
Korneyl Cabdullaahi Barre oo ka sheekeeyay dhacdo ay ku arkayn Ceel Hareeri
Korneyl Cabdullaahi Barre oo ka mid ah Saraakiishii hoggaamineysay gulufka ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda kula wareegeen deegaanka Ceel Hareeri ayaa faah faahiyay gulufkaasi iyo dhacdo uu sheegay inay ku arkayn deegaankaasi.
Ceel Hareeri oo hoostagta Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxay 15km u jirtaa Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Korneyl Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa sheegay in ciidamadooda ay si buuxdo gacanta ugu hayaan deegaankaasi iyo weliba aagga deegaanka Garas-magan.
"Raggii meydadkaasi meesha soo dhigay ayaa gacanta ku haya, raggaasuna waa Ciidamadii Dowladda iyo kuwii deegaanka oo is garabsanaya.” Ayuu yiri Korneyl Cabdullaahi Barre oo intaasi ku daray "Meesha waa lagu weeraray, ugu dambayntiina waa lagu burburiyay, waa taas meydkoodii la soo bandhigay oo talisyada laga qabsaday.”
Korneyl Cabdullaahi Barre oo horey u soo noqday Abaanduulaha Guutada 5aad, Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale sheegay in difaacyadii Shabaabka ay ku arkayn xubno Shabaab ah oo lugaha ka dabran.
"Niman qaarkood lugaha iyo feeraha ka xir-xiran yihiin oo xabad ridaayaa meesha ugu tagnay, xargihiiyaa ka soo furfurnay oo aan soo jeednay, oo meydkoodii soo dhignay meesha.” Ayuu yiri Korneyl Cabdullaahi Barre.
Sarkaalkan ayaa ku waramaya in maleeshiyada Al Shabaab ay ugu talagaleen in halkaasi lagu dilo, isla-markaana aysan baqin, isagoona xusay inay isticmaalayeen waxyaabaha maanka-dooriya.
"In meesha lagu dilo maahee inaysan baqaninee ugu talagaleen. Tramadol oo ah kuwii sharoobooyinka iyo kuwii la qasaayay intaba meesha ayay u yaalleen, way cabayeen.” Ayuu yiri Korneyl Barre.
Dhanka kale waxaa uu sheegay in Shabaabku ay hadda Gobolka Hiiraan kaga sugan yihiin dhul masaafo ahaan gaaraya 10km, waana dhul uu sheegay dhaca xadka, dagaalka gobolkaasina uu geba-gabo ku dhowyahay.
Dagaalkan Ceel Hareeri ka dhacay oo qaatay saacado badan ayaa noqonaya kiisii ugu khasaaraha badnaa ee Shabaabka lagu gaarsiiyo gobolkaasi, sida uu Jimcihii sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood.
General Caanood ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay 100 nin, ee ay ku jiraan buu yiri dhallinyaro xoolo dhaqata iyo beeraley iska ah oo la soo raafay, dagaalkana lagu soo khasbay.
"Boqolka qof ee dhintay ma wada ahayn dadkii ayaga u shaqeynayay, ee ay ku jiraan dhallinyaro xoolo dhaqata iyo beeraley iska ah oo la soo raafay, dagaalkana lagu soo khasbay.” Ayuu yiri General Caanood.
Korneyl Cabdullaahi Barre oo ka sheekeeyay dhacdo ay ku arkayn Ceel Hareeri
,,,