HALKAAN KA AKHRISO :-WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILT NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 21-KA NOVEMBAR 2022-KA

0
Monday November 21, 2022 - 08:22:41 in Wararka by
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :-WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILT NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 21-KA NOVEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan oo magacaabay guddoomiye ku-xigeenada Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud ayaa Xalay magacaabay guddoomiye ku-xig eenada maamulka gobolka Banaadir, in ka badan lix bil kadib markii dib loo doortay 15-kii May 2022.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Feder aalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.”

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:

1- Ciise Maxamuud Guure – Guddoomiye ku-xigeen ka arrimaha maamulka iyo maaliyadda.

2- Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda iyo amniga.

3- Cabdicasiis Cismaan Maxamed – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada.

4- Xasan Maxamed Jimcaale – Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud.

5- Faysal Carraale Afrax – Xog-hayaha guud.

Bayaanka kasoo baxay Villa Somalia ayaa intaas ku daray "Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodob bada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadd a Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S.

Xeerkan madaxweyne ee lagu magacaabay guddoo miye ku-xigeennada iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay Shalay oo ay taariikh du ku beegan tahay Axad, 20-ka November, 2022.

Madaxweynaha ayey lix bil ku qaadatay inuu beddelo ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, waxaana ugu wacneyd in siyaasiyiin badan oo ku dhow ay loo llan iyo olole u galeen sidii loo magacaabi lahaa dad ku dhow.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Shir-guddoomiyay kulanka guddiga Joogtada ee Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka J FS,Md. Cabdi Xaashi C/hi oo ay wehliyaan guddoom iye ku-xigeenka 1aad, Md.Cali Shacbaan Ibraahim & guddoomiye ku-xigeenka labaad, Mudane C/hi Cali Xersi (Timacadde),ayaa Shalay shir-guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare.

Kulanka oo ahaa Kalfadhiga 2aad kulankiisa 1aad ee gu ddiga joogtada ah ee Aqalka Sare, ayaa ugu horreyn G/ Cabdi Xaashi, wu xuu warbix in ka siiyay gudd iga sharrciyada muhiimka ah ee aan wali marin habraacii sharci ee saxda ahaa iyo kulan mirodhal ahaa ee uu dalka turkiga kula qaatay qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga, Md. Mustafa Sentop.

Xubnaha Guddiga iyo guddoonka oo isla falanqe eyay Amniga guud ee dalka, ayaa ugu danbayn Ans ixiyey in Senator Siiciid Cabdi Xuseen (Cawke) uu ka mid noqdo xubnaha Guddigala dib-u-eegista iyo la so codka Dastuurka ee uu horray u banneeyay Mudane Saalax axmed Jaamac.

Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Safiirka Cusub ee Imaaraadka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya Xamse Cabdi Barre ay aa xafiiskiisa ku qa abilay Danjiraha cusub ee dowlad da Isutagga Imaa raadka Carabta u fadhiya Sooma a iya Mudane Ah mad Juma Al Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danji raha ayaa ka wada hadlay sii ad keynta iskaashiga iyo xiriirka u dha xe eya labada waddan iyo dar dargelinta taageerada dhin acyada kala duw an ee ay dowla dda Ima araad ku siiso Somaliya. /Wasaaraha XFS Md. Xam seayaa soo dhaweey ay danjiraah cusub, isaga oo sheegay inay D/ Soomaal iya si wanaa gsan ula Sha qeyn doo to.

Xasan oo xariga ka jaray madaxtooyo qurux bad an oo Galmudug ay dhisatay

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowl ad-goboleedka Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaa riye Qoorqoor ayaa Shalay xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galm udug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu bo gaadiyey madaxda dowlad-goboleedka Galmudug da daalka xoogan ee ay galiyeen dhismaha xarumaha danta guud.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hirgelinta mashr uucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta cadowga ay ka turjumeyaan go’aanka wa naagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galm udug.

"Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug u gu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda. Astaan dowlad nimo iyo dad qaatay go’aan dhaxal-gal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeen na,” ayuu yiri mad axwe yne Xasan Sheekh Ma xamuud.

Munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cus ub ee Galmudug ayaa sidoo kale waxaa ka qayb-galay Wasiirro iyo Xildhibaano heer federaal ah, Mada xweyne ku-xigeenka Galmu dug, Guddoomiy aha Baarlam aanka Galmudug, Wa siiro iyo Xildhiba ano ka tir san dowlad-goboleedka Galmudug, mas’u uliyiinta ma am ulka gobolka Galguduud iyo kan caasimadda Gal mudug.

DF Oo Kenya Kala Hadashay Culeyska Ku Yimid Helista Dal Ku Galka Kenya.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumad da Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Safiirka Kenya u jooga Soomaaliya, Tho mas Chepkoto ayaa wadahadal ka yeeshay sidii hoos loogu dhigi lahaa culeysyo maalmahan ay wajahay een dadka Soomaaliya jooga ee doonaya iney u duulaan wadankaasi Kenya.

Sida wararka sheegayaan, labada mas’uul ayaa wadahadalkooda si gaar ah diirada ugu saaray isk aashiga duulimaadka ee labada dhinac, ansixinta he shiisyada gaadiidka iyo duullimaadka iyo dib u soo celinta duulimaadyada Kenya Airways.

Wasiir Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa safiirka la wadaagt ay culeyska ay dadka ku qaba an helista Fii saha dal ku gal wa da nka asi oo markii hore mu do 7aad ah lagu heli jiray bal se haatan ay qaadan kar to ilaa bil, taasoo xitaa aan hubanti buuxda loo heyn in la helo.

Safiirka Kenya u jooga So omaaliya, Thomas Che pkoto ay aa sheegay inuu xal u raadin do ono arrin tan, isagoo aan si rasmi ah wasiirada ugu sheegin xil iga ay dib u bilaaban doonto helista Fiis aha dal ku gal ka wadankaasi.Si kastaba, Bishii July ee san nadkan, dowl adaha Somaaliya iyo Kenya ay aa wa xay ku heshiiyeen in sida ugu dhaqsaha badan dadka sita baasaboorka Soomaaliya ku helaan fiisaha dal ku gal ka Ke nya, taasoo aan dhaqan gal noqon.DF oo Ken ya kala hadashay culeyska ku yimid helista dal ku galka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulamo La Qaat ay Qoorqoor Iyo Saraakiisha Ciidanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Habe en hore gaa ray magaa lada Dhuusamar eeb, halkaasi oo uu Habeen hore ku hoyday, kadib sa farkii Do rraad uu tagay deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Mudug. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kul amo kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Dhuus amareeb Mada xweynaha Gal mu dug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqo or, ku-xigeenkiisa iyo Sara akiisha Ciidanka Xoogga iyo kuwa Maamulka Galm udug.

Warar la helayo ayaa wa xaa ay sheegayaan in ku la mada looga hadlay sidii loo dardar-gelin lah aa howl galada ka dhan ka ah Al-sha baab ee ka so cda deeg aan nada Maamulka Galmud ug, isagoo na Madaxw eynaha la shee gay inuu Sara aki isha la wadaagay in muhiim ay tahay dardar-gel inta ho wl galada.

Madaxweyne Xasan oo Dorraad ka hadlaayay deg aanka Baxdo oo ka tir san Gobolka Mudug ayaa ayaa tilmaamay in dowl adda Federaalka ay diyaarisay qor she adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dam ooyinka dadk oodu iska dulqaadeen Al-shabaab.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa Dorraad socdaal ku tagay degmada Maxaas, Baxdo iyo deega anka Wisil, waxaana wararka qaarkood ay sheegaya an in Madaxweynaha uu Shalay booqasho ku tagayo magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Xuska Maalinta Macallinka Soomaaliy eed Novmb er 21, 2022- oo Maant ah Sanadguuradii 48aad

Waxaa meelo ka mid ah Soomaaliya laga xusay maalinta macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nove mbar. 1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo

Aqoonsaday maalinta macalinka waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdii Millateriga ahayd ay si wadajir ah u muujin jireen muhiimadda maalintan oo kale, iyadoo dugsiyada wax barashada la fasixi jiray.

Shalay waa 48 guuradii malintii lagu dhawaaq ay maalinta macaalinka soomaaliyeed oo ah barbaari yaha Ubadka iyo iftiinka iyo ileyska bulshada sooma alyeed waxaan macaalinmiinta ay yihiin kuwa aan hel in doorka ay ku lahaayeen bulhsadooda wayoo Muna asabadda maalinta loo asteeyey xitaa si quman lo oma xuso, mana la dhiiri geliyo waxaan uu yahay mid ku dheggan doorkiisa Barenimo weli

Macalinka soomaaliyeed waa u adeegaqha dhabta ah ee bulshada soomaaliyeed kama daalo, kama see xdo hadiyo jeer howlaha aranimo heegan buu u yahay

haddabaMacallinka soomaaliyeed wuxuu soo mar ay maraaxillo adag oo aan la iloobi karin oo dalkeyna ka dhacay waxaana Shalay uu doonayaa in doorkii sa uu ka helo Dowladda Federalka soomaaliya iyo bulshada soomaaliyeed maadaam ay haatan ka jirto dowlad rasmi ah oo aan kmg aheyn ayan hoggaanka u hayaan macallimiin door ka soo qatay dadaalka iyo dib u dhiska iskuullada iyomacaahidda waxyabrasho ee dalka .

macaallinku wuxuu ka sugayaa maamullada dalka ka hana qaaday in xusuus gaar ah ay u lahaadaan ba rbaariyaha 1aad eee ubada iyo aayatiinka dalka , in lagu abaarmariyo howlahooda shaqo laguna dhiiri gel iyo sidii hamigooda horey u sii wadineed ee how lah ooda shaqo HEESTA MACLLINKA

Waa Macaalinku Waa Macallinku Waa Macallinku waa

Maskaxdii Dunidoo Malaasan, Mowjadaheeda

ay Macneysay ay kala Miirtay Maankii Qarsoonaa,

waa Musbaaxdii Daahiisu Maanka ugu Maciinee Mugdigii ka Meyray

Murti ka Dhuux Aqoontiisa Baro lagama Maarmee

Ha Moogaanin Taariikhda Macaalimiinyahaay.

Heestaan waxaa qaada Fannaan Xasan Aaadan Samatar

Heesta Wabarashada

Aqoonla’aani waa iftiin la aanee, waa aqal iyo ileys la’aanee

Ogaadaa ogaadaa dugsiyada ogaadaa

oo aadaa oo aadaa Walaalayalaa oo aadaa

Indha ha aan ku kala qaadnee Heestaan waxaa qaadir jiray fannan Cabdullaahi Qarshe


Dhinacyadii ku dagaalamay tuulooyin hoostaga degmada Cadalle oo heshiis xabad joojin ah gaaray

Ka dib shir dib u heshiisiin ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday degmada Cadalle ee G/ Shabee llaha Dhexe ayaa wax aa heshiis horudhac ah la kaal dehx-dhigay labadii maleeshiyo Be eleed ee ku dagaala may degaannada hoostaga degmada Cada lle.

Shirarka oo ay goobjoog ka ahaayeen Odayaasha Dhaanka labada Beeleed, Imaamka iyo Ugaaska Bee sha Mudulood iyo mas;uuliyiin ka kala socday dowl adda Soomaaliya iyo dowlad G/ Hir-Shabeelle.

G/degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in dhibaato farabadan ay ka dhacday goobihii lagu dagaalamay, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiis rasmi ah laga gaaro colaada.

Wasiirka dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cabdullaahi Cadde oo Warbaahinta u akhriyay qodobada heshiiska horudhaca ah oo ay wada gaaren la bada Beelood ayaa ku kala sheegay.

1: Inay xabad-joojn rasmi ah ku dhawaaqaan Oda yaasha dhaqanka labada Beelood ee dagaalamay.

2: In maleeshiyaadkii labada dhinac ee dagaalamay si rasmi ah loo kala qaado.

3: In Odayaasha dhaqanka labada beelood ay ku dhawaaqaan inay guryahooda dib ugu soo laabtaan dadkii ka barakacay dagaaladii dhacay.

Dagaalladii ka dhacay degaannada hoostaga deg mada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyada oo sidoo kale la gubay guryo ay deg anaayeen dad rayid ah.

Ergeyga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Abaara ha oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Sweden

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaa bilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabd ishakuur Warsame ayaa Shalay kulan la qaatay Kaaliyaha Dawladda Sweden u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah Marwo Diana Janse.

Dhinacyada ayaa ka wada-hadlay taageerada muhiimka ah ee Sweden ay siiso wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya iyo sidii Stockholm u xoojin lah ayd gurmadka abaaraha baahsan ee xilligaan ay la dhibaatoonayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ergeyga ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in Dowladda Sweden ay Soomaaliya kala shaqeyso sidii loo maalgelin lahaa mashaariic lagu dhisayo u adkaysiga aafooyinka, sida; in Soomaaliyya lagu gac ansiiyo maalgashi dhanka beeraha, xoolaha, kaluu maysiga, macdanta iyo shidaalka si ay u daboollaan baahiyaha.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Ca bdishakuur ayaa sidoo kale kala hadlay marwo Diana Jan se in Sweden ay Dowladda Soomaaliya gacan ka siiso sidii aan u heli lahayn dhaqaalaha loogu tala galay in lagu taageero Dawladaha ay samaaynta ba’an ku ye elatay is-beddelka cimilada. Ugu danbeyn Ergeyga ayaa Dowladda Sweden uga mahadceliyey kaalmada ay Soomaaliya siiyaan, isagoo ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan u qareemiddooda gurmadka abaa raha.

Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay miisaan iyadda sanadka 2023 Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland , Ca dirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Cabdicasiis Ca bdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Shalay shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Puntland oo ka qabsoomay Maga lada Garoowe.

Ajandaha fadhigaa ayaa ahaa soo gudbinta Miisa aniyadda uu ku shaqeyn doonoDowlad Goboleedka Puntlandsannadka 2023 taas oo Wasaaradda Maal iyadda Golaha u soo gudbisay.

Miisaaniyada Sannadka 2023 ee Maamulka Punt land ayaa dhan $376,699,825, (Saddex boqol todob aatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar) kororka Miisa aniyadda ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sannad kii hore.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland , Ma xamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faa hiye Miisaaniyadda Sannadka 2023, taas oo bilaabn eysa dhaqan-galkeeda January 1, 2023 kuna eg Dec ember 31, 2023 si waafaqsan Qodobka 135-aad farq adiisa 4-aad ee Dastuurka Puntland.

Wasiirka ayaa ku sheegay in ku talo-galka dhakhl iga gudaha sannadkaan uu noqonayo $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ku xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeya an akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo cel inayaa maalinta Sabtida, November 26, 2022.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa Golaha ka codsaday in la ansixiyo kororka Miisaaniyadda ee dhaqaalaha laga filayo Mashruuca Biyoole kaas oo dhan $1,922,040

Intaa ka dib, Fadhiga oo ay goob-joog ahaayeen 42 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu code eyey 41 Xildhibaan, Diidmo 1, Aa mus ma jirin, sid aas ayeyna ansax ku noqotay codsigii Wasaar adda.

Maamulka G/Shabeellaha Dhexe oo soo bandh igay ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

Gudoomiyaha G/Shabellaha Dhexe Axmed Me yre Makaraan oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Was aarada Dhalinyarada iyo Ciyaar aha Hirshabelle Gud oomiye Kuxigeenka Siyaasada Gobol ka Maxamed Sheek Xaa ndow, Gudoomiy aha Degmada Jow har Cism aan Maxamed Mukht aar Baar eey, Duqa M/ Jowhar Maxamu ud Xasan Bariise iyo kornel Maxamuud Maxamed Nuur Masdile ayaa gaaray Degaanka Gaaleef ee Shabellaha Dhexe, iyaga oo kulan kula qaatay Ciidamada dib u xureynta dega anka.

Mas’uulyiinta ayaa Dadka degaanka ku dhiiragali yey in ay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka soconaya degaannada iyo degmooyinka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha G/Sh/Dhexe Axmed Meyre Makar aan oo la hadlay dadka degaanka Gaaleef ayaa she egay in Maamulka uu Garab taa gan yahay Ciidama da Degaanka ee u taagan iney la dagaalamaan ururka Al-Shabaab.

Ciidamada ATMIS oo howlgal miino baaris ah ka sameeyay duleedka Kismaayo

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa howlgallo baaritaano ah ka sam eeyay duleedka magaalada Kisma ayo ee G/Jubbada Hoose, halk aas oo dhowr jeer dad Shacab ah ay mii no kula qaraxday, isla markaana dhimasho iyo dhaawac ku noqd een.

Howlgalka ayaa ujeedka ugu weyn ee Ciidamada ATMIS waxaa uu ahaa sidii ay u soo saari lahaayeen walxaha qarxa, kuwaasi oo ku aasan Waddooyinka Muhiimka si aysan khasaaro uga soo gaarin dadka Shacab ah. War kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay inay soo saareen miinoo dhowr ah oo Al-Shabaab ay wadd ooyinka ku Aaseen sia y dadka ugu dhibaateeyaan.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamada ATMIS intii ay ku guda jireen howlgalka ay si naabd ah u qarxiyeen miinooyinkii ay waddooy inka kasoo saareen, sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah. " ATMIS iyo ciidamada xoogga dal ka waxay xoojiyeen awoodaha la-dagaallanka qarax yada oo ay ku jiraan awoodda lagu dabaqi karo inay dhacaan qaraxyo, iyaga oo markiiba sameeya ka hort ag ayaa lagu yiri” War kasoo baxay ATMIS.

Degaannada kuyaalla duleedka Magaalada Kismaa yo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa dhowr je er ka dhacay qaraxyo miino oo qabsaday gawaari ay saarnaayeen dad Shacab ah, waxaana ka dhashay khasaaro isuu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada NISA oo howlgal culus ka fuliyey Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga hel ayaa howlgal qorsheysan oo Habeen hore ka dhacay mag aalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran Duufaan ee hay’adda NISA.

Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaaa howlgalka ka sameeyey degmada Heliwaa ee gobol ka Banaadir, gaar ahaan guryo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadaasi.

iIlo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo shee gay in ciidamadu ay ku socd een bartilmaameed, isl amar kaana ay gudaha u gale en guryo markii hore laga shak isnaa.

Wararka ayaa intaasi ku dara ya in ciidamada Duuf aan ay horey usoo kaxeysteen shaqsiyaad la tuhma yo inay yihiin Al-Shabaab, kuw aas oo ay haatan ku socoto baaris.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ay ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaan ka Soomaaliya oo ku aadan howlgalka ay sameey een ciidanka NISA.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda, gaar ahaan Booliska iyo Nabad Sugidda ayaa kordhi yey howlgallada Muqdisho, si looga hortego falalka liddiga ku ah nabad-gelyada.

Si kastaba, caasimada ayaa wajaheyso xaalad amni oo daran, kadib markii ay culeys soo saartay ko oxda Al-Shabaab oo dagaallo looga furay inta badan gobollada dalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo dhowe eyay baaqa shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Ca bdicasiis Lafta Gareen, ayaa soo dhoweeyay shirka dib u heshiisiinta ee uu Dorraad ku baaqay guddoomi yaha barlamaanka Soomaaliya, Aadan Madoobe.

War-saxaafadeed kasoo baxay mad axtooyada Koon fur Galbeed ayaa lagu sheegay, in ma daxweynuhu isagoo tixgalinaya danaha Koonfur Galbeed uu aqb alay baaqa gudd oomiyaha barlamaanka Soo maal iya.

Madaxweyne Lafta Gareen wuxuu sheegay inuu soo gudbindoono waqtiga uu shirku furmidoono.

Doorashadii xildhibaannada labada aqal iyo qalaala sihii ka dhashay doorashadii uu ku yimid madaxwe yne Lafta Gareen, ayaa Koonfur Galbeed dhaxal sii say kala qeybsanaan siyaasadeed oo weyn.

Lafta Gareen ayaa siyaasiyiin muddo dheer ku fadhiyay kuraasta barlamaanka aqalka hoose, mee sha ka saaray, isagoo kusoo beddelay wajiyo ku cus ub siyaasada.

Taas waxay keentay in maamulku uu yeesho mu caarad xooggan oo ku doodaya in doorashada mad axweynaha Koonfur Galbeed ay dhacdo December sannadkan, halka barlamaanka Koonfur galbeed uu

hal sano u kordhiyay madaxweyene Lafta Gareen

Diblomaasi reer Comoros ah oo la wareegay hog gaanka howlgalka Midowga afrika ee Soomaaliya (ATMIS)

Souef Mohamed El-Amine oo ah Dublamaasi u dhashay dalka Comoros, ayaa la wareegay inuu no qdo madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soom aaliya (ATMIS), ku dhawaad 7 bilood ka dib markii ay dowladda Soomaaliya cayrisay ergaygii hore ee Francisco Madeira.

El-Amine ayaa Sabtidii ka soo muuqday Muqdi sho ka dib markii uu magacaabay guddoomiyaha gud diga Midowga Afrika Moussa Faki. Kahor inta uusan qaban jagada Muqdisho, El Amine wuxuu ahaa mada xa xafiiska gobolka ee Howlgalka Xasilinta Isku-dhafka ah ee Qaramada Midoobay ee Mali.

El Amine, oo sidoo kale ah qoraa caan ah ayaa ho ray u soo noqday Wasiir ka Arrimaha Dibadda ee Comoros, kadibna wuxuu qabtay jagadaas intii u dha xaysay May 1999-Julay 2005.

Madaxa cusub ee ATMIS ayaa sidoo kale ahaa madaxa Xafiiska Midowga Afrika ee Hawlgalka Qar amada Midoobay ee Darfur (UNAMID) ee Suudaan intii u dhaxaysay Abriil 2011 iyo Sebtembar 2015.

El Amine ayaa hadda hogaanka ATMIS la wareegaya xilli xasaasi ah oo dowladda Soomaaliya guulo waa wayn ay ka gaartay howlgallada milateri ee ka dhan ka ah kooxda Al-Shabaab.

El Amine ayaa hoggaamin doona qaybta ka ha dhay muddada labada sano ah ee kala guurka ah ee ciidamada Midowga Afrika.

Isbeddelka ayaa billowday bishii April ee sanadk an markii howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu howlgalkii AMISOM ku beddelay ATMIS inkastoo tirada ciidamada iyo ka qayb qaadashada ay inta badan sidii hore tahay.

Muddada kala guurka ah ee labada sano ah ayaa lagu wadaa in ay ku ekaato bisha April 2024, mark aas oo la filayo in ciidamada amniga Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga ee dalka.

Wasiirrada Amniga iyo Qorsheynta XFS oo kulan la yeeshay Wefdi sare oo ka socda Dowladda Sweden

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DFS Mudane Maxamu ud Cabdiraxmaan (Beenebeene) iyo Wasiirka Amni ga Guddaha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Doodishe ayaa Shalay kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho wafdi ay hoggaaminayso Diana Janse oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaraddda Horu marinta Iskaashiga Caala miga ah dowladda Swe den.

Waxaa kulanka goobj oog ka ahaa Wasiiru dow laha Wasaaradda arrimaha dibadda DFS Mudane Cali Bacad. Agaasimiyaal iyo khubarro ka socda He y’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, wax aana looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin:-

In la xoojiyo xiriirka Iskaashiga labada dal ee Som alaliya iyo Sweden.

In la sii ballaariyo ka shaqaynta arrimaha maalg ashiga, ganacsiga, Xoojinta Amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Wasiirka Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdirax maan Sh. faarax (Beenebeene) ayaa ku ammaanay doorka shanaad ee ay kaga jiraan Horumarinta Dha qaalaha iyo kaalinta lixaad ee ay kaga jiraan Arrim aha gargaarka ee Soomaaliya ku garab taagan-tahay dowladda Sweden

Diana Janse oo ah Wasiiru dowlaha Wasaara dda Horumarinta Iskaashiga Caalamiga ah dowladda Sweden iyo Wafdigii ay hoggaaminaysay ee ka soc day dowladdaasi ayaa dhankooda ugu hambalyay do orashadii dhawaan ka dhacday dalka iyo ku biirtaan ka Ururka Ganacsiga Aduunka (WTO) Soomaaliya isla markaana boggaadinayay daddaalada dowlad dhiska si xoogga leh u socda. Waxay noqon kartaa sawirka 8 qof, dad taagan, dad fadhiya iyo qoraal odh anaya 'Jace to fa'

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad fadhiya iyo dad taagan

Koonfur Galbeed oo JAWAAB kulul ka bixisay go’aankii mucaaradka

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad gobol eedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ilyaas Cali Nuur oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas iyo arrimaha doorashada.

Ilyaas Cali Nuur ayaa marka hore jawaab rasmi ah ka bixiyey go’aankii kasoo baxay xubnaha mucaar adka ee Koonfur Galbeed ee fadhigoodu yahay maga alada Muqdisho, kuwaas oo ka horyimid qorshaha muddo kororsiga madaxweyne Cabdicasiis Laftaga reen.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha mucaaradka looga baahan yahay in aysan qaadin cadiifad, islamarkaaana ay tahay inay ka fakiraan xas iloo nida iyo danaha shacabka.

"Qofka marka uu murcaarad yah ay ama uu wax sheegaayo ma’aha caadifad iyo kursi raadis inay ka no qoto waxaa loo baa han yahay qofka siyaasiga ah in siya asaddiisa ay ku saleysan tahay caqli iyo miisaan,” ayuu wareysigaan ku yiri wasiirka Ilyaas Cali Nuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay arrin sharci ah tahay muddo kordhinta madaxweynaha, maadaama ay meel-mariyeen Golaha Wakiilada Koonfur Galb eed Soomaaliya.

"Madaxweynaha Koonfur Galbeed muddo xilee dkiisa waa la yaqaanaa waana sanadka dambe Dec ember, aniga kuma darin Baarlamaanka ayaa mowqif kaasi iska leh, iyagaana ku daray,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka ma amul ahaan ay ka go’an tahay in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay, si loo ilaaliyo mid nimada shacabka.

"Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada dhammaa ntood waxa ay u taagan yihiin metelaadda shacabka Koonfur Galbeed, marka way ku qasban yihiin in la qabto doorasho hufan oo ka dhacda Koonfur Galbe ed, haddii la gaaro waqtigeeda,” ayuu raaciyey Wasiir Ilyaas Cali.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Koon fur Galbeed uu ka taagan yahay khilaaf ka dhashay hoggaanka doorashada ee maamulkaasi, waxaana xiisadda uga sii daray muddo kororsiga Laftagareen oo ay ka horyimaadeen xubnaha mucaaradka ee maamulkaasi.

Puntland oo sheegtay inay soo baxeen Kooxo khalqal gelinaya Amniga magaalada Garoowe

Taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Nug aal ee Puntland ahna ku-simaha taliyaha G/le Dhexe Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul ) ayaa ka warbixi yey xaaladda amniga ee guud ahaan gobolka iyo ho wl-gallo amni sugid ah oo Garoowe laga sameeyey. Taliye kuxigeenka ayaa shee gay in xilligaan xaaladda am ni ee Magaalada garoowe ay tahay mid wanaagsan balse kaliya ay dhibaato ku hayaan dadka isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada waxyaaba ha maanka dooriya, kuwaas oo ku sugan meelo kam id ah magaalada Garoowe.

Shir jaraa’id oo taliye kuxigeenku ku qabtay mag aalada Garoowe ayuu sidoo kale sheegay in ragga isticmaala waxyaabaha maanka dooriya, iyaga oo hubeysan ay dhibaato iyo khalqal gelin amni ka wad aan magaalada garoowe.

Ugu dambeyn Taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Nugaal ee Puntland ahna ku-simaha taliy aha Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile ( Far dafuul) ayaa sheegay inay Habeen hore rasaas is dhaafsad een rag huebysan oo kamid ah Kooxii isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya, isla markaana ay ka horagayaan cid kasta oo khalqal gelineysa amniga.

Hadalkaan kasoo yeeray Taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Nugaal ee Puntland ahna ku-sim aha taliyaha Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile ( Fardafuul ) ayaa kusoo aadaya xilli qaar kamid ah Shacabka magalada garoowe ay ka cabanayeen Kooxo burcad ah oo xilliyada habeenkii dhac u geysnayay.

Eritrea oo shaacisay dalal xumeynaya xiriirka kala dhexeeya SOOMAALIYA

Bayaan kasoo baxay dowladda Eritrea, islamark aana lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Shab ait ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay xiriirka diblu maasiyadeed ee haatan ka dhexeeya xukuumadaha Asmara iyo Muqdisho.

Eritrea ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dalal Reer Galbeed ah oo suurad xumeynaya xiriirka lab ada dal, kadib isbeddalkii Soomaaliya ka dhacay 15-kii May ee sanadkaan, kaas oo uu kusoo baxay mada xweyne Xasan Sheekh oo ka adkaatay Maxamed Farmaajo.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in haat an uu sii xoogeysanayo iskaashiga ka dhexeeya Eri trea iyo Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amniga, bal se uu jiro buuq ay ku furayaan xiriirkan qaar ka mid ah dowladaha Reer Galbeedka, kuwaas oo aan la shaacin.

"Isku xidhnaanta sii kordheysa ee labada dal, ga ar ahaan dhanka difaaca iyo amniga, waxa ay dhal isey guux weyn oo diidmo ah oo ka imaanaya tiro dal al reer galbeed ah. Waana munaafaqnimo weyn oo ku qotonta isla weyni” ayaa lagu yiri warbixinta Sha bait.

Sidoo kale dowladda Eritrea ayaa sheegtay inay abaal u heyso Soomaaliya oo horey taageero ugu fid isay dalkan oo dhaca Geeska Afrika.

"Wada-shaqeynta joogtada ah ee labada dal ayaa dhab ahaantii ku qotonta taariikh dhe er oo wadajir ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay koox yar oo jilay aal ah oo taageero u fidiyay Ereteriya halgankii dhe eraa ee xorriyadda,” ayaa markale lagu yiri bayaanka Eri trea.

Ugu dambeyn dowladda Erit rea ayaa hoosta ka xariiqday in iskaashiga labada dal uu sii soconayo, ayna iska kaa shanayaan amniga, gaar ahaan dagaalka lagu jiro kooxda Al-Shabaab oo haatan loo arko inay halis ku tahay guud ahaan amniga gobolka ama Afrika.

"Labada waddanba waxay garwaaqsan yihiin in da gaalka argagixisada Soomaaliya uu yahay xasillooni da, iyo amniga guud ahaan gobolka Geeska Afrika oo dhan ,” ayaa lagu soo gabagabeeyey warbixinya ka soo baxay dowladda Eritrea ee lagu qoray Shabait.

Waddanka Eritrea ayaa waxaa haatan ku sugan illaa 5000 oo askari kuwaas oo tababar u jooga dal kaas oo uu laba goor booqasho ugu tegay madaxwe yne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xigasho:-Caasimadda.Net



Goob Waxbrasho Oo U Gaar Ah Dadka Naafadaha Ah Oo Laga Hirgaliyey Magaalada Baydhabo

Muhiiimad weyn ayaa la siiyaa waxabrashada dadka naafadaha ah addoonka oo dhan balse Soo maaliya oo kamid ah wadamada sookoraya meelaha qaar malahan goobo waxbarasho uu u gaar ah dadka naafadaha ama xitaa agab waxbarasho oo u sahli kara in ay waxbartaan.

M/ Baydhabo oo xarun ku meel ga ar ah u ah Maamulka Koofur Gal beed ee Soomaaliya ayaa dhawaan laga hir galiyey iskuul ay wax ku bartaan in ka badan afar boqol oo arday oo naafo ah kuwaas oo aan horay u haysan xarun waxbarasho.

Dadka deegaanka oo ay hogaaminayaan hawe enka ayaa u istaagay suurtagalinta xarunta taas oo bilowgii hore riyo ku ahayd dadka deegaanka maad aama aanay jirin dhinacyo kale u taagay waxbara shada iyo horumar ka dadka naafadaha ah gaar aha an kuwa ku nool Magaalada Baydhabo.

Kaltuumo Maxamed Nuur Oo kamid ah dadka u istaagay hirgalinta iskuulkan kaas oo ah goob ay wax ku bartaan dadka naafadaha ah ayaa sheegtay in ha lgandheer u galeen sidii ay u suuragalin lahaayeen qorshaan waxaana ay tiri " dhismaha iskuulkan had da waa kiro, sidoo kale basaska soo qaada ardayda jeebkeenna ayaan ka bixinnaa, ALLE ayaa ku mahad san oo sidii hore ma nihi hadda, macalimiinta xoogaa mushaar ah ayey qaataan kaas oo uu naga caawiyo maamulka Koofur Galbeed gaar ahaan wasaaradda waxbarashada weyna na aqoonsan yihiin, sidoo kale dad badan ayaa jira hadda oo garabkeenna taagan”.

Waxay hadalkeeda ku dartay "Magaaladan waxaa ka jirta baahi weyn oo ay qabaan dadka ku nool oo dhan laakiin kuwa naafada ah waa kuwa ugu nugul ee ku nool magaaladan sababtoo ah dowladdeennu mala han awood ay ku maareeyso nolosha bulshada gaar ahaan kuwa nugul sidoo kale ma jiraan dad badan oo u dhaqdhaaqa sidii ay xuquuq rasmi ah u heli lahaa yeen dadka naafadaha ah ee ku nool magaaladan”.

"Si loo heli ugu yaraan meel ay wax ku bartaan dadka naafada ah ee ku nool Magaalada Baydhabo waxaan u istaagnay annaga oo ah haweenka magaal ada inaan u qareenno dadkeenna, xoogaa waan ku guuleysannay sababtoo ah waxaan helnay meel ay waxbartaan dadka naafadaha ah, macalimiin, iyo in dowladdu gaar ahaan wasaaradda waxabrashada ee K/Galbeed ay naga caawiso waxyaabaha qaar. Waxyaabaha kale ee guusha ah waxaa kamid ah”. Ayey sidoo kale sheegtay Kalmutmo.

Bishaar Xassan Cabdi waxa uu kamid yahay ard ay gaareysa ilaa 453 arday oo dhammaantoodba qa ba baahiya gaarka ah oo siyaabo kala duwan school kan wax uga barta. ‘‘Dadka anaga oo kale ah oo ay duruufo heysta ma jecla dadka kale ee caadiga ah, waayo iyaga lixaadkoodu waa uu dhammeysan-yahy lakin anaga sidaas maahin waxna lama baran karno, mana helno daryel iyo ixtiraam gaar ah”. Ayuu yiri Bi shaar.

Biishaar hadda da’diisu waa 15 sano jir waxa uu na aad ugu faraxsan yahay in uu helay meel wax ku barto taas oo u gaar ah dadka naafadaha ah islam arkaana laga helayo agab u fududeynaya waxbar ashada, Inkastoo uu naafo yahay hadana waxa uu aad ugu kalsoon yahay in uu guul ka gaari karo no losha haddii ay uu si joogta ah u helo caawintan.

Iskuulkan dhammaan ardaydu waa naafo sidoo kale maamulaha iyo qaar kamid ah macaliimnta ayaa naafo ah taas oo ka dhigeysa xaalad gaar ah waxabr ashada iskuulkan, Tani waxay dhiigalineysa ardayda maxaa yeelay waxay dareemayaan dadka naafo ah oo waxbartay islamarkaana macalimiin ah ay jiraan taas oo u horseedeysa in ay dedaal si ay iyaguna mu stabalka macalimiin ugu noqdaan kuwa ka dambee ya”. Ayuu yiri maamulha iskuulkan oo lagu magacaa bo Ciise Cabdi Salaad.Waxa uu intaa ku daray ‘’aas aaseyaasha waxay qabaan baahiyo gaar ah markey arkeen baahida weyn ee loo qabo goob waxbarasho oo u gaar ah dadka naafadaha ah ayaan ka dhabe eyeen inaan sameyno iskuulkan” Xaruuntan waxay xaruumaha kale kaga duwan tahay waa iskuul ay ku mideysanyihiin macalimiin ard ey iyo maamul oo ah dhamaatooda dadka qaba baah iyaha gaarka ah .

Banaanbax Caddaalad Loogu Raadinayo Hawe eney Soomaali La Dilay Oo Ka Socda Canada

Isu soo baxyo caddaalad looggu raadinayo Ho dan Hashi, oo bilowgii bishaan lagu dilay magaalada Saskatoon ee gobalka Saskatchewan, ayaa ka socda magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalka Canada.

Mudaharaadkaan maahan mid ku kooban Sooma alida. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah dibad baxyadan dadka Muslimiinta ah, iyo dadka madowga ee reer Canada.

Soomaalida ayaa dalbanaya in hannaanka garsoorka ee dalka Canada ay dadku u sinnaadaan. Dilka haweeneyda Soomaalida ah, ayaa yimid kadib markii uu muran dhex marey ha weeney kale.

Haweeneydii dishay Hodan Hashi, ayaa waxaa lagu sii daayey damiin.

Qiimaha iibka xoolaha xeryaha qaxootiga Dha dhaab ee Kenya oo sare u kacay

Iibka xoolaha ee Xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Waqooyi-Bari Kenya, ayaa sare u kacay, kadib ro obab halkaa ka da’ay.

Qiimaha xoolaha ayaa markii hore hooseeyay, sababo la xiriira abaarta ku dhuf atay gobolka, oo inta badan saa meysay nolasha dadka.

Ganacsatada suuqyada lagu iib iyo xoolaha ee xerooyinka, ayaa hadda ka cabanaya sare u kaca an, oo ay ku tilma amen mid aan waayahaan sooma rin.

Qof shacab ah oo ku geeriyooday god dahabka la ga qodo oo kuyaala deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag

Waxaa god dahabka laga qado oo kuyaala dee gaanka Milxo oo katirsan degmada Laasqoray ee gob olka Sanaag laga soo saaray maydka nin dhallinyaro ah oo Dorraad uu la dumay god uu dahab ka baarayay.

Gurmad socday ku dhawaad 24 saacadoood ayaa lagu guulaystay in isagoo mayd ah laga soo saaro god ka. Waxaase xusid mudan in Dorraad lasoo badbaadiy ay nin kale oo godka kula dhacay oo dhaawac uu kasoo gaaray.

Marxuumka oo lagu magacaabo Cabdi Yare, ay aa in ku dhow 24saac ku gu’doonsanaa god dahabka laga qado. Waxaana aad u adkaatay in la gaaro hal ka uu ku dhacay, inkastoo dadaal xooggan oo aan ka la joogsi lahayn ay sameeyeen dadka deegaanka.

Waa dhacdadii labaad oo wax ka yar labo bil gudahe ed ka dhacda deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag, halkaas oo caan ku ah godad dahabka laga qado oo dadku ka shaqeystaan.

Dhowr jeer oo kasii horreysay ayay dadka deeg aankaas dhibaatooyin waawayn kasoo gaareen baar ista dahabka. Welise xal looma helin. Dadka deegaankaas oo ah kuwo danyar ah oo xo olo dhaqato u badan, ma haystaan qalab ka caawin kara khatarta ay kala kulmi karaan shaqadan halista badan.

Sidee wax u dhaceen habeenkii nala qar xiyey aniga iyo cabdicasiis afrika?

Maxaa dhacay habeenkii Sabtiga ee 20-11-2021?

Saladii Maqrib aniga iyo walaalkey Cabdicasiis Afrika, waxaan ku soo noqonay shaqada, kormeerka waaxda SNTV & Radio Muq disho kadib, waxaan qa adanay gaariga wa laalkay Agaasime Cabdulqa adir Muxyadiin, waxaa inagoo ka kooban Cabdicasiis Afr ika, Cabdulqaadir Cabdulahi, Maxamed Xasan Bar row iyo aniga aan aaday guriga guddoomiyihii maxk amadda gobolka Banaadir Khadar oo balan aan ku lahayn.

Wax badan naguma qaadan howlihii aan u soconay, waxaan soo maca salaameynay guddoomiyaha, aniga iyo Agaas imaha hey’adda socdaalka Cab dul ayaa balan kala qaadanay.

Waan soo baxnay, sheeko iyo kaftan kadib, waxaan soo gaarnay maqayadii aan u soconay oo ku taalla meel amni ah oo cabsi iyo wel wel amaan naguma jirin, taas oo sabab u noqotay in halkaas aan ku nagaano.

Afar nin ayaan aheyn seddax ayaan noqonay mar kaan oo Barrow ayaa naga soo tegay.

Aniga Xalay oo kale waxaan lahaa casuumad gaar ah oo ay ii samaysay xaaskayga, waana habeen ii ga ar ah oo waxay ku beegan tahay dhalashadaydii, sa axiibada kale casho kadib, waxaa la gaaray xilligii saalada cishaha.

Afrika waan daahnay "Nakeena saaxiib” waxaan bixiyey lacagtii cashada. Lacag qabtihii maqaayada ayaa yiri "Waan helay saaxiib mahadsanid.”

Waxaan u dhaqaaqnay gaariga xagiisa oo gudaha noo yaallay marka aan galay gaariga, waxaa soo dha cay Telkayga gacan, waana Tafaftiraha TV-ga Qor she oo arrimo shaqada ku saabsan aan kawada had alnay, gaarigiina gadaal ayuu u baxay, Qorshana waan isla garay arrimihii, kadib waxaan dareemay jug sida in gaarigu ku dhacay darbi, waxaana xusuustaa inaan darawalkii dhahay "Geel beele gaariga godod ka ka qabo.”

Hadana wax walba sidii hore ma aha, nasiibka u gu badan waxaa lahaa walaalkay oo shilkaas ku sha hado qaatay (markiiba shihiiday).

Sanad kadib, gurmad loo sameeyey badbaadinta nafteyda oo ehel iyo asxaab aan uga mahad-celina ayo kadib, hadda waxaan qabaa caafimaad taam ah, xag jireed iyo xag maskaxeedba, Allaah ayaan uga shukrinayaa.

Ugu dambeyntii Walaalkey Shahiid Cabdicasiis Afrika Allaha ka aqbalo shahaadadiisa, sidii ifkaan loo ga jeclaa Ilaahey ha u jeclaado, samir iyo imaan all aha naga wada siiyo ehel iyo asxaaba, ma dhinte waa Allee, ducada igula kaalmeeya walaalkeen Afr ika. Waa mahadsantihiin.

W/Q: Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame

Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda oo lagu soo dhoweeyay dalka Ingriiska.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Qaranka, Ab shir Bukhaari ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay ma gaalada London ee dalka Ingriiska.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska gaar ahaan Jaaliyadda ayaa ku soo dhoweeyay Was iiru dowlaha garoonka Caalamiga Hitro.

Wasiirka ayaa Bulshada iyo Jaaliyadda Soomaal iyeed uga mahad-celiyay soo dhaweynta, isaga oo sheegay in uu muddo kooban ku sugnaan doono

dalka Ingiriiska

Shirkii Jimciyadda Islaamiga Waqooyiga Amee Rika Iana Oo Dorraad Phoenix

 Az Ku Soo Gabagaboobay

Dorraad Sabti ahayd waxaamagaalada Phoenix ee Gobolka Arizona Masjidka Al Rahma lagu soo ga bgabeeyey shirkii Jimciyadda Islaamiga ee Waqoo yiga America, Islamic Association of North Ameica (IANA). Shirkan ayaa si rasmi ah uga socday magaal adda mudo labo cisho ah, Shirkan oo ah shir sann adkiiba mar la qabto ayaa waxaa ka soo qaybgala Masaajidada ay ku midaysan yahiin jimciyadaan oo dhan ilaa 40 xarumood oo kula yaal badi goboladda ay Soomaalida ka dagan yahiin dalka Maraykanka.

Waxaana jimciyadaan la aasaasay sandkii 2001, waxa yna uga wada hadlayeen san adkaan qodobbo muhiima oo ugu hareeyaan arimahha dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaan horemarinta adeegyada dacwada, sidii loo horemarin lahaa mashaariicda masaajida loona wacyigalin lahaa dadka Muslimiinta ah ee ku nool W/ America, waxaa siminaar socday saacado lagu qaa tay habka saxda ah ee loo heli karo guryo aan ribo lahayn,iyadoo qabiir arimahaa aqoon sare u leh uu shirka kala soo qaybgalay.

Sheekh Yuusuf Cabdi Cabdulle oo ah agaasima ha fulinta Jimciyadda Islaamica ee (IANA) ayaa HOL u sheegayin shirkaan looga dooday arrimo badan oo ku saabsan maslaxada bulshadda, qoysaska iyo dha llinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Waqooyiga Maraykanka”.

Sidoo kale waxaa sannadkan shirka ka soo qay galay marti sharaf kale oo ay kamid yihiin Hayadaha Samafalka HARO,,SAMARAADO & DILAALU SAD AQA oo iyagu diyaar ah inay qayb ka noqdaan samaf aladda Abaaraha Indhoolayaasha , Agoonta ku nool geeska Afrika qaasatan Soomaaliya oo aad looga hadlay shirkaan.

Sh.Maxamed Mursal gudoomiyaha gudiga sare ee jimciyadda ayaa isaguna HOL u sheegay in san adkaan ay qorshaysteen inay kaalin wax ku ool ah ka qabtaan arimahha dhalinyarada sidii wadada saxda ah loogu soo ridi lahaa ,kuwa wadooyinka ku dhibaat aysan na waxii la awoodu lala garab istaagi lahaa, waxaana dajisanay qorsho sanad tijaabo ah oo ari mha dhalinta xoog lugu saarayo ayuu yiri Sh Mursal.

Gabagabadii shirkaan Dorraad ayaa laga aqriyey bay aan ay si wadajira culumadu uga hadleen xaaladaha Maraykanaka & Soomaaliya,

Siyad Said Salah Hiiraan Online

WAA KUMA KORNEYL TUKE, SARKAALKA DOWLADDII SIYA AD BARRE EE XABSIGA LOO TAXAABAY?

Sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamada Soomaaliya oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdi Cali ayaa lagu ba arayaa gudaha dalka Mareykanka dacwado la xiriira jirdil iyo tacadiyo kale oo la she egay inuu geystay sanadihii 1980-meeyadii ee dowladdii Siy aad Barre.

Saddex sano ka hor xeerbeegti Mareykan ah ayaa Cali ku xukuntay inuu jirdil u geys tay wiil dhallinyaro ah sannadkii 1987-kii – taasoo uu beeniyay.

Xilligii dowladdii Siyaad Barre ee 1980-meeyadii waxaa la sheegay in Soomaaliya ka dhacayay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Yuusuf Cabdi Cali waxa uu madax ka ahaa guuto ciidan oo caan ah.

Sannado ka dib markii uu ka cararray gobolka, eedeymaha xadgudubyada ayaa mar kale soo kor dhayay. Sannadkii 1992-dii Cali ayaa laga soo tarx iilay Kanada ka dib markii markhaatiyo dokumentari ah ay sheegeen inuu amray dilal badan.

Waxa uu shaqo ka helay shirkadda tagaasida ee Uber ee Maraykanka. Kadib 2019-kii maxkamad ma dani ah ayaa ku xukuntay inuu bixiyo ganaax nus mal yuun dollar ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu jir dilay wiil dhalinyaro ah sannadkii 1987kii. Hadda ninkan oo lagu magacaabi jiray Kornayl Tukeh ayaa la xiray iyadoo baarayaasha Mareykanka ay baara yaan xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan dil iyo jirdil.

Haddaba waa Kuma Kornayl Tuke?

Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylka wuxuu ka mid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter.

Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guuta da shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan la yirahdo Somaliland.

Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa la sheegay in ay dhaceen sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-mee yadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudb iyay.

Kornaylkan Soomaaliyeed ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay Magaal ada Gabilay. Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Tuke wu xu kamid noqday saraakiil sar sare oo qoxo otinimo isaga dhiibay wadamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xariira gobood fal lo.

Kornaylka ayaa waxaa uu u wareegay wadanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Can ada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabo od falada loo haystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo Visa ama dal ku gal usoo dirtay markii ay heshay dhala shada Maraykanka sannadkii 2006.

Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo haystay ka been sheegidda qaabka ay ku tagtay Mareykanka.

Dadkii daba tagnaa kornayl Tuke ayaa dacwaddiisa u wareejiyay dalka Mareykanka, waxaana warbaahinta CNN ay sidoo kale baahisay muuqaal la duubay sana dkii 2016, kaas oo muujinaya booliska Maraykanka oo Kornaylka ka kaxaynaya goobtii uu ka shaqayna yay oo ahayd garoonka caalamiga ah ee Dulles ee waqooyiga Virginia.

Tallaabada booliska ayaa timid, kadib markii xu bin katirsan Aqalka Virginia ay dalbatay in la cadeeyo sababta qof dambi loo haysto looga shaqaalaysiiyay garoonka diyaaradaha ee gobolkaasi, waxaana ay keentay in shaqada laga eryo. Isha:- BBC

Xisbiga UCID oo ka jawaabay sharciyadii uu Kulm iye sheegay in uu kala noqday mucaaradka

Xisbiga mucaaradka Somaland ee UCID, ayaa waxan suuragal ahayn ku tilmaamay sharciyadii Dorraad golaha fulinta ee xisbiga Kulmiye sheegeen in ay kala noqdeen xisbiyada mucaaradka.

Afhayeenka xisbiga Maxamed Axmed Billaal, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inaa nu jirin xisbi awood u leh in uu xisbi kale sharciyada kala noqdo.

"Dorraad waxa guddida ful inta ee xisbiga Kulmiye ka soo baxay hadal odhanaya xuquuq malaha labada xisbi ee muca aradka ahi, taasi oo ay tahay macnahe edu in xisbiga Kulmiye uu bilaabay fowdo" ayuu yidhi Billaal.

Waxa uu sheegay in hadii cidi cid sharciyad kala noqon karto ay labada xisbi mucaarad aqlabiyadii yih iin "Hadii cidi cid eegayso labada xisbi ayaa majo oratigii ah, oo haysta aqlabiyadii waddanka, xisbina xisbi kama qaadi karo xuquuq sharci oo uu leeyahay".

Shir uu guddoomiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo guddida fulinta xisbiga Kulmiye yeeshee



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip