HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 15-KA NOVEMBAR 2022-KA

0
Tuesday November 15, 2022 - 08:40:15 in Wararka by
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 15-KA NOVEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Guddoomiye Sheekh Aadan Oo Shir Guddoom iyay Kullanka Guddiga Joogta da Ee Golaha Shacabka BJFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlama anka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Gol aha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Sam atar ayaa Dorraad shir guddoomiyay kulanka Gud diga Joogtada ah ee Gol aha Shacabka.

Kulanka Guddiga Joogt ada Golaha Shacabka BJFS ayaa lagu falanqee yay go’aaminta goobta lagu qabanayo furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka JFS oo ku bee gan 15-ka bish an oo maalinta berri ah ku aaddan iyo anisixinta soo jeedinta Guddiga Joogtada ee buuxinta kura asta ka bannaanaata GShB JF/Soomaaliya.

Cawad: Doorasho qof iyo cod ah kama dhici karto Puntland

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaal iya, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa markii u hor eysay ka hadlay barnaamijka do orashooyinka qof iyo cod ee khilaafka siyaasad eed ka abuuray Pun tland.

Danjire Cawad oo wareysi siiy ay idaacada Dal jir ayaa waxa uu sheegay in xilig aan ay Pun tland ka dhici karin doorashooyinka qof iyo cod, maada ma uu ku dooday in maamulka uusan buuxin shur uudaha aas-aasiga u ah doorashada noocaasi ah.

"Si loo qabto doorashooyin qof iyo cod ah, waa inay heshiis ku yihiin oo isku raacsan yihiin dham aan dadka ku nool meesha laga qabanayo,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Somaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad.

"Waa in dadka dalka jooga oo dhan ay xor u yihiin inay ka qayb-ge li karaan doorashooyin ka qof iyo cod waa Universal suffrage, cid kas ta ayaa xaq u leh. Waa in aysan maamulin xukuu mada markaas jirta oo waxa la yiraahdaa level pla ying field dadka oo dhan waa in ay dhex u tahay, dad kaa iska leh.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in doorashada qof iyo cod ay u baahan tahay madax-banaanida guddiga qabanaya doorashooyinka, haddii kale loo adeegsan karo musuq maasuq iyo keligii-tali snimo.

"Waa in uu jiraa census wax la yiraahdo oo ti ra-koob waa in uu jiraa, oo dhammaan dadku tira-kooban yihiin, si loo hirgeliyo doorashooyinka qof iyo cod,” ayuu sii raaciyay had alkiisa.

"Doorashada noocan ah waxaa kale oo muhiim u ah m adax-banaanida guddiga qab anaya doora shooyinka iyo in ay jirto maxkamad dastuuri ah (co nstitutional court) oo xallisa haddii muran ka dhasho.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa "hadddii laga wee ciyo mabaadi’da aas-aasiga ah u ah doora sho oyinka dunida ee doorashada qof iyo cod wax aa loo adeegsan kara musuq-maasuq iyo keligii-tal isnimo, sida marar badan ka dhacday Rushka.”

Danjire Cawad ayaa ugu dambeyntiin tusaale u soo qaatay dalka Ruushka oo sida uu sheegay markasta laga qabto doorasooyin qof iyo cod ah, haddana uu mar kasta uu ku soo baxo mada xweyne Vladimir Putin.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka tacsiy eeyay geerida aun. Marxuum cabdullahi sanweyne

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaan ka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ta csi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dham maan Ummadda Soomaaliye ed ee uu ka baxay Alle ha u na xariistee Marxuum Macalin Cabd ll aahi Sanweyne oo Shalay isagoo Salaada Subax Madaa jidka ka soo baxay gacan ka xaqdaran ku dishay M/Muqd isho.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamma an qoyska, ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u nax ariistee Marxuum Macalin Cab dullaahi Sanweyne”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa Marxu umka oo ahaa Ganacsade iyo Oday dhaqameed waqti ba dan qeyb ka ahaa dib u heshiisiin ta Bulshada So omaaliyeed ayuu Alle uga baryay inuu janadiisa Firdooso ka waraabiyo, qoyskiisana samir iyo iimaanna Alle ka siiyo.

Guddiga Difaaca Ee Golaha Shacabka Oo Kul an Xasaasi Ah La Yeeshay Wasiir ka Gaashaan dhigga

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa Dorraad kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Md.Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac ).

Kulanka waxaa shir-gudoominayey Guddoomiya Guddiga Difaaca Md. Yuusuf Geelle Ugaas mu hii mada kulanka loo ga hada laayey wuxuu ahaa xaala da dalka uu ku jiro iyo da gaalada la gula jiro Al-Sha baab.

kulanka oo waqti badan qaatay ayaa sidoo ka le looga hadlay arrimo xasaasi ah gabagabadii ku lanka waxaa wasiirka iyo guddiga isku afgarteen in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhan ka ah AL-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka W/W/ta, Dhaqanka & Dalx iiska XFS oo soo xiray tababar ku saabsa naa tabinta xaaladaha degdeg ah iyo bini’aa danni mada

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfa afinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna ku simaha Wasiirka ayaa soo xiray tababar ku saabsanaa tab inta xaaladaha bini’aadan nimada iyo wararka deg degga ah.

Tababarka tabinta xaaladaha bini’aa dannimada iyo wararka degdegga ah oo ka qeyb gal een 30 suxufiyiin oo kala socd ay Warbaahinta waxaa uu seddex maalin ee la soo dhaa fay ka socday magaalada Muq disho.

Waxaa tababarka soo qaban qaabisay wasaarad da Warfa afinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaali ya oo ka ashanaysa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soo maaliya si loo xoojiyo kaalinta Warbaahinta ee tab inta Bani aadamnimada iyo kor u qaaditsa wacy iga wariyaha ee kawaramida wararka degdega ah.

Tababarka waxaa bixiyay qubaro saxaafeed ku xeel dheer tabinta xasaradaha iyo xaaladaha bini’aadannimada.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Doodishe oo ka mid ah mas’uuliyiinta lagu casuumay tababarka si ugala hadlo kaalinta Bool iiska ee xaaladaha deg degga ah iyo muhiimadda ay dowladda siiso xog siinta iyo xaqiijinta badqab ka weriyaayaasha ayaa suxufiyiintii ka qeyb galay waxaa ay la wadaageen wixii ka qabeen.

Wariyayaasha ka qeyb galay tababarka ayaa uga mahad celiyay wasaaradda aqoon iswaydaar sigaan iyaga oo soo jeediyay in la kordhiyo tab abarada nuucaan ah.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxii ska XFS Cabdina asir Xuse en ay aa sheegay in tababarka uu ku soo aaday xilli loo baahnaa ayna badin doonaan tab abarada niuca an ah.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna ku simaha wa siirka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo soo xiray tababarka ayaa bogaadiyay suxufiyiin ta ka qeyb galay aqoon iswaydaarsigaan waxaa uu kula dardaarmay dhaqan galinta casharadii tab abarka iyo kor u qaadista doorkooda tabinta xaala daha bini’aadannimada, xaqiijinta wararka ay tabiy aan marka lagu jiro xaaladaha deg degga ah iyo ka taxadarka amnigooda.

Ugu dambeyn ku simaha Wasiirka ahna Was iir ku xigeen ka wasaaradda iyo mas’uuliyiinta la jo ogay ayaa shahaadooyin cadeynaya aqoon iswa ydaarsiga waxaa ay guddoon siiyeen weriyayaa shii tababarka ka qeyb galay.

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay xariga Mustafa Cali Caanood oo caan ka ahaa baraha Bulshada

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Shalay shaacisay in ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya

ay xireen Wadaadka lagu maga caabo Mustaf Cali Caanood oo si weyn looga yaqaano baraha Bul shada, kaasoo dowladda ay ku eedeysay inuu faafiyo aragtida waxa loogu yeero xagjirka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda War faafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu she egay in Wadaadka ciidanka Nabadsigida ay soo xi reen Mustafa Cali Caanood uu ahaa shaqsi si we yn u faafin jiray fikradaha kooxda Al-shabaab.

Hawlgalka lagu soo qabtay Mustafa Caanood ayaa Habeen hore ka dhacay deegaanka Ceelasha Biya ha, waxaana la sheegay in lasoo qabtay xili uu is ku dayay in uu ka baxsado ciidamada amniga, si da lagu sheegay Warsaxafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Warsaxafadeedka dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegtay in fariimiha wadaadkan uu jeedin jiray ay ahaayeen kuwa loogu talo galay in lagu marin habaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed, hay eeshee sharciga la horgeeyn doona Mustaf Cali Caanood si loogu soo oogo dembiyada lagu eed eyay ee ah faafinta fikradaha kooxda Al-shabaab.

Hoos ka akhriso Waraaxafadeedka oo dhameystiran:-


Guddoomiye Basmo” Muqdisho ayay u soo kala carareen AS, iyaga oo Indha-shareer & Cimaamad wata

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaah Bulshada Maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Jakeeti ayaa sheegtay in maalmihii la soo dhaafay Maamulka gobolka Banaadir uu waday wacyigelin & kulamo lagu taage erayo kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddomiye Basmo oo hadal ka jeedisay kulan ka dhacay mag aalada muqdisho ayaa sheegtay in dalka uu kujiro xilligaan dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, isla markaana dadka Muqdisho looga baahan ya hay inay garab istaagaan dadka la dagaalamaya Al-Shabaab ee ku sugan gobolada dalka.

Waxaa ay sidoo kale hadalkeeda intaasi kud artay Xubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab ee loo ga awood roonaadaay degaannada iyo degmoo yinka gobolada dalka ay Muqdisho soo galeen, iya ga oo wata Indha-shareer & cimaamad, isla mark aana Bulshada laga doonayay in aysan u ogolaan inay Bulshada ku dhex-dhuuntaan.

Su’aallo ka dhashay shir ay xildhibaano ka tirsan BF ku yeesheen

Shir gaar ah oo ay yeesheen xildhibaano ka tir san baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu soo ga bagabeeyey magaalada Kigali ee caasimada dal ka Rwanda, kaas oo ay ka dhasheen su’aallo iyo sidoo kale hadal-heyn xoogan.

Shirka ayaa ku saabsanaa wada xaajoodka shuru ucda muhiimka u ah arrimaha maaliyada dalka, geedi socodka hannaanka deyn cafinta iyo sidoo kale diyaarinta iyo turxaanbixinta miisaaniyadda dalka ee sanadka 2023 kaasoo maalimihii la soo dhaafay ka socday Kigali.

Waxaa shirka ku sugnaa guddoomiye ku xige enka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdul laahi Cumar Abshir iyo xildhibaano badan oo ka tirsan guddiyada baarlamaanka.

Abshirow oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ka go’an ta hay sidii dadka iyo dalka Soomaaliyeed loo gaa rsiin lahaa isku filnaansho dhaqaale.

Haddaba sidee looga falceliyey shirkan la geey ey magaalada caasimada ah ee Kigali?

Qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isti caamla baraha bulshada ayaa aad uga hadlay arr intaan, iyaga su’aallo ka keenay sababta keentay in shir noocaan oo kale ah oo ay ka qayb-galay aan xildhibaano Soomaaliyeed loo doortay in lagu qabto dalka dibaddiisa.

Inta badan dadweynaha ka falceliyey shirka ay aa nasiib darro ku tilmaamay in lagu qabto Kigali, waxayna ku doodeen in lagu shiri karay dalka gu dihiisa, ayada oo laga fakirayo dhaqaalaha.

"Shir intan oo dad ah ka qeyb galayaan sababta Kigali loogu qabtay ayaa la yaabay intaan oo xil dhibaan mid kasto Tikid ayuu goostay safarkiisa qarash ayaa ku baxay. Maxaa diidayo in qarshka as la Save gareeyo shirkan Xamar lagu qabto?,” ayuu yiri Maxamed Jiinow.

"Waa nasiib daro wayn in dalka dibaddiisa la gu qabto shir noocaan ah aqligiina ha shaqeeyo,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed. "Shirarka maa lagu qabto dalka maxaa dal shi sheey la gala doonaa?” ayey iyaduna tiri Maryan Jaamac Cali."Intaan oo masuul hotel ay ku shiraan miyay ka waayeen Xamar iyo dalkiiba?” ayuu isna yiri Yuu suf Balayax.

"Maxaa diidaya shirarka Soomaalida in lugu qabto wadanka gudahiisa?. Kigali, Ka mpala & Nai robi ayaa dhaqaalihi Soomaal ida la galiyey” ayuu yiri Cabdisamad C/hi .Xigasho:caasimadda.net

Maxamed Cabdi Waare: Waxaa muuqata in xoo gag madaw oo ku sugan gudaha iyo dibadda ay halis gelinayaan dagaalka Khawaarijta

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshab ee lle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay ka bi xitaankii ciidamada xoogga dalka ee deegaanka Wabxo, iyo dagaal beeleedka Cadale ay halis geli nayaan dagaalka lagula jiro Alsh abaab.

"Waxaa muuqata in xoogag mad aw oo ku sugan gudaha iyo diba dda ay halis gelinayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta,” ayuu yiri madaxweyne ho re Waare, farriin uu soo dhigay Twitter-ka.

Waare waxa uu sheegay inay tahay arrin muru go leh iyo sir muuqata oo la isaga horkeenayo ciid amada dagaalka kula jira kooxda Alshabaab, si buu yiri loo joojiyo howlgalka socda.

Labo maalin ka hor ayay aha yd markii mada xweynihii hore ee Hirshabeelle uu soo dhoweeyay xoreynta deegaanka Ceelbaraf oo kuyaala gobo lka Shabeellada dhexe.

Waxa uu ku tilmaamay guul muhiim ah oo laga gaaray dagaalka lagula jiro wuxuu ugu yeeray Khawaarijta. Wuxuu sidoo kale rajo weyn ka muuj iyay inay ku xigidoonto Aadan Yabaal

. Xigasho:Hiiraan.Com

Akhriso: Hadal Jeedintii Madaxweynaha Puntla nd Ee Jaaliyadda Soomaaliyeed Dalka Zambia

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Habeen hore ka qeybgalay Xaflad weyn oo so dhoweyn ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soo maaliyeed Dalka Zambia, taasi oo ay kasoo qeyb galeen Boqolaal qof.

Madaxweynaha ayaa hadaljeedintiisa Habeen hore warbixin ku siiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Za mbia, wuxuuna la wadaagay Guud ahaan xaalad da Soomaal iya, ga ar ahaan Puntland iyo Shaqooyinka ka socda, sida Amniga , Dhismaha Ciidan ka, Kaabayaasha dhaqaalaha, Garoomada , Dek adaha, Dhismaha Wadooyinka, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Nidaamka Dimuqraadiyadda.

Wuxuu Madaxweynuhu la wadaagay Bulshada in Puntland ay ka go’antahay in talada dadka lagu celiyo oo ay soo doortaan dadka ku metelaya Go leyaasha deegaanka ee degmooyinka, qorshaha asi oo saddex Degmo laga qabtay hadana la dhameystirayo in 37 degmo laga qabto iyadoo diiwaangelinta codeyayaasha Bishan bilowman doonto.

Dhammaan Dadkii Kulanka ka hadlay Masuuli yiin, Jaaliyadda, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwanee Bulshada ayaa soo dhoweyn iyo garab istaag ugu muujiyey Madaxweynaha iyo dowlad Goboleedka Puntland, Waxqabadka dhinac walba ah, horumarka iyo Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay muna asabadda, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

Dowladda Soomaaliya oo ciidan iyo gaadiid dagaal geysay bariga gobolka Galga duud si ay Alshabaab ula dagaalamaan

Ugu yaraan 30 kamid ah gaadiidka dagaalka iyo ciidamo badan oo ay hoggaaminayaan masu uliyiin ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Qaayib ee gobolka Galduud.

Dowladda Soomaaliya ay aa Ciidankan u geysay halk aasi, si ay bariga gobolka Galgaduud uga xoreeyaan ururka Al-Shabaab.

Alshabaab ayaa ku sugan meel aan ka fogayn de egaanka Qaayib, halkaas oo ay dhawaan ka gey steen weerar ay ku burburiyeen saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa macaawisleyda ku lahaayeen.

Alshabaab ayaa weli ku xooggan bariga gob olka Galgaduud, iyagoo dib ula wareegay deeg aanno ay Wabxo kamid tahay oo dhawaan ciid amadu gudaha u galeen, kadib markii Alshabaab ay faarujiyeen.

Maalmo kahor Alshabaab ayaa weerar ku qaa day deegaanka Burdaar oo 30km dhinaca bari u ga beegan magaalada Baladweyne.

Alshabaab waxay sheegeen inay ku furteen hub iyo gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciida mada Gorgor ee xoogga dalka, inkastoo dowladdu ay beenisay.

Ciidamada DANAB oo ka hortegay qaraxyo kadib

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Dorraad ciidamada Danab ee xo ogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo qorsheys an ka sameeyeen deegaano waqooyiga ka xiga magaallo xeebeedka Kismaayo.

Howlgalka oo lagu be egsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shab aab ayaa ciidamadu waxa ay ku gaareen deegaanada kala ah:- Dheycabdi, Mayoonde, Qudhac Madoobe, Koban, Araare iyo Bandarjadiid oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu aysan la kulmin wax iska hor imaad, islamarkaana ay deegaanadaas kula wareegeen si nabad doon.

Saraakiil u hadashay Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee ciidanka Danab oo howlgalladan samee yey inay deegaanada ay qabsadeen laga soo ab uubuli jiray weerarada Al-Shabaab, sidoo kalena ay burburiyeen saldhiga iyo xarumo kale oo ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay ka hor tageen weeraro qaraxyo, islamarkaana ay ku guu leystaan inay soo saaraan sagaal miino oo ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka muhiim ah oo ay isticmaalaan dadka shacabka iyo gadiidka isa ga kala goosha gobolkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya agagaarka magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maa mulka Jubbaland.

Tallaabadan ay qaadeen ciidamada Danaba ee ku sugan Jubbooyinka ayaa qayb ka ah howlgallo la doonayo in lagu qaado Al-Shabaabka ku sugan gobolladaasi.


Mucaaradka Somaliland Oo Sheegay Inaysan Madaxweyne U Aqoonsanayn Muuse Biixi

labada xisbi ee mucaaradka ah ee Somaliland ayaa sheegay inaysan Madaxweyne u aqoons anayn madaxwey na ha Somalil nd Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddi sida.

Hadalkan ayey xisbi yadu sheegeen in ay ku egtahay mudda xileedka asalka ahaa ee madax weynaha iyo xukuumadd iisa. Hase yeeshee bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay horraanteedii ayey ahayd markii Golaha Guurtida Somaliand ay sheegeen inay muddadii madaxwyenaha ku kor dheen mudod laba sano ah.

Sidoo kale guddiga doorashada Somaliland ay aa iyaguna horey u sheegay inay u baahan yihiin waqti ilaa 9 bilood ah oo ka bilaabnaysay bilowga Oktoobar.

War saxaafadeed kasoo baxay labada xisbi ee Waddani iyo UCID oo uu akhriyey musharraxa xilka madaxwyenennimo ee Waddani Cabdiraxm aan Maxamed Cabdillaahi "Cabdiraxmaan Cirro” ayuu ku sheegay inau xisbiyada mucaardkau ay di yaar u yihiin wixii wadahadal ah ee ku saabsan do orashooyin in la qabto.

Waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaradku ay aqoonsayihiin golayaasha sharciga ku fadhiya si da baarlamaanka, maxkamadda, dawladaha ho ose iyo maamulka adeegga dadweynaha.

Waxa uu sheegay inay ugu baaqayaan dadwyena ha nabad iyo isku duubni iyo inay ilaashadaan nabadgelyadooda. Waxay mucaaradku ugu baaq een ciidamada qalabka sida inay u hogaagnsam aan dastuurka oo keliya, sida ay hadalka u dhig een.

Goobta laga akhrinayey war saxaafadeedka wa xaa sidoo kale ku sugnaa guddoomiyaha xibsiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe.

Xukuumadda Somaliland oo jawaab ka bixisay go’aankii ay qaateen Mucaaradka

Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab rasmi ah kasoo saartay go’aanka kasoo baxay xisbiyada mucaaradka ee Wadani & UCID oo Habeen hore sha aciyey in Muuse Biixi aysan u aqoonsaneyn mad axweyne, kadib 13-ka November oo Dorraad aheyd.

Wasiirka arrimaha gudaha Som aliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed oo u warramay Wariye yaasha ayaa shaa ca ka qaaday in hadalka kasoo yeeray muca arad ka uu meel ka dhac weyn ku yahay qaranimada Somaliland, ayna sidoo kale tahay arrin ayaan dar ro ah.

"Waxaa ayaan darro ah in dadkii dalkaan ka doonayay in ay xukumaan ee Ummadda codka ka doonayay ay yiraahdaan dalkaan doorasho kama jirto, Xisbiyadu waxa ay Mucaarad ku yihiin Qar anka Somaliland” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaa hin Axmed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aanka ay ku dhowaaqeen xubnaha mucaaradka uu yahay wax laga xumaado, islamarkaana dhaawacaya di muquraadiyadda Somaliland.

Kaahin ayaa sidoo kale ku eedeeyey xisbiyada Wadani iyo UCID in ay wadaan abaabulka kacdo on bulsho, si loo kico dadweynaha reer Som aliland, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale taliyaha Booliska Somaliland, Sarre eye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa ka hadlay xiisadda kacsan ee Somaliland, isaga oo digniin adag u diray hoggaanka xisbiyada mucaaradka maamulkaasi iyo sidoo kale taageer ayaashooda.

Dabagale ayaa wacad ku maray in ay ka hort egi doonaan rabshado ka dhaca Somaliland, isla markaana ay adeegsan doonaan awood ciidan, haddii mucaaradku tallaabo qaado.

"Booliisku waxa ay isu yimaadaan qofka shur uucda dalka kahor yimaada, Dadka faraha la gala amni darro, Dadka wixii soo baxa ee khaladaad nooca uu doono ha ahaado sameeyo way is ar kaan, Dadka kale wuu ilaaliyaa, Qof wailibow guri gaaga ku jir, Qof walibow shaqadaada qabso oo Amniga garab istaag” ayuu yiri Sarreeye Guuto Maxamed Aadan.

Somaliland ayaa wajaheysa xaalad hubanti la’ aan ah, taas oo ka dhalatay go’aanka kasoo ba xay mucaaradka oo iska diiday muddo kordhintii dhowaan loo sameeyey madaxweyne Muuse Biixi, iyaga oo shaaciyey inay qabsan doonaan doora shooyin xor iyo xalaal ah.

Turkey :Dad badan oo loo xiray qarax ka dhacay Istanbul

Booliska Turkiga ayaa xiray 22 qof oo lagu eedeynaayo in ay lug ku leeyihiin qaraxii ka dha cay bartamaha Istanbul ee dhaliyay ugu yaraan dhimashada 8 qof iyo dhaawaca 81 kale, sidauu sheegay sarkaal ka tirsan ciidankaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Suleyman Soylu ayaa qaraxaasi ku eedeeyay xisbiga la mamnu ucay ee Kurdistan Workers Party (PKK),wuxuuna intaa ku daray in la hayo qof in muddo ah ku su gnaa goobtii la dhigay qaraxaasi.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdo gan, ayaa Axaddii ku tilmaamay qaraxaasi mid khiyaamo ah oo salka ku haya fal al argagixiso

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi oo ka dhacay waddo mashquul badan oo ku taal magaalada ugu weyn Turkiga.

Iran Oo Gantaallo Ku Garaacday Gobo lka Kurdida Ee Ciraaq

Gantaallo ayaa lagu garaacay caasimadda go bolka Kurdida ee Ciraaq, duqa magaalada Koye oo u dhaw caasimadda Erbil ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay halka toban kalena ay ku dhaa wacmeen weerarka.

Wakaaladda wararka ee dowladda Iran ee FARS oo soo xiganeyso saraakiil sare oo ka tirsan ilaalada kacaanka Iran ayaa sheegay inay duqe ymaha iyo diraadaha Drones-ka lagu beegsaday waxa uu ku tilmaamay ‘kooxaha argagixisada ah’ ee ka howlgala gobolka.

Muuqaalo aan la xaqiijin oo la soo dhigay bar aha bulshada ayaa muujinayay qiiq iyo uuro ma dow oo kasoo baxaya dhismo burburay oo weerar ka lagu qaaday.


MAXAY XUBNAHA XISBIGIISU KA HAY TAAN DONALD TRUMP?


Trump

Wararka sheegaya in Dimuqraadiyiinta ay qab teen Aqalka Senate-ka Mareykanka ka dib door ashadii xilliga dhexe ee toddobaadkan ayaa ke enay in is dhalleecayn baahnsani ka dhex bilaa bato xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa.

Dadka dhaleeceeya madaxweynihii hore ee Donald Trump ayaa ku eedeeyay bandhigga liita halka kuwa kale ee Jamhuuriga ay eedeynayaan hogaamiyahooda Senate-ka, Mitch McConnell.

Aqalka Cad ayaa dhanka kale muujiyay tilmaantii ugu xoogganeyd ee uu ku muujinayo in madaxweyne Joe Biden uu mar kale u tart ami doono doorasha da.

Loolanka Golaha Wak iilada ee Maraykanka ayaa weli ah mid aan dhinna la odhan karin waxa ay heleen aqlabiyadda.

Jahuuriga ayaa wali loo door bidayaaa inay ku guulaystaan aqalka hoose ee Congress-ka taasoo si weyn u carqaladayn doonta qorshayaasha mad axweyne Joe Biden laakiin waxay u badan tahay in aqlabiyadooda ay sii yaraanayso iyadoo codad ka weli la tiriniyo. Dhamaadkii isbuuca, shabakadaha Maraykan ku waxay saadaaliyeen in Dimuqraadiyiintu ay ku qabteen laba kursi oo senate ah oo ku yaal Arizona iyo Nevada, iyaga oo sii haysanaya ma amulka aqalka sare.

Muxuu muteystay ninkii taabacsanaa Trump ee dilka ugu hanjabay Ilhaan Cumar?

13 Luulyo 2022

Ilhaan Cumar: "Trump waxaan dhihi lahaa, tiisa daryeelaa tu kale ku dara"

31 Maajo 2020

"Tani waa doorashadii saddexaad oo xiriir ah oo uu Trump natiijadeeda nagu khasaariyo," ayuu guddoomiyaha xisbiga Jamhuuriga ee Maryland Larry Hogan, oo muddo dheer naqdiyi jiray mad axweynihii hore, u sheegay CNN Axaddii.

"Hadda wixii ka danbeeyana waan ka daalay guuldarrada."

Laakiin tijaabada dhabta ah, ayuu yidhi weriyaha BBC-da ee Waqooyiga Ameerika Anthony Zurcher, waxay noqon doontaa in xulafada Trump ay u soo jeestaan maalmaha iyo toddobaadyada soo socda, si ay u hubiyaan awoodda xisbigooda.

Taariikhdu waxay soo jeedinaysaa in xisbiga maamula Aqalka Cad uu inta badan lumiyo kuraasta qaar doorashada dhacda xilliga dhexe, balse waxqabadka Dimuqraadiyiinta ee sanadkan ayaa loo arkaa midkii ugu fiicnaa xisbi xilka haya ugu yaraan 20 sano.

"Xeeldheerayaasha falanqeeya siyaasadda ee Washington waxay yidhahdeen ma guuleysan karno sababtoo ah taariikhda, taariikhda, taariikhda," afhayeenka aqalka Nancy Pelosi ayaa u sheegtay barnaamijka toddobaadkan ee ABC.

Laakiin Dimuqraadiyiinta "weligood ma aqbalin hadal uu iska yiri qof siyaasadda falanqeeyaa" waxayna diiradda saareen "farqiga u dhexeeya iyaga iyo kuwa ka soo horjeeda", ayay tidhi haweenaydan xilalka sare ee dimuqraaddiga fadhida ee reer California.

Mrs Pelosi waxay ka mid ahayd tiro yar oo ka mid ah mas'uuliyiinta xisbiga kuwaas oo Axddii ku taageeray madaxweyne Biden in mar kale loo doorto 2024.

La-taliyaha sare ee Aqalka Cad Anita Dunn ayaa u sheegtay CBS News in madaxweynaha aysan saameyn ku yeelan "waxa dhinaca kale uu sameynayo ama waxa laga yaabo in musharrax kale uu sameynayo", uuna dhawaan ku dhawaaqi doono go'aankiisa.XIGASHO:-BBC


 


Muslimiinta Mareykanka Oo Wac Daro Ka Dhigay Doorashada Xilli Ga Dhexe Ee Mareykanka


Murashaxiinta

Doorashadii xilliga dhexe ee sanadkan ayaa no qotay mid taariikhi u ah Muslimiinta Mar aykanka, iyadoo tiradii ugu badn ayd ay ku guuleysteen kuraasta.

warbixin ka soo baxday Xarunta Kheyraadka Jetpac iyo Golaha Xirii rka Mareykanka iyo Islaamka (CAIR) ayaa lagu ogaaday in siyaasiyiin badan oo Muslimiin ah ay u rumowday riyadooda.

Qaar badan oo ka mid ah guulahaas ayaa ka dhacay gobollada Texas, Virginia iyo Georgia, waxaana ku jiray 20 murashax oo horey xilal u ha yay iyo 17 musharax oo cusub.

Kuraastaasi waxay u dhaxaysaa guddiyada waxbarashada deegaanka iyo golaha deegaanka ilaa Aqalka Congress-ka ee Maraykanka, halkaas oo xildhibaanad Ilhaan Cumarn iyo Rashida Tlaib ay labadoodaba dib ugu guuleysteen xilalkooda.

Ilhaan Cumar oo Congress-ka ku matasha degma da 5-aad ee gobolka Minnesota ayaa markii ay ku guuleysatay doorashadan ugu dambeysay waxa ay BBC-da u sheegtay in ay ku faraxsan tahay na tiijada ay heshay. "Waa guul kale oo Alle uu noo soo dhiciyay, waxaana rajeynayaa in dadka kale ee tartamaya ee walaalaheenna ahna in ay guuley staan,” ayey tiri.

Tani waxay muujinaysaa in tiradii ugu badneyd ee Muslimiinta Mareykanka ay soo baxeen tan iyo markii CAIR ay billowday diwaangelinta sanadkii 2020. Isla sannadkaas, 71 Muslimiin Maraykan ah ayaa la doortay xilal halka 17 hor leh ay sanadkan ku soo biireen.

Marka laga soo taga xilalka ay Muslimiinta gu ud ahaan ku guulaystaan sanadkan waxaa soo baxay tiradii ugu badnayd ee Soomaali Maraykan ah. Toban murashax oo Soomaali ah ayaa kusoo baxay doorashada, iyagoo ku guuleystay hanko odii siyaasadeed, halka qaarkoodna ay dib u soo ceshadeen kuraastii ay horay ugu fadhiyeen.

Kursiga ugu saameynta badan ee Soomaalida wa xaa dib ugu guuleysatay Ilhaan Cumar oo horay ta ariikhda ugu gashay ku biirista Aqalka Wakiillada Mareykanka.Sanadkii 2019-kii ayey gabadhan ka soo jeedda Soomaaliya noqotay haweeneydii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban ku biirta Congress ka, waxayna sidoo kale ka mid ahayd labada ga bdhood ee Muslimiinta ah ee loo doortay gol ahaas.

Saddex Soomaali ah ayaa ku guuleysatay ku raasta xildhibaannada Aqalka Hoose ee Minn esota labo kale oo Soomaali ahna ay ku guule ysteen doorashadii kuraasta Aqalka Saree e gob olkaas.Samakaab Xuseen, Maxamuud Nuur iyo Hodan Xasan ayaa loo doortay xubinnimada Aqa lka Hoose ee Minnesota.

Soomaalida taariikhda cusub ka dhigtay doora shadan waxaa ka mid ah Zaynab Maxamed oo loo doortay kursiga Aqalka Saree e Minnesita, iyadoo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ku biirtay Aqalkaas.

Waxa ay Zaynab sidoo kale noqotay haween eydii ugu horreysay ee Madow ah oo xildhibaan ka noqotay Aqalka Sare ee gobolka Minnesota. Cumar Faatax ayaa mar kale dib loogu soo door tay Aqalka Saree e Minnesota oo uu horay xubin uga ahaa.

Deeqa Dhalac iyo Maana Cabdi oo ka mid ah siyaasiyiinta da’da yar ee Soomaalida Mareykan ka ayaa loo doortay Aqalka Wakiillada ee gobolka Mine ee ku yaalla cirifka waqooyi-bari ee dalka Mareykanka.

Muniira Cabdullaahi iyo Ismaaciil Maxamed ay aa ku guuleystay tartankii ay u gale en ku biirista Golaha Wakiillada ee gobolka Ohio ..

XIGASHO:-BBC


MA 5 ARRIN BAA SABAB U AH IN SOOMA ALIDU AYSAN CUNTADOODA KA

 REEBIN MOOS? MOOS


 

Moosku waxa uu ka mid yahay khudaarta ugu caansan caalamka. Celcelis ahaan qof walba oo naga mid ah waxa uu sanadkiiba cunaa ilaa 10 kii loo garaam oo moos ah (oo la mid ah 100 xabo oo moos ah).

Sida ay garanayaan dadka beeraleyda ah ama u kuur gala qaabka ay u ba xaan dalagyada, moosku wu xuu iskula koraa 50 miro ilaa 150 halkii marba. Qeybaha as ayaa usii kala baxa gac mo middiiba ay ka kooban tahay 10 ilaa 20 xabo oo moos ah.

Soomaalidu waxa ay ka mid yihiin dadka sida m aalinlaha ah adeeggooda raashinka ugu soo dars ada mooska, inta bandanna isticmaala xilliga qa dadana. Hase yeeshee, su’aashu waxa ay tahay, sababta ay Soomaalidu u jecel yihiin mooska qeyb maka tahay shan faa’iido oo uu caafimaad ahaan u leeyahay mooska?

Jawaabta su’aashaas ka fikir adiga aqristaha ah laftaada, haddii aad xiiseyso mooska oo uusan ka maqnaanin saxankaaga.

Kuwani waa 5 faa’iido oo khubarada caafimaadku ay ku sheegeen mooska.

1. Wuxuu sare u qaadaa caafimaadka caloosha

Moos

Moosku waxa uu jilciyaa caloosha, taasoo ay sabab u tahay maaddada fiber-ka ee uu qaniga ku yahay.

Sidaas awgeed waxa uu fudu deeyaa burburinta raashinka calo osha gala, kaasoo waqti kooban ku milma.

Intaas waxaa sii dheer in uu moosku debciyo dib irada marka uu qofku raashin badan cuno. Sidoo kale waxa uu moosku caawiyaa shaqada bak teeriyada ku jirta caloosha ee gacanta ka geysata dheef shiidka.

2. Waxa uu kordhin karaa caafimaadka wad naha

Mooska waxaa ku jirta afaqo muhiim ah oo loo yaqaanno "potassium”, taasoo wax tar aad u weyn u leh jirka.Maaddada Potassium-ka waxay gacan ka geysataa in shaqada wadnaha ay ku socoto sida loogu talogalay, waxayna ka hor tagtaa kha ladaadka ku imaada cadaadiska dhiigga ee sab aba dhiig-karka.

Raashinka ay ku jirto Potassi um-ka ayaa mararka qaar ka hor taga cudurrada wadnaha iyo faaligga, sida lagu sheeg ay daraasado dhowr ah.

3. Waxa uu gacan ka geystaa maareynta laab-jee xa Moos

Mooska aan weli bislaanin waxa uu qofka ka caawiyaa in aashitada caloosha aysan ku faafin meelaha ka baxsan caloosha gudaheeda.

Taasi micnaheedu waa in mooska aan weli bisl aan ee midabkiisa kore uu cagaarka yahay uu faa ’iido weyn u leeyahay dadka la xanunsan l/b-jexa.

4. Waxa uu kordhiyaa tamarta

Maadaama ay mooska ku yar yihiin biyaha, wa xa uu leeyahay sokor ka badan tan ku jirta khud aarta kale.

Sokorta ayaa ugu jirta siyaabo kala duwan, waxayna ku sameysan tahay maaddooyinka uu ka kooban yahay mooska, sida "sucrose”, "fruct ose”, "glucose” iyo "fiber”.

Marka lagu sii daro maaddada potassium-ka waxa ay dhammaantood si wadajir ah u caawiy aan murqaha jirka, gaar ahaan marka uu qofku sameynayo jimicsi.

5. Waxaa laga helaa farxad

Mooska waxaa ku jirta maaddada "amino acid” oo maskaxda siisa dheecaan dhaliya in qofka uu dareemo wanaag iyo farxad.

Isla maaddadan ayaa qofka ka caawisa in uu dareemo nasiino iyo in uu ka yaraado welwelka. XIGASHO:-BBC

NIN 18 SANO NOLOHIIA KU QAATAY GAROONKA DIYAR AADAHA EE MAGAALADA PARIS OO DHIN TAY WAXAA NA LA HELAY ISAGOO KUMANAAN EURO AY KU JIRTO BOORSOOYINKIISA

Markii uu ku dhex dhacay kala qeybsanaan dib loomaasiyadeed ayaa Mahran Karimi Nasseri oo u dhashay dalka Iran wuxuu gurigiisa ka dhigtay go ob aad u yar oo ku taalla garoonka diyaraadaha Roissy Charles de Gaulle ee magaalada Paris sanadkii 1988. Waayo ragnimadiisa waxay keen tay in sanadkii 2004 laga sameeyo fillim la magac baxay The Terminal oo uu aktar ka yahay Tom Ha nks. Mr Nasseri ugu dambeyntii waxaa la siiyey xaq in uu u leeyahay in uu ku noolaado dalka Fara nsiiskalaakiin hadana dib buu ugu soo laabtay garoonkii diyaaradaha toddobaadyo yar ka dib hal kaas oo si dabiici ah ugu dhIntay , sida sarkaal ga roonka diyaraadaha ka tirsan uu sheeegay.

Ninkan wuxuu dhashay 1945tii isagoo ku dha shay gobolka Khuzestan, markii ugu horreysay wuxuu u duulay Yurub isagoo raadinaya hooyadiis

Sanado ayuu ku qaatay isagoo ku nool dalka Beljam isagoo laga soo masaafuriyey dalal ay ku jiraan Ingiriiska , Netherlands iyo Jarmalka sabab ta looga soo eryeyna waxay aheyd in aanu wadan dukument sax ah oo uu ku safro.

Ka dib waxaa uu soo aaday dalka Faransiiska , halkaas oo uu gurigiisa ka dhigtay terminaalka gar oonka diyaraadaha ee Pari.

Waxaa uu isku wareejiyey waxyaabo uu soo aruuriyey oo cashad ka sameystay , wuxuuna waq tiga isku dhaafinayey in uu wax ka qoro noloshiisa uuna akhriyo buugaagta iyo wargeysyada .

Sheekadiisa waxay soo jiidatay dareenka warbaa hinta oo agaasiamay caalamka waxayna ishiisa ku dhacday Steven Spielberg oo agaasimay filimka The Terminal waxaana jilay Tom Hanks iyo Cather ine Zeta-Jones.

Filimka markii la dhigay ka dib ayey warfidiye enkii ku soo yaac een iyagoo ka soo arkay filimka mararka qaarna waxaa dhacday in Nazzeri uu hal malin oo keliya bixiyo lix wareysi.

Inkastoo uu helay aqoonsi qaxootinimo iyo xuu uqda in uu joogi karo dalka Faransiiska sanadkii 1999 wuxuu joogay oo uu ku noolaa garoonka diy aaradaha ilaa 2006 markaas oo loo qaaday isbit aalka si loogu daweeyo loogana daweeeyo xanu un hayey Ka dib waxaa uu waqti ku qaatay in uu ku noolaado goob hotel oo kale ah isagoo isticma alaya lacagtii uuu ka helay filimka.

Sidoo kale Mr Nasseri wuxuu ku soo laabtay garoonkii diyaraadaha dhowr toddobaad ka hor halkaas oo uu ku noolaa ilaa uu ka dhinto Waxaa la helay la helay isagoo kumanaan Euro ay ku jirto boorsooyinkiisa


TRADEMARK CAUTIONARY NOTICE



The Federal Republic of Somalia


Notice is hereby given that United Technologies Corporation of United Technologies Building , Hartford, Connecticut 06101, U.S.A is sole owner and only proprietor in the Federal Republic of Somalia of the trademark shown below.

Which is used and/or to be used in connection with the following goods in International class 1 for the goods: Internal combustion engines, including piston, turbine, and rocket engines and their parts.

The above named owner by virtue of registration and user of the trademark worldwide in respect of the above named goods has the exclusive right to use the said trademark and is entitled to all rights in respect thereof.

The above named owner claims all rights in respect of the above trademark in the Federal Republic of Somalia.

Notice is hereby given that in the event of any person or persons infringing the above named owner’s rights in the said trademark in any manner whatsoever or registering or attempting to register or using a mark similar to the above mark so as to mislead the public into believing that such spurious mark relates to goods manufactured by the above named owner legal proceedings will be instituted against any such person or persons for infringement of the said trademark and recovery of damages and other reliefs.

Any enquiry relative thereto may be referred to:


Saba & Co. Intellectual Property s.a.l (Offshore)

P. O. Box 11-9421 Beirut – Lebanon

Tel: +961 5 45 48 88


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip