Siduu ku ogaan karaa qofka in uu dhiman rabo?

0
Tuesday May 31, 2016 - 23:02:03 in Maqaallo by
  • Visits: 1245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siduu ku ogaan karaa qofka in uu dhiman rabo?

    Dhimashada waa arin jirta oo dhab ah oo la rabo qof walba oo aduunka ku nool in uu u diyaar garoobo,sababtoo ah qof ku waaraaya aduunyadan ma jirto maalin uun ayuu dhimanayaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhimashada waa arin jirta oo dhab ah oo la rabo qof walba oo aduunka ku nool in uu u diyaar garoobo,sababtoo ah qof ku waaraaya aduunyadan ma jirto maalin uun ayuu dhimanayaa.
Waqtiga hadda aan noolnahay dadka ugu da,da dheer waxa ay gaaraan 120-150 sano,haddii kale waxaa ay aadanaha dhintaan iyaga oon boqol sano gaarin. in kastoo waqtiga la dhimanaayo uu ilaahey subxaanahuu watacaalaa kaligiis garanaayo.

Baaritaano lagu sameeyay bani aadamka qarniyadii ugu danbeeyay ee la soo dhaafay ayaa dadka marka ay da,dooda weynaato haddii calaamadahan soo socda lagu arko waxaa soo dhaw dhimashadooda, hadaba maxay yihiin calaamadaha ruuxa isku arkaayo inta uusan dhimanin ka hor taas oo uu ku ogaan karo in dhimashadiisa ay soo dhawdahay.

1- wuxuu dareemayaa qofka in uu si aad ah ugu baahanyahay reerkiisa in uu ku dhex jiro mar walba, mana jecla in uu ka dhex baxo ,si ka badan sidii hore oo uu dareemo in la,aantooda uusan noolaan karin,baahi badan ayuu u qabaa reerkiisa.

2- wuxuu la hishiiyaa dadka dhan kuwa ay wax dhex mareen iyo kuwa kaleba asaga oo cafis weydiista ruux kasta uu la kulmo.

3- sheyga qaladka ah ama danbiga oo uu horey u sameeyay aad ayuu ugu qoomameeyaa, shalaayto ayuuna ku jiraa,sidoo kale hadduu arko ruux isla danbigaas sameynaya waa dhibsadaa umana dulqaadan karo,in uu ka dheeraado ruuxaas ayuu jecelyahay.

4- wuxuu ku dadaalaa in uu sameeyo wax uun raad noqon kara oo isaga lagu soo xasuusto marka uu dhinto ka dib.

5- wuxuu ka fkiraa mar walba aakhira iyo waxa uu la kulmi doono janno ama naar,wuxuu sawirtaa xaaladiisa sida ay noqon doonto marka uu labadoda midkood galo.

Calaamadahan ayaa qofkii isku arka ama ku arka ruux kale waxay muujinayaan in qofka dhimashadiisu ay soo dhawaatay,in kastoo taariikhda,sanadka,maalinka iyo saacadda uu ilaahey kaligiis ogyahay.

By:Mohamed deeq


Facebook.com/deeq1982



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip