HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEBAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 14-KA NOVEMBAR 2022-KA

0
Monday November 14, 2022 - 08:05:45 in Wararka by
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEBAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 14-KA NOVEMBAR 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Soo Gaba-Gabe eyay Safarkii Uu Ku Joogay Asmara

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliy dhi giisa dalka Ereteriya Isaias Afwerki ayaa kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Bad da Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa warbixi nno ka dhageystay Taliyeyaa sha Ciidanka Badda ee tababar ka u jooga Ereteriya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo xoreynta dalka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada ayaa ku bogaad iyey ciidankan dadaalka, aqoonta iyo kartida ay muu jiyeen, inta ay tababarka ku jireen, waxa uuna u shee gay in ay yahiin tilmaamihii lagu yaqaanno Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Madaxwayna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bo oqashada kaddib waxaa uu dib ugu soo laabtay dal ka, isagoo uga mahadceliyey Dowladda iyo shacab ka dalka Ereteriy soo dhaweynta iyo qaabilaadda wanaagsan.

Madaxweyne Xasan ayaa inta uu ku sugna ma gaalada Asmara ee dalka Ereteriya waxaa uu kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki, isla mar kaana waxaa uu kala hadlay xoojinta xiriirka labada iyo arrimo ku aadan Ciidanka Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan

Ra’iisul Wasaare Xamse oo war kasoo saaray Qarax ks dhacay Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si xoog gan u cambaareeyay weerarka argagixiso ee fulay nimada ah ee lagu qaaday Shalay dad rayid ah oo ku nool magaalada Istanbul.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa shee gay in uu uga tacsiyeynayo shacab ka iyo dowladda Türkiye, dadka ku dhintay weerarka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay la murugooney so, isla markaana ay u duceyneyso dadka wax ku no qday weerarkaasi arxan darrada leh.

Md. Xamse waxa uu sheegay in argagixisadu nooc walba oo ay tahay, laga adkaan doono.

Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan ay aa ka hadlay qarax ka dhacay waddada Istiklal ee ku taal magaalada ganacsiga ah ee Istanbul, wuxuu ku sheegay weerar argagixiso. 6 qof ayaa ku geeriyoo day 53 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Qof dumar ah ayuu sheegay inay door ku lahayd qaraxa , sida lagu oggaaday warbixin horudhac ah, isagoo intaa ku daray in la oggaan doono cidda ka dambeysay.

M/W.Xasan Sheekh Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiir Lasoo Magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoom ay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusu b ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Axmed Jumca Al-rumeysi.

Danjire Axmed Jumca ayaa Madaxweynaha Ja mhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujin eysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab, taas oo uu ka siday Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Maxamed Binu Saayid Aala-nahyaan.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaal ka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee la bada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaali yeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee la gu qaabillay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u gu hambalyeeyey Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajee yey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay taliye ciidan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa Habeen hore Gaashaanle Sare Mubarak Cabd iqani Muuse u magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciida ma da Xoogga Dalka Soomaa liy eed. Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleey ey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Ba dda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha.

"Madaxweynaha ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhis ka Ciidamada Badda Soomaaliyeed, si loo helo cii dan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaheenna balla aran,” ayaa lagu yiri dikreetada.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, "Xeerkan Madaxw eyne oo waafaqsan qodobada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhaqan galay faafinta rasmiga ah.”

Taliyihii hore ee ciidamada badda Jeneraal Ca bdixamiid Maxamed Dirir oo khilaaf adag uu soo kala dhexgalay isaga iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu dambey say waxaa shaqo joojin ku sameeyey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

27-kii December 2021-kii ayuu Farmaajo amray tal iyaha xoogga inuu shad aka joojiyo Taliyihii ciidanka badda Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir, xilligaas oo R/Wasaare Rooble uu eedeyn culus u mariyey warbaahinta.

R/Wasaare XAMZA oo Shalay xariga ka jaray dhisme dowladeed cusub

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka So omaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Shalay xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hay’ad

da Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaali yeed.

Dhismaha xaruntaan oo si wa naagsan loo qalabeeyay ayaa qeyb ka qaadaneysa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee bixinta adeeg yada muhiimka u ah qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka kooban tahay xaruntaan cusub, isa goona u mahad-celiyay dowladaha Denmark, Nor way, UK iyo Finland oo dowladda ka taageeray dhis maha xaruntaan.

Xamza oo ka hadlay munaasibada ayaa tilmaam ay in hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay tahay wajiga qaranka, islamar kaana tallaabada lagu dhi say xaruntaan ay muujina yso dardarta ay ku socda an horumarka hay’adaan & xoojinta adeegyada aasa asiga ah ee shacab ka.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu guud ah aan shaqaalaha hay’adda ku bogaadiyey howsha wa naagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu kula dardaarmay maamulka iyo howl-wadeennada hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda So omaaliyeed inay ilaaliyaan shuruucda iyo hufnaanta shaqo ee muwaadiniinta ay adeegyada siinayaan, ay na sii horumariyaan hanaanka shaqo oo muhiim u ah ko bcinta dhaqaalaha iyo sugida amniga.

Munaasabadda xariga looga jarayay xarunta cus ub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuu liyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, agaasimyaa shii hore ee hey’adda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Wasiir Deeqa Yaasiin oo dacwad kaga adkaa tay ninkii yiri 'ha la ii soo dilo'

Wasiiradiihore eeHaweenkaiyo Hormarinta Xuqu uqul Insaanka dowladda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiinayaa shir jaraaíd oo ku qabatay agaal ada Alphen aan den Rijn, ee dalka Netherlands wax ey ku faah-faa hisay dacwad kala dhexeysay nin Soo maali ah oo deggan dalka Hol land, oo ay ku dac weysay Maxka mad ku taal magaalada Den Heeg.

Deeqa ayaa ninka ay dacweysay sheegtay inuu abaalmarin lacageed u ballan-qaaday cid kasta oo soo disha DeeqaYaasiin oo xilligaasi aheyd wasi iradda haweenka iyo xuquuqda insaanka.

Wasiirka ayaa sheegtay in dacwada ay ninkan ku soo oogtay ay aheyd mid dambi, ee aanay aheyn mid rayid ah, maadaama uu nafteeda halis geliyey, ayada oo intaas ku dartay in eedeysanaha uu yahay nin deggan dalka Netherlands.

Deeqa ayaa sheegtay in ninka ay dacwadda ka la dhaxeysay, ee yiri "ha la isoo idlo” uu ka carey snaa oo uu daba socday sharciga jinsiga Soomaaliya ee sida ay sheegtay dad badan ay khalad u fahm een.

Wafdi Ka Socday DFS Oo Shir Kusoo Bandhig ay Saamaynta Somalia Ku Yeela tay Isbedelka Cimilada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay kulan uu soo agaasimay Bangiga adduunka oo looga hadlayay isbedelka cimilada iyo sugnaanta cunnada.

Ra’iisul wasaare ku-xige enka oo madasha ka hadlay ayaa xusay saamaynta cimil ada adduunku ku leeyahay qa aradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo xalalka ka la duwan ee dalalka adduunku isaga kaashan karaan in looga hortago saamaynta ay sababto Isbedelka ci milada.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u bad an yihiin Bulsho xoolo dhaqato ah, xoolaha noolna loo dhoofiyo dalalka carabta, isagoo dhinaca kale, xu bnaha shirka ka soo qeyb galay la wadaagay saa maynta ay arrintaasi ku yeelatay qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo xalalka looga gudbi karo.

Maamulka G/Shabeellaha Dhexe oo War kasoo saaray dagaal Beeleedka ka dhacay degmada Cadalle

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Ax med Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degaannada hoostaga degmada Cadalle inay dagaalka si deg deg ah u joojiyaan, isla markaana wax walba miiska wada-hadalka ku dhameeyaan.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay nas iib darro tahay in xilligaan oo uu socdo dagaal lagula jiro Al-Shabaab iyo xorreynta degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe in gadaashiida ay beelo walaalo ah ku dagaalamaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka dagaalamay inay dagaalka dhexd ooda ah usoo wareejiyaan inay ka qeyb qaataan xo rreynat degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe ee looga saarao Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha gobolka Shabeell aha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in mar walba nabadda in lagu dadaalo ay tahay mid wa naagsan, wuxuuna Bulshada gobolka Shabeellaha Dhexe uu ugu baaqay inay ka Shaqeeyaan in laga hortaggo colaada soo laab laabatay.

Degaannada hoostaga degmada Cadalle ee Go bolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa kusoo laab la ab laabtay colaad beeleedyada, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ay ku guuld areysteen inay waxka qabtaan soo noq noqoshada colaadaas.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay yeela ne ysa Xarunta Xogta Qaranka

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa Dorraad soo kormeeray dhulka loogu tala-galay in laga dhiso xarunta Xogta Qaranka (National Data Center) oo ku taalla gudaha xerada Xalane, gaar ahaan halka ay Badda ka soo galaan Internet-ka dal ka.

Wasiirka ayaa waxaa ko rmeerkaan ku wehl isay wasiirka wasaarad da gaadiidka iyo duulista hawada Marwo Fardowso Cismaan Cigaal, wasiir ku-xigeenka Mudane Sulub Axmed Firin iyo ku-xigeenka maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin Sheekh.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoloj iyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo halka asi ka hadlay ayaa xusay in dhulkaan la siiyey wasaa radda Isgaarsiinta, islamarkaana ay qorsheynayaan in laga dhiso kaydka xarunta Xogta Qaranka (Nati onal Data Center).

"Waxaan booqday dhulka wasaaradda ku leed ahay aagga Xalane, qorshaha wasaaradda waxaa ku jira in la dhiso xaruntaan oo muhiim u ah in lagu key diyo Xogta Qaranka, waa fursad aad u weyn in dha mmaan Xogta Soomaaliya iyo hay’ad walba oo mac luumaad ururiso in hawada toos ugu jirto, iyada oo ammaan ah la helikaro xilli walbo oo loo baahdo,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Xaruntaan oo laga dhisi doono meel u dhow hal ka Internet-ka ka soo galo dalka, ayaa waxa looga maarmi doona in dalal kale lagu hayo xogteena, sida himika jirta. Wuxuu dal walba horumar ku gaaraa si da uu u keydsado Xogta Qarankiisa.

Mucaaradka Somaliland: Shalay ka dib Muuse Bii xi uma aqoonsanin madaxweyne

Mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba ay kalsoonidii iyo aqoon sigii kala no qdeen madaxwey naha Somaliland Mu use Biixi Ca bdi, ka dib markii uu diiday inuu dalka dorasho geliyo.

Kulan saacado bad an qaatay oo u socday mucaarad ka ayaa laga soo saaray war-saxaaf adeed dheer, waxaana warba ahi nta u akhriyey hoggaamiyaha Xisbiga Wadani Cabdir axmaan Cirro.

Shantii sano ee xil heynta ayaa Shalay u dhama atay madaxwey naha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, mucaaradka ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan doorasho kasta oo aan heshiis lagu ahayn.

Mucaaradka ayaa bayaankaan ku sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal kasta oo lagu gaarayo he shiis doorasho.

"Shalay laga bilaabo Muuse Biixi iyo xukuumadi isa uma aqoonsanin qaar sharci ku fadhiya, sii soc oshada xukunkiisu waxay ku suntantahay xoog ku haysasho iyo kalidii talisnimo, inta la helayo heshiis siyaasi ah oo layska ogolyahay oo lagaga baxo khil aafka ” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu sheegay in axsaabta mucaaradku ay aq oonsanyihiin jadwalkii doorashada ee ay soo saare en guddida doorashooyinka Somaliland, isla markaa na ay diyaar u yihiin in ay galaan doorashooyinka oo ay ugu soo horayso doorashada madaxweynaha.

Sidoo kale mucaaradka ayaa bayaankaan ku sheegay inay aqoonsanyihiin sharcinimada golayaa sha sharci dajinta, dowladaha hoose iyo maamulka adeega dadweynaha.

Guddoomiye Cirro ayaa shacabka ugu baaqay in nabadda ay ilaashadaan, sidoo kale wuxuu u soo jee diyey shacabka in sharci darrada uu wado Muuse Bi ixi aysan aqbalin, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hoos ka akhriso bayaanka mucaaradka

Somaliland

Madaxweyne Qoorqoor Oo Shalay Daah-Furay Kal fadhiga 6-Aad Ee Baarla maanka Galmudug

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa Shalay furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Galmudug oo Shalay ka furmay Xar unta Baarlamaan ka ee magaalada Dhuusam arreeb ee caasi mad da Maamulkaas.

Munaasabadda furita anka Kalfa dhiga6-ad ee Baar lamaanka Galmudug waxaa sidoo kale go obj oob ahaa Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Gal mudug Cali Dahir Ciidiyo xubno kale oo kamid ah Maamulka.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu hor eyso guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad cel iyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qa bteen shantii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaa rmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan lixaad ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha dowlad Gobole edka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ay aa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6aad ee Baarla maanka Galmudug.

Kulan Looga Hadlaayay Dhaqaalaha Qaranka Oo Shalay Lagu Qabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa Shalay shir gud doomiyay kulan looga hadlayay barnaamijka Xukuu madda ee Horumarinta Dhaq aalaha Qaran ka.

Shirka oo ay ka soo qay bgaleen guddi hoosaad ka Go laha Wasiirrada ee Tiirka dhaqaalaha, ayaa wa rbixin faahfaahsan looga dhageystay guddiga oo ka warr amay qorshaha dhinaca horumarka ee dowladdu ka sameyneyso dejinta koboc dhaqaale oo lagu bar aaro.Dowladda Soomaaliya oo barnaamijkeeda deyn cafinta uu meel wanaagsan oo gabogabo ah marayo, ay aa guddigeeda dhaqaalaha lagu wadaa in toddo ba adkan dhammaadkiisa ay kulan muhiim ah la yee shaan madax sare oo ka tirsan Baanka Adduunka.

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Cabdi Cagweyn ee gobolka Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo duhurnimadii Shalay ku dhexmaray deega anka Cabdi Cagweyn oo ka mid ah deegaanada hoo staga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ciid amada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa deegaanka iyo Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada is kaashanaya ay weerar dhowr ji ho ah ku qaadeen fariisimo koox da Shabaab ka sameyteen dee gaankaasi oo la sheegay iney kaga soo talaabeen doomo ay ku xirteen wabiga Sha beelle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo warbaahinta la hadashay ayaawaxay sheegeen iney Al-shabaab kala wareegeen fariisimahii ay ka sa meyteen deegaanka Cabdi Cagweyn iyo deegaano kale oo dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee dhanka Bari.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Cabdi Cagweyn oo ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hu bka noocyadiisa kala duwan ayaa lasoo wariyay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, waxaana tirada la xaqiij iyay ay gaareysa ilaa 6 ruux oo labada dhinac ah.

Ciidamada Shabaab ayaa ee ka dagaalamaya de egaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ayaa doo mo uga soo gudba wabiga, iyagoo fariisimo waa we yn ku leh dhanka deegaanada Galbeed ee jiinka wa biga saaran maadama deegaanada Bari iyo Galbeed uu kala baro wabiga Shabeelle.

Xukuumada Somaliland oo ka jawaabtay go'aamada mucaaradka

Xukuumada Somaliland ayaa nasiib daro ku tilma antay go'aamada kasoo baxay axsaabta mucaarad ka, iyadoo sheegtay in ay yihiin qodobo Somaliland u ekaysiinaya meel aanu shar ci ka jirin.

Wasiirka Arrimaha Gudda ha Somaliland Maxa med Ka ahin Axmed iyo taliya ha boo liiska oo warbaahinta la hadl ay, ayaa sheegay in nabadg alyadu taamtahay, wuxuuna wasiir Kaahin wax laga xumaado ku tilmaamay go'aamada muca aradka.

"Waxa Habeen hore nasiib daro ah, in muwaadiniin dalk an Somaliland usoo tartamay oo dalkan raba in ay madaxweynayaal ka noqdaan, horayna ugu soo tart amay, in ay Habeen hore sheegaan in Somaliland anay aha yn dal ay dowladi ka jirto, dalka ayna dowladi ka jirini waa dal aan madax lahayn, waa dal anuu sharci ka shaqayn " ayuu yidhi Kaahin.

Xisbiyada mucaaradka ayuu ku tilmaamay qaar aan madaxweynaha oo kali ah mucaarad ku ahayne, lakiin mucaarad ku ah Somaliland oo dhan madaama oo ay sheegeen in anay aqoonsanayn xukuumada madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in kordhinta ay guurtidu madaxw eynaha u kordhisay ay xalaal tahay oo golaha guur tida uu sharcigu siinayo awooda muddo kordhinta, is aga oo sheegay in musharax Cirro xiligii uu ahaa gu ddoomiyaha golaha wakiilada uu isaga oo 5 sanno la doortay uu 7 sanno kordhin ku fadhiyay.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Somaliland Sarree ye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, oo is na goobta ka hadlay ayaa sheegay in nabadalgal yada Somaliland ay tahay mid taama, wuxuuna bal an qaaday in uu nabadgalyada shacabka sugayo.

La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee Arri maha Siyaasada Cali Maxamed Waran Cadde, oo is agu kamid ah gudddi dhexdhexaadin ka dhexwaday madaxweynaha iyo mucaaradka, ayaa sheegay in mucaaradku go'aamada ay ku deg degeen, oo ay hadleen xili guddida dhexdhexaadinta oo xaga mada xweynaha war ka sidaa ay xaga guriga Cirro kusii

socdeen.

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danji renimo ka guddoomay safiirka cusub ee Imaaraadka Carabta

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaa liya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruse) ayaa Shalay ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Juma Al Rumaithi.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Safiir ka cusub ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo saaxiibtinimada ka dhaxeeysa labada dowladood.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul Gobol eed Oo Soo Gaaray Muqdisho + Ujeedkiisa

Waxaa Shalay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho soo gaaray Guddoomiyaha Baarlama anka dowlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wafdi uu hoggaaminaayay, iyadoo soo dhaweyn ballaaran loo sameeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Guddoom iye Cabdirashiid Jibriil kusoo dhaweeyay Habdhowraha Gol aha Shacabka BJFS Xildhb aan Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux, habdhow raha ku-xigeenka 1-aad iyo Xoghayaha guud ee Gol aha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in maalmaha uu joogo Magaaladda Mu qdisho uu ka qeyb gali doono furitaanka Kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fede raalka Soomaaliya.

Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka ayaa loo bal ansan yahay inuu furmo 15-ka bishan, sidoo kale wa xaa Muqdisho ku sugan qaar ka mid ah Gudd oomiyeyaasha golayaasha wakiilada ee dowlad Gob oleedyadda dalka, iyadoo berri la filaayo inta harsan ay soo gaaraan Muqdisho.

Maamulka iyo waxgaradka degmada Baxdo oo qa aday tallaabo dhiiri-geliney sa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Maamulka degmada degmada Baxdo iyo Odayaa sha dhaqanka ayaa deeq isugu jirta labo neel oo ge el ah iyo raashiin ku wareejiyay saraakiisha hoggaa mineysa ciidamada dib u xoreynta deegaanada Xii ndheere, Garabla, Ceel-lahey, Ceelgaras iyo Ceelb uur ee gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha Baxdo Ma xa med Cabdullaahi Muuse iyo qa ar ka mid ah odayaasha dha qanka oo deeqdan wareejiyey ayaa xusay in ay markasta gar ab taagan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo ku wa dadka deegaanka ee ku jira howlgalada xoreynta deegaanada fara ku tiriska ee Khawaarijta kaga su gan yihiin gobolka Galgaduud.

Col. Cumar Cabdulle Jacfaan iyo xildhibaan Xas an keynaan Xalane oo kamid ah Baarlamaanka Gal mudug ayaa dhankooda sheegay in deeqdan la soo gaarsiiyey ciidamada ay hoggaaminayaan ay unoqoneyso dhiiri-gelin baaxad leh.

Sidoo kale, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada federaalka ee laga soo doortay Galmudug ayaa balan qaadey in ay hore u sii socon doonaan ayna ka go’antahay in aysan dib u laaban inta laga xoreynayo dhammaan deegaanadaasi.

Ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee bariga Galgaduud oo diyaargarowgii ugu dambeeyay wada ayaa la filayaa in ay dhawaan soo gacan geliyaan de egaanada Baaldheer iyo Xiindheere oo ay haatan kusii durkayaan.

Saddex arrin oo sababay isu soo dhowaasha ha dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia

Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa maalmihii ugu dambeeyey bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus oo lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo midka iskaashi ee ka dhexeeya labadaan dowladood oo si doo kale ah kuwa daris ah.

Aqoonyahan Cabdiraxm aan Sahal oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ay aa ka hadlay xiriirka lab ada dowladood iyo isku dhowaashaha ay sameey een maalmihii lasoo dhaafay.

Sahal oo u warramay Universal TV oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Ethiopia ay isaga xiran yih iin dano dhowr ah, ayna ku qasban yihiin inay iskala shaqeeyaan.

"Marka laga hadlayo xiriirka labada wadan ee So omaaliya iyo Ethiopia waa wax ku saleysan dowlad kasta danteeda iyo siyaasaddeeda arrimaha gudaha iyo dibadda. Labadaan dal waa daris oo runtii wa xyaallo fara badan ay ka dhexeyn karaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sahal.

Sidoo kale wuxuu isku dhowaashaha ay haatan sameeyeen u sababeeyey saddex arrimood oo uu sheegay inay xudun u yihiin hana qaadka labada dowladood Soomaaliya & Ethiopia.

"Isbeddalka jiraa wuxuu yahay waa saddex arrin mid waxaa weeyaan Ethiopia oo hadda runtii kasoo kabaneyso dagaalladii socday laga soo laabo 2020-kii illaa hadda. Mida labaad Soomaaliya lafteeda oo guul laga gaaray doorashadii May dhacday oo iyad ana isbeddal uu ka dhacay keentayna xasilooni siyaa sadeed. Midda saddexaadna ay tahay Al-Shabaab oo soo xoogeystay oo bishii July ee lasoo dhaafay isku dayey in ay Ethiopia galaan oo dhulka Sooma alida ay ka galaan dagaallo ba’an” ayuu markale yiri Cabdiraxmaan Sahal.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in arrimahan oo dhan ay keeneen in bog cusub ay furaaan xu kuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa, si ay uga wa da shaqeeyaan danahooda.

"Saddexda arrin marka la fiiriyo waxa ay keenay aan in Page cusub la furo oo la’iska kaashado arrinta ku saabsan siyaadda iyo faragelinta arrin mar kasta la xiriira Soomaaliya waayey wax ku xiran Ethiopia ma ahan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey aqoonyahay Sahal.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan uu wanaagsan yahay xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, wa xaana ugu muhiimsan oo ay labada dal ay iska kaa shanayaan ammaanka, gaar ahaan dagaalka Al-Sha baab, ayada oo arrintaasna ay heshiis ku kala saxiix deen hay’adaha sirdoonka ee labada dowladood oo maalmo kahor wadahadallo ku yeeshay caasimadda dalka Ethiopia.

Qarax dhimasho iyo dhaawac badan sababay oo ka dhacay magaalada Istanbul

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, 53 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ruxay waddada Isti klal Avenue ee degmada taariikhiga ah ee Beyoglu ee magaalada Istanbul, sida uu xaqiijiyey barasaab ka magaalada Ali Yerlikaya. Qaraxa ayaa dhacay abaare 16:20 pm, sida uu sheegay Yerli kaya.

"Booliskeena, caafimaadka, dab damiska iyo koox aha gurmadka deg degga ah ayaa loo diray goobta. Waxaa jira dhimasho iyo dhaa wac. Wixii kus oo kor Booliska ayaa xiray waddada Istiklal sababo la xiriira suurta-galnimada qarax labaad, sida ay ku war antay warbaahinta Turkey.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa muujinayey meydad iyo dhaawacyo dhulka yaalla, oo uu ku jiro canug yar. Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay qaraxa.

Dhinaca kale, hay’adda sharci-dejinta warbaahin ta Turkey ee TRUK ayaa manuucday in la baahiyo sawirrada qaraxa ama la bixiyo warbixin ku saabsan marka laga reebo bayaanada dowladda.Bayaan kasoo baxay xafiiska dacwad-oogaha guud ee magaalada Istanbul ayaa lagu sheegay inuu bill aabay baaritaan lagu sameyna yo dhacdadan. Madaxweyne Recep Tayyip Erd ogan ayaa cam baareeyey qaraxan "aadka u xun,” wuxuuna sheegay in lagu dilay 6 qof, islamark aana 53 kale lagu dhaa wacay.

"Si dhab ah uma dhihi karno waa weerar arga gix iso, balse waxaa jira astaamo muujinaya, inta aan ogahay. Waxaa jirta haweeney ku lug laheyd dhacda dan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

"Hay’adaha ku shaqada leh ee dalkeena ayaa ku howlan inay helaan kuwa ka dambeeyey qara xan aadka u xun.”

Muslimiinta Mareykanka oo loo ogolaaday dhul ay ku aasan karaan meydadka

Muslimiinta ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa muddo dheer kaddib loo oggol aaday dhul ay ku aastaan meydadka, iya doo markii hore ay dhibaato ka taagneyd arri ntaas.

Dadka doonaya inay aastaan meydadka ayaa markii hore la ga qaadi jiray kharash aad u ba dan, mana jirin goobo u cayi man Muslimiinta gob olkaas.

Haddaba caqabadaha arrintan ka heystay Muslimiinta Minnesota iyo sida ay haatan ugu suurto gashay in loo oggolaado qabuuro iyaga u gaar ah ayaa waxaanu ka wareysannay Maxamed Aadan oo ah Agaasimaha Qabuuraha Muslimmitu yeelan doonaan, Siyaad Siciid Saalax ayuuna u warramay.

Laba Diyaaradood Oo Ka Qeyb Qaatay Dagaal kii 2-Aad Ee Adduunka Oo Burburay

Laba diyaaradood oo ka qeybqaatay dagaalkii lab aad ee adduunka ayaa ku burburay dalka Mar eykanka xilli ay socotay bandhig dhanka hawada ah.

Labadan diyaaradood ayaa isku dhacay xilli ay dul marayeen ha wada gobolka Texas, waxaana ku dhintay ugu yaraan labo qof.

Muuqaal la baahiyay ayaa muuji nayay labada di yaaradood oo joog hoose ku duul ayay ka hor inta aysan burburin.

Mid kamid diyaaradda oo aheyd nooca Boeing B-17-waxay qeyb ka ahaayeen bandhiga dhanka ah ha wada oo ka socday meel u dhaw Dallas.

Ilaa iyo hadda ma kala cadda tirada dadka ee ku dhimatay shilkaas.

Dalka Mozambique oo bilaabay in markii ugu horreysay in uu gaaska dabiiciga ah ee dareeraha u dhoofineysaa Yurub

Dalka Mozambique ayaa bilaabay in markii ugu horreysay uu gaaska dabiiciga ah ee dareeraha u dhoofineysaa Yurub, mada xweynaha dalkaas Felipe Nyusi ayaa ku timaamay tal laabo taariikhi ah.

Waxaa gaaskan oo saartay warshad ay maamusho shirkad laga leeyahay Ta lyaaniga oo lagu magacaabo Eni balse shirkadda weyn ee shidaalka ee British BP ayaa ku guuley stay xuquuqda iibsiga gaaskan.

Gaaskan ayaa waxaa lagu qaaday Markab xa muulka qaada oo laga leeyahay Britain kaasoo ku wajahan Yurub balse lama ogo halka si rasmi ah loo geynayo. Mozambique ayaa ku rajo weyn inay kamid noqoto dalalka adduunka ugu horreeyo dhoofinta gaaska dabiiciga ah kadib shidaal laga helay gobolka Cabo Delgabo sanadkii 2010-kii.

Aqriso: Ethiopia iyo TPLF oo gaaray heshiis cusub oo dhaqan-galaya Talaadada

Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigreega ayaa kala saxiixday heshiis dejinaya qorshaha hir-gelinta heshiiskii nabade ed ee labada dhinac ay bishaan ku gaareen wad danka Koonfur Afrika.

Wakiillo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Jab hadda TPLF ayaa tan iyo Isniintii ku shirsanaa ma gaalada Nairobi, si ay heshiis uga gaaraan dhin acyo kala duwan oo la xiriira dhaqan-gelinta heshi iskii nabadeed ee lagu saxiixay magaalada Pre toria.

Ku dhawaaqidda heshiiskan cusub ayaa la fil ayaa inay sare u qaaddo dadaalada ay wadaan dhex-dhexaadiyeyaasha Midowga Afrika ee lagu xalinayo colaadda labada sano ka socotay Itoobiya, taasi oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ku barakiciyeen.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa heshiis ka gaaray hub ka dhigista da gaal-yahanada TPLF iyo soo gelitaanka cii damada Itoobiya ee magaalada Mekele ee xar unta gobolka Tigreega, sida lagu sheegay warsa xaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ah ee Itoobiya heshiiskan kadib.

Hub ka-dhigistu waxay bilaaban doontaa maalinta Talaadada ah ee 15-ka November, sida lagu sheegay bayaankan, oo nuqul ka mid ah ay aragtay Reuters.

Falan-qeeyeyaasha ayaa sheegaya in doorka Eritrea oo aan ka qeyb galin wada-hadaladan uu yahay mid weli walaac ka jiro. Ciidamada Eritrea ayaa dagaalka kala qeybgalay kuwa Itoobiya.

Iyadoo aan si gaar ah loo magacaabin cid ka tirs an ciidamada shisheeye, ayaa bayaanka la sax iixay Sabtidii lagu sheegay in "hubka ka dhigista hubka culus ay dhici doonto marka laga saaro ciid amada shisheeye iyo kuwa aan militariga Itoobiya ahayn ee ku sugan gobolka.”

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Mesk el ayaan markiiba ka jawaabin inuu ka hadlo arrintan.

General Tadesse Werede oo ka mid ah wakii llada TPLF ayaa sheegay in ku dhawaaqista fulinta heshiiskan ay rajo galisay inay soo afjari doonto dhibaatada heysata shacabka Tigrayga.

Japan oo ku yaboohday 14 milyan oo Yuuro si ay Soomaaliya ugu dhoofiso badarka Ukraine

Dowladda Japan ayaa sheegtay ilaa 14 milyan oo Yuuro ay ugu talagashay gargaar deg deg ah oo loogu talagalay dhoofinta badarka laga keeno dalka Ukrain ee loo dhoofinayo Sooma aliya, si loo yareeyo cunno yarida ka jirta Soomaaliya. Safaaradda Japan ee Ukraine ayaa qoraal ay soo dhigtay Facebook ku sheegtay in kaalmadan ay soo marsiin doonto hay'adda Qaramada Mido obay u qaabilsan cunnada ee WFP, taasoo mas 'uul ka noqon doonta qaybinta raashinka

Bishii Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa ku dhawaaqday in 50,000 oo tan oo hadhuudh ah ay u soo daabulayso Itoobiya iyo Soomaaliya.

"Japan, oo xiriir dhow la leh wadamada isku fikirka ah, waxay sii wadi doontaa inay taageerto wadamada ka walaacsan dhibaatooyinka cuntada ee sii xumaanaya ee ah kor u kaca qiimaha cunta da, sida sarreenka, "ayaa lagu yidhi war kasoo ba xay safaaradda Japan ee Ukraine.

Japan waxay sidoo kale sheegtay inay Sooma aliya ka taageerayso hawlaha la dagaallanka ar gagixisada, iyo sidoo kale hagaajinta xaaladaha bani'aadamnimada

HUBAAL LA'AANTA WALI KU GEDAAM AN SOO CELINTA ASKARTA SOOMAA ALIDA EE KU SUGAN ERITREA

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo la hadlaya ciidamadaas. Wali waxaa jirta hubaal la'aan ku aa dan xilliga ay soo noqonayaan dhallinyarada Soo maalida ee tababarka loogu qaaday Eritrea iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagay da lkaasi isbuucan markii laba ad muddo lix bilood gu dhaood.

Ciidammadaasi ayaa muddo bilooyin ah tababar u joogay dalkaasi Eritrea

Bishii Julaay horraanteedii ayay ahayd markii saf arkiisii ugu horreeyey uu madaxweyne Xasan She ekh ku tegay dalkaas, iyada oo xilligaas markii u gu horreysay meel fagaare ah lagu arkay ciidan ay halkaa u dirsatay dawladda Soomaaliya si loogu tababaro.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas, dowladda Ereteriya uga cods aday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tabab aro qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereter iya uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha cii danka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey bogga Villa Soomaaliya.

Dalka Ereteriya ayaa muddooyinkii u dambeey ey aad looga hadal hayey fagaarayaasha siyaas adda ee Soomaaliya.

Ciidamadan oo ay dalkaas u dirtay xukuumad dii ka horraysay tan Xasan Shiikh ee uu hoggaa minayey Madaxweyne Framaajo, ayaaa marar ba dan waxaa warbaahinta laga arkayey hooyooyin cabanaya oo sheegay in ubadkoodii aanay wax war ka maqlin, ayna ugu war danbeysay markii dal kaas loo qaaday.

Ciidamadaas ayaa dhanka kale ay soo baxay een warar sheegayey in ay qayb ka noqdeen dag aalkii Waqooyiga Itoobbiya ee gobolka Tigray, ink astoo dowladda Soomalaiya ay beenisay arrin taasi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday ciid amada Eretriya jooga

XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOMALIA

Waxyaabaha uu ballan-qaaday madaxweyne Xasan Sheekh intii aan la dooran waxaa ku jira arr inta dhallinyarada la sheegay in tababar ciidan loo geeyay dalka Eritrea iyo inuu si deg deg ah u soo celin doono.

Dowladdii hore wuxuu ku dhaliilay qaabka ay u maamushay kiiska dhallinyaradaas.

Hase yeeshee, wuxuu ballan-qaaday in arrinta dhallinyaradaas ay noqon doonto howlaha muh iimadda koowaad u leh maalinta uu xafiiska tago.

Waxaan ilaa iyo hadda kala caddeyn askarta la tababaray, nooca loo tababaray iyo qeybaha ay ku biiri doonaan.

Maxay ka dhigan tahay in Madaxweyne Xasan Shiikh laba jeer ku noqdo dalkaas?

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa u arka sababta ugu weyn ee Madaxweyne ugu noqonayo dalkaas in ay ciidanka halkaas jooga.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaal iya, Danjire Axmed Ciise Cawad oo falanqaynayey ayaa BBC-da u sheegay in ciidankaasi yihiin masuuliyadda madaxweynaha, ayna shaqadiisa tahay ka warhayntoodu."Ciidamadaas Soomaalida ee meesha Erete riya joogta masuuliyadoodu madaxweynaha ayay saaran tahay. Shan kun oo ciidan ah ayaa halkaas tababar u jooga ayaa laynoo sheegay , kolkaas mad axweynaha iyo ma suul kasta oo soomaaliyeed waxaa ka saaran mas uuliyad," ayuu Cawed u sheegay BBC-da.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta ciidanka tababarka loo geeyay dalka Eritrea markii uu xilka ku wareejinayay Xa san Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sheegay in ciidankaas oo tiradooda ay gaarayso 5,000 oo askari ay isugu jiraan qeybaha ciidanka. Wuxuu xusay in ay tababarka dhameys teen bartamihii sanadkii 2021.

"Iyadoo la rabay in la keeno dib baan u dhig nay sababtoo ah xaaladda siyaasadeed iyo door ashada aan ku jirnay in ay isa saameyso," ayuu yii Farmaajo.

Maxay ka yidhaahdeen waalidiintii dhalay ubadkaas?

Waalidiinta dhalinyaradaas ayaa muddo codsa nayay in dalka lagu soo celiyo wiilashooda. Wax aa kamid ah Sacdiyo Mowliid Cabdi oo wiilkeeda uu kamid yahay askarta lagu tababaray Eritrea.

Waxay BBC-da u sheegtay in wiilkeedu ka maqan yahay ku dhawaad saddex sano, markii uu teg ayayna loo sheegay in loo qaadayo dalka Qatar.

"Waxaan ka codsanaynaa madaxweynaha in ilmaheenna noo keeno oo aan aragno ayagoo nab ad qaba" ayay u sheegtay BBC-da Sacdiyo.

Waxay ka dalbatay madaxweynaha inuu cadde eyo goorta ay dhallinyaradaasi dalka dib ugu soo noqonayaan

Wererka waalidiinta ee ubadkas ayaa soo bila abmay tan iyo markii uu soo baxay warar la baa hiyey oo sheegayey in ciidamadaasi dagaallo gal een.Waxaase xaalku isbeddelay booqoashadii Ma daxweyne Xasan Sheekh oo qaar ka mid ah uba dkaasi ay la soo xidhiidheen waalidkood.

Inkasta oo aanay weli caddayn goorta lagu soo celin doono Soomaaliya.XIGASHO:BBC

KHERSON: MAXAA KA SOCDA GUDA HA MAGAALADA LAGALA WAREEGAY RUUSHKA?

Nin ayaa turumbeeto ku garaacayay heesta calanka Ukraine isagoo taagan meel bannaanka ka ah xafiisyada dawladda ee Kherson

XIGASHADA SAWIRKA,KATHY LONG/BBC

Jimcihii, ciidamada Ukraine ayaa galay Kherson markii ugu horeysay tan iyo markii Ruushka uu qabsassaday magaalada Kherson bishii Maarso.

Moscow waxay - wax ka badan bil ka hor - ku dha waaqday inay tahay caasimadda maamulka Ruu shka ee gobolka Kherson, ka dib markii si sharci darro ah loogu daray afar gobol bishii Seb tembar.

Waqtigaas, Ruushku wuxuu sheegay in ku dha waad ​​dhammaan dadka deegaanka ay taag eereen tallaabada.

Laakin, markii hadda ay ciidamada ka baxaeen magaalada koonfureed ee la xoreeyay, BBC-du waxay la kulantay bulsho ay neefta ka soo baxday ka dib bilo argagax ku hayeen ciidamada qabs aday, iyagoo hadda ku faanaya inay mar kale si cabsi la’aan ah ay u lulayaan calankooda Ukraine.

Nin ayaa turumbeeto ku garaacayay heesta cala nka Ukraine isagoo taagan meel bannaanka ka ah xafiisyada dawladda ee Kherson. Shakhsiyaad iyo kooxo ayaa ku biiray qaadidda heesta calanka.

Dad badan baa ku ooyay halkaas. Calanka Ukr aine ayaa meel walba yaal, oo xitaa baabuurta ka babanaya, wejiyada dadkana lagu xardhay. Xataa eeydu calammo yaryar oo lagu dhejiyay qoort ooda.

Nin da’ dhexaad ah oo la yiraahdo Yuri ayaa ka sheekeeyay sida uu 200 oo maalmood ugu qaatay gurigiisa, isaga oo ka ilaalinaya Ruushka.

Tatiana

XIGASHADA SAWIRKA,KATHY LONG/BBC

Haweeneey ganacsato ah oo lagu magacaabo Tatiana ayaa sheegtay in Axaddan aanay Ruushku joogin ay tahay Axadda ugu wanaagsan ee soo marta.

Laakin markaas ayay la soo baxday teleefankee da waxayna soo bandhigtay sawirada wiilkeeda oo 20 jir ah ka dib markii uu Ruushka qafaasheen oo ay garaacayeen muddo sagaal maalmood ah. Markii laga soo saaray cisbitaalka, waxa u suur tagashay in uu baxsado oo uu ka tago Ukraine. Tatiana ayaa sheegay in ay gubeen dham maan dukumeentiyadiisa ayna tirtireen dhammaan sawir radiisii.

Dareenka ugu weyn ee halkan ayaa u muuqda inuu yahay waddaniyad iyo nafis ay dareemayaan dadka - iyo sidoo kale taxaddar iyo xoogaa cabsi ah oo ku saabsan waxa soo socda.

Dareenka ugu weyn ee halkan ayaa u muuqda inuu yahay waddaniyad iyo nafis ay dareemayaan dadka

XIGASHADA SAWIRKA,KATHY LONG/BBC

Dadka reer Kherson waxay aad ugu dhawaayeen millatariga Ruushka muddo aad u dheer si ay naftooda uga badbaadiyaan dhibaatooyinka kaga imanaya Ruushka.

Marba marka ka dambeysa, waxaa magaalada cirifka ka soo galaya qaraxyo fog. Qaarkood waa duqeyn. Inta soo hartay waxay noqon kartaa dhawaqa ka imanaya miinooyinka ay injineerada Ukraine ee uu Ruushku ka tagay.

..XIGASHO:-BBC


QALAB MILITARI OO UU TURKIGA MUD DO KA CODSANAYAY MAREYKAN KA OO UU HADDA SAMEYSTAY?


Turkish Air Force F-16

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Shirkadda di faaca Turkiga ee Aselsan ayaa daaha ka rogtay raadaar casri ah oo elektaronic ay gudaha dalka ku sameysatay.

Raadaarka ayaa dib loogu habeyn doonaa diyaarada ha dagaalka ee F-16 ee ciidamada cirka Turkiga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Akinci, sida laga soo xi gtay madaxa warshadaha difaaca Ismail Demir. Diyaarada mustaqbalka ee Turkish Fighter Expe rimental ee diyaaradaha ayaa sidoo kale lagu qal abayn doonaa raadar-ka.

"Tani waxay ka dhigan tahay koror xoog leh. Waxaan rajeynayaa inaan kordhin doona waxt arka awoodda hawada ee Turkiga ee dagaalka cir ka iyo dhulka," sida lagu daabacay The Difenec Post oo soo xigatay Savunma Sanayi oo isna soo xigtay Ismail Demir.

Casriyeynta waxaa ka mid ah qaab dhismeed ka diyaaradda - kordhinta saacadaha duulimaadk eeda oo markii hore ahayd 8,000 oo saacadood balse hadda laga dhigay ilaa 12,000 saacadood. Bishii Oktoobar ee sannadkii 2021, Turkigu wuxuu Mareykanka ka codsaday inuu u oggolaado iibinta 40 diyaaradaha Lockheed Martin F-16 iyo ku dhawaad ​​80 xirmooyinka waxka beddelka ee diyaaradahooda dagaalka. Si kastaba ha noqotee, isabadlkii Mareykanka ee sanadkii la soo dhaafay ayaa niyad jabisay Ankara.

Calamada Mareykanka iyo Turkiga

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Golaha Wakiillada ee Mareyk anka ayaa bishii Luuliyo me el mariyay hindise sharciy eed sii adkaynaya qorshaha uu Madaxweyne Joe Biden ku doonayo in uu diyaaradaha dagaalka ee noocoodu yahay F-016 uga iibiyo Turkiga. Xildhi baannada Congr ess-ka ayaa isbaddal ku sameeyay Xeerka Difa aca Qaranka, si aysan diyaaraddaas si fudud gacanta ugu galin Erdogan.

Frank Pallone iyo Chris Pappas oo ka tirsan xisb iga Dimuqraaddiga ayaa mooshinkan horgee yay aqalka, waxaana lagu ansixiyay aqlabiyad dhan 244 cod, halka 179 cod looga soo horje estay.

Shuruudo cusub ayaa lagu xiray Madaxweyn aha Mareykanka haddii uu tallaabo u qaadayo in uu diyaaraddaas ka iibiyo Turkiga.

Afhayeenka Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa dhawaan ku dhawaaqay in meel wanaagsan ay mareyso in uu Maraykanku u fasaxo in diyaarad aha dagaalka ee F-16 uu ka iibiyo Turkiga lagana yaabo in la dhamaystiro bilaha soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, Turkigu waxa uu u muuqd aa in uu isagu iska xilsaaray in uu casriyeeyo diy aaradihiisa F-16 oo wata raadaar gudaha laga sameeyay.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyada qaarkood, horumarinta iyo isku-dhafka radar-ka AESA ee F-16 waa mid ka mid ah barnaamijka casriyeynta ee Turkigu sameeyay.

Baahida uu Turkiga u qabo in la cusboon aysiiyo diyaaradaha dagaalka ee F-16 ayaa noq onaysa mid aad muhiim u ah sababtoo ah awo odda sii kordheysa ee Ciidanka Cirka ee Girriiga oo helay diyaarado dagaal oo horumarsan.

Turkiga ayaa weli waxaa haysata xiisadda ka taagan badda Aegean ee Giriiga, iyada oo ay suu rtagal tahay in qulqulatooyin ay dhacaan aan wal igood meesha laga saarin.

Isagoo ka hadlayay bandhigga CNN Türk, tafati raha militariga iyo falanqeeye Özay Şendir ayaa qiray in Giriiga uu faa'iido weyn ka helayo diyaara diisa dagaalka ee cusub.

Guud ahaan, raadaarada AESA waxay same eyaan faa'iidooyin la taaban karo oo lagu ogaan karo xawaaraha bartilmaameedka, baaxadda hanj abaadaha iyo khatarta suurtagalka ah ee kuugu soo wajahan. Raadarada AESA waxaa horay u soo saaray dalal faro ku tiris ah, hadda, Turkigu wuxuu ku biir ay dalkaasi naadirka.

Xisbiga Dimuqraadiga oo difaacday aqlabiyad da Aqalka Sare ee Senate-ka

Xisbiga Madaxweynaha Mareykanka ee Dimu qraadiga ayaa sii haysan doona maamulka Aqalka Sare ee Senate-ka, ka dib doorshada xilliga dhe xe oo ay ka soo baxday natiijo meesha ka saar tay saadaa shii aheyd in xisbiga Jamhuurigu uu la wareegi doono labada aqal ee kongare eska.

Doorashooyinka xilliga dhexe ayaa caadiyan waxa ay yihiin ku wa ay dharaaxo kasoo gaarto xi sbiga talada haya, iyadoo sicir bararka iyo shacbiy adda Biden oo hooseysay ay keentay in Jamhuur igu ay raja badan ka muujiyaan mowjad gaduudan ama cas oo ay kula wareegi doonaan aqalka sena te-ka iyo kan golaha wakiillada.

Laakin warbaahinta Mareykanka ayaa Sabtidii wariyay in tartankii Senate-ka ee ka dhacay gob olka Nevada ay dib kursigaasi ugu guuleysatay Catherine Cortez Masto, taasi oo xisbiga Dim uqraadiga siine ysa 50 xubnood oo ka mid ah 100-ka Senator ee Aqalka Sare.

Guusha Masto ayaa dimuqraadiyiinta u oggo laan eysa in ay maamulaan Golaha Senate-ka maadaama madaxweyne ku xigeenka Kamala Har ris ay dhiiban karto codka kala saarka ah, haddii aqalka sare uu si sman oo 50 iyo 50 ah u qeybsamo.

Jamhuuriyiinta ayaa hadda haysta 49 xubnood oo ka tirsan 100-ka xubnood ee Aqalka Senate-ka.

Hal kursi oo aqalka Senate-ka ah ayaa wali dhim man, iyadoo doorasho kala reebto ah bisha Dec ember lixdeeda ay ka dhacayso gobolka Georgia halkaasi oo ay suurtagal tahay in Dimuqraadiguna ay sii xoo jistaan aqlabiyadooda.AFP




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip