Qoyskan oo reer Maraykanka ah ayaa ku iibsaday Kooxda ku dheesha Old Trafford 790 milyan oo gini ($1.34bn) sannadkii 2005-tii.

Tallaabadan ayaa timid timid ka dib sanado badan oo ay taagerayaasha ka cabanayeen lahaanshahooda kooxda.

War qoraal ah oo ka soo baxay naadiga ayaa lagu sheegay in guddigu "ay tixgalinayaan dhammaan isbeddelo istaraatiiji ah, oo ay ku jiraan maalgashiyo cusub oo lagu soo kordhiyo naadiga, amaba in la iibiyo”.