Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad Goboleedyada oo shir gaar ah yeelanaya

0
Wednesday November 23, 2022 - 18:14:29 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad Goboleedyada oo shir gaar ah yeelanaya

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Waxaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda ay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan tagaan Guddoomiyeyaasha Baarlamaannnada dowlad goboleedyada kajira dalka kadib Casuumad aay ka heleen Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim Xaaji Maxamed Luqamaan.

Kulan gaar ah ayaa la filayaa inay Magaalada Beledweyne ku yeeshaan Maalinta berito ah guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad Goboleedyada, kaas oo ay kaga hadli doonaan sidii lo xoojin lahaa wadashaqeynta Baarlamaannada Shanta dowlad Goboleed.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa ay uga hadli doonaan sidii loo dardar gelin lahaa howlaha ay Bulshada u hayaan Baarlamaannada dowlad Goboleedyada iyo sidii loo dhiiri gelin lahaa Ciidamada dowladda iyo kuwa degaannada ee la dagaalamaya Ururka Al-Shabaab.

Waa kulankii ugu horreeyay ee gaar ah oo ay yeelnayaan guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad Goboleedyada kajira dalka, waxana kulamadaan ay noqon doonaan kuwo si jooto ah u qabsoomi doona.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip