
Midowga Afrika oo aqbalay dalabkii DF Soomaaliya
Ururka Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn aqbalay dalab uga yimid dowladda federaalka oo ku aadan dhimista ciidamada ATMIS ee Somalia.
Golaha Midowga Afrika ayaa tixgeliyey codsiga u gudbisay dowladda Soomaaliya, kadib kulan ay yeesheen 11-kii bishaan November, kaas oo ahaa kulankoodii 1121-aad.
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa sheegay in arrintan ay usii gudubin doonaan Golaha Ammaanka (UNSC), si loo ansixiyo kordhinta dhimmista (2,000) oo askari, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS marka la gaara bisha December 2022.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dib u eegis lagu sameyn doono waqtiga howlgalka ciidamada ATMIS oo loo qorsheeyey inay dalka ka baxaan dhammaadka 2024-ka.
"Waxaan xaqiijinayaa taageerada codsiga DFS ee ah in la kordhiyo ATMIS Wajiga 1-aad ee dib-u-habaynta ee dhimista 2,000 oo askari oo ATMIS ah laga bilaabo 31ka Diseembar 2022 ilaa 30ka Juunyo 2023, iyada oo dib u eegis lagu samaynayo wakhtiga hawlgalka, iyada oo dib loo xaqiijinayo ballanqaadka ah in la joogteeyo taariikhda bixitaanka 31 Diseembar 2024,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Midowga afrika, Moussa Faki Mohamat.
Dhinaca kale Midowga Afrika ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya, wuxuuna boggaadiyey guulaha laga gaaray dagaalladii u dambeeyey.
Howlgalka Midowga Afrika oo Soomaaliya ka socdo in ka badan 15 sano ayaa markii hore ku howlgalayey magaca AMISOM, balse waxaa hadda loo beddalay magaca ATMIS, wuxuuna howlgalkan isna ku egyahay marka la gaaro bisha December ee sanadka 2024.
Midowga Afrika oo aqbalay dalabkii DF Soomaaliya
....