Xiriirka kubbada Cagta Soomaaliyeed oo tababar u furay macalimiinta iyo garsoorayaasha gobolka Sh/dhexe(Sawiro)

0
Wednesday June 01, 2016 - 11:53:43 in Wararka by
  • Visits: 601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka kubbada Cagta Soomaaliyeed oo tababar u furay macalimiinta iyo garsoorayaasha gobolka Sh/dhexe(Sawiro)

    Xiriirka kubbada Cagta Soomaaliyeed ayaa tababar uga furay magaalada Jowhar 30 xubnood oo isugu jira garsoorayaal iyo macalimiin ka kala yimid 7 degmo oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka kubbada Cagta Soomaaliyeed ayaa tababar uga furay magaalada Jowhar 30 xubnood oo isugu jira garsoorayaal iyo macalimiin ka kala yimid 7 degmo oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Tababarkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa casharo ka bixinaya khabiiro ku taqasusay garsoorka iyo tababarida iyadoo munaasabadii furitaanka ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiinta ciyaaraha gobolka Sh/dhexe iyo maamulka gobolka Sh/dhexe.

Ugu horeyntii waxaa halkaa warbixin iyo soo dhoweyn ka jeediyay Xoghayaha guud ee xiriirka kubbada cagta gobolka Xasan Maxamed Cismaan(Ashito) waxana uu ka warbixiyay ujeedada loo qabanayo tababarkan oo uu sheegay in ay tahay mid ka timid baahi loo qabay muddo dheer.

Wakiilka isboortiga gobolka Sh/dhexe Cali Hilowle oo ka hadlay munaasabada ayaa ka warbixiyay heerka isboortiga uu gobolku marayo isagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in tababar loo furo garsoorayasha gobolka sh/dhexe iyo weliba macalimiinta kooxaha degmooyinka maadaama haatan loo diyaargaroobayo ciyaaraha degmooyinka iyo kan gobolada dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta gobolka Sh/dhexe Shariif Nuur Maxamed oo ka hadlay furitaanka tababarkan ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka oo suurtogaliyay ammaanka iyo soo dhoweynta ay u sameeyeen ka qeybgalayaasha ka yimid degmooyinka gobolka sh/dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed Cali Cabdi Maxamed( Cali Shiino) oo isna ka hadlay furitaanka tababarkan ayaa ku tilmaamay in tababarkan uu yahay mid ku yimid dadaalka ay sameeyeen xubnaha xiriirka kubbada cagta gobolka Sh/dhexe oo la dhisay muddo afar bilood laga joogo.

"Xiriirka kubbada cagta waxa uu diyaar u yahay in uu ka qeybqaato horumarinta ciyaaraha kubbada cagta ee gobolka Sh/dhexe, tababarkana ma noqon doono kii ugu dambeeyay balse waxa uu qeyb ka yahay qorshayaal badan oo uu xiriirka kubbada cagta doonayo in lagu hormariyo isboortiga gobolka.”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed Cali Shiino.

Tababarkan oo si rasmi uu u furay guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay garsoorayaasha iyo macalimiinta ka qeybgalaya tababarkan in ay ka faa’ideystaan aqoonta ay ka helayaan tababarkan.

"Isboortigu waa kan bulshada mideeya isl markaana qofka jirkiisa iyo maskaxdiisa dhisa,waxaan rajo weyn ka qabnaa in isboortiga dalka uu gobolka qeyb weyn ka qaato gobolka Sh/dhexe.”ayuu yiri Axmed Meyre Makaraan.

Tababarkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo noocisa oo kale ah oo lagu qabto gobolka Sh/dhexe waxana la rajeynayaa in garsoorayaasha iyo macalimiinta ka qeybgalaysa tababarkan in ay ka kororsadaan farsamooyinka casriga ah ee ku soo kordhay ciyaaraha caalamka.

tababarjwhr (10)

tababarjwhr (6)

tababarjwhr (7)

tababarjwhr (8)

tababarjwhr (9)

tababarjwhr (5)

tababarjwhr (4)

tababarjwhr (3)

tababarjwhr (2)

tababarjwhr (1)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip