
Dil ka dhacay Magaalada laas-caanood & howlgal ka socda
Rag hubeysan oo aan weli la aqoonsan ayaa xalay waxaa Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ay ku dileen Nin ka mid ahaa dhalinyarada Magaaladaas.
Ninka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali Mallaay ayaa la dilay, xilli uu ku sugnaa Bartamaha Magaalada, iyaga oo dilka ka raggii dilka geysray ay goobta ka baxsadeey.
Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland ayaa tegay halka dilka uu ka dhacat, iyaga oo meydka goobta ka qaaday, sidoo kalena sameeyay howlgallo wallow aysan gacanta ku dhigin dadkii dilka geystay.
Magaalada laas-caanood ayaa waxaa horay uga dhacay dilal kala duwan, iyada oo Somaliland magaaladaasi hore ugu Masaafurisay dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen dilalka ka dhaca Laascaanood , hayeeshee ay weli dhacayaan dilalka


0 




Dil ka dhacay Magaalada laas-caanood & howlgal ka socda
...