Kulan Su'aalo Lagu Weydiiyay Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Oo Ka Dhacay Villa Hargeysa

0
Sunday November 27, 2022 - 16:57:32 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Su'aalo Lagu Weydiiyay Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Oo Ka Dhacay Villa Hargeysa

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27/11/2022 Xarunta Guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula yeeshay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ee uu hogaaminaayay Wasiirka.

Kulanka waxaa shir-guddoominaayey Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS Maxamed Faarax Nuux.

Ajendaha Kulanka ayaa waxaa uu ahaa la kulanka Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Mashaariicda ay fuliyeen Hay’adda mudadii 4-Sanno aheyd ee la soo dhaafay .

Wasiirka, Wasiir ku xigeenka, Wasiiru dowlahaiyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa waxaa su’aalo la xariiro shaqada Wasaaradda weydiiyay Xubnaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa uga mahadceliyey sida wanaagsaneyd ay Guddiga Maaliyadda ula socodsiiyeen Warbixinadii iyo su’aalihii la weydiiyey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip