WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 19KA OKTOOBAR 2015KA

0
Monday October 19, 2015 - 08:17:23 in Wararka by
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 19KA OKTOOBAR 2015KA

    BOQORKA SACUUDIGA OO KULAMO LA YEELANAAYA MADAXDA DALALKA SOOMAALIYA,JABUUTI IYO ITOOBIYA Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu dhamaadka bishaan uu tago dalka Sacuudiga si uu arrimihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BOQORKA SACUUDIGA OO KULAMO LA YEELANAAYA MADAXDA DALALKA SOOMAALIYA,JABUUTI IYO ITOOBIYA Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu dhamaadka bishaan uu tago dalka Sacuudiga si uu arrimihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya uu ugala hadlo boqorka wadankaasi Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis.

 

Diplomaasi Soomaali ah ayaa sheegay in waxyaabaha ay labada mas’uul ka wada hadli doonaan ay qeyb ka tahay Dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Xarakada AlShabaab iyo sii xogeysiga gobolka ee Alqaacida.

Sarkaal sare oo Soomaali ah ayaa sheegay in labada mas’uul ay ka hadli doonaan dadaalada loogu jiro xasilooni lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya iyo dar dar galinta dagaalka AlShabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadli doona boqorka qorshaha dowladda ee sanadka 2016ka,madaxdaasi ayaa sidoo kale soo hadal qaadi doona dhibaatada dalka Yemen.

Boqorka Sacuudiga ayaa sidoo kale waxa uu u yeeray Madaxweynaha dalka Jbauuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hayla Maryam Disaliin.

Madaxda Dowladahaan ayaa qaba walaac la mid ah tan haysata dowladda Soomaaliya ee ku aadan kooxaha loogu yeeray argagexisada dhaq dhaqaaqyada gobolka ay ka sameenayaan gaar ahaan AlShabaab.

Dhanka kale Boqorka ayaa kulamo gooni gooni ah madaxdaasi la qaadan doona,waxaana ugu horeeya Madaxweynaha Jabuuti kulanka uu la yeelan doono.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa dibada uga amba bixi doona dalkiisa tan iyo markii la doortay waxyabaha bqoorka kala hadli doono waxaa kamid ah arimaha Somalia iyo Yemen.

Kulamadaan dhamantood ayaa quseeya sidii ay Sacuudiga wadamadaasi ay ula saxiixan lahayd heshiis dhinaca amaanka ah.

R/WASAARAHA OO KA QEYBGALAYA SHIR LOOGA HADLAAYO ARRIMAHA SOOMAALIYA

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan shirweyne ka dhacaya xarunta midowga Yurub ee magaalada Brussels ee dalka Belguimka.

Shirkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay midowga Yurub iyo hey’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Afhayeen u hadlay hey’adda UNHCR ayaa sheegay in shirka si gaar ah loogu eegi doono ballan qaadyadii midowga Yurub ay horrey ugu ballan qaadeen Soomaaliya iyo siddii loo caawin lahaa qaxootiga Soomaalida ee doonaya in ay dib dalka ugu soo laabtaan.

Shirkan waxaa kaloo ka qeybgali doonta wasiirka arrimaha dibadda Kenya haweeneyda lagu magacaabo Aamina Maxamed, waxaa kaloo ka qeybgali doona mas’uuliyiin ka socda waddamada Jabuutyi, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Yemen.

UNHCR ayaa horrey u sheegtay in ay sii yaranayaan lacagihii horrey u bixiyeen waddamada Midowga Yurub kuwaasoo loogu talagalay in lagu caawiyo qaxootiga Soomaalida.

In kabadan labo milyan oo Soomaali ayaa ah dadka barakacayaal ah waxaana ku jirra 1.1 milyan oo dalka gudihiisa ku barakacay, halka 967,000 oo qof ay qaxooti ku yihiin waddamada gobalka, waxaana ka mid ah 420,000 oo ku nool xeryaha dhadhaab ee gobalka waqooyi berri dalka Kenya.

Qiyaastii 250,00 oo Soomaali qaxooti ah ayaa ku nool waddanka Itoobiya halka ku dhawaad 200,000 oo qof ay qaxooti ku yihiin waddanka Yemen.

WIKILEAKS OO BAAHISAY QORSHE LAGU AFGAMBIN LAHAA MAAMULADA SOMALILAND IYO PUNTLAND

Sida ay shabakadan daabacday mid kamid ah hogaamiyaashii Maxkamadaha Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa qoraal sir ah oo uu ugu direy email dhammaan hogaamiyaashii ururkaas, waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay in ciidamadooda ay si qarsoodi ah ugu biiraan askarta maamulada Somaliland iyo Puntland taasoo marka dambe suurtogelin karta in la afgambiyo labada maamul.

Qoraalka Emailka ah ayaa Aweys uu ugu sheegay hogaamiyaashii Maxkamadaha in ay muhiim tahay in wasiiro iyo mas’uuliyiin inay ku yeeshaan labada maamul si marka dambe labada maamul loogu soo rogo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

"In laga furo Maxkamado Puntland iyo Somaliland waa muhiim, waxa aan ka iibsan karnaa ciid amadooda hubka ay haystaan, waana inaan ka joojino hubka soo galayo maamulada ee ay dowlada Soomaaliya u direyso labada maamul.”ayuu Mr. Aways ku sheegay emailka.

Si loo hirgeliyo qorshahan ayaa shabakada Wikileaks waxa ay qortay in Shiikh Xasan Dahir uu ku taliyay in si dhaqso ah loo bilaabo sidii la isugu dayi lahaa in la xumeeyo xiriirka u dhexeeya maa mulada Puntland,Somaliland iyo Itoobiya iyadoo loo marayo hogaamiyaasha qabaa’ilada.

"Waa inaan ka iibsano hubkooda culus annagoo lacag badan ku bixinayna.”ayaa lagu qoray email cinwaan loogaga dhigay "Sir Culus”.Qorshayaasha ka baxsan hogaamiyaasha Maxaakiimta ayaa waxaa ka mid ahaa in la aasaaso koox si gaadmo ku ugaarsata oo ku disha madaxda Puntland iyo Somaliland.XIGASHO: JOWHAR.COM

KULAN LOOGA HADLAYAY QORSHAHA HORUMARINTA QARANKA OO SHALAY LAGU QABTAY M/MUQDISHO...

Munasabadaani oo lagu daahfurayey qorista qorshaha horumarinta Qaranka ee sanadaha 20172019ka oo ay wado Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galayRa’iisulwasaare kuxigeenka dalka, Wasiirka Qorsheynta iyo wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi, Agaasimaha Madaxtooyadda Qaranka iyo agaasimyaasha guud ee Wasaradaha dowladda Soomaaliya,

Qorshaha horumarineed ee Qaranka ayaa lagu wadaa in uu badalo barnamijka New Deal oo ku eg 30ka August ee sanadka 2016ka, waxaana xafladda heeso ka turjumaysa horumarka ku soo bandhigay qaar ka mid ah fanaaniinta kooxda Heegan.

Xuseen Ceelabe Faahiye oo ah qabiir dhinacasamaynta qorshaynta Qaranka, isla markaana ka mid ah dadkii sameeyey qorshihii Qaranka ee sanadkii 1962dii ayaa sheegay in helistaqorshe Qaran ee uu yeesho dalka ay tahaytalaabada ugu muhiimsan ee dal lagu horumarin karo.

Wasiir kuxigeenka Wasaraadda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa hoosta ka xariiqay in qorshaha Qarankuuu yahay tan ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirahmaan Sheekh Yusuf Cali Caynte ayaxusay in dhamaytirka qorshaha horumarinta Qarankauu qaadan doono bilaha ka dhiman sanadkaan, isla markaana golaha wasiirada la horgayn doono bisha June ee2016ka si ay u meel mariyaan

Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib oo furay samaynta qorshaha horumarinta Qaranka ayaa tilmaamay in u jeedada laga leeyahayQorshahaan uu yahay yareyntasaboolnimada iyo shaqlo la’anta guud ahaanshacabka Soomaaliyeed.

SHIR LOOGA HADLAYAY AMNIGA OO LAGU SOO GABAGABEEYAY MUQDISHO

Shir looga hadlayay Sugidda Amniga oo ay ka qayb galeen Ma’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho.

Shirka oo muddo labo maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa looga wada hadlay sida ugu fudud ee Hay’adaha Dowladda iyo Shacabka ay u wada shaqayn karaan amniga iyo sida looga hortagi karo falalka Argagixisada Shabaab ay shacabka la maaganyihiin.

Madaxa haya’adda wacyigalinta bulshada ee C.C.AMaxamed Cajiib ayaa balan qaaday in Wasaaradda amniga iyo guud ahaan hay’adaha Ammaanka ay kal shaqayn doonaan Amniga.

Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis Cismaan Muxudiin Cali Cariif ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay Wasaaradda Amniga kala shaqaynayaan ka hortagga Falalka Amni darro ee kooxda Argagixisada ah ay la maaganyihiin Shacabka iyo Dowladda.

Wasiirka Amniga Gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shirka soo xiray ayaa Sheegay in y falalka kooxda Argagixisada Shabaab ay ku kacaan inay raad ku leheen diinta Islaamka.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO MUQDISHO SOO GAARAY

Madaxweynaha Dawladda goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo oo ka soo dhoofay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo gaaray Muqdisho, si uu uga qeybgalo shir looga hadlayo hanaanka doorashooyinka 2016ka.

Wefdiga Dr Cabdiweli oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah, waxaana lagu wadaa in ay ka qeyb galaan shir beri ka furmaya Muqdisho .

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in shirka ay Puntland ka soo jeedinayso markale aragtideeda ku aadan doorashada 2016 , mowqifka Puntland uu yahay mid cad oo dani ugu jirto guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

19September ee sanadkaan ayey ahayd markii uu Dr Cabdiweli iyo Wefdi balaaran oo uu hogaaminayey Muqdisho uga qeybgaleen shir gogol xaar u ahaa shirka lagu wado in Muqdisho uu ka furmo.

DAGAAL DHIMASHO IYO DHAAWAC SABABAY OO KA DHACAY GOBOLKA GEDO

Dagaal ka dhacay deegaanka MasalleAdduun oo ka tirsan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa geystey qasaare isugujira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan oo dhex maray ciidamada maamulka gobolka Gedo iyo dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab ayaa la sheegay in ay ku dhinteen lix ruux tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland Axmed Buule Maxamed (Canjeex) ayaa sheegay in dagaalkan ay qaadeen ciidamada dowladdu kuwaasoo uu sheegay in ay maleeshiyada Alshabaab kala soo wareegeen xoolo ay horay uga qaateen dadka ku nool deegaankaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhankooda dagaalkaasi ay uga dhinteen labo askari oo mid ka mid ah uu ahaa saraalkii hoggaamiyey ciidanka weerarka qaaday, askari kalana uu uga dhaawacmay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xoolo ay ciidanku kala soo wareegeen maleeshiyada Alshabaab dib loogu celin doono dadkii xoolahaasi horay ay Alshabaab xoogga uga soo qaadatay.

Dagaalkan ayaa imanaya xilli maamulka gobolka Gedo uu khilaaf ka taagan yahay waxana weli sheegta inuu yahay guddoomiye gobol Maxamed Cabdi Kaliil oo ay dowlada Federalka hore ugu magacowday guddoomiyaha gobolka Gedo.

DOWLADDA MAREYKANKA OO QALAB MILLATERI IYO CIIDAN U DIRTAY DALKA CAMERON,

Iyadoo Dowladda Mareykanka ay horay u balan qaaday inay ciidamo u direyso dalka Cameron, si ay ula dagaalamaan Kooxda Boko Haram, ayaa ciidankii ugu horeeyay oo ka socda Dowladda Mareykanka waxaa loo diray dalkaasi.

Ciidamadan Mareykanka uu u diray dalka Cameron, ayaa waxaa wehliya qalab ciidan oo dhameystiran oo ay ka mid yihiin qalab lagu baaro Miinooyinka dhulka lagu aaso iyo gaadiidka gaashaaman, qalabkaasi oo lagu wareejiyay ciidamada dalka CameronColonel Jean Jacques Fouda u qaybsanaha ciidamada Milateriga dalka Cameron dhanka agabka ayaa sheegay gaadiidkaan gaashaman ay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa oo ciidamada ay helaan ebed.

"Gaadiidkaan wuxuu difaacaya ciidamada ku jira howlgalada dhaadheer iyo dagaalka ka dhanka ah miinooyinka.” Ayuu yiri Colonel Jean Jacques Fouda. General David Rodriguez U qaybsanaha Mareykanka howlgalada ka socda Qaarada Afrika, ayaa sheegay dhowr boqol oo ciidan inay taageeri doonaan ciidamada dalka Cameron, si ay uga hortagaan weerarada Kooxda Boko Haram.

Ciidamadan Mareykanka uu u diray dalka Cameron, waxa ay gaarayaan 90 Askari, waxa ay ka mid yihiin Askartaan 300 oo Mareykanka uu balan qaaday inay u dirayaan dalkaasi Cameron.Ujeedada ciidamada Mareykanka uu ugu diray dalka Cameron ayaa ah inay la dagaalamaan Kooxda Boko Haram oo dhibaatooyin ka geysata dalkaasi.

SUUDAAN OO CIIDAMMO U DIRTAY YEMEN SI AY UGA QAYB QAATAAN HOWLGALKA KA SOCDA WADDANKAAS

Xukuumadda Sudan ayaa ciidammo shalay oo Sabti ah geysay magaalada Cadan ee Koonfurta Yemen ciidammo qayb ka noqonaya xoogagga isbahaysiga uu horkacayo Sucuudiga ee dowladda awooda yar ee dalka Yemen ka taageera dagaalka ay kula jirta xoogagga Xuutiyiinta.

Cadan oo ah magaalo deked leh ayaa waxaa qabsaday xoogagga xuuthiyiinta ah, kuwaasoo ku qasbay madaxweynihii wadwankaas AbdRabbu Mansour Hadi inuu ka cararo dalkiisa; isagoo magangalyo ahaan ku joogay dalka Sucuudiga.

Saraakiil ka tirsan millateriga Yemen ayaa sheegay in 300 oo askari iyo weliba saraakiil ay shalay soo gaareen Cadan; iyagoo sheegay inay xoojin doonaan amniga magaalada Cadan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Yemen, Khaled Bahah iyo xubno ka tirsan wasiirradiisa ayaa dib ugu soo laabtay bishii hore magaalada Cadan, kaddib markii July laga saaray magaaladaas xoogagga Xuuthiyiinta iyo ciidammo madaxweynihii hore ee dalkaas Cali Cabdalla Saalax taabacsan.

Ugu dambeyn, magaalada Cadan ayaan weli ammaankeeda sugnayn, iyadoo ay kooxaha mucaaradka halkaas ka geystaan qaraxyo iyo weerarro gaadmo ah, waxaana bishan hore ay ku dileen 15qof qaraxyo ay ka geysteen magaaladaas, iyadoo uu ka badbaaday weerarkan ra’iisul wasaaraha Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada taabacsan xukuumadda Yemen iyo kuwa kale ee ka socda waddamada carabta ayaa dagaal kula jira xoogagga xuuthiyiinta ah ee dalkaas, iyagoo isku dayaya hadda inay ka saraaan magaalada xarunta ah ee Sanca.

SHABAAB "CIIDANKEENA QAABILSAN DILALKA SARAAKIISHA AYAA MUQDISHO KU DILAY SHALAY CIISE BEYLE”

Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay ku faaneyn inay ka dambeeyeen dilkii shalay Barqadii Magaalada Muqdisho loogu geystay Ciise Maxamed Bayle oo ka howlgalaayay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ciise Maxamed Bayle, wuxuu Garoonka Muqdisho u fadhiyay Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Somaliya, waxaana shalay Barqadii rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan ay ku toogteen Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir.

War ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay ciidamada qaabilsan dilalka qorsheysan ee Xubnaha Dowladda u shaqeeya inay beegsadeen Sarkaalkaan ka tirsan Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Somaliya.

Shabaabka waxa ay sheegeen Ciise Maxamed Beyle , xilliga la dilaayay In uu ka degay gaari nooca raaxada ah, kadibna ay beegsadeen rag Shabaab ka tirsan, gaar ahaan qaybta amniyaadka Shabaabka oo rasaas ay la dhaceen.

Shabaab ayaa sidoo kale sheegay Ciise in Magaalada Muqdisho uu ku sugnaa wax ka yar 30 cisho, ayna ku daba joogeen muddo, islamarkaana shalay ay usuuragashay inay dilaan.

Maamulka Degmada Wadajir ayaa sheegay in la baadigoobayo raggii ka dambeeyay dilka Marxuum Ciise Maxamed Beyle, Allaha u naxariistee oo rag Shabaab ka tirsan ay dileen. Ciise Maxamed, ayaa horay u la soo shaqeeyay Wasaarada Amniga Xukuumadda Somaliya.

Shabaab ayaa beegsada dadka dowladda la shaqeeya, waxaana dilalka ugu badan dhalinyarada Dowladda u shaqeysa loogu geystaa Degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinleey.

SIRDOONKA BRITAIN OO SHEEGAY INAY SUURAGAL TAHAY DAACISH NINKII U QAABILSANAA QOOR GOYNTA SOOMAALIYA IN UU SOO AADO

Sida uu qoray Wargeyska The Mirror ee ka soo baxay dalka Britain, waxaa macquul ah in Qoor gooyaha u dhashay dalka Britain ee ka midka ah Daacish in uu u soo safro Somaliya.

Mohamed Emawazi, waa muwaadin u dhashay dalka Britain, waxa uu horay qoorta uga jaray labo nin oo u dhashay dalka Britain, wuxuu caan ku yahay Magaca Jihadiste John.

Sirdoonka dalka Britain ee loo yaqaan British SAS Special Forces, ayaa sheegaya xilligan inay macquul tahay John in uu u safro dhanka Somaliya si uu halkaasi ugu noolaado, maadaama ciidamada dalka Britain ninkaan ay si aad ah u doon doonayaan.

Saraakiil codsaday inaan la magacaabin waxay sheegeen inuu Jihadi John xiriir la sameeyey Kooxaha kale ee Jihaadistayaasha ee ku sugan dalka Syria, kuwaasi oo mucaarad ku ah Kooxda Daacish, ayna u sheegeen in uu xiriir la sameeyo Shabaabka Somaliya si uu halkaasi u tago.

"Jihadi John waxa uu u muuqdaa nin quus taagan oo garanayo inay maalmihiisa kooban yihiin, wuxuuna samaynayaa qaab kasta oo ku badbaadin karo Noloshiisa” Ayey Ilowareedka u sheegeen Wargeyska The Sunday People.

Wargeyska The Mirror ayaa sheegay inaysan wax lala yaabo ahayn in la ogaado inuu Qoorgooyaha Daacish, Jihadiste John sameeyay dadaallo uu dhowr sanno ugu jiray in uu ugu safro Soomaaliya, taasi oo soo jiidatay Dareenka Maamulayaasha Britain.

Bishii la soo dhaafay ee September 27dii, Ra’isulWasaaraha Britain, David Cameron waxa uu sheegay inuu kudhawaad 70 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee Britain u soo diri doono Somalia si ay u tageeraan Ciiddamadda Dowladda Soomaaliya iyo Howlgalka Amisom.

URURKA MIDOWGA AFRIKA OO SHALAY KU BAAQAY IN LA DIYAARIYO CIIDAMMO LA GEEYO DALKA BURUNDI

Golaha ammaanka iyo nabadgalyada ururka Midowga Afrika ayaa sabtida shalay ah ku taliyay in la diyaariyo ciidammo loo diro dalka Burundi, haddii ay sii xoogeystaan rabshadaha ka jira, iyagoo sidoo kale ku baaqeen in baaritaanno lagu sameeyo xadgudubyada ka dhacay dalkaas.

Sidoo kale, golaha ayaa sheegay in cunnoqabteyn ay kusoo rogi doonaan cid walba oo loo arko inay xiisadaha siyaasadeed ee dalka Burundi ka taagan kasii darayso.

Burundi ayaa tan iyo bishii Abriil ee sannadkan waxaa ka jiray rabshado, kaddib markii uu madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ku baaqa inuu u tartamayo markii saddexaad xilka madaxweynenimo ee dalkiisa, taasoo xisbiyada mucaaradka ah ay si aad ah uga soo horjeestee.

"Golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika, waxay codsanayaan in la dadajiyo diyaarinta ciidan loo diro dalka Burundi… si looga hortago inay sii xumaadaan xiisadaha ka taagan dalka Burundi,” ayaa lagu yiri warbixinta golaha ammaanka ee Midowga Afrika.

Waxaa kaloo qoraalka lagu yiri. "Golaha Ammaanka iyo Nabadgalyada Midowga Afrika waxay cunnoqabteyn dhinaca safarka iyo hantida ah ay kusoo rogayaan cid walba oo loo arko inay xiisadda Burundi ka taagan hurinayso.”

Dhanka kale, golaha ayaa ugu baaqay guddiga arrimaha xuquuqda aadanaha ee Midowga Afrika inay baaritaano ku sameeyaan xadgudubyadii ka dhacay Burundi. Iyagoo kulammo kula qaadanaya Burundi ama Itoobiya dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadaha dalka Burundi ka taagan.

Rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Burundi ayaa waxaa lagu dilay, Charlotte Umugwaneza oo ahayd xisaabiyihii xisbiga MSD ee mucaaradka ah, waxaana maydkeeda laga helay agagaarka webi ka baxsan magaalada Burunbura.

Ninkii ay u dhacday haweeneydaan oo lagu magacaabo, Déo Ndikumana ayaa u sheegay warbaahinta Jimcihii in xaaskiisa ay afduubeen kooxo aan la garanayn, dabadeedna ay ku dileen rasaas iyo tooreey. Iyadoo booliisku aysan ka hadlin dilka haweeneydan.

Ugu dambeyn, Ndikumana ayaa sheegay in xaaskiisa ay u carartay waddanka ay dariska yihiin ee Rwanda kaddib markii loogu hanjabay in la dilayo; maadaama ay ka tirsan tahay xisbi mucaarad ah oo kasoo horjeeda Nkurunziza, balse dib ugu soo laabtay Burundi laba bilood ka hor.

"Shaki kuma jiro in dilkeeda uu ahaa mid ku saleysan siyaasad,” ayuu mar kale ku daray hadalkiisa Déo Ndikumana; iyadoo horay dalkaas loogu dilay xubno ka tirsanaa xisbiyada mucaaradka ah ee kasoo horjeeda xukuumadda Burundi.

 

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN

{SHEEKO TAXANE AH}

Q/61aad

Daqiiqado ka bacdi Cabdulqaadiriyo Xul Beella waxaay isula soo jaanqaaday nideeda Bilaabeen qadadii heerka sare aheyd oo maal intaa hortooda tiillay ,in xoogaa ah markii qadada lagu dul sheekeystay ka dibn inta la fara xashay oo Gacmaha la tirtirtay baa gacmahii Barafu unnooca {WanManshowga} loo yaqaan lagu buufsa day.

Intaa ka dibna lammaanay aashii is jeclaa ee c/qaadir iyo Xil Beella waxaay iskula jaan qaadeen xaggaa iyo ku raastii fadhi carbeedka aheyd kolkii kuraastii la tagayna C/ qaadir Fadhi Carbeedkii ay uu dhacdiid ugu seexday , XulBellana meel lammaana heeda C/qaadir u dhow bay iska fariisaty, sheeko dheer iyo isku dhoollo caddeyn ka dib saacadda bariga afrika waxaay soo dul istaagtay 1;00 galabnnimo lammaana yashii is jeclaa ee Xulbeella iyo C/qaadir waxaa loo keenay Casiriyadii maalintaa la cabbi lahaa oo ah nooca {Coffega} loo yaqaano oo laba kabbo ah, Maalintaa na casiriyada waxaa keenay XulBella walaasheed ka yar ee Yusra, kolkii casiraydii korkeeda lagu kaftamay ka dib xul Bel la waxaay soo sagootisay lammaanaheeda C/qaadir ahaa waxayna iska la soo baxeen ruunkkii xul beella iyagoo iskula soo saan qaaday xagaa iyo busteejadii lammaanaheeda C/qaadiray gaariga ka saari laheyd ko lkii ay in cabbaar ah wadadda ku soo jireen ka dib waxaa ay yimaadeen goobtii busteelada aheyd maalintaana goobta waxaa taagnaa gaari kooster ah oo faaruq ah C/qaadir na jaran jaradii gaariga intuu cagaha la haleelay ayuu kursigii albaabka u dhawaa iska fariistay ka dibna intuu la ballamay ayaa la is macal salaameeyey,dabadeedna gaarigii ay aa goobta ka dhaqaaqay , xulbeellana ilaa uu gaariga ka libdho lam maanaheeda C/qaadirayey gacan haatineysay, isaguna sidoo kale.

daqiiqado ka dib C/qaadir gaarigii ayuu ka degay wuxuuna u dhaqa aqay xaggaa iyo aqalkii uu degganaa, in cabbaar ah kolkii uu wad dada ku sii jiray ka dib gurigiisii ayuu tegay ka bacdina nasasho dheer ayuu galay ka dibna wuuiska seexday

Shalay waa maalinnimmo qamiis ah waxaa ciyaaraya diiqii shin biraihiiarooryaad Raxmo waxaa ey ka soo toostay firaashkeedii waxa ayna abbaartayhalkii suuligau ahaa, kolkii ay ay suuligii gashay ama {xammaamka} kana soo baxday ka dib inta ey weysa qaadatay ayey dukatay salaaddii subax ee alle ku lahaa SWTC., Salaaddii ka dib inta ey duceysatayayey kirligii shaaha ahaa dabkaay ku tuurtay in daq iiqado ah ka dibna Raxmo waxaa ey dabka ka dajisaykirligii dabka saa rnaa waxaayna ku kala shubtay labo tarmuus{falaasyo} oo meel agteeda ah yaalay ka dibna inteey koob shah ahaashubatay ayey u dhaqaaqday qolkii fadhiga intia ay salootadii ku fariisatay ayey koobkii shaaha ahaa waxaa ay dul saartay miis hoteedayiillay, ka bacdina waxaa ay laacd ay oo ey soo haabatay maladjaceyl ah oo miiska dul saarneyd daba deedna aqris ku bilowday saacado markii ay majalladda ay akhrineysay ka dib waxaa loo keenay quraacdii ey maalinta cuni laheyd maalintaana waa quraacda u keentaywalaasheed xayaad markii ay quraacatay ka dib waxaa ay u dhaqaaqday xaggaa iyoama {xammaamka } si ay u soo meyrato{qubeysato} ka dinbaRaxmo waxaa eyka soo dhaqaaq day xaggaa iyo suuligii iyadoo u soo dhaqaaqday qolkeedii si ay u soo labbisato. Maalintaa Raxmo waxaa ay ku soo labbisaty dharkeedii kuwii ugu quruxda badna, barafuunkana waxaay isku buufisay kii ugu carafta badnaa oo ey ugu jecleyd kaasoo ahaa {farxateynka}, in yar ka dibna Raxmo waxaa ey ka soo baxday al baabka gurigoodawaxaa eyna u oo dhaqaaqday bosteejadii ay ka raaci laheyd baabuurtana laga raro iyadoo maalintaa bosteejada ka soo raacday{gaariDiskoo ah} iyadoo{ {taargedkeeda} qorshaeeda uu ahaa degmada xamarweyne daqiiqado dhowr ah markii ay gaariga saarneyd ayaa waxaa ay kaga degtay gaa rigii goobtii ay dooneysay iyadoo u dhaqaaqday goob {interneitka} laga galo, daqiiqado ka dibna goobtii {interneitka} aheyd ayey gudaha u ga shay iyadoo maalintaana goobta {interneitka} gudaheeda ay aheyd hal ka ay isku barteen gabar magaceeda la yiraahdoBushra maalintaa wax aa hadalka daah furkiisa bilaabay gabadhii Raxma aheyd waxaayna ku bilowday sida tan:

Raxmo:Walaal Magaceyga waxaa la yiraahdaaRaxmo, waxaan degganahay Degmada H/Wadaag waxaan jeclahay bulsha la noolaan shaha , waxaan ahay gabar dhallinyarada eynigeeda ah soo dhaweyso oo ballamadan adkeysa, naxariis badan, runta ku dhaqanto oo beentana ka fogaata , waxaana leeyahay lammaane aan is jecelnahaynaftana ay inoo dhaxeysomagaciisana waxaa la yiraahdaa C/qaadir . C/qaadir waa wiilreer nagaal ah haddana beysaaninnimana ku darsaday , waa wiil aan aqoon isla weynida ,kibirka iyo is qaadqaadka waana wiil mutacallim ah oo qoraa, abwaanna ah ilaamaa iyo waqtigiis aan bartay iyo ilaa ha dda oo aan isla soconnana wax is beddel ah kuma aanan arag walaa leey, Mar walbuu ii soo haasaawo tagana waan koolk ooliyaa

Bushra: walaa marka hore waan ku salaamay , salaam ka dibna magaceygu waxaa la yiraahda Bushra, waxaan degganahay Degmada Shaangaani aniguna sidoo kale waxaan jecelahay bulsho la noolaansh aha mana aan ihi xiisooleey, dhadhan raac ah oo danteeda oo qura taqaanna.

Mudda kale saaxiibeey aniguna waxaan leeyahay lammaane maga ciisa la yiraahdoBinshaakir oo ey nafta inoo dhaxeysowaa wiil sitiisan ah oo haddana beysaani ah,waa wiilaan aqoon buur isa saaridda iyo is la weynida, waana wiilganacsade ah oo dubay wax ka keena waqtigii aan is baranay ilaa iyo hadda wax is bedel la yiraahdo kuma aanan arag.

Saaxiibeeymar walboo uu gurigeygaigu soo haasaawo tagna isagoo faraxsan ayaan soo diraa habeenkii kolka saamuleylka la gaarana xusuustiisaan ku seexdaa kuna soo toosaa.

Midda kale aragtidiisaanku noolahay oo la’aantiis ma noolaan karo biy uhina dhuunteyda kama ay degaan saaxiibeeymarwalboo aan firaashkey ga tagana muraayadda qalbigeyga ayaan ka dhex arkaa , mar walboo joornaal ama bug sheeko ahaan akhri naayana isagaa m ka dhex arkaa

Intaa ka dib saaxiibbadii is jeclaa ee Rxmo iyo Bushra: waxaa ay iska la soo baxeen goobtii internaiyka aheyd waxaana lo soo wada dhaqa aqay gurigii Bushra: oo goobta ka dhawaa waa daqiiqado markii wadd ada lagu soo jiray ka dibna girigii Bushra: ayaa la yimid, ka dibna gudaha ayaa loo soo galay dabadeedna qolkii fadhiga ayaa loo gudbay ka dibna fadhi carbeedkii ayaa lawada fariistay , maalintaacabbitaanka iyo mac macaankii la cuni lahaa waxaa keentay Bushra: walaasheedii ka yareyd ee Nasiib in daqiiqado ah ka dib waxaa la bilaabay cunistii macmac aanka loo keenay il biriqsiyo yar ka dibna macmacaankii waa laga fara ti rtirtay waxaan ay guda galeen labadii gabdhood kaftan iyo sheeko dhe er waxaana ay saacaddu isa soo dul taagtay 8:00 duhurnnimo gabadhii nasiib aheydna waxaay keentay cabbitaankii iyo cuntadadii oo maalin taa la cuni ahaaiyadoo maalintaas qadadu ay aheyd Bariis nooca loo yaqaan { Baas matiga} shidni, hilba dheylo ah , cabbitaanno qudaar la shiiday ah iyadoo maalintaa Raxmo iyo Bushra: ay wada qadeeyeen.

Qadadii ka dib Bushra:waxaay saaxiibteed Raxma u shidday filim Hindi ah oo jaceyl ah aadna u xiisa badnaa ……..

La soco isninta danbe hadduu alle idmo

W/Q C/QAADIR C/LLE NUUR {QALBI DAHAB} Tel:0618455506

 

 

 

 

 

Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis

Ogeysiis Muhiim ah oo ay kuu heyso The Ministry of finance the federal government of somalia

Tender name: Supply and Delivery of Foodstuff to the Somali Police Force…

INVITATION FOR TENDER

IFT issue Date: 12thOctober, 2015

Reference: SPF/001/2015

 

Tender name: Supply and Delivery of Foodstuff to the Somali Police Force

The ministry of finance now invites sealed bids from eligible and qualified candidates for supply and delivery of Foodstuff to the Somali Police Force in Mogadishu.

 

Tender documents containing detailed specifications can be obtained from the procurement office at the Ministry of Finance between8:30AM to 2:00PM

Candidates must prove that they qualify to participate in public procurement method in providing the

following documents or evidences:

 

1.Certificate of company registration, certificate issued by the ministry of commerce.

2.A declaration of certificate that the candidate have fulfilled the obligation to pay taxes a valid tax compliance certificate must be attached

3.An abstract of the candidates accounts for the last (2) two years 2013and 2014 accompanied by a bank statement for the last 12 months.

4.The supplier should have minimum three years of experience in the commodities industry, particularly agricultural commodities.

5.The winning supplier will be directed with few distribution allocationsrequired by the user department (Police Force Logistics Department)

Bidding will be conducted using theNational Competitive Bidding (NCB) method. Bids must remain valid for a period of ninety (90) days from the date of tender opening. The completed tenders in plain sealed envelopes clearly marked "Tender Number SPF/001/2015 for Supply and Delivery of foodstuffs” for the Somali Police Force shall be addressed to the procurement department, ministry of finance at villa Somalia, Mogadishu not later than 25th October 2015.

 

The bidders MUST comply with all the instructions and rules of the tender and particularly to ensure that all the forms required are properly completed.

 

Tenders will be opened immediately thereafter the deadline, in the presence of tenders’ representatives who choose to attend the bid opening meeting 26th October at 10:00AM in the ministry of finance procurement office.

Interested bidders must deliver their bids in written form to the address below (in person, or by mail) not later than 25thOctober 2015 at 2:00PM. Late bids will be rejected.

Please make sure you address your bids at the following address provided below:

 

Procurement Department

 

The Ministry of Finance, Villa Somalia, Mogadishu, the Federal Government of Somalia.

Email: procurement.fgs@gmail.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip