Macallimad 'farxaddii ugu weyneyd' ka heshay xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed

0
Monday November 21, 2022 - 21:32:47 in Wararka by
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallimad 'farxaddii ugu weyneyd' ka heshay xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Maalinta Macallinka Soomaaliyeed

Sanad walba, 21-ka bisha November waxaa la xusaa Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, munaasabaddaasna waxaa maanta ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dunida oo dhan ayaa 5-ta bisha November Maalinta Macallinka Adduunka oo lagu maamuuso dadka waqtigooda iyo aqoontooda u hura in ay arday cusub soo saaraan.

Xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed waxaa lasoo billaabay sanadkii 1974-kii, xilligaas oo ahayd 2 sano ka dib markii la hirgeliyay qoraalka Af Soomaaliga.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta goob jog ka ahaa xafladda xuska Macallinka Soomaaliyeed ayaa shahaado Sharaf guddoonsiiyay dhowr macallin oo lasoo xushay, kuwaasoo ay ku jireen dumar.

Khudbad uu madaxweynuhu ka jeediyay munaasabaddan ayu uku sheegay in dowladdiisa ay ka shaqeyneyso horumarinta waxbarashada.

"Annaga waxaan go’aansannay.. ninkii odayga ahaa wuxuu yiri ‘ma tabaraa la guuraa mise taako, taako isma hubnee tabar aan guurno’, tabar guuridda annagoo ku shaqeyneyna waxaan dhahnay ardayda ugu badan ee suurtagalka ah waqtiga waqtiga iskuulka lagu soo celin karo halagu soo celiyo, macallimiinta inta ugu badan ee la tababari karo ee la shaqaaleyn karana ha la tababaro hana la shaqeeyo.

"Sidaas darted [miisaaniyadda] sanadkan cusub ee soo socda wasaaradda tacliinta miisaaniyaddeeda kor ayaa loo qaaday, waxa loogu qaadayna ma aha in shaqaale rayid ah lagu qoree waa in macallin lagu qoro. Muddo labo isbuuc gudahood ah, shanta dowlad goboleed iyo gobolka Banaadirba waxaa ka furmi doona tababar macallinnimo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Macallimadda shaqeyneysay ku dhawaad 40 sano

Macallimad Faadumo Cali Sheekh Cusmaan

Faadumo Cali Sheekh Cusmaan oo ka mid ah macallimiinta rug caddaaga ah ee Soomaaliya kasoo shaqeeyay ilaa 1980-meeyadii ayaa ka mid ahayd macallimiinta la guddoonsiiyay abaal marinta.

Ilaa hadda ayey shaqada barenimo ku jirtaa Faadumo, waxaana iskuulka ay macallimadda ka tahay lagu xasuustaa in uu dhiganayay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka qaranka.

"Waxaa maanta halkan I keenay in la igu abaal mariyo halgankii aan usoo galay macallinnimada oo aan in muddo ah kasoo shaqeynayay ilaa iyo burburkii dowladdii hore ayaan kasoo shaqeynayay macallinnimada, markii uu burburku dhacayna meelo kale waan ka shaqeeyay balse macallinnimada ayaan dib ugu soo laabtay 2004-tii,” ayey tiri Faadumo.

"Waan jeclahay in aan ka shaqeeyo macallinnimada, hiwaayaddeyda ayey ii tahay,” ayey sii raacisay.

Macallimad Faadumo Cali Sheekh Cusmaan

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey sheegtay in dumarka ay siyaabo kala duwan u hagaan carruurta.

"Dumarku wey adkeysi badan yihiin. Sida ragga si karan ayaan u adkeysi badan nahay. Ilmaha sida aan guriga ugu barbaarinno ayaan iskuulkana ugu barbaarinnaa, xitaa tusaale ahaan meelaha xannaanada inta badan waxaa ka shaqeeya hooyooyin, marka barbaarintu marka ugu horreysa hooyada ayey ka billaabataa,” ayey tiri.

Faadumo waxa ay macallimad u tahay Khaalid Cabdullaahi Macallim, oo sanadkan kaalinta koowaad ka galay imtixaankii Dugsiyada sare ee Soomaaliya oo ay u fariisteen in ka badan 40,000 oo arday.

Khaalid ayaa munaasabadda maanta oo uu hadal ka jeediyay ku xusay macallimaddiisa.

"Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa Macallimad Faadumo Cali Sheekh Cismaan. Waxaad isoo gacan qabatay xilli aad iyo aad u qiimo badan, adiga la’aantaa meeshan heerkan masoo gaari lahayn, halkanna la iguma casuumi lahayn, Cimrigaaga Alle ha dheereeyo,” ayuu yiri.

Wasiirka Waxbarashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

XIGASHO:BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip