Jilaaga filimkii caanka noqday ee Squid Game oo lagu dhagan yahay

0
Saturday November 26, 2022 - 18:59:58 in Wararka by
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jilaaga filimkii caanka noqday ee Squid Game oo lagu dhagan yahay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Jilaaga filimkii caanka noqday ee Squid Game O Yeong-su ayaa lagu soo oogay dacwad galmo ah, sida ay sheegeen saraakiisha garsoorka Kuuriyada Koonfureed.

78-jirkan ayaa lagu eedeeyay inuu si aan habboonayn u taataabtay haweeney sannadkii 2017-kii, sida ay saraakiishu sheegeen.

Mr O ayaa beeniyay eedeynta, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Waxa uu noqday jilaagii ugu horreeyay ee Kuuriyada Koonfureed ee ku guulaysta abaalmarinta Golden Globe ee jilaaga.

Dhibbanaha eedaysanaha ayaa markii ugu horaysay booliiska u gudbiyay dacwad ka dhan ah Mr O bishii December ee sanadkii hore, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Yonhap. Laakiin kiiska ayaa la xiray bishii Abriil iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin Mr O.

O Yeong-su


Xeer ilaalinta ayaa hadda dib u furtay baaritaanka "codsiga dhibbanaha", ka dib ayay wakaaladdu ku warrantay.

Mr O ayaa hadda lagu soo oogay dacwad isaga oo aan la xirin, ayay raacisay

Eedeynta ka dib, wasaaradda dhaqanka ee Seoul ayaa go'aansatay inay joojiso baahinta xayaysiis dowladeed oo uu ku jiro Mr O, sida laga soo xigtay warbixinnada maxalliga ah oo soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Filimkii Squid Game

Park Hae-soo iyo Lee Jung-jae waa labo ka mid ah xiddigaha Squid Game

XIGASHADA SAWIRKA,NETFLIX

Haddii aad daawatay filimka Squid Game ilaa haddana aad ka naxsan tahay qaabka loo sameynayay ciyaaraha halista badan ee salka ku heysa waxyaabihii carruurnimada aad samayn jirtay, kaligaa ma aha, dad badan ayay sidaada oo kale saameyntaas u gaartay.

Filimkan laga jilay Kuuriya, oo ku saabsan qisada dad deymo lagu leeyahay oo ku tartamaya lacag badan oo lagu guuleysanayo, iyagoo ka qayb galaya ciyaaro noocii carruurta ah oo halis badan, ayaa noqday filimkii abid ugu daawashada badnaa ee ay soo saarto shirkadda Netflix.

28-kii maalmood ee ugu horreeyay waxaa dunida qaybaheeda kala duwan ka daawatay ilaa 111 milyan oo qof oo ka mid ah dadka isticmaala Netflix.

Sidaas waxa uu kaalinta koowaad uga saaray filimkii horay ugu daawashada badnaa ee "Bridgerton", waxayna ka dhigan tahay in filimada musalsalka ah Kuuriya ay noqdeen kuwa loogu jecel yahay caalamka.

Shirkadda Netflix ayaa bartamihii sannadkan ayay shaaca ka qaadday inay diyaarinayso dadkii ka qaybgeli lahaa barnaamij telefishin oo lagu samaynayo tartan musalsal ahaan si dhab ah loogu saleynayo nolol-maalmeedka dadka kaasoo laga matalayo filimkeedii ugu daawashada badnaa abid ee Squid Game.

Hase yeeshee, guusha iyo guul-darradu uma dhaxayn doonto nolol iyo geeri sida lagu arkay filimkaas laga daba dhacay ee lagu sameeyay Kuuriyada Koonfureed.

Taas beddelkeeda, tartameyaal ay tiradoodu tahay 456 qof oo ka kala socda guud ahaan caalamka ayaa ciyaari doona noocyo ciyaaro ah oo "qofka guul-darraysta uu waddankiisa ugu laabanayo isagoo faro maran" - sidaasna ku waynaya abaal-marin dhan $4.56m (£3.8m).

Shirkadda ayaa ku dhawaaqday in qaybta cusub ee musalsalka - oo lagu magacaabay Squid Game: The Challenge- kana kooban 10 xalqo ay ka qayb gali doonaan "dadkii ugu badnaa, abaalmarintuna ay noqon doonto lacag caddaan ah oo ah tii ugu badnayd ee taariikhda lagu qaato barnaamij telefishin ka baxa".

XIGASHO:BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip