DF oo shaacisay shir muhiim u ah Soomaaliya oo Muqdisho ka furmaya 28-ka bisha

0
Wednesday November 23, 2022 - 23:26:22 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo shaacisay shir muhiim u ah Soomaaliya oo Muqdisho ka furmaya 28-ka bisha

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Shirka guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa shalay lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Shirka ayaa waxaa guddoominayay Wasiirka Qorsheynta, Mudane Hon.Mohamud Abdirahman Beenebeene, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirrada ay Wasaaradahoodu tiirka u yihiin dhaqaalaha iyo Wax soosaarka gudaha

Waxaa shirka qeyb ka ah Wasiirradaha Qorsheynta, Maaliyadda, Ganacsiga, Xannaanada Xoolaha, iyo Duulista Hawada, waxaana looga hadlay ganacsiga iyo maal-gashiga. Sidoo kalana lagu dhiirrigeliyay howlaha mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, oo ay intooda badan hormuud ka tahay Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda.

Waxaa kale oo kulanka diiradda lagu saaray u diyaar garowga shirka caalamiga Maal-gashiga Soomaaliyeed ee dhici doonta 28-ka illaa 29-ka bishaan, bandhigaas oo lagu qaban doono Muqdisho, islamarkaana muhiim u ah horumarka dhaqaalaha dalka.

Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa isla gartay in la dar-dar geliyo howlaha horumarineed ee lagu xoojinaayo kororka dhaqaalaha, sidoo kalana laga shaqeeyo qabsoomidda Shirka dhammaadka bishaan, ee muhiimadda weyn ugu fadhiya Maalgashiga iyo Mashaariicda horumarineed ee dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip