HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 5-TA NOVEMBAR 2022-KA

0
Saturday November 05, 2022 - 08:39:08 in Wararka by
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 5-TA NOVEMBAR 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh oo horgeeyay shir-madaxeedka dalalka Car abta doorka ku aaddan dagaalka ka dhanka ah ar gagixisada ee shacabka iyo dowladda ay ka suga yaan walaalahooda Carbeed ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kula kulmay madasha shirka uu ku qabsoomay Hoggaamiyeyaasha Wadamada Carabta iyo Madaxda Ururada Caalamiga ah ee ka qaybgalay, isagoo uga warbixi yay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaal ka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo sida ay u socdaan abaabulka wadajirka ah ee lagu xoreynayo deegaanada ay baaqiga ku yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Algeria, Abdelmadjid Teb boune oo haatan ah Madaxa Jaamacadda Carabta. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la qaatay dhiggiisa dalka Masar, Abdel Fattah El-Sisi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres iyo madax kale, si uu u xoojiyo diblomaa siyadda Somaliya iyo xaqiijnta danaha qaranka.

RW Xamza oo Warbixin ka dhageystay guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii Soobe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddo omiyey shir Golaha Wasiirrada oo warbixinno looga dhageystay Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii KM5, Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Maaliyadda.

Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii isgoyska Soobe ka dha cay 29kii bishii hore, ayaa gol aha uga warbixiyey halka ay marayaan howlaha gurmad ee ay wadeen, iyagoo ti lmaamay in qaar kamid ah dhaawacyadii darnaa loo qaaday dalka dibeddiisa , welina gurmadku socdo, isla markaana ay dalka soo gaareen dhaqaatiir iyo daawooyin ka yimid dalalka saaxiibada la ah Soo maaliya.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta howlgallada xorr eynta iyo xasillinta dalka ka dhageystay Wasaarada ha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo tilmaam ay in ay si xowli ku socdaan howlgallada xorreynta iyo xasillinta goobaha ay ku sugan yihiin Argagixi sada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamtay deegaanno muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen koo xaha argagixisada ah lagala wareegay, welina ay soc daan howlgalka lagu baacsanayo Khawaarijta.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha Wasiirr ada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howllaha deyn cafinta iyo safarkii Wasiirka Maaliyadda uu ku tagey dalka Mareykanka oo kula soo kulmay hay’adaha maaliyadda caalamka, iyadoo la rajeynayo ilaa dhammaadka sanadka danbe in la soo dhameystiro barnaamijka dayn cafinta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir ka furay Garoowe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarla maan ka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magalada Garoowe ka furay shirka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS oo socon doona mudo hal todobaad ah.

Shirka oo ay furitaankiisa ka qeyb galeyn Guddoom iyaha Golaha shacabka BJFSSheekh Aadan Max amed Nuur (Madoobe), Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Laba adee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshir ow ayaa waxaa ugu horeyn Shirka faahfaahin ka bix iyey Xog-hayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle "Jaabiri” oo sheegay in shirkan muhiimadiisu ay tahay in la isla meel dhigo howlaha hortebinta u leh Kalfadhiga Lab aad ee Golaha Shacabka BJFS.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shirka furay ayaa ku dheeraaday muh iimada uu shirkan leeyahay maadaamaa looga doodi doono mudada uu socdo ajendayaal muhiim u ah Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJFS

Wasiirka Haweenka XFS oo kulan la qaad atay ur urada haweenka ee heer qaran iyo heer bulsho

Wasiirka Haweenka Iyo Horumarinta Xuquuqda aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka qeybg ashay kulan looga hadlaayey sharciga haween ka,caruurta iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Kulankaan oo ka dhacay Xarunta SWDC ee Magaa lada Muqdisho ,waxaa ka qeybgalay ururada Bulsh ada rayidka ah iyo Ururada Haweenka Qaran ka,iyadoo mudadii uu socday looga hadlay ilaalinta shuruucda caalamiga ah ee khuseeya dhanka xuquuqda aadanaha.Wasiirka Haweenka Iyo Horumarinta Xuquuqda aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay kulankasi ayaa sheegtay in sharciyadaan Laga talagalin doono heyadaha ay kjuseeyaan,isla markaana loo gudbin doono culumada iyo dowladda federaalka.

Guddoomiyaha Ururka SWDC Sahro Maxamed Ax med,ayaa ka warbixisay ahmiyadda sharcgan uuu u leeyahay bulshada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay taabagalinta sharciyada la xiriira haween ka,caruurta iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo itoo biya oo ku heshiiyey inay sii wadaan dadaall ada wadajir ka ah ee looga hortagayo argag ixisada.

Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo itoobiya ay aa ku heshiiyey inay sii wadaan dadaallada wadajir ka ah ee looga hortagayo argagixisada.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida QarankaSoomaaliya Md. Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoo biya Mudane Sisay Tola oo kulan ku yeeshay maga alada Mu qdisho ayaa isku afgartay muhiimada iskaa shiga iyo is dhaafsiga xogaha labada sirdoon.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in lagama maarma an ay tahay ka hor taga Aragagixisada ku sii baahay sa Bariga Afrika iyo inay haboontahay in si wadajir ah leesaga kaashado.

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sug idda Qaranka Soomaaliya wuxuu bogaadiyey heshiiska ay xukuumadda Itoo biya iyo kooxda hubeysan ee TPLF ay dhawaan ku gaareen magaalada Pretoria ee wadd anka Koofur Afrika.

Md.Mahad Maxamed Salaad, Agaasimaha NISA ay aa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Itoobiya garab istaageeda walaaltinimo iyo deeqihii caafima ad ee dhowaan ay soo gaarsiiyeen magaalada Muq disho. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin labo dal oo ay waxbadan ka dhexee yaan, wajahayana khatar argagixiso oo isku mid ah.

Sisay Tola Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoon ka Itoobiya ayaa muujiyay sida uga xun yahay falkii argagixiso ee dhawaan ka dhacay magaalada Muq disho, waxaana uu tilmaamay si loo yareeyo cabsida laga qabo dhacdooyinka noocaan oo kale ah in la xoojiyo iskaashiga iyo la dagaalanka argagixisada ee Bariga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Itoobiya ayaa dhowaan kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa waxay uga hadleen iskaashiga labada dal eek u aad an ka hor taga qataraha Argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Booqday Warshad da Wax Soo Saarka Difaaca Ee Yarmouk

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaal ka Soomaaliya Md.Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Danjire Maxamed Isaaq Ibraahim iyo wafdi la socday ayaa booqday Warshadda wax soo saarka difaaca ee Yarmouk.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa markii ay gaareen xaru nta Warshadda waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Maamulka Warshadda oo warbixin guud ka siiyay hanaanka ay u shaqeyso iyo qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka So omaaliya mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaa mac iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga Wadanka Suudaan ayaa inta ay ku sug anyihiin waxa ay kulamo kala duwan la yeelan doo naan Madaxda Dalka Suudaan.

Dowladda Oo Faah Faahin Ka Bixisay Dagaallo Khasaaro Badan Dhaliyey Oo Ka Dhacay Hiiraan

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliy eed ee Gorgor kuna sugan deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa aroornimadii Shalay gub ay gaari Layla calaawi ah oo Al-sha baab ay ka soo buuxiyeen Qaraxyo.

Taliyaha Guutada 17-aad G/le dhexe Dayax Cabdi Cabdule ayaa u xaqee jiyay warbaahin ta Ciidamadda Qalabka sida in gaariga laga warhaa yey sidaasna loogu gubay inta uusan soo Gaarin far iisinka Ciidanka gaarin.

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Gaasha andh igga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jen eraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faah faahin ka bixiyey dagaaladii saacadihii lasoo dhaafay ka dhac ay deegaanada Garas Magan iyo Ceel-Hareeri.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in dagaallo saacado ba dan socday ay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab uu ku dhexmaray deegaanka Ceel-Hareeri, uuna ka dha shay khasaaro farabadan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalada Al-shabaab looga dilay 100-xubnood, halka dhankooda na uu gaaray khasaaro Ciidamada, waa sida uu ha dalka u dhigay Jeneraal Caanood oo intaas kusii dar ay in dagaalka ay barbar socotay duqeyn diyaara deed.

Gaba-gabadii Afhayeenka ayaa tilmaamay in gur mad Ciidan oo Al-shabaab u soo socday Habeen hore wadd ada loogu galay deegaanka Garas Ma gan, isla mar kaana uu ka dhacay iska horimaad, ay na Ciidankaas gurmadka ahaa dib ugu laabteen deg mada Aadan-yabaal.

Biden oo ka digay in la carqaladeeyo doora shada xilliga dhexe ee 8 November

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa uga digay musharrixiinta diida in laga guulaysto doorashada xilliga dhexe ee toddobaadka soo socda ay qar anka u horseedi karaan wadadii fowdada.

Mr Biden oo la hadlay taleefishinka qaranka ayaa ku booriyay dadka Mareykanka inay u midoobaan muc aaradka doonaya in rabshado siyaasadeed ay u ade egsadaan codbixinta 8 November.

Biden, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa shee gay in madaxweynihii hore ee Donald Trump iyo taag eerayaashiisa ay ka ganacsanayaan beenta shirqool ka iyo xuShalay,halka Jamhuuriyinta ay tilmaameen in Biden uu doonayay inuu kala qaybiyo oo uu lee xiyo fikirka xisbiga.

Waxaa la saadaalinayaa in xisbiga Jamhuuriga ay ku guuleysan doonaan xukunka Aqalka Wakiilada, halka Aqalka Senetka aan la ogeyn xaaladda uu ku dambeyn karo

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in dalka Mareykanka ay ka bilaabato tartanka loo galayo door ashada xilligga dhexe ,taas oo lagu dooran doono la bada aqal ee Congress-ka , gudoomiyaasha gobo lada iyo tan golayaasha deegaanka.


Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo is garabsanaya ayaa Shalay la wareegay deegaano badan hoostaga deg mada Aadan Yabaal iyo Run nirgood ee gobolka Sh/dhexe.

Ciidamada iskaashanaya oo ay hoggaaminayaan Xildhiba an Yuusuf Kabaale iyo Xildhi baan Cismaan Xaadoole ayaa la wareegay ilaa lix de egaan oo hoostaga Aadan yabaal iyo Ruun nirgood ayaa kala ah Cadcadeey, Cadaan laxeey, Nuur Du gle, Maxaad Siciid, Booska Xasan Geedi iyo Ceelka Maraweyne, kuwaas oo ay Xildhibaanadu sheegeen iney Al-shabaab isaga carareen oo aysan kala kul min wax iska caabin ah.

Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo warbaahinta u wa ramay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo ku wa deegaanka ay haatan ku dhaw yihiin degmada Aadan Yabaal ayna ku sugan yihiin meel u jirta 9 KM.

"Waa soo dhamaatay oraahdii aheyd ciidamada Mudullood way soo dil diloomayaan ee uu dhawaan sheegay Xildhibaan Sanbaloolshe, hadalka Xildhiba anka waxa uu ahaa dhiiragalin qofka walaalkiis kula hadlo waana qaadanay dhiiri galin tiisa, qorshaheyn ana waa inaan socono oo an qabano ilaa degmooy inka Ceeldheer Masagawaay" ayuu yiri Xildhibaan Kabaale.

Howlgalkaan Shalay ciidanka dowladda iyo ku wa deegaanka ay kula wareegeen deegaanada ka tir san Sh/dhexe ayaa imaanaya, kadib markii uu dhaw aan Xildhibaan Sambaloolshe oo ku sugan furimaha hore ee dagaalada ka socda Hiiraan uu ku eedeeyay ciidanka iskaashanaya ee ku sugan Masaajid Cali Gaduud iney ka gaabiyeen dagaalada ka dhan ah Al-shabaab.

Cali Guudlaawe, Jen Odowaa Iyo Mas’uuliyi in Ka le Oo Gaaray Masjid Cali Gaduud.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Gu udlaawe Xuseen Guudlaawe oo ay wehliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Ca bdi Fitaax Qaasim Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Shalay gaaray deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo Wafdigi isa waxaa Masjidka Cali Gad uud kusoo dhoweeyay Qeyb aha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida, isagoo kormeeray qeybaha kala duwan ee deegaanka.

Guudlaawe oo xirtay dharka milatatiga waxa uu bogaadiyay guulaha laga gaaray howglalada lagu ciri btirayo Shabaab oo marwalba u taagan xasuuqa sha cabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dhiira gelin u sameeyay cii damadda, wuxuuna faray iney adkeeyaan ammiga, Sha baabna laga saaro guud ahaan deegaanada kale ee gobolkaasi ka joogaan.

Dowladda Jabuuti Oo Dhakhaatiir Iyo Dawo Soo Gaarsiisay Magaalada Muqdisho

Dowladda Jabuuti ayaa dhakhaatiir iyo deeq daa wo ah soo gaarsiisay magaalada Muqdisho, iyagoo ugu talagalay girmadka dhibanayaasha qaraxyadii 29kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Wafdigan ka socda Jabuuti waxaa hoggaamina ya wasiirka waxbarashada Jabuuti ahna siihayaha xil ka wasiirka Caafimaafka Mustaf Maxamed Maxamu ud, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay xubno ka mid ah guddiga gurmadka qaran ee xukuumadda.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa ku amaanay dowladda Jabuuti garab istaaga ay u muujisay shacabka Soomaaliyeed, isagoo dalalka kale ee taageera Soomaaliya ka codsaday iney ka alin ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka wax yeelada ka soo gaartay qaraxyadii is xig xigay ee Zoobe.

Inkabadan 120 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadii Zoobe, halka kudhowaad 400 kale na ay ku dhaawacmeen, waxaana jira daf ka badan 10 ruux oo nolol iyo geeri toona lagu waayay, ku waasoo xiliga qaraxa ku sugnaaa aagga isgoyska Zoobe.

Gudoomiye Cali Jeyte oo sharraxaad ka bix iyey arrin dood ka dhalisay bulshada

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cis maan ayaaka hadlay arrin hadalhayn ka dhex dhal isay bulshada, ka dib markii uu dhowaan shaaciyay inay lacago ku bixinayaan dilka xubin kasta oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa 23-kii bishii October abaal marin lacageed guddoonsiiyay askar ka tirsan Ciid anka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda, kadib markii ay dileen xubno ka tirsanaa maleeshiyadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu amray oo keliya in la dilo Shabaabka dagaalamaya iyo kuwooda sirdoonka ah, ayna tahay in sidaasi loo fahmo.

"Waxaan rabaa hal qodob inaan caddeeyo amaba iftiimiyo, oo ah dhacdadii maalin dhaw eyd ka dhacday Aboorey. Anigu waxa an iri ragga qoryaha wato ee Al-Shab aabka ah iyo kuwa sirdoonka ah ee fal tamaya madaxooda lacag baan saa rnay,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri "Allaha (SWT) wiilka anigu aan dhalay dembiga anigu aan la imaaddo an naa iska leh, wiilka dembiguu la yimaadana, hadduu qaangaarana asagaa iska leh, taasi soo ma cadda? Dembiga aan anigu galay wiilkayga Ilaahay ma u ciqaabayaa? Waa maya, sabab loogu ciqaabaa ma jirto.”

Gudoomiye Jeyte ayaa tilmaamay in kuwa uu am ray in la dilo aanay ka mid ahayn xaasaska iyo carr uurta Shabaabka, islamarkaana ay kuwaasi yihiin bir imageeddo, ayna tahay in la daryeelo.

"Waa ku keligood, waxa aniga aan ka hadlayna ka mid ma ahayn, inaan caddeeyaa rabaa. Birimag eedada kuma jirto waxa la dilayo, carruurta iyo dum arka kuma jiraan. Dadka birimageedada ah kuwaa waxaa loo baahan yahay in la xannaaneeyo oo laga saaro howsha shidada ah ee Shabaab ku jiraan,” ayuu yiri Gudoomiye Jeyte.

Jeyte ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Mowduucaas waxaan rabaa inaan saas u qeexo, ninkii waxaan ka hadlay wax aan ahayn ka shaqeeyay, aniga la iguma dabaqi karo, Soomaali inay fahamtaa rabaa.”

Waa kuma shakhsiga lala damacsanaa Shalay shirqoolka dil ah?

Gudoomiye kuxigeenka gobolka banaadir dhinaca siyaasada iyo amniga Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare Cali) ayaa ka bad baaday qarax lala rabay in lagu khaarajiyo.

Sida ay sheegeen saraakiil katirsan laamaha amniga wax ay sheegeen in qarax miino nu uca soo boodada ah oo Shalay ka dhacay degmada dayniile ay shacab ku waxyeel oobeen.

Meel ku dhaw aargada dayniile ayaa la sheegay in qaraxa uu haleelay gaari shacab la socdeen oo ciyaal aad uda’yar ka mid yihi in dad ka ku dhintay.

Cali Yare Cali ayaa waxa uu maray wax yar ka hor qaraxaa si inta uusan dhicin waxaana la sheegay in uu ka bad baaday shirqoolkaasi isaga na la rabay in lagu dilo. Al Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ga admada ah ay ka fulinayaan Muqdisho,xilli todob aadkaan qarax dad rayid ah ku dhamaadeen ay ka fuliyeen isgoyska Soobe oo weli dad badan ku dha awacmay ay xaaladooda lala tacaalayo. Cali Yare oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii Nabad iyo nolol ayaa ha dda ah gud oomiye kuxigeenka amn iga maamulka gobolka ban aadir,waxaana uu dha waan fagaaro ku yaalla muqdi sho uu ka sheegay in kacdoon lagu ciribtirayo argaga xisada laga bilaabi doono xamar.

DF oo qoraal kasoo saartay arrin aad looga cabsi qabay

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay saadaasha roobka toddobaa dka u horeeya ee bishaan November, xili hore looga cabsi qabay roobab dabeylo wata ku dhafta qeybo ka mid ah dalka.

Qoraal kasoo baxay hay’adda maar eynta musiibooyinka qaranka xarun teeda ka digista halis-wadareedka ayaa waxa lagu sheegay in asbuucani uu ka qalal naan doono afartii asbuuc ee la soo dhaafay.

"Waxaa aad u qalalnaan doona gobollada Waq ooyi, gobollada dhexe iyo qeyb ka mid ah gobollada Koonfureed ee dalka, kuwaasi oo intooda badan heli doona roob aad u yar,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka.

Sidoo kale waxay saadaashu sheegaysa in asbuuc an ay roob aad u yar heli doonaan gobollada; Waqoo yi-galbeed sida, Awdal, Sool, Togdheer, Nugaal, Bari, Mudug, Hiiraan, kaasi oo xadigiisa lagu qiyaas ay 01 – 10 (mm)

"Gobollada kale ee dalka sida: Sanaag, Galgudu ud, Shabeelaha dhexe, Shabeelaha-hoose, Jubada-dhexe, Bay, Bakool iyo Banaadir waxay asbuucan heli doonaan roob xadigiisu u dhexeeyo 01 – 30 (mm) sidaa darteed ma fileeyno ineey saameeyn badan yeeshaan.”

Ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka in gobollada Gedo iyo Jubada-hoose inay asbuucan heli doonaan roobabka ugu badan dalka, kuwaas oo qiyaastii u dhexeyn doona 01 – 50 (mm).

Bukaanada ku jira cisbitaalka Xoogga oo Shalay la gaarsiiyay kaalmo xoolo ah

Mamulka Hey’adda Gargaarka Maareynta Masii booyinka ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga ku wareejiyay 5- halaad oo loogu talo galay bukaanada ciidanka ee ku jira Cisbitaalka Xoogga.

Munaasabaddi gudoonsiinta xoolahaasi oo ka dhacday xarunta cisbitaalka,waxaa ka hadlay Luul Axmed agaasimaha howlaha Maareynta ee hey’a daasi,iyadoo sheegtay in deeqdaan ay qeyb ka tahay dadaalka loogu jiro dhiirigali nta ciidanka.

Sidoo kale wareejinta deeq daasi,waxaa ka hadlay Ku simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaashaandhig ga Cali Aadan Xasan Maamulka Isbitaalka Xooga Dalka ayaa sidoo kale ka hadlay munaasabadda asi,waxaana xoolaha Shalay la guddoomay soo dhii bay wasaaradda Xana anada Xoolaha.

Hay’adda Duulista Rayidka oo deeq lacage ed Ku wareejisay Hay’adda Maareynta Masi ibooyinka

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ku deeqday 26,000 oo dolar taasoo ka timid mushaar aadka shaqaalaha Hay’adda Duulista.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka XFS Marwo Fardo wso Cusmaan Cigaal oo hogaamin eysa Maamulka Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaadiidka XFS oo Deeqdan lacagta ku wareejisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka waxaana ay sheegtay in ay soo scooto gurmad kale oo ay wasaaraddu Qorsheyneyso.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa ka mahadceliyay deeqda lacageed oo ay shaqaalaha wasaaraddu soo

gaarsiiyeen Guddiga Xarunta Gurmadka iyo


Soomaali lagu xiray dalka Hindiya & dowl adda oo billaawday qorsho lagu siideynayo

Magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya waxaa hawlo shaqo u jooga Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ahna Ku-simaha Saf iirka Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur.

Kadib hawlgallo guud oo ay Ciidama dda Booliiska dalka Hindiya sameeyeen kuna qabteen dadka sharci-darrada ku jooga ayaa waxaa lagu xir ay dadyoow badan oo aajaanib ah kuna jiraan muw aadiniin Soomaaliyeed oo aan markaas heysan wax sharci ah.

Si arrintaas loogu kuur galo ayuu utagay magaalada Hyder abad isagoo ka Safray maga alada Caasimadda ee New Delhi halkaas oo ay Safaaradda JF. Soomaaliya ku taalo.

Wuxuu kullamo kala duwan la qaatay hay’adaha Am niga gaar ahaan Booliiska waxaana lagu guuleestay in dib xabsiga laga sii daayo muwaadiniin Sooma aliyeed, sidoo kale waxaa lagu guuleystay in qaar ka le oo ay booliiska ka qaateen baasabooradooda inay Safaaradda dib ugu celisay gacanta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Intaasi ka dib waxaa ay Booliiska fariin u direen guud ahaan gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee aan sharciyadda saxda ah ku joogin in ay shaciga si degd eg ah ku xareystaan hadii ay rabaan inay aii joogaan hadii kalana dalka iskaga baxaan si aysan dhibaato kale ula kulmin.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan maga alada Hyderabad ayaa iskugu jira kuwa ujooga arr imo Caafimaad iyo Arday wax kabarata halkaasi.

AL-SHABAAB ‘oo laga dilay’ 200 oo dagaal yahan ka dib weerar cirka iyo dhulka ah

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa weerar qorsheysan ku qaaday degaanka Ceel-hareeri oo ku yaalla xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyah ano ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Dagaalka oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada dowladda iyo dadka deeg aanka ayaa socday muddo saacado ah, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska ee Da nab G/le Axmed Cabdulaahi Beeryare ayaa warbaah inta ciidamada qalabka sida u sheegay in dagaalka ay barbar socdeen duqeymo dhinaca cirka ah, islam arkaana lagu dilay 200 oo xubnood.

Wuxuu sheegay in Ciidanka DANAB oo kaashan aya dadka degaanka ay howlgalka si wadajir u ful iyeen, islamarkaana degaano dhowr ah oo u dhow degaanka Ceel-hareeri ay ciidamada la wareegeen.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay burburiyeen sal dhigyo ay gobolka Hiiraan kaga sugnaayeen ayna sii wadi doonaan howlgallada ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo guud ahaan ďalka Soomaaliya.

Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka qarxay kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Sha baab, waxaana deegaanadaas kooxda looga dilay da gaalayahano badan waxaana sidoo kale laga qabsa day deegaano badan oo ay gacanta ku heysay san ado badan.

Abshir Macallin Idiris oo isku soo dhiibay ciidam ada DF

Taliska qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dal ka Soomaaliyeed ayaa Shalay soo bandhigay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowla dda ee ku sugan degmada Diin soor.

Abshir Macallin idiris, oo mag aciisu afgarashadu ay yahay Sahal, ayaa isku soo dhiibey ururka 154-aad ee taliska guutada 8-aad qey bta 60-aad ee ciidanka dhulka ee fadhiggooda yahay degmada Diinsoor. Abshir ayaa markii uu isisoo dhii bayey watay qori nooca AK47 ah iyo booshkiisa, wuxuuna kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Jabhadda ama kuwa weerarada gaysta, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Wuxuu sheegay inuu kasoo qeyb galay weeraro badan oo ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay deega ano ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud, Mudug iyo degmada Afmadow ee gobo lka Jubbada Hoose.

Ninkan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 5 sano ah, wuxuuna sheegay inuu markii uu kooxda ku biir ayey ku sugnaa degaanka Gurbaan ee gobolka Baay

Bilihii la soo dhaafay ayaa saraakiisha ciidama da xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 60-aad waxa ay sheegeen inay kordheen xubnaha katirsan Al-Shaba ab ee isku soo dhiibaya, iyada oo ay socdaan howlga llo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay cafin doonto cid kasta oo Shabaab ka tirsan oo isku soo dhiibta ciidamada dowladda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda waxaa ku so cdo kacdoon culus oo looga soo horjeedo kaasoo ha dda si rasmi ah uga socdo gobolada Hiiraan, Shabe elaha dhexe iyo Mudug.

Saraakiil Ciidan oo abaabul ka dhan ah Al-Shaba ab ka bilaabay Galgaduud

Waxaa weli ka socda degaano katirsan dowlad Goboleedka Galmudug howlgallo iyo abaabul dagaal oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay wa daan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed & qaar kamid ah dadka degaannada Gobolka Galgaduud oo hubka qaatay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo labadii maalin ee lasoo dhaa fay ku suganaa Magaalada Cadaado ayaa gaaray degm ada Baxdo ee gobolka Galga duud.

Saraakiishaan ayaa waxaa hogaaminaya Taliya ha Guutada 1-aad ee Qeybta 12-ka April Gaasha anle Sare Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) waxaana qeyb ka ah saraakiil ka tirsan ciidanka xo ogga dalka.

Ujeedka saraakiishaan u tageen magaalada Ba xdo ayaa ah in xoojiyo dagaalka inta badan ka socda deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ee looga saarayo Al-Shabaab oo weeraro ka geysta meelo kamid ah Gobolkaasi Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay taageero u muujin doonto dadka degaannada ee is abaabulay, kuwaas oo la dagaalamaya Ururka Al-Shabaab, waxaana dagaalada qeyb ka ah Ciidam ada xoogga dalka ee ku sugan Gobolada Hiiraan & Galgaduud ee Maamulka Galmudug & Hir-Shabeelle

Madaxweynaha Somaliland oo ka jawaabay go'aamadii shirkii Dal-wanaaje

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sharci daro ku tilmaamay go'aamadii kasoo bax ay shir beeleedkii Dal-wanaaje, ee dhawaan Burco ka dhacay.

Waxa uu sheegay in xisbina deegaan gaar ah ka soo jeedin oo xisbi waliba Somaliland oo dhan leeya hay, isla markaana uu Somaliland oo dhan cod ka do onayo, waxaanu wax aan la qaa dan karin ku tilmaamay go'aamada shirkan.

"Xisbina kaligii gobol gaar ah ka ma soo jeedo, kuma jirto shuru ucda doorashada, qaranka oo dhan ayuu leeyahay, ninka madaxda u ahina waa in uu qaranka oo dhan cod ka doonayaa, waxan la qaadan karaynin waxya alaha qaarkood ee shirarka beelaha kasoo baxa" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu ku tilmaamay wax laga naxo, isla mark aana sharafta madax dhaqameedka hoos u dhigay sa, in beel gaarihi tidhaa doorashada deegaanka ya ga laga qaban maayo hadii aan codsiga yaga la fulin.

"Argagax ayay leedahay, qarankana waa ku gaf, sharciyana waa xaaraan, madax dhaqameedkana hoos ayay u dhigaysa in beeli tidhaa hadii waxa iyo waxaasi dhici waayaan deegaankayaga laga codayn maayo" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Odayaal dhaqameed kasoo jeeda beesha mushara xa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi llaahi Cirro oo dhawaan shir Dal-wanaaje la magac baxay ku qabtay magaalada Burco, ayaa ku hanjab ay in anay deegaamadooda doorasho ka dhici doon in hadii aan doorashada madaxtooyada lasoo hora ysiin.

Musharax Cirro: Doorasho, doorasho, mud do kordhin xaaraan ah maya

Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ugu tunka wayn ee Waddani Cabdirax maan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa xukuumada usoo jeediyay in ay xal siyaasi ah keento 13 Nov ember ka hor.

Musharaxa oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo xisbiga katirsan, oo kumanaan taageerayaashiisa ah kula hadlay magaalada Ceerigaabo, ayaa mada xweyne Biixi ku eedeeyay in uu doorashada ka baqa nayo, waxa uu sheegay in uu sharci ku yimid sharci darana aanu ku joogi doonin.

"Muusoow ama meera yso, ama ha meeraysan waad ka tagaysaa meesha, walig aaba meerayso wa khtigaagii wuu dhamaa dee waad ka tagaysa, doora shada wuu ka baqayaa Muuse, wu una la eelayaa, Muuse Biixi sharci ayuu ku noqday madaxweyne sharci darona kuma joogi karo" ayuu yidh Musharax Cirro. Waxa uu xukuumada ugu baaqay in 13 Nov ember oo ay ku egyihiin 5-tii sanno ee maxaxweyne Biixi la doortay kahor in ay xal siyaasi ah keento, had ii ay dhici waydnana aanu madaxweynaha aqoonsan doonin.

"Waxaynu leenahay waar xal siyaasi ah hala ga adho 13 November, ka hor hala gaadho xal siyaasi ah, hadii la gaadhi waayo dee madaxweyne noqonm aysid" ayuu yidhi musharax Cirro.

Cirro oo goob fagaare ah kala hadlayay taageer ayaashiisa ayaa ku dhawaayay erayo ay kamid yihiin "Doorasho, doorasho, doorasho, mudo kordhin ma ya, mudo kordhin xaaraan ah maya".

Mucaaradka Somaliland ayaa aad uga cadhays an furista urrurada siyaasada, iyo qorshaha xukuum adu ku doonayso in doorashada urruradu kasoo hor ayso doorashada madaxweynaha.

Shaqo joojin ay ku dhawaaqeen duuliyayaasha di yaarada Kenya Airways

Duuliyeyaasha shirkadda Kenya Airways, ayaa ku dhawaaqay inay shaqo joojin sameyn doonan ma alinta Sabtida ah, sida ay ku sheegeen mas’uuliyiinta Ururka duuliyayaasha diyaaradaha ee Kenya Airline (Kalpa).

Tallaabadan ayaa timid maalmo kaddib markii uu dhammaaday ogaysiis shaqo joojin ah oo laba toddobaad ah oo ay soo saareen ururka duuliyayaa sha, kuwaas oo dalbanaya in shirk addu dib u bilo wdo wax ku biirinta sanduuqa lacagta la siiyo dadka hawlgabka ah.

Ururka ayaa sheegay in shaqaalahooda aysan soo xaadiri doonin garoonka diyaaradaha Jomo Ken yatta ee magaalada Nairobi, waa garoonka ugu weyn dalka, waana garoonka afaraad ee ugu mashquulka badan Afrika.

Dabley 30 Caruur Ah Nigeria Ka Afduubatay Oo Lacag Madax Furasho Ah Dalbatay.

Dabley hubaysan ayaa 30 carruur ah ka af duubtay Waqooyiga Gobolka Katsina ee waddanka Nigeria, waxaana ay dalbadeen lacag madax-furasho ah, sida ay sheegeen Booliska iyo dadka deegaanka.

Katsina waa gobolka uu ka soo jeedo madaxweyne Muhammadu Buhari, waxayna ka mid tahay gobo llada waqooyi-galbeed ee Nigeria, halkaas oo kooxo hubaysan oo mootooyin wata ay dadka ku dilaan ama afduub uga geystaan tuulooyinka iyo waddooyi nka waaweyn.

Afhayeenka Booliska Katsina, Gambo Isah, ayaa xaqiijiyay afduubka carruurtan, balse ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo wiil uu dhalay uu ka mid ahaa dadka la afduubtay ayaa sheegay in 30 caruur ah la afduubtay balse ugu yaraan labo ay baxsadeen halka mid kalena la sii daayay maadaama ay xanuunsaneyd.

Carrruurtan oo badankood ay ahaayeen gabdho da’d oodu ay ka hooseyso 14 jjir ayaa sida uu sheegay mid ka mid ah dadka deegaanku ay dableydu dalban ayeen lacag dhan 30 milyan oo naira oo u dhiganta 68,435 dollar.

Carruurta aan qaan-gaarin ee ka shaqeysta bee raha ayaa caan ku ah qaar ka mid ah gobollada waq ooyiga Nigeria, oo ay ku nool yihiin tirada ugu badan ee carruurta aan iskuulada dhigan dalkaas, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka.

Milatariga ayaa duqeeyay goobo lagu tuhunsan yahay in ay ku dhuumaalaysanayaan dableydan, ku waas oo gudaha looga yaqaanno burcadda, iyada oo dowladdu ay doonayso inay soo afjarto weerarrada walaaca dhaliyey kahor doorashada guud ee bisha February ee soo socota, si loo doorto qofka beddel aya madaxweyne Buhari.

Mareykanka oo ugu yeeray Kuuriyada Waqooyi inaysan adeegsan wax nuclear ah

Mareykanka ayaa Dowladda Kuuriyada Waqooyi uga digay in deriskeeda Kuuriyada Koonfureed ay u adeegsato nooc kasta oo ka mid ah hubka wax gum aada ee nuclear-ka, xilli maalmihii ugu dambeysay ay xiisadda labada dal dib uga soo cusboonaatay Gacanka Kuuriya.

Pyongyang oo ka careysayn dhoola-tuska militari, ee ay si wadajirka ah u sameynayaan Marey kanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sii waddo tij aabada gantaaladeeda. Labadii maalmood ee ugu dambeysay ayay riday in ka badan 20 gantaal.

Ka dib kulan ay Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin iyo Wasiirka Gaashaandhigga Kuuriya da Koonfureed, Lee Jong-sup ku yeesheen Xarunta Wasaarad da Difaaca ee Pentagon-ka ay ay si wadajir ah u cambaaree yeen tallaabooyinka militari ee ay qaadayso Kuuriy ada Waqooyi, oo qayb ka ah tijaabada gantaalada iyo madaafiicda ay badda ku tuureyso.

Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen, had dii Kuuriyada Waqooyi ay hubka nuclear-ka u adeegs ato Kuuriyada Koonfureed amaba dalalka xulafada la ah Mareykanka ee ku yaala gobolka, sida Japan, ay soo dedejin doonto dhammaadka maamulka Kim Jong-un.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in jawaab isku dhaf ah ay ka bixin doonaan, haddiiba Pyongyang ay adeegsato nooc uun nuclear ah.

Kulanka labada Wasiir ayaa daarnaa, sidii ay labada dal u dersi lahaayeen waxa ay noqon doonto falcelin tooda, Pyongyang oo ka suurtagal ah inay isticmaa sho nuclear-keeda.

Madaxweyne Zelenskyy "Ruushku wuxuu argag ixiso ku noqday xarumahayaga koro ntada”

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in weerarada Ruushka uu ku hayo kaa bayaasha tamarta ee dalkaasi ay horseedeen in 4.5 milyan oo qof ay noqdaan kuwo koronto la’aan ah. Ayaa bishii October bilaabay inay burburiyaan xaru maha korontada iyo biyaha ee dalkaasi, ka dib wee rarkii qaraxa loo adeegsaday ee lagu waxyeeleeyay buundada Gobolka Crimea, ee horaan uu Ruushku qarameeyay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mallaayiintan qof ay koronto la’aanta wajahay aan, xilli dalkaasi uu ku soo fool leeyahay xilliga qabo obaha.

Madaxweynaha ayaa khudb addiisa habeenlaha ku sheegay in koronto la’aantaasi ay saameysay 10 magaalo, oo ay ku jirto Caasimadda Kyiv.

Madaxweynuhu waxa uu Ruushka ku eedeeyay, ka dib markii ciidamadiisa lagu jebiyay furimaha dag aalka uu argagixiso ku noqday tamarta Ukraine, sida uu yiri.

Volodymyr Zelenskyy, Madaxweynaha Ukraine ayaa maamulada magaalooyinka ugu baaqay inay la yimaadaan tallaabooyin ay ku beeqaaminayaan isti cmaalka korontada.

"Jiritaanka argagixisada tamarta ee Ruushku uu nagu hayo iyo inaan ka gudubno xaaladda ina hay sata waa howl qaran oo inoo taala, waana mid ka mi da waxyaabaha ugu muhiimsan ee hadda na hor yaala.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa yiri "Waxaa muhi im ah inaan hadda ilaalino awoodda aan u leenahay inaan wadajir muujino. Waxaan doonayaa inaan Shalay idiinku baraarujiyo laba arrimood, midda 1a ad waa inay baraarug qabaan maamulada maxaliga ah, oo fadlan hubiya marka aysan muhiim ahayn istic maalka korontada. Midda 2aad dhammaan magaal ooyinka iyo bulshada reer Ukraine hadda lama jooo waqtigii la khasaarin lahaa korontada amaba la istic maali lahaa boorarka wadooyinka ee xayeeysiinada iyo nalalka kale ee loogu talagalay calaamadaha.”

Bulshada ku dhaqan magaalooyinka dalkaasi ay ay hadda dhibaato ka haysataa, sidii ay kaga gudbi lahaayeen waqtigan qaboobaha, waana xilli ay dad ka dalkaasi u muuqdaan kuwo aan haysan gaas iyo koronto ay guryaha ku diirsadaan amaba ay cuntada ku karsadaan.

Maamulada ayaa isku dayaya inay magaalooyin ka ka hirgeliyaan xarumo ay dadku isku diiriyaan, ga ar ahaan dadka da’da ah oo qabowga u nugul.

ERDOGAN OO SHEEGAY INUU WADAHADAL LA GELI DOO NO MUSK KA DIB GO’AANKII KA SOO BAXAY

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu wada-xaajood la geli doono mil kiilaha cusub ee shirkadda Elon Musk, si uusan u bi xin lacagta $8 ah ee lagu soo rogayo calaamadda bu lugga ee xaqiijinta qofka.

Kadib markii uu twitter ku iibsada $44 bilyan oo dollar toddobaadkii tegay, Musk ayaa sheegay in shir kadda ay adeeggeeda Bulugga ku kireyn doonto $8 bil kasta, taasi oo ay qeyb ka tahay calaamadda bul ugga ee raacsan magaca qofka.

Wareysi uu Arbacadii siiyey warbaah inta ee ATV ee Turkey ayuu Erdogan ku yiri inuu la hadli doono Musk, kalana xaajoon do ono lacagtan.

"Waxaa macquul ah inay noo duwan tahay anna ga,” ayuu yiri Erdogan mar wax laga weydiiyey lacag ta lagu soo rogay calaamadda bulugga. "Waxaan la sameyn karnaa xoogaa diblomaasiyad ah,” ayuu Erdogan ku kaftamay.

Calaamadda bulugga ee ku xigta magaca qofka ayey twitter ku xaqiijisaa inuu yahay qofka saxda ah ama shirkadda leh. Twitter ayaan hadda wax lacag ah ku qaadin bixinta calaamaddaas.

In ka badan 80% dadka adeegsada twitter ayaa ra’yi ururin dhowaan la sameeyey ku sheegay inay san lacag ku bixin doonin calamaddaas, halka 10% ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay bishii ku bix iyaan $5. Musk ayaa Talaadadii sheegay in dadka og golaada inay lacag ku bixiyaan calamadda bulugta ah ay heli doonaan muhiimadda jawaabaha, ayna aw oodi doonaan inay muuqaallo iyo codad dhaadheer soo dhigaan bartooda. Sidoo kalena ay arki doonaan kala bar xayeysiimaha ay hadda arkaan.

Wuxuu sidoo kale yiri "kuwa bixiya lacagta wax ay si bilaash ah ku aqrisan doonaan website-yada lacagta lagu aqristo ee nala shaqeynaya.”

Isku daygii lagu KHAARIJIN rabay Imran Khan – Maxaan ognahay illaa iyo hadda?

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga toogtay lugta Shalayinimadii Khamiista, xilli la isku dayey in la khaarajiyo.

Haddab waa kuwan waxa aan ka ognahay dhacd adan illaa hadda:– Weerarka

Khan waxaa ku dhacay rasaas la fur ay intii uu socday dibadbax ka dhacay magaalada Wazirabad. 70 jirkan ayaa dul saarnaa konteenar, wuxuuna la hadlayey taageerayaashiisa, taasi oo qeyb ka aheyd dibadbax socod ah oo lagu tagi lahaa caasimadda Islamabad.

Taleefishinada Pakistan ayaa baahiyey muuqa allo muujinaya Khan iyo kooxda la socotay oo gamba naya ayada oo ay dhaceyso rasaas darandoori ah.

Diiwaanka isbitaallada ayaa muujiyey in ka so kow Khan, toban qof oo kale la dhaawacay, kuwaas oo saddex ka mid ah ay rasaasta haleeshay. Waxaa sidoo kale la dilay hal qof.

Dibad-baxayaal ayaa gubay taayaro, waxayna xanibeen waddooyinka dhowr magaalo oo Pakistan ka mid ah Khamiistii. Waxaa sidoo kale la qorsheey ey dibad-baxyo dheeri kadib salaadda Jimcaha.

Dhaawacyada –

Khan waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla magaa lada Lahore, wuxuuna maray qalliin, hase yeeshee dhaqaatiirta ayaa sheegay in xaaladdiisa ay degan tahay. Weli ma cadda inta rasaas ee ku dhacday.

Goobjooge ayaa sheegay in Khan uu miyir qabay ka dib weerarka, uuna muujinayey astaan guul kahor in ta aan goobta lagala cararin.

Xiddigii hore ee cayaarta cricket-ka ayaa Habeen hore ku baryey Isbitaalka, hase yeeshee wuxuu kulamo la qaadanayey saaxiibada xisbigiisa Tehreek-e-Insaf (PTI).

Waxaa la filayey inuu khudbad jeediyo kadib sal aadda Jimcaha.

Qofka toogashada fuliyey –

Booliska ayaa xabsiga ku haya hal nin. Muuqaal u muuqda qirasho oo baraha bulshada la wareejinayo — ayna soo xigatay dowladda — ayaa tuhunsanaha wuxuu ku qiranayaa inuu Khan u weeraray "inuu mar in habaabinayo shacabka”.

Weli ma cadda haddii ninka toogashada fuliyey uu ka tirsan yahay koox siyaasadeed ama mintidiin.

Sida ay sheegeen goobjoogeyaal, mid ka mid ah da dkii ku sugnaa dibadb-baxa ayaa hor-istaagay ninka weerarka soo qaaday, isaga oo la hardamay markii uu isku dayey inuu rasaasta furo, taasi oo keentay in uu seego bartilmaameedkiisa.

– Xog hore –

Khan ayaa ra’iisul wasaare noqday 2018, hase yee shee wuxuu goobjoog u noqday hoos u dhac dhaq aale, wuxuuna lumiyey taageerada militariga awoo dda badan.Waxaa bishii April lagu riday codka kalso onida baarlamanka, wuxuuna tan iyo markaas u olole yna yey in la qabto doorasho waqtigeeda kasoo hor marta.– Taariikh –

Siyaasiyiinta Pakistan ayaa waxaa inta badan lala be egsadaa weeraro, hase yeeshee tallaabooyinka am maan ayaa weli ah kuwa dabacsan.

Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee dalka Liaquat Ali Khan ayaa lagu toogtay dibadbax ka dhacay magaalada Rawalpindi 1951-kii.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhu tto ayaa sidoo kale la dilay 2007 kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay gaarigeeda agtiisa xilli ay sal aameysay taageerayaasheeda magaalada Rawalp indi.Tobanaan sano, Pakistan waxay sidoo kale la xa rbineysaa islaamiyiin mayal adag, oo ku xooggan xuduudda dalkaas uu la wadaago Afghanistan. AFP, VOA

Hadal-heyn ka dhalatay diyaarad gargaar sidda oo ay Kenya u dirtay Soomaaliya

Dalka Kenya oo ka mid ah waddamada geeska Afrika ee ay sida ba’an u saameysay abaarta ayaa diyaarad sidda gargaar ugu deeqay dalka deriska la ah ee Soomaaliya.

Deeqdan ayaa wa xaa buuq iyo saw axan ay ka abuu rtay bar aha bul shada iyadoo in ka ba dan rubuc ka mid ah dadka u dhashay Kenya ee ku nool dhulka xoola dhaqatadu dagaan iyo dhulalka oomanaha ah ay soo food saar tay xaalad cunto yari ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Shixnaddan ayaa isugu jirtay raashiin kala duwan iyo dawooyin leh noocyo kala duwan, sida lagu sheegay war ka soo baxay militariga Kenya.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in gargaarkan uu jawaab u yahay qaraxyadii toddobaadkii hore ka dhacay mag aalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaa soo ay ku dhinteen dad ka badan 120 qof.

Gargaarkan ayaa waxaa Soomaaliya gaysay mid ka mid ah diyaaradaha militariga Kenya. "Waxaan dareemey naa xanuunka ay dareemayaan walaalaheena Soomaal iya, waxaana uga mahadcelineynaa Madaxweyne Willi am Ruto howshan oo wax ka tari doonta dhibaatada hay sata dalka deriska nala ah,” ayuu yiri Korneyl Victor Kang’ethe.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gac hagua ayaa Khamiistii ka codsaday shacabka Kenya in ay raashin ugu deeqaan shacabkooda gaajaysan ee gu daha Kenya, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

"Qof u dhashay Kenya waa in uusan gaajo u dhimaniy ada oo muwaadiniinta kale ee Kenya ay haystaan cunto dheeri ah,” ayaa laga soo xigtay madaxwayna ku xige enka.

Diyaaradan sida gargaarka ee ay Dowladda Kenya u dirtay Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay fal-celin ay baraha bulshada, sida Twitter-ka ku soo qoreen qaar ka mid ah madaxda iyo shacabka Kenyanka.

Babu Owino, oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Kenya, ahna mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu codka dheer ayaa dowladda Kenya ku dhaliilay tallaabadan.

Dadka arrintan ka hadlay qaarkood ayaa sheegay in gargaarka loo diray Soomaaliya looga baahnaa gudaha Kenya oo ay dada badan abaarta saameysay.

"Ma idinka Dhab baa, carruur ayaa ku dhimanaysa Turk ana idinkana ma cunto ayaad u qaadaysaan Sooma aliya?,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka fal-celinta ku sa meeyay Twitter-ka.

Qof kale ayaa isagana isweydiiyay su’aashan: "Si dee ugu dirtaa Soomaaliya diyaarad ay ka buuxaan cu ntooyin, iyada oo dadkeenna ay gaajo u dhimanayaan? ma aha wax aqliga galaya.”

Qof kale ayaa soo qoray: "Yaa yiri waxaan haysannaa wax naga badan oo nagu filan oo aan bixinno?” Xilli roobabkii afraad oo baaqday ayaa sababaya mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee Bariga Afrika soo mara muddo tobanaan sano ah. Dalka Kenya dad ay tiradooda dhan tahay 4.2 milyan ayaa wajahaya cunno la’aan.

Abaarta ayaa si gaar ah u saameysay 24 ka mid ah ismaamullada ka jira dalka Kenya. Gobollada ay degaan dadka xoolo dhaqatada ah sida gobolka Soomaalida ee Waqooyi bari ayaa ka mid ah goobaha ay abaartan sida ba’an ay u saameysay.

Isha:-BBC SOMALI

Wiil 6-Sanno Jir Ah Oo La Nool Cudurka Autismka (Akhriso Warbixin)

Ahmed Abdirahmaan Maxamed waa 6 sano jir la nool cudurka autismka, sida uu sheegay abbihiisna markii uu hal sano jiray ayaa lagu arkay calaamado aan wanaagsaneyn oo la xirira koritaanka maskaxdiisa. Shan sanno oo uu la nool yahay xanuun kan waxaa lagu arka yaa isbadalo la xiriira caafimaad kiisa kuwaas loo cudurkan xanuunkan.

"Isaga oo sagaal bilood jira ayaan ku arkay calaamado muujinaya in maskax ahaan korita anka wiilkeygu uusan wanaagsaneyn,waayo aniga caafimaadka iyo arriamaha carruurta waxbaan ka garanaya”ayuu yiri Cabdirahmaan Maxamed oo ah abbaha Axmed.

Marka aan ka hadalno bulshada soomaaliyeed waa naadir in la helo waalid fahmsan xaaladdan ama ku dhiirrada in uu dhaqaatiirta la wadaago calaamadahan hase yeeshee Cabdirahmaan tallaabo ka duwan middi hore ayuu qaaday.

"Runtii markaan arkay inuusan wiilkeyu sammeyneyn horumar ama koritaan mas kaxeed oo wanaagsan ayaan u sheeagy xaaskeyga oo aan iyadu arrimahaas wa xba ka fahmsaneyn hase yeeshee igu ra acday talooyinkii aan usoo jeediyay ayuu noo sheegay Cabdiraxmaan”

"Markiiba go`aan ayaan gaaray si aan ula tacaalo xaal addisa inta uusan gaarin meel halis, waxa ana helay schoolkan oo wax lagu baro carru urta xanuunkan qaba” ayuu ku raaciyay Cabdiraxmaan.

Isbadello muuqda ayuu sammeyay Axmed muddada uu iskuulkan dhiganayay maalmo yar kadibna heerkii ugu danbeeyay ee fasalka ayuu ka gudbaya isaga oo u diya arsan in uu wax la barto carruur caafimaad ahaan isaga marki hore ka wanaagsaneyd.

"Laba sano ayuu dhiganaya iskuulkan mardho wna wuu qalin jabinaya iskuul caadi ahna waan geyneynaya maadama uu hadda wanaagsan-yahay badankoodna ay ka hareen calaamadihii xummaa ee xanuunka,gara sha disa, hurdadisa iyo hadalkiisuba ay wanaa gsan-yihiin” Ayuu yiri mar kale Cabdiraxmaan Maxamed.

Raxmo Cabdiqadir Maxamed waa maamul aha isku ulka Mustaqbal oo ah iskuul lagu xannaaneeyo waxna lagu baro carruurta qaba baahiyaha gaarka ah, san nadkii 2016kii ayaa La asaasay sababta loo aasaasayna waxa ay noogu sheegtay in dalka uusan ka jirin xarun lagu daryeelo waxna lagu baro carruurta mas kax ahaan xanuunsan.

"Iskuulkaan waxaan sammeynay 2016kii markaas oo aan aragnay in ay dalka ka jirto duruuf gaara ah oo ay qabaan carruurta autsimka qabta oo aan daryeel iyo wax-barashaba helin” sidaas ayeey tiri Raxmo Cabdiqaadir.

"Dhammaanteen waxaan soo barannay cilmi-na fsiga sida loola tacaalo carruurtaan ayaan waqti dheer so baraneynay, dh



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip