Tababare Renard "Qofna ma fileyn in Sacuudigu ciyaari karo kubbad heerkeedu sidan u sarreeyo"

0
Sunday November 27, 2022 - 19:40:51 in Wararka by
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Renard "Qofna ma fileyn in Sacuudigu ciyaari karo kubbad heerkeedu sidan u sarreeyo"

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Tababaraha xulka Saudi Arabia Herve Renard ayaa sheegay in aysan jirin qof adduunka ku nool oo ku fikiray in kooxdiisu ay qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigi doonto, inkastoo ay guuldarro 2-0 ah kasoo gaartay kulankii Poland ciyaar ka tirsaneyd Koobka Adduunka ee Group C Sabtidii.



Kadib guul dirqi ah oo ay 2-1 kaga badiyeen xulka Argentina ciyaartii ugu horeysay, Sacuudi Carabiya ayaa qaab ka duwan qaab ciyaareedkiisa la ciyaaray Poland, waxaana ay la wareegeen kubada. Laakiin dhamaadkii qeybtii danbe waxaa goolal u dhaliyay Poland Piotr Zielinski iyo Robert Lewandowski.

"Qofna aduunka oo dhan kuma fikirin inaan u ciyaari karno heerkan oo kale. Haa inteenna Saudi Arabia joogta si fiican ayaan u naqaan ciyaartoyda, laakiin maaha kuwo ay garanayaan taageerayaasha adduunka,” ayuu Renard ku sheegay shir jaraa’id.

"Weli waan noolahay, waan ku faanayaa ciyaartoydeyda, waxay ahayd inaan si fiican u maamulno ciyaarta, hadii aan dhalin laheyd rigooraha, qeybta hore waxay ku dhammaan laheyd barbardhac 1-1 ah, kadibna ciyaarta ayaa si ka duwan u dhici laheyd. " ayuu raaciyay.

Renard waxa uu sharaxay in nasiib xumo aysan wax lug ah ku lahayn guuldaradii kasoo gaartay kulankii ka dhacay garoonka Magaalada Waxbarashada, laakiin taa bedelkeeda ay guuldarradani u soo gaartay waxtar la'aan.

"Waxaan sameynay khaladaad dhinaca kubbad dhiibista ah, mana ayynaan u ciyaarin si dhab ah, laakiin ma quusan doono”. ayuu raaciyay tababare Renard.

Tababarahan 54 jirka ah ayaa sheegay in kooxdiisu ay ciyaarta Mexico u ciyaari doonto qaab ciyaareed leh rabintaan guuleysi, kaas oo la mid ah sidii ay ula ciyaartay Poland.


 

Reuters.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip