HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEBAR EE MAANTA OO AH SABTI 12-KA NOVEMBAR 2022-KA

0
Saturday November 12, 2022 - 08:58:55 in Wararka by
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEBAR EE MAANTA OO AH SABTI 12-KA NOVEMBAR 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Xasan Sheekh Iyo Afwerki Oo Kormeeray Ciidamada Soomaalida Ee Lagu Tababaray Eritrea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Mad axweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa Dorraad kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanaya an Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safa rkiisii hore ee bishii Luuliyo ee san adkan uu ku tagay dalkaas, dowladda Ereteriya uga cod saday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha ciidanka Soomaal iyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan dufcada koowaad ee ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Cirka ayaa warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka, ku waas oo la wadaagay Madaxweynaha in ay diyaar u yih iin kaalintooda ku aaddan dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada tababarka ku jira uga warbixiyay xaaladda dalka iyo guulaha dhammeystirka u baahan ee ay soo hooyeen ciidanka Xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay adkeysiga ay muujiyeen inta uu tababar ku u socday, isaga oo intaas raaciyay in shacabka Soo maaliyeed ay ka sugayaan in ay ka dulqaadaan argagixi sada qatarta ku ah nolosha iyo horumarka.

Md.xasan shaekh iyo afwerki oo kormeeray ciida mada soomaalida ee lagu tababaray eritria xasan sh. & afwerki oo kormeeray ciidamada soomaalida ee lagu ta babaray eritreaxasan sheekh iyo afwerki oo kormeeray ciidamada soomaalida ee lagu tababaray eritrea

Taliyayaasha Sirdoonada Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Heshiis Kala Saxiixday.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugid da Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Ethiopia (NISS) Mudane Temesgen Tiruneh Dinku ayaa Dorraad heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS, ay yeeshaan wada shaqeyn ku qotonta is dhaafsiga xogaha muhiimka ah iyo xoojinta dagaalka wada jirka ah ee lagu hayo kooxaha Argagixisada.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa tilma amay in heshiiskan uu yahay mid macno u leh labada dal ee dariska ah iyo sidoo kale ammaanka bariga Afri ka. Labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Ethiopia oo dar eensan muhiimadda ay labada wadan u leedahay cirib tirka kooxaha Argagixisada ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay in ay horseed u noqdaan in Argagixisada laga sifeeyo Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Md. Abiy Ahmed ayaa horay kulan ay ugu yeesheen magaalada Addis Ababa isku raacay xoojinta iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la daga alanka Aragagixisada.

taliyayaasha sirdoonada soomaaliya iyo itoobiya oo heshiis kala saxiixday.taliyayaasha sirdoonada soomaal iya iyo itoobiya oo heshiis kala saxiixday.

Xasan Sheekh oo kala diray Golaha Dhaqaalaha Qaranka, magacaabayna mid cusub

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dorraad qaaday tall aabo culus, isaga oo isbedal ku sameeyey dhismaha Go laha Dhaqaalaha Qaranka, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka koobnaa 5 xubnood oo Soomaali ah & 4 xubnood oo ajaaniib ah, isagoo magacaabay kuwa cusub.

Halkan hoose ka aqriso:-

Muqdisho, Nofeembar 10, 2022: Madaxweynaha Ja mhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dib markuu tixgaliyey baa hida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka si loo waafajiyo arrimaha mudn aanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madax weyne LR.62.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha J.F.S, halka Ra’iisul Wasaaruhu na yahay Guddoomiye ku xigeen, oo ka koobnaa sadd ex heer, ayaa waxaa lagu soo koobay laba heer:

1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin waxaa xubno ka ah:

Madaxweynaha J.F.S, Ra’iisul Wasaaraha, Guddi-hoo saadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiya ha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka marka loo baahdo go’aan ka gaarista qodobbo saamaynaya.

2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo kooban 9 xu bnod oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xu lay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha.

Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasi me guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Mada xweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maam ulka heerkaan ee Golaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo ka le Xeer Madaxweyne LR.62 ku kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee isugu jiray 5 xub nood oo Soomaali ah iyo 4 xubnood oo aan Soomaali ahayn,

Waxaa uu Madaxwaynuhu u magacaabay mudana yaasha iyo marwooyinka magacyadoodu hoos ku xusan xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee heerka la-talinta iyo xoghaynta:

1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Mad axweynaha, ahna Agaasimaha Guud

2. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin

3. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin,

4. Adam Xuseen Rooble, Xubin

5. Nimco Maxamuud Sakal, Xubin

6. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin

7. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin

8. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin

9. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhaq aalaha dalka iyo sare u qaadida nolosha muwaaddini inta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday Kuliyadda la gu tababaro Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soom aaliya, mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira boo qashada rasmiga ah ee dalka Djibouti uu ku joogo, ayaa Dorraad booqday Kuliyadda Tababarka booliiska ee Idi ris Faarax Habane ee Djibouti ay ku tababarto ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Md. Xamse Cabdi Barre oo xarunta tabab arka ugu tegay ciidan iyo saraakiil Booliis ah oo tababar ku qaadaya na iyo macallimiinta tab arka siinaya, ayaa saraakiisha iyo cii danka tababarka qaadanaya kula dar daarmay inay ka faa’iideystaan fur saddaan dahabiga ah, ayna tababarka si wanaagsan u qaataan si cilmiga ay bartaan ay ugu isticmaalaan sugis ta amiga dalke enna.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Djibouti uga mahad celiyay tababarrada joogtada ah ee ay ciidama deenna booliiska siiyaan, kuwaasi oo qeyb ka ah dada allada ay Djibouti uga qeyb qaadaneyso xasillinta dalka iyo sare u qaadidda bed-qabka mawaadiniinta Sooma aliyeed.

Djibouti oo dib-u-yagleelidda dowladnimadeenna udub dhexaad u aheyd, taageera dhinca waliba ahna la garab taagan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, ciidamado hiil walaalna ay ka joogaan dalka ayaa qeyb ka ah dalalka sida joogtada ah ciidamada ugu tababara dalkeenna Soomaaliya.

Duqa Caasimadda Rwanda Oo Ballan-Qaad U Same eyay Duqa Magaalada Muqdisho

Duqa Caasimadda Kigaali Mr Pudence ayaa xafiiski isa ku soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho oo gaaray dalkaas Rwanda.

Wafdigaan oo isugu jiray Agaasimay aal iyo la-taliyaal farsamo ayaa maal maahaan u joogay Caasimadda Rwa nda ee Kigaali safar shaqo oo aqoon kororsi iyo isdhaafsi la xiriiro hawlaha horumarineed ee Dawladda Hoose ee Kigaali.

Duqa Caasimadda Kigaali ayaa wafdiga la wadaag ay darenkiisa ku aadan in uu aad ugu faraxsanahay la kulanka wafdiga Muqdisho, isagoo balan qaaday in Kig aali ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula shaqeeyso dhige eda Caasimadda Muqdisho dhinacyada Horumarinta guud.

Dhinaca kale wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah waaxaha Dawladda Hoose ee Kigaali sida qaybaha kala ah Nadaafadda magaalada, Maamulka darjiinooyinka dadweynaha, biyomareenada, Maamulka Shaqaalaha, Qorshaynta iyo dajinta miisa aniyadaha.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in uu Guddiga la kulmo qaybo farabadan oo ka mid ah Dawladda Hoose ee Kigaali.

Wasiir Cawad oo ka hadlay sababta hortaagan soo celinta askarta ku maqan ERITREA

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud ayaa maalintii labaad ku sugan dalka Eritrea, oo uu ku tegay booqashadii labaad ee kadib dib u doo rashadiisa.

Madaxweynaha ayaa inta aan la dooran iyo markii la doortay kadibba ballan-qaaday inuu dib usoo celin doono kumanaan askar Soomaaliyeed ah oo dalkaas tababar u jo oga, hase yeeshee booqashadii hore ee bishii July uu ku tegay Eritrea ma suurtogelin in laga dhabbeeyo bal lan-qaadkaas.

Haddaba maxay ka dhigan tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo bilo gudahood ah laba goor sa far ku tago Eritrea, maxaase hortagaan in la soo celiyo ciidankaas? Su’aalahaas ayaa waxaa ka jawaabay was iirkii ee arrimaha aha dibedda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyey BBC.

"Ciidamadu muddo tababar ay ku jireen, muddadii kalena waxay sugayeen in lasoo celiyo. Waa ayadii Soo maaliya ay martay doorasho, doorashadaas iyana wa xay dib u dhigtay ciidankaas soo noqodkooda. Waxaa sidoo kale jiray colaad ka jirta dalka Itoobiya, oo Eritrea ay qeyb ka tahay, marka waxaas oo dhan oo la isku gee yey ayaa sabab u ah daahidda,” ayuu yiri Cawad.

Wasiir Cawad ayaa sidoo kale sheegay in madaxwe yne Xasan Sheekh ay mas’uuliyad ka saaran tahay cii damadaas, islamarkaana laba ama saddex mar ama ka badan hadduu isaga daba laabto Eritrea, ay ka mid tahay mas’uuliyaddiisa.

Cawad ayaa sidoo kale la weydiiyey haddii soo celin la’aanta ciidankaas ay lug ku leedahay xiriirkii saaxiibni mo ee ka dhaxeeyey Farmaajo, Afwerki iyo Abiy Ahm ed.

"Adduunkan iyo madaxda qaarkood wax kasta waa ka suurtoobaan, waa suurtagal, balse waxaan u maleyn ayaa marka aan eego xiriirka dowladaha, ciidamadaas oo ah ciidamo Soomaaliyeed ma ahan mid la siyaasad eyn karo, oo madaxdeena kuwa hadda jooga iyo kuwa horeba ay intaas ka weyn yihiin, Eritrean-kuna aysan haysan karin ciidamo Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya ay aa sidoo kale sheegay inay jiraan warar sheegaya in Eri trean-ka ay doonayaan magdhow iyo lacag, balse uusan ka warhayn meel qandaraas lagula galay, oo aanu xaqi ijin karin wararkaas.

"Waxaan u maleynayaa duruufo jira daraadeed ayaa mas’uul ka ah dib u dhacaas,” ayuu yiri.

Cawad ayaa sheegay in socdaalka madaxweynaha uu si la mid ah kii hore uu farxad iyo rajo gelin doono wa alidiinta wiilashaas iyo guud ahaan shacabka Soom aaliyeed ee ku rajo weyn ciidan xoogg leh oo ka qeyb-gala dagaaalka Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya Oo Jarmalka Kala Hadashay Taageerida Howlgalada Ka Socda Dalka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xuku um adda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxa med Nuur Jaamac oo magaalada Muqdisho kulan kula qaat ay safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya ayaa ka la hadlay Taakuleeynta Ciidanka XDS, gaar ahaan dhin aca howgalada socda.

WasiirCabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa uga mahadceliyay Dowlad da Jarmalka kaalinta ay ka qaadato doork ooda ku aadan taageeridda ay siiyan Cii danka Xoogga dalka, ee ku saleysan dhinacyo kala du wan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaan dhi gga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Jaamac oo la kulmay Danjire Gn Rtd Thomas Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada ha dleen Qorshaha la dagaallanka Al-shabaab iyo sidii Do wladda Kenya ay ugala shaqeen laheed Ciidamada Xoo gga dalka.

Dowladda kamid ah dowladdaha ay Ciidanka ka joo gaan gudaha dalka, waxaana Kenya ay Ciidankeeda ku sugan dalka ay ku howlgalaan magaca howlgalka mid owga Afrika ee ATMIS, iyagoona mararka qaarkood dhi baatooyin u geysta shacabka Gobolka Gedo

Cali Yare oo soo jeediyey in la qabiileeyo amniga Muqdisho

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay la tahay in lagu sugi karo amniga magaalada Muqdisho.

Cali Yare ayaa sheegay in amni darra da Muqdisho uu saldhig u yahay isla xis aabtan la’aanta jirta, maadaama aysan jirin cid si gaar ah masuul uga ah amn iga caasimadda.

Wuxuu tusaale u soo qaatay erayga ah hey’adaha amn iga, kaas oo muujinaya masuuliyad wadareed uu sheeg ay in amniga gobolka Banaadir ay beylah ka dhigtay.

"Sida kaliya ee Xamar nabad loogu heli karo waa in amniga gobolka Banaadir uu helo cid leh masuuliyadiisa oo hadey sugto lagu abaal mariyo, hadii ay ku guul dar eysatana lagu ciqaabo,” ayuu yiri Cali Yare.

Wuxuu soo jeediyey in guddoomiyaha gobolka Ban aadir la hoos geeyo amniga Muqdisho, si loo helo isla xi saabtan, waxana looga bedelo amniga Muqdisho ee masuuliyad wadareedka noqday.

"Aniga waxaan ku magacaabanahay guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, hadana boolis ka, nabad sugidda iyo hey’adaha kale ee amniga cid iga amar qaadata ma jirto, hadii aan shaqo u dirsaneyno waan soo barinaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddo omiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir.

"Xamar waa in qabiilka iska leh uu waardiyeysto, sabab too ah khasaaruhu qabaa’il isku si uguma dhacayo, tan kale amniga magaaladaan waa in la hoos geeyo gobol ka Banaadir, hadda taliyaha booliska ee gobolkaan wux uu hoos tagaa taliyaha guud ee booliska dalka,” ayuu ha dalkiisa ku sii daray Cali Yare.

Nabadoon Xaad oo shaaca ka qaaday in laga shaqe ysto amniga Muqdisho

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye, Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa she egay in amniga magaalada Muqdisho laga shaqeysto ee dadka magaaladaan ku nool aan la sugin amnigooda.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in Muqdisho sidaan ay san amni ku noqa doonin, maadaama uusan masuuli yad gaar ah laheyn oo cid gaar ah aan lagu eedey karin wixii dhaca.

"Magaaladaan Xamar dadka lagu til maamo hey’adaha amniga kama shaqee yaan amni ee waa ka shaqeystaan, sa babtoo ah mudo dheer ayaan ku noolaa magaaladaan, weligeyna tan oo kale ma arkin,” ayuu yiri Xaad.

Guddoomiyaha oo marti ku ahaa dood uu qabtay TV-ga Universal ayaa sheegay in isaga oo la yaqaano uusan aqoonsi la’aan Xamar dhex mari karin, balse ga adiidka iyo dadka qaraxyada fuliya aysan jirin cid celin eysa. "Muqdisho lama helin wadadii saxda aheyd ee ammaankeeda lagu sugi lahaa, waxaana shaki ku jiraa in amni aan loo rabin magaaladaan, sababtoo ah masu uli yadeeda cid leh ma jirto,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dowladda iyo masuuliyiinta ugu sareysa dalka ay fahmi karaan sida loo sugi karo amn iga magaaladaan, balse uu la yaaban yahay sababta ka hor taagan in tallaabooyinka haboon ay qaadaan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee ma amulka gobolka Banaadir Cali Yare oo doodaan isna marti ku ahaa ayaa xalka amniga Muqdisho ku tilmaam ay in lagu heli karo in la hoos geeyo beelaha dega iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

La-taliyaha XASAN SHEEKH oo u jawaabay CALI YARE

La-taliyaha Sare ee arrimaha siyaasadda ee mad axweyne Xasan Sheekh ayaa markii u horeysay ka jaw aabay doodii uu soo jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi War dheere (Cali Yare).

Axmed Xirsi ayaa si adag uga hory imid dooddii Cali Yare ee ku saabs aneyd in amniga Muqdisho la qabiil eeyo, islamarkaana awoodda la siiiyo beesha Hawiye.

"Dowlada qorshe ayaa u dagsan sidii ay amniga caa simada iyo dalka oo dhan ku sugi laheyd. Meel ay kaga qoran tahey in (Qabiil) gaar ah la hubeeyo-na majirto. Dabcan waa jiraan dad mucaarad ah oo xilal sare soo hayey, kuna fashilmey amniga caasimada/dalka,” ayuu yiri.

Axmed Xirsi oo doodda Cali Yare kaga jawaabay Qo raal dheer ayaa sidoo kale waxa uu yiri "Ololaha cusub ee la doonaayo in Shacabka Soomaaliyeed laga gado fikirka ah hubeynta (Qabaa’ilo gaar ah) oo xoreyn doona Caasimada! Waxay doonaayaan inay caqabadeeyaan dardar galinta la-dagaalanka cadowga iyo inay iska hork eenaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowlada.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Bismillah-

Hadafka dowlada ee la dagaalanka Khawaarijta mar naba ma’ahan in (Qabaa’ilo) gaar ah la hubeeyo! Waan ka gudubney xiligii aan hubka isku qaadan jirney.

Dowlada Qorshe ayaa u dagsan sidii ay amniga Caas imada iyo Dalka oo dhan ku sugi laheyd. Meel ay kaga qoran tahey in (Qabiil) gaar ah la hubeeyo na majirto.

Dabcan waa jiraan dad mucaarad ah oo xilal sare soo hayey, kuna fashilmey Amniga Caasimada/Dalka. Haatanna ay Lama-filaan waa ku noqotey guulaha mu dada yar ey Dowlada Ku gaartey la dagaalanka arg agixisada.

Waxay la fajaceen istiraajiyada cusub ee uu Mada xweynaha la yimid. Waxay fursad siyaasadeed ka dhex arkeen shacabka oo u nugul Amni.

Taas waxaa daliil u ah, ololaha cusub oo la doonaa yo in Shacabka Soomaaliyeed laga gado fikir ah hubey nta (Qabaa’ilo gaar ah) oo xoreyn doona Caasimada! Waxayna doonaayaan in ay caqabadeeyaan dardar galinta la dagaalanka cadowga iyo in ey Iska horkeen aan Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowlada.

Waxaan heysanaa fursad Qaali ah oo aan Dalka ku xoreyno, waana muqadis in aan ka fogaano waxkasta oo na kala qeybinaayo. Waxaa amaan gaar ah mudan Ciidanka Xooga Dalka iyo Macawsleyda Hiiraan.

Waa in aan ka wada shaqeynaa mideynta macawsl eyda Soomaaliyeed si ay garab u siiyaan Ciidanka Xoo ga Dalka. Fadlan- Hadey talo guracantoo, siyaasadii sibiqdey yaan Qabiil lagu owr kacsan.

Fiqi oo si adag uga jawaabay weerarkii uu Cali Yare ku qaaday ganacsatada

Wasiirka arrimaha gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan uu fagaare ka sheegay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siy aasadda ee maamulka gobolka Ban aadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare).

Cali Yare ayaa maalmihii uu Muqd isho ka socday gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qarax yadii Soobe 2 wuxuu ku goodiyey inay ku banaanbixi doonaan oo xiri doonaan ganacsiyada ca nshuurta siiya kooxda Al-Shabaab."Maalmahaan olole ayaa ku socda ganacsiga Muqdisho, dad wax magarato ah oo masuuli yiin sheeganaya ayaa gadaal ka riixaya ol olahaas, wa xaana lagu beegsanayaa ganacsatadaan d uruufaha ad ag ku soo shaqeysay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa cadeeyey in hadalkii uu Cali Yare fagaar aha Soobe ka sheegay aysan raali ka aheyn dowla ddu, isla markaana ay amaanayaan ganacsatada Soomaali yeed ee xiliyada adag soo shaqeysay. "Wixii qaldamay waa la saxayaa, mar kasta ayey wax qaldamaan, laakiin warkaan fagaaraha lala soo istaagay ee ah ganacsatada waan ku banana-baxaynaa, maahan wax aan raali ka nahay, mana dhici doonto,” ayuu had alkiisa ku sii daray wasiir Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu qabtay Muqdi sho oo xarunta talo soo jeedinta Soomaaliyeed ay ku ab aal-marineysay shirkadda Hormuud.

Madaxweyne Guudlaawe Oo Baaq Deg-Deg Ah Ka soo Saaray Dagaal Ka Socda Sh/ Dhexe

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xus een Guudlaawe ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ee ku diriraya deegaanno hoos yimaada degmada Cadale in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan colaadaas.

Madaxweynaha ayaa xusay in ayaan darro wayn ay tahay in waqtigaan la joogo dad ehel u dhexmaro da gaal sokeeye iyadoo deegaanada Gobolka ay ka soc daan howlgallo guuleystay oo lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa faray Maamulka Go bolka Shab eellaha Dhexe, Maamulka Deg mada Cadale, Ciidam ada amniga qeybah ooda kala duwan, Wa xgaradka iyo Culum a’uudiinka in ay ku baxaan oo ay joojiyaan colaadaas, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah la isugu yimaado gogol nabadeed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay in naxariiistiisa janno uu ka waraabiyo dhamaan dadkii ku dhintay dagaalkaas, inta dhaawacantayna wa xa uu Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo la kulmay Wasiirka Ganacsiga ahna sii haayaha wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Sacuudiga

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dha qanka iyo Dalxiiska Mudane C/laahi Xayir Ducaale iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qaybgalaya Shirka ban dhiga Warbaahinta Carabta ee 22aad oo ka socda mag aalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa la kulmay Was iirka Ganacsiga ahna sii haayaha wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee dalka Sacuudiga Maajid Qasbi, iyadoo wasiirka uu ku bogaadiyay warbaahinta Soomaaliya do orka ay ka qaadanayso soo gudbinta nabada iyo horumarka dalka.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaa radda iyo ku xigeenka Ergada joogtada ah ee Ururka Iskaashiga Isla amka (OIC) Md. Cabdirahiim Cismaan Ci lmi ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda warbaahinta Carbeed ee ka soo qayb gashay shirka, sida Madaxda Warbaahinta Kuwait, Suudaan, Jabuuti, Sacuudiga, Ma daxa Idaacadaha iyo telefashinada Wadamada Islaam ka iyo Shirkadaha Arabsat iyo Es’haisat oo fadhigiisu ya hay dalka Qatar.

Shirkaan ayaa Soomaaliya waxay ku soo bandhigtay do orka Warbaahinta ay ku leedahay isbadalada jira iyo kaalinta Warbaahinta Qaranka iyo Hobalada fanka ee nabad dhiska dalkeena.

Fanaanada Aamina Cabdulle Macow oo ka mid ah fanaaniinta Hobalada Qaranka ee Waabari ayaa ka mid noqotay fanaaniinta carbeed ee sanadkaan loo xushay in lagu abaal mariyo doorkooda faneed.

Xildhibaan Jacfar oo shir jaraa’id ku qabtay Wabxo oo fariin u diray beeshiisa

Maxamed Abuukar Jacfar ayaa Dorraad warbaahinta kula hadlay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Jacfar ayaa dadka deegaanka u she egay inay sii dawi doonaan dagaal ka, isagoo sheegay in dhulka ay de gto beeshiisa Murusade ay Al-Shabaab wada heystaan, markii laga reebo deegaankaan Wabxo.

Xildhibaan Jacfar, guddoomiyaha D/Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale iyo ma suuliyiin ka tirsan HirShabeelle ayaa Dorraad safar dhul ka ah ku tagtay degaanka Wab xo ee G/Galgaduud, hal kaas oo maalmo ka hor laga saa ray Al-Shabaab.

"Halkaan xoolo &xil uma soo doonan ee waxaan rab naa inaan cadowga idinka xoreyno, nimankaan dhulka ay heystaan roob kama da’o markii aan idinka xoreyno ayuu Alle roob idin siinayaa,” ayuu yiri Xildhibaan Jacfar.

Guddoomiyihii hore ee G/Hiiraan Cabdifiraax Afrax, mas uuliyiin iyo saraakiil kale oo reer Hiiraan ah ayaa safark aan ku wehliyey Xildhibaan Jacfar.

Jacfar ayaa Wabxo ka sheegay in reer Hiiraan iyo reer Guriceel ay diyaar u yihiin in beesha Murusade ay dhul keeda kala xoreeyaan kooxda Al-Shabaab.


DF oo ka digtay WEERARO kusoo wajahan SHACAB KA, una soo jeedisay shan qodob

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay uga digtay weeraro ay qorshe ynayaan Al-Shabaab oo lala beegsado goobaha shacabka, waxayna usoo jeedisay shacabka talooyin ka kooban 5 qodob.

Hoos ka aqriso bayaanka

Muqdisho, 11 Nov 2022: Ciidanka Qaranka iyo shaca bka oo is garabsanaya ayaa si xawli ah guulo uga gaar aya dagaalka lagula jiro Khawaarijta argagixisada ah.

Toddobaadkan waxaa Ciidanka Qaranka iyo shacabka ay guuldarooyin waaweyn ku huwiyeen cadowga deg aannadii lagu dagaalamey ee Galmudug iyo HirShabe lle, waxaana la dilay in ka badan 200 oo Khawaarij ah.

Dowladda Soomaaliya waxay bogaadineysaa shacab ka oo markii ay garwaaqsadeen hagardaamada Khawaa rijta, si buuxda u garab istaagey Ciidanka Qaranka, ku na biiray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Khawaarijta oo ku jira xaalad naf la caari ah ayaa waxay weli faraha kula jiraan fal dembiyeedyo ay ka mid yihiin dilka dadka shacabka, burburinta kaabeyaasha si da ceelasha, beeraha, Buundooyinka, Waddooyinka iyo wixii la mid ah.

Dowladda Soomaaliya iyo laamaha amniga qaranka oo gudanaya waajibaadkooda sugidda amniga iyo difa aca shacabka ayaa waxaa ka go’an inay ciqaab kulul marsiiyaan cadowga Khawaarijta.

Dhanka kale dowladda waxay fareysaa shacabka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah si looga hortago dhagarta cadowga. Xogaha sirdoonka ee la socodka dhaqdhaqaaqa Khawaarijta ayaa la kordhiyay, si looga hortago tallaabo kasta oo ay ku doonayaan inay shacab ka ku waxyeeleeyaan.

Tallaabooyinka la doonayo inay shacabku qaadaan iyagoo si dhow ula shaqeynaya laamaha amniga, si loo ga hortago dhagarta iyo fal dembiyeedyada Khawaarijta waxaa ka mid ah:

1- In shacabku muujiyaan feejignaan guud, gaar ah aan inta uu socdo hawlgalka beegsiga Khawaarijtu.

2- Si gaar ah dowladdu waxay milkiilayaasha hotelada, maqaayadaha iyo goobaha kale ee ganacsiga u soo jeedinaysaa in ay muujiyaan taxaddar dheeri ah.

3- Muwaadiniinta waxaa loo soo jeedinayaa in ay si taxadar leh xaaladda ula socdaan, isla markaana yareey aan tagista laga maarmi karo ee goobaha ay khatartu uga imaan karto.

4- Waxaa la xusuusinayaa milkiileyaasha guryaha, hoteelada, garaashyada iyo goobaha kaleba in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda goob ahooda, ciddii aragta ficillo shaki lehna waxaa laga cods anayaa in ay degdeg u soo wargeliyaan laamaha amn iga.

5- Ciidamada amniga waxaa ka go’an inay sii wad aan hawlgallo qorsheysan oo lagu burburinayo Khawaar ijta, sidaas darteedna waxaan ka codsanaynaa shacab ka in ay dulqaad muujiyaan

Axmed Meyre Makaraan” Naf & Maal ayaan ku bixin eeynaa inaan Al-Shabaab ka xoreeyno Gobol keen na”

Iyada oo qeybo badan oo katirsan gobolada dalka ay ka socdaan howlgallo ka dhanka ah Ururka Al-Shab aab ayaa waxaa Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ay qeybo kamid ah gobolkaas ka bilaabeen abaabulka howlgallo looga saarayo Gobolkaas Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed

Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiin kale ayaa abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab sigaar ah uga bilaabay degaanka De gaanka Bakajeex ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halk aas oo lagu diyaariyay ciidamo farabadan oo ka qeyb qaadan doona howlgallada.

Qaar kamid ah horjoogayaasha Ciidamada degaan ka ee u diyaarsan inay howlgallo ka fuliyaan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin kala duwan ka geysteen Gobolka, isla markaana dhankooda u diyaarsan yihiin inay ka qeyb qaataan xoreynta degaanka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in Madaxda Sare ee do wladda iyo kan Gobolka Shabeellaah dhexe ay diyaar u yihiin in lala dagaalamo Al-Shabaab, wuxuuna dadka de gaanka ee hubka qaatay ku booriyay inay laba jibaaraan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay ayaa Ciidama da xoogga dalka iyo dadka degaanka ee hubka qaatay waxaa ay howlgallo ka wadeen degaano katirsan Gobol ka Shabeellaha dhexe, iyaga oo la wareegay degaano ay muddo badan maamulayeen Al-Shabaab

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Dorraad Gaaray Zambia & Kulamo Uu Bilaabayo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Caasimadda Dalka Zambia ee Lusaka oo ay Dorraad uga bilowmayso booqasho qaadan doon ta maalmo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoon ka diyaaradaha magaalada Lusaka ee kenneth kaunda Airport, kusoo dhoweeyay Safaarada Soomaaliya ee Zambia, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Lusakaee caasimadda dal ka Zambia waxa uu kulamo la qaadan doonaa Jaaliy adda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada dalkaasi, Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland iyo saraakiil Madaxtooyo.

Madaxweyne Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Ken ya, isagoona halkaas kulamay inta badan wakiilada Be esha Caalamka ee taageera dowladda Federaalka Soo maaliya

Madaxweynah ayaa wakiilada uu la kulmay kala hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya gaar ahaan Arri maha dhaqaalaha iyo Siyaasadda iyo Iskaashiga Punt land iyo Beesha Caalamka iyo Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha Deegaanka degmooyinka Puntland.

Koofur Galbeed oo xirtay gudoomiye kuxigeenkii amniga gobolka Baay.

Ciidamadda Nabad Sugida maamulka koofur galbe ed ayaa Habeen hore hoygiisa magaalada Baydhabo kala bax ay Gudoomiye Kuxigeenkii hore Dhinaca Amniga ee Gobolka Baay Xasan Aadan Nuur (Ilkac ase).

Ciidamadda oo galay guriga siyaasigan oo ku yaala xaa fadda ADC ayaa ku xiray Madaxtooyadii hore ee Bay dhabo oo hadda ah Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda ee maam ulka Koonfur Galbeed.

Si dhab ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka danbe ysa xariga Ilkacase, war arka qaar ayaase sheegaya in loo heysto olole siyaasadeed oo ka dhan ah mudo kor orsiga madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xa san Maxamed.

Inkastoo mudo xileedka Lafta-Gareen uu ku egyahay 19-ka bisha soo socoto ee December, hadana waxa uu sameystay mudo kororsi hal sano ah, taasoo mas’uuli yiinta Koofur Galbeed uga jira dowladda iyo siyaasiyiin miisaan culus ay diidmo ka muujiyeen, waxaana Muqdi sho iyo Baydhabo ka socda diidmo arrintaasi la xiriirta.

GOODAX BARRE: Waa in la maxkamadeeyo bankiya da akoonadii ay xirtay dowladda

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhowaaqday inay xirtay dhowr akoon oo kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd bankiyada iyo xawaaladaha dalka.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda ay heshay in ka badan 10,000 oo farriimo oo shacabka ka yimid kuwaas oo ku saabsan akoono ay ay adeegsanayeen mintidiinta.

AL-Cadaala ayaa sheegay in dowladda ay bankiy ada iyo shirkadaha xawaaladah ku amartay inay xayira an lacagta ku jirta akoonadaas, inkasta oo uu sheegay inta le’egtahay.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cab dullaahi Goodax Barre ayaa VOA u sheegay in tall aabada lagu xiray akoonada kooxda Al-Shabaab ay ah eyd mid loo qaaday dhanka wanaagsan. Hase yeeshee, wuxuu intaas ku daray, in kuwii Al-Shabaab u fududee yey inay adeegsadaan bankiyada la maxkamadeeyo.

"Shaqaalaha bankiyada waa in lala xisaabtamaa. Iyo sidoo kale kuwa fududeeyey, kuwa magacyadooda loo isticmaalay in lagu furto akoonada waa in sidoo kale dacwad lagu soo ogaa oo ay wajahaan cadaaladda. Ta asi waa inay noqotaa tallaabada xigta,” ayuu yiri Cabdu llaahi Goodax Barre.

"Hase yeeshee, guud ahaan jihada dowladda waa mid sax ah, waxaana u maleynayaa inay tahay tallaabo muhiim ah inay sidaas sameeyeen. Balse uma maleyn ayo inay ku filan tahay inay natiijooyin la taaban karo ku guuleysato,” ayuu ku diray.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa soo jeediyey in dow ladda ay maalgeliso dhismada awoodda hay’adaheeda baaritaanada si ay si wanaagsan ugu raad raacdo qulqulka lacagaha argagixisada.

Madaxweyne Guudlaawe Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir Ku-Xigeen Mid Cusubna Magacaabay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maa mulkaas Hirshabeelle Axmed Saney Max amed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda dhallinyar ada iyo Ciyaaraha Maamulkiisa u magacaa bay Mudane Cabdullaahi Daahir Calasoow, kadib waree gto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Axmed Saney Maxamed oo xilka qaadis lagu samee yay ayaa lagu eedeeyay inuu gudan waayay waajibaad kiisa shaqo ee loo idmaday, taasina ay keentay in Ma daxweynaha Hirshabeelle uu Wasiir ku-xigeen cusub magacaab.

Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista


Wasiir ku xigeenka Awqaafta XFS oo boqolaal ruux kula hadlay Masjidka Arbaca Rukun

Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Saa lax Shariif ayaa manta khudbada la xiriirtay waxyeelada kooxaha argagixisada iyo sida ay uga fog yihiin dha qanka islaamka Ka jeediya Masjidka Arbaca Rukun ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo Dorraad la hadlay boqolal dadw eyne ah oo ka qeybgalay dukashada sala adda jimcaha,ayaa sharaxaad ka bixiyay falalka xun ee ay caadeysteen khawaarijta iyo sida ay uga been sheegeen dhaqanka diinta islamka.

Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sa alax Shariif,waxa uu dalbaday in loo midoobo kooxaha khawaarijta ah,isla markaana naf iyo maalba lagu bixiyo sidii la isaga dulqaadi lahaa kooxaha nabad-diidka ee shacabka u diiday horumarka iyo nabadda.

Al-Shabaab oo billowday ilo dakhli oo cusub kadib markii DF ay ka xirtay kuwo badan

Warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoo bay ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab ha atan ay billowday inay kordhiso ilaha dakhliga uu kasoo galo kadib markii dowladda ay qa aday tallaabooyin lagu xakameyn ayo dakhliga kooxda.

Warbixinta ayaa sheegtay in koo xda ay billowday qaadista canshuuraha guryaha lagu soo rogo iyo dhismayaasha kala duwan, kadib tallaa booyinkii u dambeeyey ee ay qaaday dowladda dhexe oo ku dhowaaqday dagaal dhaqaale.

Khubaro ka tirsan QM ayaa shaaca ka qaaday in ha atan kooxda ay raadineyso dhaqaale fara badan oo ay siiso dagaalyahaneeda oo haatan wajahaya dagaallo culus oo ka socdo dalka.

Warbixintan waxaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab ay sameysteen xarumo cusub oo ka baxsan meelihii soo jireenka ah ee ay ku qaadi jireen lacagaha canshuuraha iyoZakawaatka.

QM ayaa sheegtay in weli Shabaab ay awood u lee dahay in ay lacag u xawisho bangiyada gudaha iyo ku wa dibadda, ayada oo jirto in dowlada Soomaaliya ay xayirtay akoono ay leedahay kooxdu.

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu wareystay hawe eney Soomaaliyeed oo magaceeda la qariyey sababo amni darteed, taas oo sheegtay in Al-Shabaab ay la soo xiriirtay, kana dalbatay inay bixiso lacag dhan $425, taas loogu sheegay canshuurta guri ay ka iibsatay magaalada Muqdisho.

Haweeneyda ayaa intaasi ku dartay in markii hore ta leefan laga soo wacay, kadibna looga yeeray maxka mad Al-Shabaab ay ku leedahay duleedka Muqdisho, sida ay hadalka u dhigtay.

Khuburada soo saaray warbixinta ayaa sidoo kale intaasi ku daray in kooxda ay sidoo kale lacago baad ah ka qaato milkiilayaasha dhismayaasha iyo guryaha laga dhisayo magaalada Muqdisho.

Warbixintan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan Al-Shabaab oo ay horkace yso dowladda dhexe oo kaashaneyso dadka deegaan ka, waxaana sidoo kale barbar socda dagaal kale oodhaqaalaha looga cuuryaaminayo kooxda, sida ay she egtay dowladdu.Xigasho:Caasimadda.Net

Danjiraha Soomaaliya ee Serbia oo Kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia.

Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Serbia Danjire Max amed Cabdullaahi Axmed ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Ra’iisul Wa sa are ku xigeenka ahna Wasiirka Arri maha Dibadda Serbia Mudane Ivica Dačić.

Kulankan Shaqo ayay Danjire Maxamed Cabdull aahi iyo Mudane Ivica kaga wada hadleen xoojinta Xi riirka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya Labada dal, Fur sadaha Ganacsi iyo sida ay Ganacsatada labada dal uga faa’iideysan lahaayeen.

Inta uu kulanka socday ayay sidoo kale kaga hadl een Iskaashiga labada dal sida Waxbarashada iyo Cil miga Farsamada.

Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya iyo Jamhu uriyadda Serbia ayaa leh Xiriir Wax wada qabsi, waxa ana moodaa in uu furmayo bog cusub oo ku saabsan Xoojinta Xiriirkaas.

HAY’ADDA HORMUUD SALAAM FOUNDATION OO XAFLAD SOO DHAWEYN AH U QABATAY ARDEYDII KU GUULEYSATAY IMTIXAANKA DEEQDA WAXBARASHADA EE 2022

Munaasabadaan oo ka dhacday Xarunta dhaxe ee Shirkada Hormuud telecom ayaa waxaa kasoo qeybga lay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Gudoo miyaha Hormuud Telecom, Gudoomiyaha Hey’ada Ho rmuud Salaam Foundation, Gudoom iye ku xigeenka Rugta Ganacsiga, waalidiin iyo masuuliyiin kale.

Ardayda Dorraady loo qabtay xaf lada soo dhaweynta oo gaareya 45 arday ayaa ah kuwii kaalmaha hore ka galay imtixaankii Qabuulka ahaa ee Hay’adu qabatay bishii September ee sanadkaan kaasi oo ay u fariisteen 400arday oo kasoo qalin jabiyey dug siyada sare e dalka.

Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlay gudomiyeha hey’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdulahi Nuur Cismaan oo faahfaahiyay ujeedada loo qabtay xaflada an asagoo sheegay in in ay mar walba u taaganyihiin garab istaaga dhalinyarada soomaaliyeed ee aan awo odin kharashaadka waxrbarashada

Qaar kamid ah rdeyda iyo waalidiin ayaa sidoo kale madasha ka hadlay, iyagoo uga mahad celiyey Hey’ada Hormuud Salaam Foundation fursadaan ay u abuureen ardeyda Soomaaliyeed.

Gudomiye Ku xigenka Rungta Ganacsiga Cabdiraxman Galaambe oo isna xaflada ka hadlay ayaa uga mahad celiyay doorka muuqda ay hormuud salaam foundation u heyso ardayda soomaaliyeed.

Gudomiyaha SHirkada Hormuud Axmed Maxamuud Yuusf munasabada ka hadlay ayaa ku dhiiri galiyay ard aydii fursada u heshay deeqda in ay ka mira dhaliyaan waxbarashada.

Intii ay socotay xaflada waxa ay Hay’addu u qeybis ey ardaydaan Laptop-yo iyo agabka waxbarashada oo ka caawin doona barashada iyo samaynta cilmi baarisy ada, muddada afarta sano ah ee ay waxbarashada ku guda jiraan.

Ugu danbeyn waxaa munaasabada soo xiray Wasir ka wasaarada waxbarashada Faarax SH Cabduqadir oo Hey’ada Hormuud Salaam Foundation ku amaanay wax qabadka muuqda ay bulshada ku celineyso.

45 taan arday ayaa ka dhigeysa tirada ardayda wax ay waxbarashada ka bixiso hey’adda Hormuud Salaam Foundation kharashaadka waxbarashada 120, deeqda waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation oo soo bill owday sannaddii 2019, waxaana la filayaa in ay sanad ka soo socda ay qalin jebiso dufcadii ugu horreysay.

Musharax Cirro: Waa in la helaa heshiis siyaasi ah 13 November ka hor

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI, ay aa sheegay in mawqif kiisu aanu is badali doonin hadii aan heshiis siyaasi ah la helin inta aanu dhamaan mud axileedka sharciga ah ee madax weynaha Somaliland.

Musharax Cabdiraxmaan Max amed Cabdillaahi Cirro oo kasoo la abtay safar uu ku marayay gobolada bariga Somaliland, oo markii uu soo gaadhay caasim ada Hargaysa kumanaan taageerayaal ah goob fagaare ah kala hadlay, ayaa sheegay in aanu aqbalayn in door ashada la galo, iyadoon mucaaradka lala heshiin.

"Saw doorasho diyaar uma nihin?, saw doonimayno in heshiis lagu galo doorashada?, inshallah ama heshiis ka ayaa la gali doonaa, ama go'aan keeni halkii uun buu taagnaan doonaa ... beesha caalamka iyo shacbiga Somaliland-ba waxaynu u sheegayna in aynu doorasho diyaar u nahay, doorashadii madaxtooyasa ayaynu diy aar u nahay" ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in ay tahay in heshiis ka la gaa dho kahor inta anay dhamaan 5-tii sanno ee madaxwe yne Biixi la doortay, oo ku eg horaanta bishan Novem ber "Waa in heshiis la helaa siyaasi ah 13 November ka hor".

Xukuumada Somaliland iyo mucaaradka ayaa isku maan dhaafsan sida ay usoo kala horaynayaan doorash ooyinka urrurada iyo madaxtooyada, mucaaradka ayaa aaminsan in doorashada madaxtooyadu soo horayso.

Duulimaad Emirates ah oo ku socday New York oo dib loo celiyey kadib digniin amni

Diyaarad ay leedahay shirkadda Emirates, oo ku soc otay New York ayada oo ay saaran yihiin ku dhowaad 250 qof, ayaa Khamiistii lagu qasbay inay dib ugu laa bato magaalada Athens kadib digniin amni oo ka timid Mareykanka.Saraakiisha ayaa sheegay in xogta la siiyey diyaaradda ay la xiriirtay "qof tuhun laga qabo oo ka mid ahaa dadka saaran diyaaradda.”

Afhayeen u hadlay booliska ayaa shee gay in diyaaradda ay garoonka diyaarad aha caalamiga ah ee Eleftherios Venizelos caasimadda Greece usoo kaxeeyeen laba diyaarad dagaal oo ah nooca F-16 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Greece.

Duulimaadka EK-210 ayaa dib loo celiyey 45 daqiiqo ka dib, waxayna soo cago dhigatay 10:00 PM ((2000 GM T), sida uu sheegay afhayeenka oo intaas ku daray in baaritaan lagu sameynayo diyaaradda uu socday.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 228 qof oo rakaab ah iyo 18 shaqaale ah.

Warbaahinta Greece ayaa ku warrantay in mas’uuli yiinta Mareykanka ay booliska Greece uga digeen in "qof la tuhunsan yahay” uu saaran yahay diyaaradda.

Goor sii horreysay oo isla Dorraad ah, diyaarad kale oo ay leedahay Emirates oo ku socotay Dubai ayaa loo dii day inay ka kacdo garoonka Athens, waxaana dhamm aan rakaabka la mariyey hubin dheeri ah sababo la xi riira walaacyo amni, hase yeeshee lagama helin wax la ga shakiyo, sida ay uu sheegay il-wareedka boolis.

Uulimaadkaas ayaa ka kacay kadib shan saac oo dib u dhigis ah.

Afhayeen u hadlay shirkadda Emirates ayaa xaqiiji yey labada dhacdo.

"Emirates waxay xaqiijin kartaa in duulimaadka EK201 ee Athens illaa Dubai ee 10-ka November dib loo dhigay kahor inta aysan kicin,” ayuu afhayeenka ku yiri bayaan uu email ugu soo diray AFP.

"Duulimaadka EK209 ee Athens illaa Newark ee 10-ka November ayaa dib ugu laabtay Athens, sababo la xiri ira hubin amni oo ay codsadeen mas’uuliyiinta,” ayuu yiri afhayeenka.

Waxa uu intaas ku daray in rakaabkii saarnaa diyaar adda loo jaray ticket cusub oo Jimcaha Dorraad ah, isla markaana la siiyey hotel ay seexdaan. AFP, VOA

Iran oo digniin adag u dirtay boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka sirdoonka Iran ayaa u sheegay Arbacadii in waddanka ay xafiiltamaan ee Sacuudi Carabiya in aanu sii jiri doonin dammaanad qaadka Tehraan ee ku aa ddan "samirkeeda istiraatiijiyadeed," sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars.

"Ilaa hadda, Iran waxay qaadatay dulqaad istiraatijiyade ed oo macquul ah, laakiin ma dammaanad qaadi karto inaysan dhammaanayn haddii colaaddu sii socoto," ayay qortay Fars oo soo xiganeysa Esmail Khatiib, wasiirka sird oon ka ee Iran.

"Haddii Iran ay go'aansato inay ka aargo osato oo ay ciq aabto, daaraha dhalooyinka ah ayaa du midoona, dalal kani ma heli doonaan xasillooni dambe." ayuu yiri Khatiib.

Iran ayaa ku eedaysay waxay ugu yeertay 'cadaw aja anib ah' inay hurinayaan qalalaasaha rabshadaha wata tan iyo markii ay boolisku gacanta ku dhigeen haweenay Kurdish ah oo Iran u dhalatay oo lagu magacaabo Ma hsa Amini bishii Sebtembar kadib markii la xiray iyada oo lagu eedeeyay inay jabisay xeerka adag ee jamhuuri yadda islaamiga ah ay kusoo rogtay haweenka.

Mudaaharaadyada ay dhigayaan dadka reer Iran ee ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa no qday mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee soo wajaha hoggaamiyayaasha wadaaddada Iran tan iyo sannadkii 1979-kii kacaankii Islaamiga ahaa.

Bishii la soo dhaafay, Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran, Hossein Salami ayaa uga digay Sacuudiga inay xak ameyso xarumaha warbaahinta.

"Waxaan u digayaa qoyska Sucuudiga xukumaya.. ka fiirsada hab-dhaqankiina oo xakameeya war-baahin ta...haddii kale waad ka shaleyn doontaan, waana dig niintii ugu dambaysay, waayo waxaad aad faragelinaysa an arrimaha dawladdeenna adinka oo adeegsana warba ahin, waan idiin sheegeynaa, taxaddar,” ayuu yiri Salami, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iiraan.

Todobaadki hore Iran ayaa beenisay inay halis ku tahay Sacuudiga kadib markii wargeyska Wall Street Journal uu sheegay in Riyad ay la wadaagtay sirdoonka Marey kanka digniin ku aadan weerar ka imaan kara Iran oo la

gu bartilmaameedsanyo Boqortooyada.Reuters




OGAYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA

UNITED PARCEL SERVICE

OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsiga ee sare ay tahay hantida UNITED PARCEL SERV



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip