo ah miisa aniyadda dowladda ee sannadka 2023.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Guddoo miyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdull ahi, ma aysan faahfaahin ujeedka baaqasha da kulanka.

Balse, falanqeyayaasha arrimaha siyaas adda ayaa aamin in baaqashada kulanka ay la xiriirto weerarka al Shabab ay ku qaadeen hotelka Villa Rosa oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax ismiid aamin ah, kaddibna rag hubeysan ayaa gale en hotelka.Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaasha anle Sadiikh Doodishe, ayaa sheeg ay in hot elka laga soo badbaadiyay dad shac ab ah iyo masuuliyiin.

Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa ku sugnaa hotelka la weeraray, maadaama uu ku yaallo nawaaxiga Madaxtooyada, islama markaana ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

DF oo sheegtay in waqtiga cafiska uu ka sii dhamaanayo Al-Shabaab

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa kormeer ku te gay xerada ciidanka kumaandooska Danab ee duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo fariin culus uu uga diray dhalinayarada we li ka barbar dagaalameysa ko oxda Al-Sha baab.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in laba wado oo kaliya ay u fu ran tahay dhalinyarada weli ka tirsan kooxda Al-Shabaab, 1-in ciidanka qaranka ay isku dhiibaan, 2-iyo in lagu dilo meel kasta oo lagu arko.

Sidoo kale wuxuu sheegay in fursada ay dow laddu siisay dhalinyaradaas ee ah inay isisoo dhiibaan aysan sii jiri doonin oo la gaari do ono waqti aysan muhiimad laheyn is dhii biddu. "Guushu waa dhowdahay, waxaan ra bnaa in aysan nagu sii dheeraan, kooxdu waxay habeen iyo maalin daadineysaa dhii gga dadkeenna, waxaan dooneynaa inaan deg deg dadkeena uga dul qaadno cadow ga,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Taliyaha ayaa aad ugu mahad celiyey sha cabka hubka qaatay iyo kuwa taageeraya cii danka difaacaya dalka, isagoo sheegay in ha dda la wada fahmay xaqiiqada. "Waxaa noo muuqata in la wada fahmay oo shacabk eenu gartay in sida kaliya ee argagixisada looga gu uleysa karo inay tahay garab istaaga ciidanka qaranka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa ciidanka Danab ee ku sug an Kismaayo wuxuu ku war-geliyey inay u diy aar garoobaan dagaalka ka dhanka ah koox da Al-Shabaab ee dhawaan ka bilaaba doona deegaanada Jubbaland.

"Guud ahaan ciidanka xooggu waxay gal een dagaal guulo waaweyn laga gaaray, jab iyo halaag ayaa gaaray Khawaarijta, welina waa ku socdaa, guushu waa dhowdahay,” ay uu yiri Taliyaha oo ciidanka uga warbixiyey howlgallada ka socda gobollada dalka.

Wasiir weerarkii Villa Rays ka badbaa day oo shaaciyey xog cusub

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dr.

Aadan Aw Xirsi oo kamid ahaa masuuliyiintii kasoo badbaaday weerarkii ay argagixisada ku qaaday hoteelka Villa Rays, ayaa markii u horeys ay ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen.

Wasiiru-dowlaha oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Hoteelka uu qaraxa ku haleelay uu ka socday shir siyaasadeed ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiin uu kamid yahay oo uu ku jiray Wasiirka Amniga.

"Anaga oo Cishihii tukanay oo ka dareer nay ayaa waxa dhacay qarax weyn oo gilgi lay aas-aaskii Hoteelka oo dhan, daadiyayna meelihii muraayadaha lahaa iyo daaqadihii. Intaas kadib waxaa ogaanay in nala soo wee raray oo ay daba joogaan argagixiso lug ah oo dadka leynaysa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dad uu ka mid yahay u suurta-gashay inay ka fakadaan albaab dambe oo Hoteelku lahaa, ayna uga sii gudbeen Qabuuro ku yaalla halkaasi, isl amarkaana ay ku dhamaadeen guriga Gud doomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi.

"Hoteelka waxaa ka socday shir shaqo oo sidoo kale ahaa mid siyaasadeed, waad og tahay siyaasiyiinta waxay kala metelaan dad kala duwan, marka Wasiirka amniga, aniga, ganacsatada iyo aqoon-yahaanadii ku shirey say ayaa shirar isdaba joog ah ku lahaa oo maalintii uu dhamaan lahaa waxay aheyd ma alintaas,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha.

Waxa uu gebi ahaanba ka gaabsaday in uu ka hadlo waxa ay ka dhigan tahay in Sha baab ay soo weeraraan Hoteel Villa Rays oo ku yaalla agagaarka Villa Somalia, oo si we yn loo ilaaliyo amaankeeda.

"Aniga waxa ka jawaabi kara su’aallaha qo lada la weeraray, qolada meesha weerartay halka ay soo mareen iyo kuwii ka celin lahaa sababta ay uga seexdeen waxaa la weydiin aya jihooyinka kale.”

Waxaa isa-soo taraya walaac xoogan iyo tuhuno laga muujinayo sida ay Al-Shabaab u gu suurta-gashay qorsheynta weerarkan oo lagu galay dhisme ku yaalla meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, islamarkaana ay ku yaall aan bara Control oo lagala socdo dhaq-dha qaaqa Villa Somalia.

Axmed Madoobe: Reer Hiiraan iyo gobol ada kale kuma fiirsan karno dagaalka Alshabaab

Madaxweynaha Jubbaland, Wasiirka Dif aaca Soomaaliya, iyo taliyaha ciidamada xo ogga Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage, ayaa Shalay magaalada Kismaayo uga qeyb galay dhoolotuska ciidamo huwan ah oo loo diyaariyay inay qaadaan howlgal Alshabaab looga xoreynayo deegaannada Jubbaland.

Madaxwene Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan reer Hiiraan ku fiirsan karin culayska ay Alshabaab saareen, wuxuuna sheegay Ju bbaland inay tahay meesha Alshabaab saldh iggoodu yahay oo ay kasoo abaabulaan we erarada gobolada kale lagu waxyeeleeyo.

"Laf-dhabarta Shabaabku waa gobolkeen na. Waxaan rajeynayaa saaxiibadeenna reer Hiiraan iyo gobolada kale ee culaysku ku dha caya, in markaan bilowno uu culays bad ani ka soo dagidoono, lana isugu imaandoono halkaan oo lagusoo afjaridoono, qabuurahoo dana uu noqondoono, "ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe waxa uu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wa saare Xamsa Cbdi Barre ku ammaanay sida ay uga go’an tahay la dagaalanka iyo cirib tir ka kooxda Alshabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii guddoomi yaha gobolka Hiiraan Cali Cismaan Jeyte uu ku dhaliilay maamul goboleedka inay ku fiirs adeen maamulka Hirshabeelledagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabaab.

Wasaarada Ganacsiga Oo Beenisay In Shi rkada MARU PORT Siisay Ogolaan shaha Hubinta Tayada Badeecadaha.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soo maaliya ayaa waxba ka ma jiraan ku tilShalayy warka ka soo baxay shirkadda MARU PORT oo sheegatay in dow laddu ay oggolaanshiyo u siisay inay ka sha qeyso hubinta Tayada Badeecadaha dalka soo gelaya iyo kuwa kab axaya intaba sida la gu caddeeyay War-saxaafadeed ay soo saar tay Wasaaradda Ganacsiga.

"Wasaaradda Gan ac siga & arshadaha XFS waxay halkan ku cadda yn aysaainuu waxba ka ma jiraan yahay warka ka soo baxay shirk adda MARU PORT oo sheegatay in Wasaar addu ay oggolaanshiyo u siisay inay ka sha qeyso hubinta Tayada Badeecadaha dalka” ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada.

Qoraalka wasaarada waxaa sidoo kale la gu sheegay ineysan jirin wax shirkad ah oo ogolaansho loo siiyay hubinta tayada badee cadaha dalka imaada iyo kuwa ka baxaya, iyadoo dhawaan tartan furan loo gali doono arrintaasi."Wasaaraddu, waxay sidoo kale u caddeynaysaa bulshada Soomaaliyeed, Gan acsatada iyo dhammaan ba hay’adaha kale ee ay khusayso ba in aanay illaa hadda jirin shirkad la siiyey wax oggolaanshiyo ah balse dhawaan ay Wasaaraddu shaacin doonto Bid (Bidhka) oo si daah-furan tartan loo gelin do ono shirkadaha soo codsada ee u qalma baa rista tayada badeecadaha soo gelaya iyo ku wa ka baxaya dalka isla-mar-ahaantaana la siin doono shirkaddii ku guulaysata” ayaa la gu sii daray warka wasaarada.

Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumada Soomaaliya ayaa ugu danbeyn uga dugtay shirkada MARU PORT iney wax shaqa ah qabato, iyadoo arrintaasi hadey ku dhaqaaqdana loo sheegay in talaabo laga qaadi doono.

"Ugu dambayn, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, waxay u digaysaa shir kadda MARU PORT, iyada oo sidoo kale na lagu la xisaabtami doono nooc kasta oo tallaa bo ah oo ay qaadaan maadaama aanay u ha ysanin wax oggolaanshiyo ah oo ay siisay Wasaaraddu” ayaa lagu soo xiray warka was aarada.

Si kastaba, Shirkaddaan MARU PORT ay aa laga daah-furay Maalinimadii Dorraad Mag aalada Muqdisho Shalayne qoraal baa laga soo saaray oo ka dhan ah.

Hogaamiyayaasha mucaaradka Somalil and oo shacabka fariin u diray

Hogaamiyayaasha mucaaradka Somali land ayaa shacabka uga digay hogaaminta madaxweyne Biixi.

Fariimo ay ku baahiyeen warbaahinta Mu sharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cab diraxmaan Maxame d C/hi Cirro & Gu ddo omi yaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, shacabka ugu baaqeen inay ka digtoonaadaan hogaaminta madaxw eynaha.

"Dadka Somaliland waxan leeyahay tuu soo wado hadaynaan ka tashan, meel ayn aan kasoo kaban ayay ina gaadhsiinaysa, ka baxa qabyaalada, reer reerka iska daaya far ta laysku fiiqayo, qof xuni nina uma dan aha, markaa hala dig toonaado, yaan laydin kala qayb qaybin" Guddoomiye Faysal ayaa sida yidhi.

Musharax Cirro ayaa isna shacabka usoo jeediyay in ay ilaashadaan nabadgalyada iyo wada-jirka, wuxuuna dhinaca kale, ugu baa qay shacabka in ay diidaan wixii xaqdaro ah ee xukuumadu ula timaado.

"Guud ahaan shacbiga Somaliland si guud waxan ugu baaqayaa in ay walaalnimad ooda iyo wada-jirkooda iyo nabadadoodaba ilaashadaan ... midnimadiinana ilaashada, dal kiinana ilaashada, xaqdaradana diida, sharci daradana diida" ayuu yidhi Cirro.

Faysal iyo Cirro waxay Alle jano uga bar yeen dhalinyradii ku geeriyootay mudaharaa dadii, iyaga oo sheegay in cadaalada la horg ayn doono cidii dishay, oo aan laga hadhido onin, sidookale dhalinyarada xidhan ayay adkaysigooda ku amaaneen.Waxa ay sheeg een in xukuumadu dad faro madhan, oo aan hubaysnayn ay si badheedha u laysay, oo wa liba ay ku laysay halkii ay iyadu u astaysay in ay ku banaan baxaan.

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dagaal Salka Ku Haya Muran Dhuleed Oo Ka Dhacay Gaalkacyo

Dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo sheegayaa dagaal khasaare nafeed dhaliyay oo ka dhacay meel u dhaw Aagga Saldhigga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ugu yaraan ay labo qof ay ku dhinteen isku dhacaasi,waxaana ku dhaaw acmay tiro intaa ka badan.

Dagaalka ayaa yimid sida wararku sheegay aan kadib markii muran uu ka dhashay dhul ay isku qabsadeen dhinacyada dagaalamay, waxaana dagaalkaasi uu ka dhacay aagga saldhigga dhexe ee Magaalada.

Ciidamada ammaanka ayaa ku baxay dagaa lkaasi, waxaana lakala dhex-galay labada dhinac ee dirirtu u dhexeysay, kuwaasi oo haatan ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu joojiyo.

Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhawaanahaan kama dhicin dagaala da la xariira aanooyinka qabiil iyo is qab-qab siga dhulalka,waxaana maamulka Gobolka Mudug uu horay u shaaciyay inay ka hor tagi doonaan falalka noos ah ee horay uga dhici jiray Magaalada.

Saraakiisha Galmudug oo ka hadlay oda yaal nabadoono ah oo u goostay Alshab aab

Cabdulahi Cabdi oo katirsan saraakiisha amniga Galmudug ee deegaanka Qaayib ay aa sheegay in odayaal tuhun looga qabay in ay xiriir laleeyihiin Alshabaab ay Dorraad si to os isugu dhiibeen Alshabaab.

Odayaashaan oo la sheegay inay ka bax een degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa la ogaaday inay gaareen degmada Xar ar dheere oo kamid ah deegaannada ay ga canta ku hayaan kooxda Alshabaab.

C/hi Cabdi wuxuu sheegay in habeen hore odaya ashaan oo ahaa 3 nabadoon oo kasoo jeeda degmada Cadaado ay dhuunte en isla markaana laga war helay iyagoo ku su gan magaalada Camaara.

"Nimankan cid dirsatay maleh, odayaa sha qabiilkay ahaayeen. Waa laga shakisa naa., 1 mar ayay guureeyeen oo goosteen, Lama na dirsan. Waa niman iska tagay. Saf ka Khaw aarijta ayay saacaddan laga billaabo ku jiraan,” ayuu yiri sarkaalkan. Dorraad ahayd markii warbaahinta laga sheegay in odayaal ka tagay Baxdo ay gaareen deegaannada Al shabaab, iyagoo halkaas u tagay si ay Alshabaab uga soo sii daayaan dad u afduub naa, hase ahaatee maamulka Galmudug ay aa beeniyay


Xil.Yuusuf Kabaale oo Macawiisleyda ka dalbaday inay hubka dhigaan

Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaal iya ayaa isaga oo ku sugan jiida hore ee da gaalka dalab xasaasi ah u gudbiyey malee shiyaadka Macawiisleyda ee ka howlgala go bolka Shabeelaha Dhexe.

Yuusuf Kaabe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dadaalkii ay wadeen uu guuley stay, isla-markaana la xoreeyey dhammaan deegaan doorashadiisa.

Sidoo kale wuxuu mahadceliyey dhalinyar ada deegaanka ee loo yaqaano Macawii sleyda, kuwaas oo u istaagay la dagaalanka Al-Shabaab.

"Deegaan doorashooyinka aan kasoo jee do Xalay hal aana jiifan karin oo Khawaarij ay joogto ma jiro, Ilaah ayaana iska leh mah addaas. Anigu Xalay minaan dhinto waa fara xsanahay guushaas ayaan gaaray, waxaa u mahadcelinayaa dhalinyarada Macawiisleyda ee dadaashay” ayuu yiri xildhibaan Yuusuf Kabaale

Dhinaca kale wuxuu farriin u diray koo xda Macawiisleyda, wuxuuna ugu baaqay in ay hubka dhigto islamarkaana ay qoryaha soo saarto, si ay ula wareegto dowladda Soo maaliya.

"Waxaan soo jeedinayaan oo baaq dheer ku soo jeedinayaa in lasoo saaro qoryaha, ca downa hal noqdo. Xalay waxii ka dambeeya laba dowlad kama jirto waxii qori heysto waa AlShabaab ama dowlada, qori guriga laguma heysan karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah meelaha uu ka socdo howlgalka ka dhanka ah Shab aab, waxayna ciidamada huwanta gaareen deegaano kaabiga ku haya degmada Aadan Yabaal.

Axmed Madoobe oo Shalay booqday cii damada qalabka sida ee loo diyaariy ay howl-galka dhawaan ka bilaabanaya deega anada Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jub baland Md. Axmed Maxamed Islaam ayaa Shalay booqasho ugu tagay ciidamada qal abka sida ee loo diyaariyay howl-galka dha waan ka bilaabanaya deegaanada Jubba land.

Madaxweynaha ayaa waxa kormeerkan ku wehlinayay Wasiirka Difaaca Dowlada Fe deraalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Ta liyaha Ciidamada xooga dalka Sareeye Gu uto Odowaa Yusuf Raage oo Jubbaland u joo gay maalmahan bilaabista howl-galada ka dhanka ah argagixisada. Axmed Madoobe oo ugu horeyntii halkaasi ka hadlay ayaa til maamay in Ciidamadan ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Juba land iyo kuwa xooga dalka, islamarkana ay diyaar u yihiin xoraynta dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka dee gaanada la xoreeyo kadib ay diyaar yihiin hay ’adahii la wareegi lahaa shaqada gaar ahaan Ciidamada Booliska iyo Nabad-sugida, ayada oo markaasi la bilaabi doono sidii dadka dee gaanka ay u soo dooran lahayeen dadka u adeegaya.

"Argagixisada waa lagu jabiyay dagaalka ka socda gobolada dalka, waa la is raacin do ona ayada oo laga xoraynayo deegaanada Jubbaland, oo ah halka uu howl-galka xoogii sa uu ka bilaaban doono.”

Waxa kale oo uu dadka shacabka ah uga digay inay ku kadsoomaan dacaayadaha iyo wararka beenta ah ee khawaariijtu ay faaf inayso.

Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyntiina ku amaanay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xa mza Cabdi Barre, sida ay uga go’an tahay na bad kusoo celinta dalka iyo cirib-tirka argag ixisada, taasi oo hadaba guulo la taaban karo laga gaaray.

Adkeysiga dadka Muqdisho – Maxaa dhacay kadib weerarkii Villa Reys?

Magaalada Muqdisho oo Habeen hore ilaa Shalay ay weerar toos ah iyo qarax ka fulis ay kooxda Al-Shabaab ayaa dadkeedu wax ay muujiyeen dhabar-adeyg xoog leh,

waxaana cadaatay in reer Muqdisho aysan isku dhii bin duruufta amni ee heysta.

Weerarkaan oo Shalay lasoo gabagabeeyey waxaa fulisay lix nin oo ka tirsanaa Al-Shab aab, hal nin ayaa la xaqiijiyey inuu is-miida amiyey, halka shanta kale ay toos u gadaa lamayeen ku dhawaad 20 saacadood.

Iyadoo weerarkaas uu ka socday gudaha xeen-daabka laga ilaaliyo madaxtooyada dal ka, hadana xarunta Tiyaatarka qaranka oo dhowr tilaabo u jirta Hotelka la weeraray wa aberigii hore ee Shalay waxaa ka bilaabatay xaflad ay ku qalan-jebinayeen boqolaal arday ah oo heerka 1-aad ee Jaamacadda dham eysatay. Si lamid ah Madaxweynaha dalka ay aa Shalay intii uu weerarkaasi socday wuxuu Muqdisho ka furay ‘shirweynaha maalgashiga caalamiga ah ee Soomaaliya’ kaas oo ajaan ib,ganacsato iyo masuuliyiin badan ay ka soo qeyb galeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shalay khudbad ka jeediyey furitaanka shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya ay aa yiri, "Shalay waxaan qaadeynaa tallaaba dii 1-aad oo lagu dhiirigalinayo maalgashiga dalkeenna, anagoo garowsan caqabadaha nagu xeeran.”Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray, "In kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, hadda na waa garowsanahay caqabadaha nagu xee ran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaara ha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barb ar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursa do ballaaran oo ka jira dalka.”

Dadka Soomaaliyeed oo qiimeyn ku sa meynaya dhacdooyinkaan Shalay is bar-bar yaallay ayaa saacadihii u dambeeyey aad bar aha bulshada ugu falan-qeynayey adkeysiga dadka reer Muqdisho oo aan isku dhiibin duruufaha amni ee ku xeeran.

Kooxda Al-Shabaab oo 10-kii sano ee la soo dhaafay weerar toos ah ku heysay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaan halganke eda ka gaarin wax natiijo ah, waxayna hadda wajaheysaa naceyb xad-dhaaf ah, cunaqab ateyn ay dowladdu saartay iyo dagaal toos ah oo aad loogu laayey bilihii iyo todobaadya dii lasoo dhaafay.

Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Hon. Jibril Abdirashid Haji iyo wefti uu hoggaaminaayo oo safar shaqo ku jooga dalka Turkey, ayaa magaalada Ista nbul ee dalkaas kaga qeyb galay shirka Was iirada ee meertada 38aad ee iskaashiga dha qaalaha iyo ganacsiga Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka( OIC).

Shirkan oo uu shir gud doomiyey Madax wey na ha wada nka Turkey ga, ayaa ajend ahiisa koowaad loogga hadlay cudurka COVID-19, hir-gelinta Istaraatijiyad da iskaashiga dhaqa alaha iyo ganacsiga ee Ururka si kor looggu qaado iskaashiga dhina cyada Ganacsiga, Beeraha, Gaadiidka, Isga arsiinta, dhaqaala ha, isbeddelka Tiknoolajiy adda, la dagaalan ka faqriga &kobcinta Ganacsiyada gaarka ah.

Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka oo loo soo gaabiyo OIC, ayaa ah ururka lab aad ee ugu ballaaran aduunka marka laga re ebo Ururka Qaramada Midoobay, waxaana ururkan ku midaysan 57 wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya.



AFAR ARRIN OO KU SAABSAN WEERARKA HOTEELKA VILLA RAYS EE MADAXDU DEGTO


Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo Habeen hore wada howlgal ay ku doonayaan inay kusoo afjaraan weerar ay xubno ka tir san Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka la oran jiray Villa Rose ee haatan loo beddelay Villa Rays ee magaalada Muqdisho.

Dad goob joogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in ay weli socoto rasaas, ayna maq layaan dhawaaqa hub culus.

Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli bilihii lasoo dhaafay uu sii xoogeysanayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay iska kaashana yaan ciidanka dowladda iyo maleeshiyo bee leedyo is abaabulay.

Xogta ku saabsan weerarka ayaa isasoo tareysa balse su’aalo badan ayaa la iska we ydiinayaa aagga uu ku yaallo, sida loo ay ku suurtagashay in la weeraro, mas’uuliyiinta xil ligaas ku sugnaa iyo khasaaraha ka dha shay weerarka.

Haddaba maxaan ka ognahay afartaas arrinba?

Goobta uu ku yaallo Hotel Villa Rose

Villa Rays

Hoteelkan oo ka mid ah kuwa ugu magaca weyn ee ku yaalla caasimadda Soomaaliya waxa ay koox hubeysan gudaha u galeen fiid nimadii Axadda, 27-ka November, 2022. Ba lse goobta uu ku yaallo awgeed, dad badan waxaa lama filaan ku noqotay in la weeraray.

Waxa uu ku yaallaa degmada Boondhe ere ee Gobolka Banaadir. Balse waxa uu gud aha ugu jiraa xayndaabka ay ku taallo xar unta ma daxtooyada ee Villa Somalia, oo ah halka uu ku howlgalo Madaxweynaha Soo maaliya.

Villa Rose

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Qiyaastii 400 oo tallaabo ayuu u jiraa xaf iiska madaxweynaha Soomaaliya, sida uu BBC u sheegay wasiir-u-dowlaha deegaanka, Aadan Aw Xirsi oo ka mid ahaa madaxda ka badbaaday weerarkaas.

Waxa uu hoteelkan sidoo kale u dhow yahay Dhismaha Tiyaatarka Qaranka.

Aaggan waa mid aan loo oggoleyn in ay u dhawaadaan gawaarida dadweynaha iyo ku wa gaarka ah ee ay shakhsiyaadku wataan.

Amniga hoteelka

Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo xaaf adaha ku dhow ayaa amnigooda si weyn loo sugaa, hoteelka Villa Rays-na waxa uu ka mid yahay goobaha sida weyn amnigooda loo sugo.

Taas kama hor istaagin Al-Shabaab in ay weerar ka fuliyaan hoteelkan, iyadoo dad ba dan isweydiinayeen sida ay ugu suurtaga shay kooxdu in ay tallaabadaas qaaddo.

Janaraal Cabdullaahi Aaadan Xuseen "Cirro" oo ah khabiir ka faallooda arrimaha amniga ayaa BBC-da uga warramay sida uu arrintan u arko.

"Dadkani waa dad adiga kula mid ah, ku gu af ah, kugu midab ah, ka mid ah dadka So omaaliyeed. Marka waa dad khaldan oo adi ga kugu dhex nool. Masaajiddada ayey kula joogaan, meelaha aad joogto wey kula joog aan,” ayuu yiri.

"Mas’uuliyadda dowladda ayey saaran ta hay, ayaga ayaana laga rabaa in haddii Alle idmo aysan dhicin waxa iyo wax la mid ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ganaraal Cirro oo dhanka kale ka hadlay ujeeddada Al-Shabaab ee weerarrada noo can ah yaa yiri: "Nimankan wey ku talo gale en in ay cimri dherer ka dhigtaan [in hotel la weeraro iyo in xarun dowladeed la weeraro], keliya waxay daneynayaan dhawaqaas qaea xa dhacay.”

Mas’uuliyiinta ku sugneyd xilliga weerarka

Maxamed Axmed Doodishe

XIGASHADA SAWIRKA,MAXAMED AXMED DOODISHE

Afhayeenka booliska Soomaaliya, Korneel Sadiiq Aaden Doodishe, oo war saxaafadeed soo saaray Habeen hore wax yar ka dib markii uu weerarka billowday ayaa sheegay in ciidanka ammaanku ay soo badbaadiyeen dad badan oo isugu jiray mas’uuliyiin iyo shacab.

Waxaa lasoo tebiyay in xilligaas ay gudaha hoteelka ku jireen saraakiil ka tirsan dowladda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiru dowlaha Deegaanka Aadan Aw Xirsi.

Wasiir Aw Xirsi ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in u uku sugnaa Hotel Villa Rays, uuna si nabad ah uga soo baxay halkaas.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) uu ku dhaawacmay goobta. Faahfaahin dheeri ah lagama hayo saraakiisha kale ee ay suurtagal tahay in ay joogeen halkaas.

Hoteelkan ayaa lagu yaqaannaa inuu ka mid yahay meelaha ay sida joogtada ah u dagaan ama ku shiraan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Khasaaraha dhimashada

Weli waxaa hoteelka laga maqlayaa dhawaaqa rasaasta iyo bambooyin, wax war ahna kama soo bixin hoggaanka booliska, maamulka gobolka iyo wasaaradda warfaafinta midna.

Ilaa hadda inta la ogyahay waxaa weerarkan ku geeriyooday ugu yaraan afar ruux, sida ay BBC-da u sheegeen dad goob joogeyaal ah.

Ilo-wareedyada la hadlay BBC-da waxa ay sheegeen in dadka dhintay ay ku jiraan qurba-joog Soomaali ah oo muddo dheer dalka ka maqnaa, kuwaasoo mar dhow dibadda ka yimid, hoteelkana ku sugnaa markii la weeraray.

Waxaa jira dad dhaawacmay oo aan tiradooda si rasmi ah loo ogeyn. Dhaawaca Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Axmed Doodishe ayaa lagu soo warramay in uusan ahayn mid kasoo gaaray hubka lagu weeraray hoteelka balse ay gud gaartay xilli uu kasii baxayay halkaas.

Ilo kala duwan ayaa BBC-da u sheegay in ay jiraan dad ay ilaa hadda eheladooda raadinayaan oo ay markii ugu dambeysay ku ogaayeen hoteelkaas. Qoraalka Muuqaalka,

Daawo faahfaahinta weerarka Hotel Villa Rays XIGASHO:-BBC



MAXAY YIHIIN QODOBBADA XEERKA JINSIGA EE MURANKA KA DHALIYAY SOOMAALIYA?


Xeerka muranka dhaliyay waxaa ka hadl ay xildhibaanno Saacadihii la soo dhaafay, baraha ay bulshada ku wada xiriiraan waxay si weyn dadku uga doodayeen qodobo kamid ah Hindise Sharciyeedka Dembiyada Jinsiga ee Soomaaliya, ee horey u diiday Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dooddan ayaa bilaabatay kaddib khudbad ay meel fagaare ah ka jeedisay gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Salaad, taas oo ay ku sheegtay in hindise sharciyeedka dambiyada jinsiga uu difaacayo xuquuqda jinsiga, oo ay muhiim tahay in la ansixiyo xeerka noocaas ah.

Waxay intaa ku dartay in hindise-sharciye edka Dembiyada Jinsiga uu muhiim u yahay xal-u-helida iyo xakameynta tacadiyada loo geysto dumarka, sida kufsiga, kaas oo ay tilShalayy inaanan hadda wax la qaban.

Xildhibaan Sacdiya ma faahfaahin inay ka hadlayso dib usoo celinta xeerkii horey loo diiday, iyo in ay dooneyso in la ansixiyo isaga oo wax laga bedelay sida uu horey ugu baa qay baarlamaankii hore. Waxay durtay dadka wadaado ah oo ay sheegtay inay u hanjab een islamarkaas na horey uga horyimid xe erka.

"Haddii aydaan aayadda Qur’aanka ah igu ilaalinayn, maxaad u diidaysaan in gaal ada loo dhawaado? waana loo dhowaanayaa waana lawada gooloobayaa,” ayey tiri. Waxa ay sheegtay in loo hanjabay hasayeeshee "u taagan tahay sharcigaas illaa laga ansixin ayo” waxaana ay ku dartay "in sharciga diinta Islaamka wax aanay ahayn aysan rabin.”

Waxayse ballan ku qaadday in laba mid uun ay noqon doonto iyadoo tiri "Ilaahay hortii waxaan ballan idinkaga qaaday ama inaan Muqdisho uga tago ama inan sharcigaas me elmariyo."

Maxay yihiin qodobbada aadka looga doo day?

Qodobka 4-aad ee faafaahinaya kufsiga ayey dad badan intay ka soo qaadeen sa wirro iskula wadaagaayaan baraha bulshada, iyagoo su'aalo iska waydiinaya, qaar dhalee caynaya iyo qaar taageero u muujinayaba ay jiraan.

Hindise sharciyeedka dambiyada jinsiga

XIGASHADA SAWIRKA,BAARLAMAANKA SOOMAALIYA Qodobbada kale ee doodda culus ka dhex abuuray bulshada waxaa ka mid ah sida uu xeerka jinsiga u maareeyay arrimaha la xiriira xad gudubyada galmada.

Waxaa kaloo laga doodayay qodobka 27aad ee xeerka oo ku saabsan guursi carruur, ka as oo u qoran sidan:

Qof kasta waxa uu galayaa faldambiyeed guursi carruur ah, haddii uu si ula kac ah u gu ursado carruur aan qaan gaar ahayn.

Faqradda 3aad ee qodobka 27aad ayaa u qo ran sidan:

Qof kasta oo gala faldamiyeedka ku xusan qodobkan waxaa lagu xukumayaa ciqaab xabsi oo aan ka yareyn 10 sano, kana badn eyd 15 sano".

Xeerka weli dib looguma soo celin baarla maanka Soomaaliya, iyada oo wasiirka hawe enka iyo Xaquuqda Aadanaha Khadiijo Max amed Diiriye ay beenisay in uu jiro xeer arri mahan la xiriira oo ay wasaaradu gudbisay. War lagu faafiyay baraha bulshada, oo ay wa siiraddu dib usii faafisay waxay wasiiraddu ku tiri: "Ma jirto sharci aan soo gudbinay, mana jiri karto meelmarinta sharuuc aan waafaqs anayn diinteenna Islaamka", iyada oo ka fal celineysa dooda ka dhalatay hadalka gudd oomiye kuxigeenka Golaha Shacabka.

Muxuu sharcigan ka yiri baalamaankii hore?

Hindise sharciyeedka dambiyada jinsiga ayaa dabayaaqadii sanadkii 2020, waxaa dii day baarlamankii hore ee Soomaaliya, iyadoo hoggaanka baarlamaanka uu sheegay in sharcigaas uu ku xadgudbayo dhaqanka iyo diinta Islaamka.

Guddoomiye ku xigeenkii koobaad ee ho re ee Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya, Cabdiweli Muuddey, ay aa waqtigaas sheegay in sax aanay ahayn in golaha shacabka wax walba looga hadlo.

Waxa uu markaas diidanaa in marka hor aba hindise sharciyeedkaas la horkeeno gol aha shacabka waxaana uu yiri: "Sharciga as wasakh waaye, qurun waaye, sharci ma ah an,” wuxuuna intaasi ku daray "golahan lama keeni karo wuxuusan qabin dastuurka [dalka] iyo sharciga Islaamka.

"Waddankastaba sharci ayuu leeyahay, annaga ma sharci gaalaan ku dhaqannaa… Gaalada sharcigeeda miyaan inta halkan ke eno ayaan shacabka ku dhaqaynaa,” ayuu yiri isaga oo ku durayay xeerka in uusan waa faqsaneyn shareeda Islaamka. Doodaas wax aa kasoo horjeeday wasaaradda haweenka iyo qaar ka mid ah baarlamaanka Soomaliya oo u arkayay in xeerku muhiim u yahay xaka meynta dembiyadda dumarka.

Maxay culimada Soomaalida ku diideen xeerka jinsiga?

Hindise sharciyeedkan lagu muransan ya hay ayaa arrimaha ugu waa wayn ee ay doo ddu ka taagan tahay waxaa ka mid ah da'da qaan gaarka oo culimadu qaarkood aamin san yihiin inuu sharcigaasi ku micneeyay si ka duwan sida ay qabto shareecada Islaam ka. Si taas la mid ah, xilliga ku haboon guur ka gabdhaha ee uu xeerku qeexay ayuu ka taaganyahay muran kaas la mid ah.

Da'da qaan gaarka ee shareecada islaa mka caddeysay ayaa ah 15 sano, halka shar ciga jinsiguna uu dhigayo iney tahay 18 sano, si la mid ah dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya oo sidoo kale qaba in da'da qa an-gaarka ay tahay 18 sano.

Qeyb ka mid ah culumaa'udiinka Soomaaliy eed oo meelo kala duwan jooga ayaa duray oo ka horyimid xeerkaas oo ay ku tilmaam een in uu ka horimaano diinta islaamka.

Culimo

Qaar ka mid ah culumadaas oo ku kulm ay masaajidka Sheekh Cali Suufi oo uu u ha dlay Sheekh Cabdiqaadir Yuusuf ayaa yiri: "Qaanuunkan ma kala saarayo nikaax sharci ah iyo sineysi".

Arrintan ayuu ku sharraxay qodob ka mid ah hindise sharciyeedka oo dhigaya in uu ci qaab muteysanayo qof walba oo galmo la sa meeya qof kale oo aan raalli ka ahayn.

"Sharcigan wuxuu kufsi u yaqaannaa qof kasta oo oggolaansho la'aan xiriir jinsi la sam eeya qof kale, xitaa haddii ay yihiin labo ruux oo uu guur ka dhexeeyo" ayuu yiri. Waxay da lbadeen in wax laga bedelo xeerka oo la waa fajiyo shareecada Islaamka.

Xeerkan weli dib looguma soo celin baarl amaanka Soomaaliya oo horey u diiday. Gud oomiye kuxigeenka koobaad ee Golaha Sha cabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sacdi yo Yaasiin Salaad waxay hadalka ka jeedisay shir looga hadlayay kahortaga tacad iyada ha weenka, carruurta iyo dadka baahi yaha gaar ka ah qaba ee ka socda magaa lada Muqd isho. Shirkaas waxaa soo qabanq aabisay wasaaradda haweenka iyoxaquuqda dadka. XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip