Shirkadaha qaadka keena Laascaanood oo ku dhow in ay dagaalamaan

0
Wednesday November 23, 2022 - 21:37:01 in Wararka by
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadaha qaadka keena Laascaanood oo ku dhow in ay dagaalamaan

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
 Ganacsade Maxamed Jabuutaawi Caraale, oo leh mid kamid ah shirkadaha qaadka keena magaalada Laascaanood, ayaa si adag uga soo horjeestay shirkad cusub oo uu sheegay in xukuumadu ruqsad siisay.
Shirkad uu wato nin uu magiciisa ku sheegay Sisto, oo uu sheegay in ay xukuumadu ruqsad u siisay in ay qaad Nairobi ka keento, ayuu ka dhiidhiyay, waxaanu sheegay in ay la dagaalami doonaan.

"Sisto Nairobi ayuu joogaa, berritoolana diyaarad ayuu soo rarayaa, anagana waxa uu noogu hanjabay millateriga iyo Jaamac Siyaad ha is arkeen, Sisto way is arkayaan waana nu ku qaabilaynaa" ayuu yidhi Jabuutaawi oo rag hubaysani daba taaganyihiin.


Waxa uu sheegay in markii hore shirkada Jabuutaawi iyo shirkada Ina Afdiinle, oo kali ahi jaadka keeni jireen, lakiinse loo sheegay in diyaaarado sida qaad Miiroo ah la sheegay in ay imanayaan oo ay madaxweynaha iyo badhasaabka gobolka Sool siiyeen ruqsad.

Madaxweynaha Somaliland ayuu usoo jeediyay in uu xal keeno, oo uu joojiyo ninka la sheegay in uu ruqsada u siiyay in uu qaadka keeno magaalada Laascaanood.

Sidookale, guddoomiyaha gobolka Sool ayuu kula taliyay in uu ka laabto arrimaha ganacsiga ee lagu eedeeyay in uu gacanta kula jiro, isaga oo sheegay in wax ka badan labadii shirkadood ee hore u keeni jiray anay wax ka badani magaalada qaad keeni karin.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip