Xukun lagu riday Nin Al-Shabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka

0
Thursday November 24, 2022 - 12:23:58 in Wararka by
  • Visits: 188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukun lagu riday Nin Al-Shabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf ooloo soo xiray in Al-Shabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka waxaana soo qabtay Ciidanka Xooga Dalka. 16-Kii Bishii August ee Sanadkan.

Ciidamada Amniga ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 08-dii September ee sanadkaan.

 

Xuseen ayaa Alshabaab ku biiray Bishii Maarso ee Sanadkaan waxa uuna kaga biiray Gobalka Shabeellada Hoose deegaanka Faarax Wacays, waxaana ku khalqaaliyay oo isna u qaabilsan Al-Shabaab kala gudbinta hubka, tiro 3 jeer ah ayuu rasaas ka soo qaaday Beerta Ilka-Bariis oo ku taal dagmada Awdheegle waxa uuna u geeyay Taliyihiisii.

Baaris dheer kadib 07dii- Bishaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Xuseen ayaa laga Ogolaaday 16-kii Bishaan ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen cadeemta Miinadii lagu soo qabtay eedeysanaha iyo qiraalkiisa.

Qareenada u dooday Eedeesane Xuseen Cabdiraxmaan ayaa u sheegay garsoorka in uu ku cusbaa ka mid ahaanshaha Al-Shabaab kana codsaday in xukunka loo qafiifiyo.

Kadib Maxkamadda oo waqti ku Filan siisay dhinacyada ayaa 21-kii Bishaan ku xukuntay 15-sano oo xabsi ciidan ah Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Axmed Cali Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad.

Xukunkasanaha haysta Fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga laga Ogol yahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip