HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEBAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10 KA NOVEMBAR 2022-KA

0
Thursday November 10, 2022 - 08:22:47 in Wararka by
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEBAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10 KA NOVEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Difaaca Ireland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaba-gabeeyey safar shaqo oo uu ku joogay dalka Masar ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Jamhuuriy ad da Ireland Md. Simon Coveney.

Madaxweynaha ay aa kala hadlay Wasiir ka Simon Coveney xoojinta xiriirka Lab ada dal, iyadoo Jamhuuriyadda Ireland ay safka hore kaga jirto dowladihii ugu horreeyey ee ho ggaankoodu ay Soomaaliya soo gaaraan xilligii dalku uu la daalaa dhacayey colaadaha sokoo ye iyo duruufihii nololeed ee adkaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaam ay halganka wadajirka ah ee shacabka iyo dowl ad Soomaaliyeed ay maanta dalka kaga xorey nayaan argagixisada iyo dadaallada xooggan ee gurmadka abaaraha, waxa uuna ka rajeeyey Jamhuuriyadda Ireland in ay arrimahaas gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca Jamhuuriyadda Ireland Md. Simon Cov eney ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha qaabilaadda wanaagsan iyo kulankan miro-dhalka ah, waxa uuna sheegay in dalkiisu ay ga rab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, cod ka Ireland ee gudaha Midowga Yurubna ay ka kabayaan dadaallada dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya ee ka qeyb galay shirka Cimilada Adduunka ee COP-27 ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyagoo inta ay ku sugnaayeen Shar ma Sheekh ku soo bandhigay caqabadaha xo oggan ee dalkeenna ka soo gaaray isbeddelka cimilada.Madaxweyne xasan sheekh oo la kul may wasiirka arrimaha dibadda iyo difaaca irela nd.

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ku heshiiyay in sare loo qaado xiriirka labada dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan xiriirkooda, ka dib wadahadal Jabu uti ku dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo dhiggiisa Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxam ed.

RW Xamza ayaa shalay booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku tagay dalka Ja buuti, ka dib casuu maad uu ka helay Ra ’iisul Wasaaraha Jab uuti.

Intii uu kulanka socday, RW Xamza ayaa ku am maanay dowladda Jabuuti gargaarka iyo dhak haatiirta ay u soo dirtay Soomaaliya si ay u caa wiyaan dhibanayaasha qaraxii Zobe-2 ee dhac ay dabayaaqadii bishii hore.

Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa xusay sida ay Jabuuti u garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Alsh abaab. Wuxuu sheegay booqashadiisa inay tah ay mid xoojineysa xiriirka amni, diblomaasi, bul sho iyo dhaqan ee labada waddan.

Dalka Jabuuti ayaa qeyb ka ah dalalka ciida madiisu ku jiraan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Ciidamada Jabuuti ayaa haatan waxay ka taageerayaan ciidamada Soomaaliya howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

RW Xamse Barre Oo Booqday Xaruumo Ku Yaalla Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan wala alaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta booqday xarunta isgaarsiinta dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii ko rmeerka ay ku jireen la tusiyay xarunta laga ma amulo khadadka internet-ka ee mara badda iyo qeybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay.

Mudane Xamse ayaa ku ammaanay hey’adda iyo maamulkeeda horumarka joogtada ah ee la gu wado isgaarsiinta dalka Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday dekedaha kala duwan ee Jabuuti, waxaana Ra ’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa lagu soo wareej iyay dekedaha kala duwan, iyada oo la tusiyay qeybaha ay ka kooban yihiin iyo saldhigga ay ka baxaan tareenada qaada badeecadaha ka soo dega dekeddaha.

Xukuumadda Soomaaliya oo Qaramada Mid oobay kala hadashay dadajinta gurmad ga arsiinta deegaanadii laga saaray Al-shabaab

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soo maaliya Axmed Macalin Fiqi iyo wasiiru dowl aha Wasaaradaas Ilyaas Cali Xasan ayaa Maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrima ha Soomaaliya ee dhanka gargaarka iyo Bani 'aadanimada Adam Abdelmoula.

Kulanka ayaa ahaa mid ay uga hadleen lab ada dhinac sidii hay'addaha hoostaga Qarama da Midoobay u dadajin lahayeen balanqaadya dii ay horay u sameyeen ee la xariiray wax ka qabashada abaaraha daran ee saameyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada dalka.

Wasiir Axmed Macalin Md.Fiqi oo ka hadlayay kulanka ayaa ku dhee raaday sharaxaada xaaladaha bani'aadanimo ee xiligaan ka taagan gudaha dalka iyo sidii gar gar deg deg ah loo gaarsiin lahaa deegaanada dhawaan laga saaray gacanta Al-shabaab oo ay ka jiraan xaaladaha ugu daran.

Ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xogheyaha guud ee Q/Midoobay ee Soomaaliya ee qaabils an isku duwista arrimaha gargaarka iyo bani'a adnimada Adam Abdelmoula ayaa dhankiisa ba lanqaaday inuu kaalin ka qaadanayo gargaarka loo raadinayo qoysaska Soomaaliyeed ee aba aruhu saameyeen.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo Q/Midoo bay ay horay u sheegtay in ey gacan ka geysa neyso gargaar u helista ku dhowaad 10 Milyan oo qof oo ay ku haysato gobolada dalka cunno iyo biyo la’aan, kuwaas oo intooda badan soo buux dhaafinaayay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay xeryaha ay ku nool yihiin dadka barak acayaasha ah.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay si buuxda ula wareegtay deegaanka Wabxo

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa si nabad ah gacanta ugu dhigay deegaan ka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo ka badan 15 sano ay Alshabaab maa mulayeen.

Afhayeenka wasaaradda gaasha andhigga Col, Cabullaahi Cali Caanood, oo warbaa hinta la ha dlay ayaa sheegay inay ciidama du xalay magaalada Wabxo gud aheeda iyo bannaankeeda ka sameeyeen howlgal miino baaris ah.

Col, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay inay ciidamadu la wareegeen tuul ada Warxoolo iyo deegaanno kale oo u dhaxee ya magaalooyinka Ceelbuur iyo Guriceel.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiggu wuxuu tilmaamay howlgalka lagu xoreeyay Wab xo inuu qeyb ka yahay mid lagu xoraynayo dee gaannada Galgaduud ee gacanta ugu jira koo xda Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa 24saac ee la soo dhaafay ku guulaystay inay xorreeyaan dhul ku fadhiya 200km oo hoos yimaada gobol ka Galgaduud.

Waxay hadda ciidamada isku diyaarinayaan magaalada Ceelbuur oo kamid ah deegaanna da muhiimsan oo Alshabaab gacanta ku hay aan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Kulamo Gaar Gaar Ah La Qaatay Safiirada Dalalka Jarmalka iyo Kenya Ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Md.Cabduqaadir Maxa med Nuur Jaamacoo maanta Muqdisho kulan kula q aatay safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaa liya ayaa kala hadlay Taakuleeynta Cii danka XDS, gaar ahaan dhinaca howgalada socda.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Jarmalka kaalinta ay ka qaadato doorkooda ku aadan taageeridda ay siiyan Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaa ndhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya md. Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la kulmay Danjire Gn Rtd Thomas Safiirka Kenya u fa dhiya Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadl een Qorshaha ladagaallanka Khawaarijta iyo si dii Dowladda Kenya ay ugala shaqeen laheed

Ciribtirka Khawaarijta.

DENI oo laba arrin kala hadlay MARE YKANKA

Madaxweynaha dowlad goboleedka Pu ntland, Md.Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kul amo xasaasi ah ka wada Magaalada Nairobi ee ca asimada Soomaaliya, kuw aas oo looga hadlayo xaal adaSoomaaliya iyo arri maha Puntland.

Deni ayaa xalay hoyga uu degan yahay magaa lada Nairobi ku qaabilay wafdi ka socday safaar adda dalka Mareykanka ee Soomaaliya, kaas oo ka kooban u qeybsanaha qeybta dhaqaala ha Anne Nuechterlein iyo Muna Mohamed oo ka socota dhinaca siyaasadda.

Kulankan oo ahaa mi muhiim ah waxaa si doo kale goobjoog ahaa, islamarkaanka Deni ku wehlinayey agaasimaha guud ee Madaxtooy ada Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali.

Madaxweynaha Puntland ay xubnaha ka so cday safaaradda Mareykanka kala hadlay laba qodob oo kal ah Arrimaha dhaqaalaha iyo Siya asadda, sida ay shaacisay madaxtooyadu.

"Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha dhaqaala ha iyo Siyaasadda,” ayaa lagu yiri war qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale xubnaha Mareykanka ee la kulmay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale boggaadiyey horumarka Puntland ka sameysay kaabayaasha dhaqaalaha sida dhism aha Dekadda Garacad iyo sidoo kale qorshaha horumarinta dhaqaalaha Puntland.

Wadahadallada dhexmaray Mareykanka iyo madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya, xilli haatan maamulkaas uu wajahayo muran ka dhashay doorashooyinka oo u dhexeeyo madax tooyada iyo ururada siyaasadda oo ka digay in la sameeyo muddo kororsi horleh.

Muxuu yahay qorshaha safarka Mahad Sala ad ee Addis Ababa?

Wafti uu hoggaaminayo Taliyaha hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaa liyeed ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta gaaray dalka Itoobiya.

Wafdiga Mahad Salaad waxaa halkaas kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalka Itoobiya,wuxuuna safark aan ku soo aaday maal mo kadib markii uu Muqdi sho safar ku yimid Agaas ime ku xigeenka sirdoonka Itoobiya.

Agaasimaha hey’adda Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad ayaa maalmaha soo socda ku sugnaa doona magaalada Addis Ababa, kadib markii casuumaad uu ka helay dhiggiisa wadan ka Itoobiya.

Labada Agaasime ayaa la sheegay inay yee la doonaan kulamo muhiim u ah labada dowlad ood, oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada sha qeynta hey’adaha sirdoonka labada dal.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u wajahaya khatarta kooxaha xagjirka ah oo Al-Shabaab iyo Daacish ay ugu horeeyaan.

Madaxda labada dowladood ayaa horay u balan qaaday inay yeela doonaan cilaaqaad dhinacyo badan leh, sida iskaashi dhinaca ammaanka ah iyo is dhexgal bulsho, maadaama ay deris yi hiin.

Sarkaal ka tirsan xisbiga WADDANI iyo wariye lagu xidhay degmada Sheekh Gudoomiyihii xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI ee degmada Sheekh iyo wariyihii muuqbaahiyaha CBA ee degmada, ayay ciidamada amaanku xabsiga dhigeen.

Guddoomiye Maxamed Maxamuud Yuusuf, oo ku howlana qaban qaabinta soo dhawaynta madaxda sare ee xisbiga WADDANI oo dhawaan soo gaadhi doona degma da iyo wariyaha CBA ee degamada oo baahinayay wa rarka la xidhiidha qaban qaabada soo dhaw aynta madaxda WA DDANI, ayaa la xidhay.

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WA DDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa xadhiga masuuliyiintan ku til maam ay ku takrifal awoodeed, iyo talaabo ay xukuu mada Somaliland shacabka kaga qaadayso xoriyada.

"Waxaan si xooggan u cambaaraynaya xa dhigga xukumaddu kula kacday guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee degmada Sheekh, oo ka hawlana abaabulka soo dhawaynta hoggaanka xisbiga iyo sidoo kale wariyaha CBA oo arrint aasi ka warramayay" ayuu yidhi Cirro.

"Waa ku tagrifal awoodeed oo Xisbiga Tal ada haya ee quusta taagani u miciinsado cabu dhin ay muwaadiniinta kaga qaadayso xorriya dooda asaasiga ah" ayuu hadalkiisa ku daray Cirro.

Guddoomiyaha iyo wariyaha ayaa markii la qabtay ka bacdi, loo gudbiyay xabsiga Ma dheera, ee ku yaala gobolka Saaxil.

Xanuun cusub oo dadka ku dhacaya oo lagu arkay dowlad degaanka Soomaalida

Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka So omaalida ayaa sheegaya in maalmihii u dambe eyay uu degaanka ka jiray xanuun la sheegay inuu dadka ku dhacay, kaas oo leh astaamo ay kamid yihiin Xummad, Xubno xanuun iyo dhiig sanka ka im aanaya.

Shaybaadh lagu sameeyay qaar kamid ah dadkii calaa madahan lagu arkay ayaa lagu ogaaday in dad kani aysan lahayn xanuunnada looga shakiyay ee ahaa xumadda dhangiga la yiraahdo iyo xan uunno kale oo ay isku calaamado yihiin xan uunkan, sida uu Warbaahinta u sheegey Abuuk ar Sheekh Adan oo ah Agaasinka Waaxda ma areynta xaaladaha degdegga ah ee Xafiiska Caafimaadka ee degaanka Soomaalida.

Xanuunkan ayaa sida uu Xafiiska Caafimaad ka degaanku sheegay waxa uu ku fidayaa me elo hor leh oo kamid ah dowlad degaanka Soo maalida, iyadoo xarumaha Caafimaadkana la keenayo dadka uu soo ritay xanuunkani, walaw inta badan xanuunkani ay dadku guryahooda ku la tacaalayaan haddana ma jirto ilaa iyo hadda dad xaalad halis ah u gaaray xanuunkan.

Wali lama ogaan xanuunkani waxa uu yahay inkastoo la hayo calaamadihiisa oo ay isku eg yihiin xanuuno kale sida xumadda dhangiga loo yaqaano iyo kuwo kale, balse Xafiiska Caafima adka ee degaanka Soomaalidu waxa uu carrab ka ku dhuftay in dhawaan xirfadlayaal Caafima ad iyo dadka takhasuska u leh xanuunnada no ocan oo kale ah in loo dirayo goobaha usii dar an ee lagu arkay xanuunkan. Xanuunkan oo leh xummad daran, lafa gara ac iyo calaamado kale ayaa muddooyinkii u dam beeyay waxaa laga dareemayay meelo kamid ah dowlad degaanka Soomaalidu oo ay ku jirto M/Jigjiga.

Xisbiga WADDANI oo ka fal-celiyey baya ankii maanta ka soo baxay Beesha Caalamka

Xisbiga mucaaradka Waddani ee Somaliland ayaa ka falceliyey bayaankii kasoo baxay Bee sha Caalamka ee looga hadlay xaaladda caki ran ee maamulkaasi, gaar ahaan doorashooyin ka oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xuku umadda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xisbiga Wadd ani ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey halka kasoo yeeray Saaxibada Caalamka, ka dib kulan ay sideedii bishaan la yeesheen mad axweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waddani ayaa shaaca ka qaaday inay ka ma had-celinayaan doorka Caalamka ee ku aadan taageerada ay la garab taagan yihiin dimuqura adiyadda Somaliland.

"Waanu soo dhawaynaynaa bayaankii ay sida wada-jirka ah ay usoo saareen saaxiibada caal amiga ah ee Somaliland, waxaana nu uga mahadcelinaynaa taageer adooda hagar la’aanta ah ee ay u hayaan dim uquraadiyada Somaliland” ayaa lagu yiri qoraal ka Waddani.

Xisbiga ayaa sidoo kale xusay in aad u bo ggaadinayaan sida ay Beesh Caalamka wax is kaaga weydiisay tallaabada ay qaaday xukuum adda uu hoggamiyo Muuse Biixi Cabid sida ca budhinta warbaahinta madaxa bannaan, xoriya da shirarka iyo mudaharaadyada.

"Waxaanu si buuxda u taageersanahay in saaxiibada caalamiga ahi ay waydiiyaan ficilada dimuquraadiyada ka leexsan, sida cabudhinta warbaahinta, xoriyada shirarka, mudaharaada da, iyo adeegsiga awooda halkii xal siyaasade ed laga raadin lahaa” ayaa markale lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay xisbiga muca aradka Waddani, Somaliland.

Somaliland ayaa haatan wajaheyso khilaaf xoogan oo ka dhashay doorashooyinka, kaas oo kasii daray markii baarlamaanka oo labo sa no oo muddo kordhin ah usii sameeyey madax weynaha, taas oo ay si weyn uga horyimaad een xisbiyada kala ah UCID iyo Waddani.

Bastoolad lagu soo dhex qariyay caloo sha digaaga oo lagu qabtay diyaarada ha Fort Lauderdale-Hollywood ee FloridaMareykanka

Saraakiisha gaadiidka Mareykanka ayaa shaaciyay dhacdo ka dhacday garoonka diyaa radaha Fort Lauderdale-Hollywood ee Florida ta as oo uu qof rakaab ah uu qori ku soo dhex qari yay caloosha digaaga.Saraakiisha Maamulka Amniga Gaadiidka (TSA) ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee Fort Lauderdale-Hollywood ee Florida, ayaa gacanta ku dhigay qoriga ka hor inta aanan laga dhoofinin garoonka.

Saraakiishu ma aysan shaacin cidda qorshahan dejisay, balse sawirro ay soo dhigtay Instagr am-ka oo ay soo bandhigtay hay’adda TSA ay aa muujinayay askarta oo baaraya gudaha gar

oonka

Xildhibaan Al-Shabaab ku eedeyay in dagaal ka Hiiraan ay u adeegsadeen

 dhaliyaro la soo qasba

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sooma aliya ayaa ku eedeeyay ururka Al-Shabaab inuu dagaalka gobolka Hiiraan u adeegsaday dhal inyaro uu soo qafaashay ka dibna uu geedo lugaha uga xiray si aanay uga ca rarin furimaha dagaalka.

Maalik Cabdalla oo kamid ah xildhibaannada la gu soo doortay Beledweyne isla markaana qeyb ka ah siyaasiyiinta Al-Shabaab kula dagaalla maya Hiiraan ayaa tilmaamay inay hayaan cadd eymo muujinaya dembigaas

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu shee gay in arrintaan uu indhihiisa ku arkay, islamar kaana aysan aheyn baranbogaado ay dowladda ka abuurayso kooxda ay is hayaan.

Dowladda Finland oo dalalka ay kujirto Som alia ugu deeqday lacag wax looga qabanayo abaarta

Finland ayaa sheegtay inay u qoondeysay il aa 15.7 milyan oo Yuuro oo gargaar ah si loogu taageero shixnadaha badarka ee Geeska Afri ka. Go’aanka ayaa lagu shaaciyay war-saxaa fadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Fin land.

Kaalmada waxaa bixin doona Hay’adda Qaxooti ga Qaramada Midoobay (UNCHR), Laanqeyrta Cas ee Finland iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), sida lagu sheegay qor aalka.

Ilaa todobo milyan oo Yuuro oo lacagtaas ka mid ah ayaa la marsiin doonaa dadaallada ay waddo hay’adda cunnada adduunka ee WFP si loo hubiyo in haruurka Ukrain ama Masagada loo raro Soomaaliya.

Sicir bararka cuntada ayaa heerkii ugu sare eysay gaartay Geeska Afrika sababo la xiriira abaaro dhacay, kuwaas oo sababay in in ka badan 20 milyan oo qof ay u baahdaan gargaar si ay u daboolaan baahidooda nafaqeynta, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Shan xilli roobaad oo isku xigta ayaa sidoo kale ka dhigan in gobolka uu ku tiirsan yahay ha ruurka la soo dhoofiyo, kaas oo ay la kulmeen carqalado weyn oo ka dhashay dagaalka Ruush ka ee ka dhanka ah Ukraine.

"Weerarka Ruushka ee Ukraine wuxuu ka sii daray helitaanka cuntada wuxuuna sare u qaad ay qiimaha. Faafida COVID-19 iyo, meelaha qa arkood, saameynta isbeddelka cimilada ayaa si doo kale caqabad ku ah helitaanka cuntada,” ay aa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka sidawe yn uga dhacday abaarta, waxaana laga cabsi qabaa inay isku bedeshao macluul maadaama aysan jirin qorsho cad oo dowladda Soomaaliya u diyaarisay si looga hortago.

Maamulka Koonfur Galbeed & ATMIS oo ka wada hadlay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha Koon fur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Gud doomiyey Shirka Gollaha Amniga Koonfur Gal beed oo ay ka qeybgaleen Agaasimaha Mada xtooyada, Gudoomiyaha Gobolka Baay, Saraa kisha Laamaha Amniga qeybahooda kala duwan,kuwa ATMIS iyo Saraakiil ka socday Dowladda UK.

Shirka inta uu socday waxaa looga hadlay xoojinta Amniga,Wadaagida Xogaha Alshabaab ay ku dhibaateeyaan Shacabka iyo Udiyaar Gar owga howlgallada A-Shabaab looga saarayo Guud ahaan degaannada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha Koonf ur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa warbi xino ka dhageystay Saraakisha ciidamada xo ogga dalka, kuwa Koonfur Galbeed & Ciidamada Mid owga Afrika ee AT MIS , iyaga oo she egay in xaaladda Amni ee degaannada Koonfur Galbeed ay tahay mid wanaagsan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa u faray dhammaan Saraakiisha ciidamada inay u diyaar garoobaan sidii howlgallo wadajir ah ugu qaadi lahaayeen degaannada ay Al-Shabaab ka joog aan Koonfur Galbeed si ay uga xureeyaan.

Shirka Amniga degaannada Koonfur Galb eed oo todobad walba la qabto ayaa looga had laa howlgalladii ugu dambeeyay ee laga samee yay degaannada Koonfur Galbeed iyo dardar gelinta howlaha sugida amniga.

Puntland oo Shir deg deg ah ka yeelatay Amniga Magaalada Garoowe

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa maanta gudoomiyay shir looga hadl ayay xaaladda amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Taliye kux igeenka labaad ee Ciidanka Booliska,Qaar ka mid ah hoggaanada ciidanka booliska,Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, kuxigeenkii sa,Taliyaasha Saldhigyada iyo saraakiisha Booliska Gobolka Nugaal.

Shirka waxaa looga hadlay kor u qaadista Amniga Ca asimadda,Howlgelinta Saldhigyada iyo sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka amniga joogtada ah ee socda.

Shirkaan looga hadlayay Amniga Magaala da Garoowe ayaa kusoo beegmaya xilli maalmi hii la soo dhaaay Puntland ay kordhisay shirar ka looga hadlayo arrimaha amniga kadib markii dhawaan Ciidamada Somaliland ay la wareege en magaalada Boocame ee Gobolka Sool wal low ay dib ula wareegeen Ciidamada Puntland.

100 AL-SHABAAB AH OO LAGU LAAYEY HOWLGAL QORSHEYSAN

War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xo ogga dalka, saaxiibada caalam iga ah iyo dadka deegaanka ay ku dhowaad 100 Al-Shabaab ah ku dileen hawlgallo ka dhacay gobolka Galgaduud.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaa shanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caa lamka ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka sa meeyeen deegaanka Ceel-Gorof ee gobolka Ga gaduud, waxay ku dileen in ka badan 50 Shab aab ah, sida lagu sheegay warka dowladda.

"Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay khawaariijtu ku lahaayeen deegaanka Ceel Gorof, waxaana Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanku soo uruuriyeen 31 ka mid ah meydadka khawaarijta ee lagu dilay howlgalka,” ayaa lagu yiri warkaan.

Dhinaca kale howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay beeraha aaga Geeshaan ee deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 47 ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

"Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa heshay xogta Khawaarijtaan oo isku aruursaday beeraha Geeshaan kuwaas oo ku howlanaa dhagarta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Ugu dambeyntii warka dowladda waxaa lagu yiri, "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo gacan ka gaystay howlgalkan guuleystay oo lagu ciribtiray shabakado Khawaarijta ka tirsan oo qorsheynayay weeraro ay ku bartilmaameedsadaan shacabka.”

Wada hadalladii dowladda Itoobiya iyo TPLF uga socday dalka Kenya oo wali socda xilli la filayay in maanta lasoo gabagabeeyo

Wararka aan ka helayno dalka Kenya ayaa sheegaya in wada hadalladii u socday dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF oo la filayay in maanta oo Arbaca ahayd lasoo gabagabeeyo uu socon doono ilaa Jimcaha soo socda.

Isniintii aynu soo dhaafnay ayaa Taliyayaasha Ciidan ee dowladda Itoobiya iyo TPLF waxay ku kulmeen magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, halkaas oo lagaga wada hadlay qodob kamid ahaa waxyaabihii ay labada dhinac wada saxiixeen, kaas oo ahaa in hubka laga dhigo kooxda TPLF.

Faahfaahin badan wali lagama helin shirka labada dhinac uga socda dalka Kenya, balse qodobka hub ka dhigista TPLF oo ahaa kan shirka lagaga wada hadlayo ayaa kamid ahaa qodobada u waawayn ee ay isku af garteen dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Heshiiska ay wada gaareen dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa saamayntiisa waxaa maalmahan laga dareemayay gobolka Tigray, iyadoo lasoo sheegayo in waxyaabihii quutul daruuriga oo markii hore qiimahoodu sare u kacsanaa maalmahan hoos loo dhigay, siday Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah shacabka gobolka Tigray.

ILHAAN CUMAR OO FARIIN U DIRTAY SOOMAALIDA KA DIB GUUSHEEDA


Xildhibaan Ilhaan Cumar

Ilhan Cumar ayaa mar saddexaad loo doortay xildhibaan ka tirsan Congress-ka Maraykanka.

Waxaa la tartamaysay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo u muuqda inuu hanan doono aqlabiyadda Golaha Wakiillada ee Maraykanka, iyadoo uu loolan xooggan ka taagan yahay helitaanka aqlabiyadda Golaha Senate-ka. Waxay heshay 70% codadkii laga dhiibtay degmada ay ka tartameysay.

Doorashadan xilliga dhexe ee Maraykanka ayaa muhiim u ah siyaasadaha Aqalka Cad oo haddii xisbiga Dimuqraadiga uu lumiyo aqlabiyadda mid kamid ah golayaasha sharci dejinta, waxaa ku adkaan doona Madaxweyne Biden inuu gaaro go'aanno masiiri ah.

Ilhaan Cumar

MAXAY ILHAAN KA TIRI GUUSHEEDA?

Ilhan Cumar ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay in mar saddexaad ay xilka ku guuleysato. "Aad iyo ayaan u faraxsanahay alxamdulilah waa guul kale oo ilaahey uu noo soo dhiciyay, waxaan rajeynayaa dadka kale ee walaalaheen ee tartamaya inay guuleystaan," ayay tiri Ilhan.

Ilhaan ayaa dhanka kale rajo ka muujisay in xisbigeeda Dimuqraadiga uu ku soo bixi doono aqlabiyada labada aqal.

"Waxaan filanaynaa in labada aqal ee aqalka hose iyo aqalka sare gacanta dimuqraadiga ay ku jiraan inshAllaah waan arki doonaa saacadaha soo socda meesha ay ku dhammaan doonto," ayay intaa ku dartay.

Ilhan Cumar ayaa farta ku fiiqday in haddii xisbigooda Dimuqraadiga uu ku guuleysto aqalbiyada labada aqal ay waxyaabo badan ka qaban doonaan arrimaha socdaalka iyo guriyaha.

"Waxyaabo badan ayaan (qaban doonaa) sida socdaalka ayaan rabnaa inaan isbadal ku sameyno, dadka sida ay ogyihiin 4 sano ee uu Trump joogay dhanka socdaalka dhaawac wayn ayuu gaarsiiyay dadkii rabay inay dad keensadaan, dadkii rabay in ay muwaadiniin noqdaan," ayay tiri xildhibaan Ilhaan Cumar. Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa xustay in labadii sano ee la soo dhaafay ay xisbiga Dimuqraadiga ku adkeyd in ay meel mariyaan isbadaladii loo baahnaa. "Labadii sano ee la soo dhaafay waxaan ka shaqeynaynay inaan isbaddel ku sameyno laakiin waxyaabo badan aya nagu adkaa sababtoo ah aqalka hoose 3 qof ayaan ku sareynay aqalka sarana aqlabiyad fiican ma aanan haysan marka insha allah haddii lambarada sida aan rabno ay noqdaan waxyaabo badan ayaan u soo dhicin karna dadka aan matalno," ayay tiri Ilhaan Cumar.

Ihaan ayaa dhanka kale bogaadisay Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota iyo sida ay u garab istaageen xisbiga Dimuqraadiga.

"waxaan rabaa maanta Minnesota doorashada ka dhacday in tusaale ay u noqto walaalaheen Soomaalida qaarkood oo mar ka hadlayay in Jamhuuriga loo codeeyo, dadkaan ma aha dad anaga wax noo tari karo ama aan ku tashan karno aad ayaan ugu mahadcelinayaa Soomaalida aqliga laheyd oo si geesinnimo leh u aamintay inaan nahay dad la garab istaagi karo anagana na garab istaagay," ayay tiri xildhiaban Ilhaan.

WAA TUMA ILHAN CUMAR?ILHAAN CUMAR

Ilhan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Kongreska bishii November 2016, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka Kongreska Mareykanka.

Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto Kongreska iyadoo xiran xijaab.

Waxaa horay loogu eedeeyay falal Yuhuud-Naceyb ah kaddib markii ay ka hadashay Isra'iil iyo kooxaha u ololeeyo dalkaas.Waxaa xitaa dhaliilay xubno ka tirsan xisbigeeda Dimuqraadiga kadibna raaligelin ayay ka bixisay waxayna sheegtay "inay qaadatay dhaleeceynta casharna ay ka baratay ".

Ilhan ayaa sidoo kale ka hadashay falalka Islaam neceybka ah ee lagula kaco Muslimiinta, xili ay ka falcelineysay hadal uu soo qoray xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga isaga oo ku dhajiyay sawir muujinaya daarihii Twin Towers oo gubanaya.

Booliska ayaa ku xiray nin 55 jir ah gobolka New York, kaddib markii lagu eedeeyay inuu xafiiskeeda ku dhajiyay sawir loogu handadayo dil kaas oo uu ku sheegay inay tahay "argagixiso". XIGASHO:BBC

WASIIR U OLOLEEYA IN INGIRIISKU AQOONSADO SOMALILAND OO XILKA

 ISKA CASILAY

Sir Gavin Williamson

Sir Gavin Williamson oo ka tirsanaa golaha wasiiradda ee UK ayaa xilkaas iska casilay kadib markii lagu eedeeyay handadaad. Xildhibaankan oo u ololeeya in Britain ay dal u aqoonsato jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay inuu xilka uga digay si uu u caddeeyo in aanu wax dembi ah gelin.

"Sidaad ogtahay, waxaa socda cabashooyinka ku saabsan fariimaha qoraalka ah ee aan u diray saaxib aan shaqa wadaaga nahay. Waan u hogaansamayaa hanaankan, waxaanan ka raali galiyay qofka aan fariimahaas u diray," ayuu ku yiri qoraalkiisa iscasilaada.

Sir Gavin ayaa beeniyay eedeymaha kale ee ah in uu handaday qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka, balse waxa uu sheegay in eedeymahani ay caqabad ku yihiin.

"Tan iyo markaas, waxaa jiray eedeymo kale oo ku saabsan hab-dhaqankeygii hore. Waxaan beeninayaa sifada sheegashadaas, laakiin waxaan garowsanahay in eedeymahani yihiin kuwo carqalad ku ah shaqada wanaagsan ee ay dowladdani qabato," ayuu intaa ku daray.

Xildhibaan Gavin ayaa ka mid ahaa xubnihii taageeray tartankii uu Mr Sunak ku noqday rai'sul wasaaraha.

Rai'sul wasaaraha UK ayaa aqbalay iscasilaadiisa isaga oo ka murugeysan , waxaa uuna uga mahadceliyay taageerada iyo daacadnimadii uu u muujiyay.

Miisaanka Siyaasadeed ee Gavin

Gavin Williamson

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Gavin waa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Conservative ee haya talada dalkaasi UK, wuxuuna ahaa madixii ololaha hoggaaminta ee Ra'isulwasaare Boris Johnson sanadkii 2019-kii.

Gavin ayaa xiligaasi ka hor ahaa xoghayaha gaashaandhiga UK xilligii Ra'isulwasaare Therasa May, hase yeeshee xilka laga qaaday.

Gavin ayaa markii uu Boris xilka qabtay loo magacaabay xoghaya waxbarashada, taas oo markii dambe laga qaaday, sababahana qeybta dambe ayaan ku faahfaahin doonnaa.

Waa xildhibaan laga soo doorto deegaanka South Staffordshire tan iyo sanadkii 2010-kii, isaga oo sidoo kale noqday duqa xisbiga ee baarlamaanka UK.

Dhowaan waxaa wargeysyada UK kuso baxay warar sheegaya in Gavin la siin doono abaalmarinta loo yaqaano Nighthood, taas oo uu ka heli doono ra'isulwasaare Boris Johnson sida uu qorey wargeyska Daily Express ee UK kasoo baxay, waxayna ka dhigantahay ayaa la leeyahay meeqaamka uu ka taaganyahay dhanka Ra'isulwasaaraha iyo sida ay isugu dhowyihiin.

Balse qeybo kale oo warbaahinta ka tirsan ayaa qoraya in Gavin uu xog badan ka hayo Boris oo maalmahan culeesyo siyaasadeed haystaan, sidaasi darteedna abaalmarintan lagu aamusiinayo isaga.

Muranadii uu wajahay Gavin

Gavin Williamson

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Ra'isulwasaarihii hore ee UK Therasa May ayaa xilka ka qaadday Gavin sanadkii 2019-kii kadib markii ay ku eedeysay in uu saxaafadda u dusiyay waxyaabo looga hadlay shirka amniga qaranka UK.

Gavin kolkaa waxa uu ahaa xoghaya gaashaandhiga UK, waxaana lagu eedeeyay in uu fakiyay sir , taas oo ku saabsan in barnaamijka 5G ee isgaarsiinta UK ay ku lug leedahay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Huwawei.

Hase yeeshee sida uu faafiyay wargeyska Guardian ee UK, Gavin ayaa beeniyay in uu faafiyay xogta golaha amniga qaranka ay ku wada hadleen, wuxuuna sheegay in la saaray 'maxkamad aan caddaalad ahayn', uuna dhibbane u noqday arrimo siyaasadeed.

Caqabadaha siyaasadda Gavin halkaas kuma aysan ekaan, bishii september ee 2021-dii ayaa laga xayuubiyay xilkii xoghayaha waxbarashada UK kadib markii uu qirtay in ay qalalaad ku jireen barnaamij imtixaanaadka iskuulaadka lagu saxanayo nidaam kumbuyuutar ah, sida uu qorey wargeyska Express and Star.

Gavin oo Hargeysa kula kulmay Muuse Biixi sanadkii 2019-kii

Gavin Williamson ayaa isaga oo ah xoghayaha gaashaandhiga UK waxa uu booqasho ku tagay Soomaaliya, isaga oo xerada Xalane kula kulmay qaar ka mid ah ciidamada UK ee Soomaaliya.

Gavin ayaanan gudaha u galin magaalada, isaga oo isla maalinkiiba u duulay Hargeysa, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

War saxaafadeed kasoo baxay xilligaas ayaa lagu yiri "Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley xoghayaha gaashaan dhigga ee dalka Ingiriisa, Mudane Gavin Williamson, oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland".War saxaafadeed ayaa sidoo kale lagu yiri „ .

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyada oo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Somaliland

XIGASHO:BBC


MURASHAXIINTA SOOMAALIDA OO TAARIIKH CUSUB KA DHIGAY DOORA

 SHADA XILLIGA DHE XE EE MAREYKANKA


Siyaasiyiinta Soomaalida Mareykanka

Inta badan siyaasiyiinta Soomaaliya kasoo je eda ee xilalka uga tartamayay doorashadii xilliga dhexe ee 8-da November 2022 ka dhac day Mareykanka ayaa ku guuleystay kuraasta.

Loollan lama filaan ah ayaa doora sha dan ku dhex maray siyaasiyiinta labada xi sbi ee ugu waaweyn oo kala ah Dimuqraaddiga ta lada hay aiyo Jamhuuriga. Xifaaltanka ugu xo oggan waxa uu ka dhacay hanashada aqlab iya dda labada aqal ee sharci dejinta Mareykan ka ee Congress-ka iyo Senate-ka.

Arrimaha xusidda mudan ee ku saabsan doo rashadan saameynta badan leh waxaa ka mid ah in dhallinyaro Soomaali ah ay u taagnaaye en kuraas muhiim ah oo u badan dhanka gobol ka Minnesota.

Soomaalida guuleysatay iyo xilalka ay heleen?

Toan murashax oo Soomaali ah ayaa kusoo baxay doorashada, iyagoo ku guuleystay hanko odii siyaasadeed, halka qaarkoodna ay dib u soo ceshadeen kuraastii ay horay ugu fadhi yeen.

Kursiga ugu saameynta badan ee Soomaal ida waxaa dib ugu guuleysatay Ilhaan Cumar oo horay taariikhda ugu gashay ku biirista Aqal ka Wakiillada Mareykanka.

Sanadkii 2019-kii ayey gabadhan kasoo jee dda Soomaaliya noqotay haweeneydii ugu hor reysay ee iyadoo xijaaban ku biirta Congresska, waxayna sidoo kale ka mid ahayd labada ga bdhood ee Muslimiinta ah ee loo doortay go lahaas.

Ilhan Omar

Ilhaan Cumar oo Congress-ka ku matasha degmada 5-aad ee gobolka Minnesota ayaa markii ay ku guuleysatay doorashadan ugu da mbeysay waxa ay BBC-da u sheegtay in ay ku faraxsan tahay natiijada ay heshay.

"Waa guul kale oo Alle uu noo soo dhiciyay, waxaana rajeynayaa in dadka kale ee tarta maya ee walaalaheenna ahna in ay guul eystaan,” ayey tiri.

Waxa intaas ku dartay: "Maanta Minnesota doorashada ka dhacday, aniga dhankeyga iyo dadka kale ee badan ee Dimuqraaddiga ah ee tartamaya in ay tusaale u noqoto walaalahe enna Soomaalida ah oo xiiseynayay mar mar in ay ka hadlaan in Jamhuuriga loo codeeyo. Dad kan [Jamhuuriga] ma aha dad annaga wax noo tari karo ama aan ku tashan karno, aad baan ugu mahad celinayaa Soomaalidii sida geesinn imada leh u fahantay in aan annagu garab ista agi karno.” Saddex Soomaali ah ayaa ku guuleysatay kuraasta xildhibaannada Aqalka Hoose ee Minnesota labo kale oo Soomaali ahna ay ku guuleysteen doorashadii kuraasta Aqalka Saree e gobolkaas.

Samakaab Xuseen, Maxamuud Nuur iyo Hod an Xasan ayaa loo doortay xubinnimada Aqalka Hoose ee Minnesota.

Zaynab Mohamed

XIGASHADA SAWIRKA,ZAYNAB MOHAMED

Soomaalida taariikhda cusub ka dhigtay doorashadan waxaa ka mid ah Zaynab Maxamed oo loo doortay kursiga Aqalka Saree e Minnesita, iyadoo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ku biirtay Aqalkaas. Waxa ay Zaynab sidoo kale noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Madow ah oo xildhibaan ka noqotay Aqalka Sare ee gobolka Minnesota.

Cumar Faatax ayaa mar kale dib loogu soo doortay Aqalka Saree e Minnesota oo uu horay xubin uga ahaa.

Deeqa Dhalac iyo Maana Cabdi oo ka mid ah siyaasiyiinta da’da yar ee Soomaalida Mareykanka ayaa loo doortay Aqalka Wakiillada ee gobolka Mine ee ku yaalla cirifka waqooyi-bari ee dalka Mareykanka.

Muniira Cabdu llaahi iyo Ismaa ciil Maxamed ay aa ku guuleys tay tartankii ay u galeen ku biirista Golaha Wak iillada ee gobolka Ohio..XIGASHO:BBC

DHIIG SHEEYBAAR LAGU SAMEEYAY OO MAR KII UGU HORREYSAY BINI’AADAN LAGU SHU BAY

Cilmi-baarayaal u dhashay dalka Britain ayaa sheegay in dhiigga lagu sameeyay shaybaarka lagu shubay bini’aadam, taasoo ahayd tijaabadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga sameeyo adduunka.

Qadar yar – oo u dhiganta laba qaaddo – ayaa la tijaabiyay si loo ogaado sida ay uga shaqeeyo jirka.

Inta badan dhiig shubista waxay had iyo jeer ku xirnaan doontaa deeq bixiyayaasha caadiga ah oo laguma tiirsanaan doo no dhiigga sheybaarka lagu sameeyay.

Laakiin hadafka ugu dambeeya waa in la soo saaro noocyada dhiigga ee muhiimka ah, kuwaas oo ay adag tahay in la helo.

Nooc yada dhiigani waxay lama huraan u yihiin dadka ku tiirsan dhiig shubista joogtada ah, xaaladaha sida sickle cell aneamia.

KENYA IYO KOONFUR AFRIKA, OO KU HESHII YAY IN DADKA KENYAANKA AH EE HAYSTA BA ASABOORKA DALKAAS AY KOONFUR AFRIKA TE GI KARAAN VIISA LA’AAN

Dalalka Kenya iyo Koonfur Afrika, ayaa ku heshiiyay in dadka Kenyaanka ah ee haysta baasaboorka dalkaas, ay Koonfur Afrika tegi karaan viisa la’aan wixii loo gaaro sanadka cusub ee 2023-ka.

Kenyaanka doonaya inay tegaan Koonfur Afrika, ayaa ugu badbaan 90 maalmood joogi kara dalkaas sanadkiiba.

Sidoo kale Heshiiska viisaha ee u dhaxeeya labada dal, ayaa la shaaciyay kaddib markii ay madaxtooyada Kenya ku kulmeen madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa iyo madaxweynaha Kenya William Ruto.

Ruushka Iyo Mareykanka Oo Shir Qarsoodi Ah Ka Yeeshay Arrinta Ukraine

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa xaqiijiyay in wada-hadallada Washington iyo Moscow ay wali furan yihiin.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli Aqalka Cad uu diiday in uu beeniyo wararka sheegaya in Mr Sullivan uu hoggaaminayay wadahadallo uu Ruu shka la yeelanayay si looga hortago xiisadda nukliyeerka ee Ukraine.

Isagoo ka hadlayay New York, Mr Sullivan wuxuu sheegay inay "danta” Mareykanka ku jirto in la sii wado xiriirka Kremlin-ka.

Balse waxa uu ku adkaystay in saraakiishu ay ” ka taxadareen cidda aa nu la macaamileyno”.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in Mr Sullivan uu dhowr kii bilood ee la soo dhaafay wadahadalo qarsoodi ah la yeeshay dhigiisa Ruushka, xoghayaha golaha ammaanka Nikolai Patrushev, iyo kaaliyaha

sare ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Kremlin-ka Yuri Ushakov.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip