Maxay yihiin qodobbada xeerka jinsiga ee muranka ka dhaliyay Soomaaliya?

0
Monday November 28, 2022 - 17:13:13 in Wararka by
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay yihiin qodobbada xeerka jinsiga ee muranka ka dhaliyay Soomaaliya?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Saacadihii la soo dhaafay, baraha ay bulshada ku wada xiriiraan waxay si weyn dadku uga doodayeen qodobo kamid ah Hindise Sharciyeedka Dembiyada Jinsiga ee Soomaaliya, ee horey u diiday Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dooddan ayaa bilaabatay kaddib khudbad ay meel fagaare ah ka jeedisay gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Salaad, taas oo ay ku sheegtay in hindise sharciyeedka dambiyada jinsiga uu difaacayo xuquuqda jinsiga, oo ay muhiim tahay in la ansixiyo xeerka noocaas ah.

Waxay intaa ku dartay in hindise-sharciyeedka Dembiyada Jinsiga uu muhiim u yahay xal-u-helida iyo xakameynta tacadiyada loo geysto dumarka, sida kufsiga, kaas oo ay tilmaantay inaanan hadda wax la qaban.

Xildhibaan Sacdiya ma faahfaahin inay ka hadlayso dib usoo celinta xeerkii horey loo diiday, iyo in ay dooneyso in la ansixiyo isaga oo wax laga bedelay sida uu horey ugu baaqay baarlamaankii hore. Waxay durtay dadka wadaado ah oo ay sheegtay inay u hanjabeen islamarkaas na horey uga horyimid xeerka.

"Haddii aydaan aayadda Qur’aanka ah igu ilaalinayn, maxaad u diidaysaan in gaalada loo dhawaado? waana loo dhowaanayaa waana lawada gooloobayaa,” ayey tiri. Waxa ay sheegtay in loo hanjabay hasayeeshee "u taagan tahay sharcigaas illaa laga ansixinayo” waxaana ay ku dartay "in sharciga diinta Islaamka wax aanay ahayn aysan rabin.”

Waxayse ballan ku qaadday in laba mid uun ay noqon doonto iyadoo tiri "Ilaahay hortii waxaan ballan idinkaga qaaday ama inaan Muqdisho uga tago ama inan sharcigaas meelmariyo."

Maxay yihiin qodobbada aadka looga dooday?

 

Qodobka 4-aad ee faafaahinaya kufsiga ayey dad badan intay ka soo qaadeen sawirro iskula wadaagaayaan baraha bulshada, iyagoo su'aalo iska waydiinaya, qaar dhaleecaynaya iyo qaar taageero u muujinayaba ay jiraan.

Hindise sharciyeedka dambiyada jinsiga

XIGASHADA SAWIRKA,BAARLAMAANKA SOOMAALIYA

Qodobbada kale ee doodda culus ka dhex abuuray bulshada waxaa ka mid ah sida uu xeerka jinsiga u maareeyay arrimaha la xiriira xad gudubyada galmada.

Waxaa kaloo laga doodayay qodobka 27aad ee xeerka oo ku saabsan guursi carruur, kaas oo u qoran sidan:

  • Qof kasta waxa uu galayaa faldambiyeed guursi carruur ah, haddii uu si ula kac ah u guursado carruur aan qaan gaar ahayn.

Faqradda 3aad ee qodobka 27aad ayaa u qoran sidan:

  • Qof kasta oo gala faldamiyeedka ku xusan qodobkan waxaa lagu xukumayaa ciqaab xabsi oo aan ka yareyn 10 sano, kana badneyd 15 sano".

Xeerka weli dib looguma soo celin baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo wasiirka haweenka iyo Xaquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye ay beenisay in uu jiro xeer arrimahan la xiriira oo ay wasaaradu gudbisay. War lagu faafiyay baraha bulshada, oo ay wasiiraddu dib usii faafisay waxay wasiiraddu ku tiri: "Ma jirto sharci aan soo gudbinay, mana jiri karto meelmarinta sharuuc aan waafaqsanayn diinteenna Islaamka", iyada oo ka falcelineysa dooda ka dhalatay hadalka guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka.

Muxuu sharcigan ka yiri baalamaankii hore?

Hindise sharciyeedka dambiyada jinsiga ayaa dabayaaqadii sanadkii 2020, waxaa diiday baarlamankii hore ee Soomaaliya, iyadoo hoggaanka baarlamaanka uu sheegay in sharcigaas uu ku xadgudbayo dhaqanka iyo diinta Islaamka.

Guddoomiye ku xigeenkii koobaad ee hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya, Cabdiweli Muuddey, ayaa waqtigaas sheegay in sax aanay ahayn in golaha shacabka wax walba looga hadlo.

Waxa uu markaas diidanaa in marka horaba hindise sharciyeedkaas la horkeeno golaha shacabka waxaana uu yiri: "Sharcigaas wasakh waaye, qurun waaye, sharci ma ahan,” wuxuuna intaasi ku daray "golahan lama keeni karo wuxuusan qabin dastuurka [dalka] iyo sharciga Islaamka.

"Waddankastaba sharci ayuu leeyahay, annaga ma sharci gaalaan ku dhaqannaa… Gaalada sharcigeeda miyaan inta halkan keeno ayaan shacabka ku dhaqaynaa,” ayuu yiri isaga oo ku durayay xeerka in uusan waafaqsaneyn shareeda Islaamka. Doodaas waxaa kasoo horjeeday wasaaradda haweenka iyo qaar ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo u arkayay in xeerku muhiim u yahay xakameynta dembiyadda dumarka.

Maxay culimada Soomaalida ku diideen xeerka jinsiga?

Hindise sharciyeedkan lagu muransan yahay ayaa arrimaha ugu waa wayn ee ay dooddu ka taagan tahay waxaa ka mid ah da'da qaan gaarka oo culimadu qaarkood aaminsanyihiin inuu sharcigaasi ku micneeyay si ka duwan sida ay qabto shareecada Islaamka. Si taas la mid ah, xilliga ku haboon guurka gabdhaha ee uu xeerku qeexay ayuu ka taaganyahay muran kaas la mid ah.

Da'da qaan gaarka ee shareecada islaamka caddeysay ayaa ah 15 sano, halka sharciga jinsiguna uu dhigayo iney tahay 18 sano, si la mid ah dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya oo sidoo kale qaba in da'da qaan-gaarka ay tahay 18 sano.

Qeyb ka mid ah culumaa'udiinka Soomaaliyeed oo meelo kala duwan jooga ayaa duray oo ka horyimid xeerkaas oo ay ku tilmaameen in uu ka horimaano diinta islaamka.

Culimo

Qaar ka mid ah culumadaas oo ku kulmay masaajidka Sheekh Cali Suufi oo uu u hadlay Sheekh Cabdiqaadir Yuusuf ayaa yiri: "Qaanuunkan ma kala saarayo nikaax sharci ah iyo sineysi".

Arrintan ayuu ku sharraxay qodob ka mid ah hindise sharciyeedka oo dhigaya in uu ciqaab muteysanayo qof walba oo galmo la sameeya qof kale oo aan raalli ka ahayn.

"Sharcigan wuxuu kufsi u yaqaannaa qof kasta oo oggolaansho la'aan xiriir jinsi la sameeya qof kale, xitaa haddii ay yihiin labo ruux oo uu guur ka dhexeeyo" ayuu yiri. Waxay dalbadeen in wax laga bedelo xeerka oo la waafajiyo shareecada Islaamka.

Xeerkan weli dib looguma soo celin baarlamaanka Soomaaliya oo horey u diiday. Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Salaad waxay hadalka ka jeedisay shir looga hadlayay kahortaga tacadiyada haweenka, carruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ka socda magaalada Muqdisho. Shirkaas waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda haweenka iyo xaquuqda dadka.



XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip