HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 1-DA NOVEMBAR 2022-KA ES

0
Tuesday November 01, 2022 - 08:59:10 in Wararka by
  • Visits: 452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 1-DA NOVEMBAR 2022-KA ES

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Sudan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa caawa gaaray magaalada Khartuum, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.

Madaxweynaha Jamhuur iyadda oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta, ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa ay ku sii jeedaan dalka Aljeeriya.

Dowladda Soomaaliya oo shaaciyay in ay hal Milyan oo dollar ugu deeqday gur madka dadkii ku dhaawacmay qarax yadii Soobbe

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay inay dowladdu lacag dhan hal mil lion oo dollar ugu deeqday sandu uqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobbe.

Hadalkan ayuu raysal wasaaruhu ka shaaciyay kulan degdeg ah oo ay golaha Wasiirraddu isugu yimaadeen oo looga hadlayey gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobbe, kuwaas oo ay naftooda ku waayeen dad ka badan boqol qof, halka boq olaal kalena ay ku dhaawacmeen, hanti bandanna ay ku burburtay.

Golaha wasiiraddu waxay sheegeen inay kafaala qaadeyso daweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmey qaraxyadii KM5, iyo waxbarashada iyo daryeelka ubadkii ay ka tageen dadkii ku shahiiday qaraxyadaas.

Halkaan hoose ka eeg qodobadii kasoo baxay shirka.

1. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay lacag dhan hal million oo dollar ku deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada waxashnimada ah ee argagixisada khawaarijtu ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxba Shalaysan.

2. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay kafaala qaadeysaa daweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmey qaraxyadii shaley ee KM5.

3. Waxaa kale oo Goluhu isku raacay in la kafaala qaado waxabarashada carruurta ay ka tageen shuhaddadii ku nafweysay qaraxyadii shaley, iyadoo laga ambaqaadayo balanqaadkii uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud markii uu booqday goobta uu qaraxa ka dhacay.

4. Waxaa xukuumadda ay fareysaa Wasaar adda Waxbarashada iyo Hiddaha in muddo saddex maalmood ah la fasaxo goob aha waxbarashada si ay waqti ugu helaan ardeyda sii wadista hawlaha gurmadka socda ee loogu gargaarayo dhibbaneyaasha weera radii dhacay.

5. Waxaa dhammaan Wasaaradaha iyo hay’ad aha kale ee dowladda la farayaa inay si buuxda uga qeyb qaataan gurmadka socda.

6. Waxaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku dhawaaqeysaa qaadista talaabooyin cad cad oo amniga lagu sugayo, lana sameynayo isbeddelo degdeg ah oo la jaanqaadaya xaaladda dalka ka jirta.

7. Waxaa uu Golaha Wasiirrada si xushmada leh uu shacabka Soomaaliyeed uga codsana yaa inay yeeshaan feejignaan dheeri ah, samir, dulqaad iyo adkeysi inta lagu guda jiro hawl galka lagu ciribtirayo cadowga khawaarijta oo dhammaan goobihii ay isku fara saareen Ciida mmadda Qaranka iyo shacabka taageeraya looga adkaadey, sidaa darteedna ay iyagoo naf la caari ah isku dayayaan inay beegsad aan shacabka masaakiinta ah.

8. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale balanqaadeysaa in Khawaarijta dalka laga cirib tirayo, isla markaana ay Ciidammada Qalabka Sida sii wadi doonaan gulufka guulaha badan laga gaarey, kaas oo khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare ballaaran.

9. Waxaa kale oo uu Golaha Wasiirrada isku afgartey in In dib loo yagleelo Bankiga Kaydka Dhiigga ee heer qaran si sare loogu qaado adeegga caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaanno katirsan barlamaanka Soom aaliya oo xubnin ka noqday baarlam aanka Pan-African

- Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Xildhiban Cabdiraxman M. Xuseen (Odowaa), Xildhiban Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Xildhibaan Gobsan Maxamed Cumar, ayaa loo dhaariyey xubinimada Pan-African Parliament.

Xildhibaannadan ayaa Soomaaliya ku metelidoona barlamaanka Pan-Africa 4-ta sano ee soo socota.

Kalfadhigii 1aad ee caadiga ahaa ee Baarlamaanka Lixaad ee Pan Afrika (PAP) ayaa lagu meel mariyay afarta xildhibaan ee matalaya Soomaaliya.

Pan-African barlamaan, oo ah barlamaan ka dhaxeeya Afrikoo idil, ayaa loo dhisay si loo hubiyo in shucuubta Afrika ay si buuxda uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo isdhexgalka qaaradda.

Waxaa loogu talagalay inay noqoto madal dadka ka socda dawladaha Afrika inay ka qaybqaataan doodaha iyo go'aan ka gaarista dhibaatooyinka iyo caqabadaha ka jira qaaradda.

Baarlamaankan wuxuu fadhigiisu yahay magaal ada Midrand, ee waddanka Koonfur Afrika.

R/W Xamza: Waxaan ballan-qaadeynaa in dadka Soomaaliyeed loo aargudo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Habeen hore ballan-qaaday in loo aargudi doono shacabkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku xasuuqeen qaraxyadii ka dhacay Zoobe 29-kii October.

In ka badan 105 qof ayaa lagu dilay qaraxyad aas, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 300 , ayada oo la rumeysan yahay in dhimashadu ay intaas ka badan tahay maadaama ay jiraan dad badan oo weli la’yahay.

Xamza ayaa shacabka u sheegay in Al-Sha baab markii looga soo adkaaday furimihii daga alka ay billaabeen inay si toos ah shacabka u xasuuqaan, oo ay ka aargoostaan haweenka, caruurta iyo odayaasha.

"Waxaa ballan ah in dadkaas loo aargudo, waa na u aagudeynaa, waana go’aan aan kasoo noqosho laheyn in nimankaas dalka laga xore eyo,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.

"Xanuun baan mareynaa, marka waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay deganaansho iyo dulqaad u yeeshaan dagaalka socda waxyaabaha naga soo gaaraya. Waxaan rajeynayaa inaan muddo kooban ku noolaano waddankeena oo aan qarax laheyn iyo waddankeena oo aan dil laheyn,” ayuu yiri.

Xamza ayaa shacabka qeybihiisa kala duwan ugu baaqay in cid kasta sida ay awooddo uga qeyb qaadato dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa Habeen hore ku booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii kooxaha Khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, ayaa Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxo argagixiso oo aan cidna u tureyn.

Xamza oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, ayaa ku am maanay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah.

Mas’uuliyiin & Saraakiil deg deg ku teg ay degaanka Masjid Cali Gaduud

Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha dhexe M Axmed Meyre Makaraan ayaa gaaray degaanka Masaajid Cali Gaduud oo halbowle u aheyd Al-Shabaab balse laga saaray

Socdaalka waxaa ku wehlinayey Gudoomiyaha Taliyaha Guutada 16aad ee kumaandooska gorgor Generaal Gacmaduule sareeye gaas Cabdullaahi Macalin Nuur Corneel Mukhtaar Alaalax oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Hirshabelle Gudoomiyaha Degmada Raagacelle iyo mas’uuliyiin kale

Gudoomiyaha ayaa socdaal kuso maray wadooyinka dhexmara degaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Gudoomiyaha ayaa Sheegay in gacan ku heynta Degaanka Masaajid Cali Gaduud ay ku soo laabatay Dowlada isla markaana shac abka looga baahanyahay in dib degaankooda ugu soo laabtan lana shaqeeyaan Ciidamada Amniga

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa xusay in uu dhamaaday Alshabaab waqtigooda dhawaana laga xureyn doono degaaanada kale ee ay kaga suganyihiin Gobolka Shabellaha Dhexe

Aamino Aweys: Kabihii buudka iyo sha atigii ninkeyga ayaa kasoo helay ZOOBE

Dhacdooyinka xanuunka leh ee ay sababeen qaraxyadii Sabtidii ka dhacay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa isa soo taraya, waxaana haatan socdo gur mad ballaaran oo ay iska kaashana yaan dadweynaha Soomaaliy eed.

Hooyo Aamino Aweys Maxamed oo maalintii labaad ku sugan Zoobe ayaa sheegtay inay baadi goobeyso Seygeeda oo lagu waayey qaraxyadii ka dhacay halkaasi.

Aamino

ayaa sheegtay in Seygeeda oo danyar ahaa uu Dhar Huudhey ah ku iibinayey goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen, waxayna sheegtay in ay weli la’dahay meydkiisa, balse kaliya ay soo heshay kabihii iyo shaatigii uu xirnaa, sida ay u sheegtay Telefishinka Dalsan.

"Dhar Huudhey ah ayuu gadi jiray kabihiisii buudka ahaa iyo shaatigiisii ayaan helay oo kaliya,” ayey wareysiga laga qaaday ku tiri Aamino Aweys Maxamed ayada oo ilmeyneyso.

Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay "Qaliin lacag la’aan ah ayaa ku soo raadinaa ayuu igu dhahay awoodeyda ma dhamo inaan bixiyo lacagta qaliinka,”

Hooyadan oo sii hadleysay ayaa sheegtay in ay Seyga geeriyooday uu uga tegay illaa 10 carruur ah, iyaduna ay haatan xanuunsaneyso.

"10 ruux oo bani’aadam ah ayuu iga tegay marka dhar ayaan iska dhaq-dhaqdaa aniga, waana iska xanuunsanahay buraa minka iiga taallo,” ayey markale tiri Aamino Aweys.

AQRISO: WAR-MURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKII MADAXDA DF IYO MAAMUL GOBOLEEDYADA

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu soo gabagbe eyey shirkii dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada uga socday Villa Somalai..

Shirka oo qaatay waqti ka badan intii loo qorsheynayey ayaa waxaa looga had lay qodobo badan, waxaana ugu dambeyn Shalay laga soo saaray war-murtiyeed ay saxiixeen dhammaan madaxdii shirka ka qeyb gashay.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka laga soo saaray ayaa waxaa kamid ah sidii kooxda Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaan dhulka Soomaaliya iyo sidii loo fulin lahaa dhammaan heshiisyadii dhanka amniga ee horey loo kala saxiixday.

Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu bogaadiyey guulaha ay ciidamada do wladda Soomaaliya ka gaareen daga alka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab .

Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool gobolada dalka kuwaas oo halis ugu jiro inay gaajo u dhintaan.

Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa sidoo kale qeyb ka ah in la dhameystiro dastuurka dalka, waxaana lagu heshiiyey in la dhameystiro xubnaha dhiman ee guddiga dib u eegista dastuurka dalka.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QODOBADA OO DHAMEYSTIRAN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (G WQ) kaas oo lagu qabtay Muqdisho 27-31 October 2022. Shirka waxaa ka soo qa ybgalay Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xig eenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Puntland Md. Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-ga reen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Ma daxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Ugu horeyn Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu tacsi u dirayaa shacabka Sooma aliyeed, ehelada iyo qoysaska ay ka baxeen dadkii ku shahiiday weeraradii arg agixiso guud ahaan dalka gaar ahaana weerarkii 29 Oktoobar ee agagaarka Zo obe ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Goluhu wuxuu Allah uga baryayaa inta dhaawacantay inuu u booga-dhayo, inta ku hanti beesheyna bedel kheyr qaba Alle siiyo. Goluhu wuxuu canbaareynayaa gummaadka ay khawaarijtu ku hayso ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

BOGAADIN

Golaha Wada-tashiga Qaran waxa uu:

• Bogaadinayaa guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen Ciidanka Qalabka-Sida oo kaashanaya kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta.

• Ammaaney gargaarka bani-aadannimo iyo gurmadka dadka ay abaaruhuu saameeyeen ee ay waddo XFS oo kaashaneysa shacabka, DXDF iyo beesha caalamka. • Goluhu wuxuu bogaadinayaa dhaqanka deganaanshiyaha siyaasadeed, wada-nolaanshiyo iyo dimuqraadiyadda ee ay Somaliland ku soo caano maashay, wuxuuna ugu baaqayaa madaxda iyo shacabka Somaliland inay ilaashadaan xasiloonida iyo nabadda.• Bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Dowladda Puntland ee hirgeliyey dekadda Garacad oo noqotay isku-tashi ku dayasho mudan.

• Bogaadinayaa dadaalka ay Dowladda Puntland ugu jirto horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeynta iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

• Bogaadinayaa dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka kala dhexeeya saaxiibada caalamka.

QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY

Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedyadii shirarkii Gol aha Wadatashiga Qaran ee 12 June iyo 12 September 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda:

1.SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA

• Golohu wuxuu isla qaatay ka ciribtirka kooxaha khawaarijta dhammaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Golohu wuxuu isku raacey in howlg allada la waafajiyo istratejiyad qaran ee la dagaalanka khawaarijta la iskuna dub arido dadaalada kala duwan.

• Golohu wuxuu isla qaatay dhaqan-gelinta heshiiska Qaab-Dhismeedka Amniga Qaranka ee la saxiixay April 2017, wixii farsamo ahna waxaa ka shaqayn doona guddi farsamo.

• Golohu wuxuu dhiirigelinyaa dardargelinta qorshaha kala guurka ee ciidamada qaranka ay kagala-wareegayaan mas’uuliyadda amniga ciidamada ATMIS si dhameystiran.

2. GURMADKA ABAARAHA IYO LA TACAALIDDA SAAMEYNTA ISBEDDELKA CIMILADA

• Goluhu wuxuu diiradda saaray saamaynta abaaraha soo noqnoqonaya ee dalka ka jira iyo raadka ay ku reebaayaan hab nololeedka bulshada Soomaaliyeed. Gol uhu wuxuu hay’adaha gargaarka farayaa dardargelinta gurmadka abaaraha.

• Goluhu wuxuu sidoo kale isla qaatay baahida weyn ee loo qabo maareynta iyo la tacaalidda saameynta is-baddelka cimilada iyo dhisidda kaabayaasha u adkaysiga aafooyinka.

3.DARDARGELINTA DIB-U-EEGISTA DASTUURKA

• Goluhu wuxuu isla qaatay in mudnaan gaar ah la siiyo qodobada wada-xaajoodka siyaasadeed u baahan si loo dhameystiro dib-u-eegista dastuurka KMG.

• Goluhu wuxuu isku raacay in XFS iyo DXDF ay soo dhammaystiraan xubnaha ka dhimman Guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka KMG.

4.DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA

• In dalka laga dhaqan-geliyo nidaamka xisbiyada badan iyadoo dib loo milicsa nayo xeerarka xisbiyada iyo doorashooyinka.

• In dalka oo dhan laga hirgeliyo doorashooyin xor ah oo hufan kuna saleysan codbixiyeyaal diiwaan-gashan iyo xisbiyo u tartama goleyaasha heerarka kala duwan.

• In dalka laga qabto laba doorasho; mid Heer Federaal ah iyo mid Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

5.JADWALKA IYO HABRAACA SHAQO EE GOLAHA WADATASHIGA QARAN

• Golohu wuxuu isku raacay in uu samaysto habraac shaqo oo qeexaya ha nnaanka loo marayo heshiisyada, qaab-dhismeedkiisa, hawlaha golaha, qodobada wada-xaajoodyada iyo dhaqan-gelinta go’aamada Golaha.

• Goluhu wuxuu isku raacay in labada shir ee soo socda ay qabsoomaan Disem ber 2022 iyo Febraayo 2023 .DHAMMAAD

XILDHIBAAN SHAACIYEY CIDDA AL-SHABAAB QARAXYADA USOO GELISA MAGAALADA MUQDISHO

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan Golaha Shacabka Soom aaliya ayaa shaaca ka qaaday xog ku aadan weerarada qaraxyada ah ee ay Al-Shabaab ka geysato gudaha magaalada Muq disho ee caasimada Soomaaliya.

Macallimuu ayaa sheegay inay jirto wada shaq eyn ka dhexeyso kooxda Al-Shabaab iyo qaar ka mid ah saraakiisha laamaha amniga dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ay jiraan rag saraakiil oo Al-Shabaab qaraxyada uga soo gudbiya baraha koontarool ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka lagu dhibo barahaas koonta rool, balse Al-Shabaab si fudud loogu soo gudbiyo qaraxyada.

"Saraakiisha amniga ee qaraxyada gudbiya,daaraha waaweyn dhista ,waxa ay ka xun yihiin Khawaarijta laayaanka ah. Shacabka baraha koontorool dhib bey ku soo gudbaan, qaraxyadana si fudud” ayuu warka qoraalka ah ee uu soo saaray ku yiri Macallimuu.

Hadalkan oo ah mid xasaasi ah ayaa ku soo aadayo maalin kadib qaraxyadii gilgilay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhim ashada dad kor u dhaafayo ilaa 100 qof iyo dhaawaca 300 oo kale, sida ay shee gtay dowladda Soomaaliya.

Si kasataba, xaalada Muqdisho ayaa ah mid cakiran, waxaana laga dareema yaa saameynta ka dhalatay qaraxyadaas & falalka kale ee amni darada ee ka dhaca gudaha caasimada

Xigasho:caasimadda.net

MEYDKA QOF 24 SAAC KA BADAN KU JIRAY BURB URKA QARAXYADII SOOBE II OO LAGA SOO SAARAY

Waxaa weli socda dadaallada lagu raadinayo meydadka dadka lagu la’ ya hay Qaraxyadii Dorraad 29 Oktoobar 2022, ka dhacay Isgoyska Soobe ee Al shabaab ku weerarttay xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Waxaa goor dhow Dadka gurma da wada u suurtagashay inay soo saaraan Meydka qof muddo 24 saac ka badan ku hoos jiray bur brua dhismaha Fatxi, kaasoo la aqoonsaday lag una magacaabi jiray Marxuum Xuseen Cabdulle Faarax Xuseen (Tinle)

Marxuumka ayaa qaraabo la ahaa Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Say nab Xaabsey, waxaana weli jirto rajada ah in burburka Daartaasi laga helo me ydad kale.

Waxaa jira dad lagy la’ yahay nolol iyo Geeri oo ku sugnaa goobaha ga nacsiga ee ku burburay qaraxyadii Soobe, iyadoo aysan Mudisho ka jirin agabka loo adeegsado inay raadiyaan jirka bani’aadamka iyo dad u tababarran.

Guddoomiya Axmed Meyre ”Adigoo dulliya oo dharag ku nool waxaa kawanaagsan adigoo Shafleh oo..

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Ax med Meyre Makaraan oo deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hoostaga dagmada Cadalle Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegayin gacan ku heynta de gaanka ay kusoo laa batay Dowladda, isla markaana shac abkii ka barakacay dagaaladii deega ankaasi ka dhacay ay dib degaan kooda ugu soo laabtan lana shaqeeyaan Ciidamada Amniga

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa xusay in uu dha maaday Al-Shabaab waqtigooda dhawaana laga xur eyn doono degaaanada kale ee ay kaga suganyihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Shalay Toogasho Ku Fulisay Sadax Nin

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa aroornimadii hore ee Shalay xukun dil toogasho ah ku fulisay sadax ka mid ah Al-shabaab oo la sheegay iney ka dambeeye en fulinta iyo fududeynta qar axyo dad badan ay ku dhinteen.

Sadaxda nin ee toogashada Shalay lagu fuliyay ayaa magacyadooda lagu sheegay Nuur Ibraahin Nuur Wayne, Xasan Cali Macalin Barre oo loo yaqiinay Boy iyo Isaaq Keerow Aadan, kuwaas oo dilkooda uu la xariiray qaraxyo ay ku dhinteen masuuliyiin iyo dad shacab u badan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho sanadkii 2018-kii.

Xasan Cali Barre Boy oo ka mid ah sadaxda ruux ee Shalay la toogtay ayaa la sheegay inuu gaw aarida qaraxyada lagu soo xiro uu dhigi jiray goo baha Al-shabaab u qorsheysay in ay qarxiso, waxaa si gaar ah loogu heystay qarax ka dhacay Suuqa Ka awa Godey Degmada Wadajir 26-11-2018-kii, waxa ana ku dhintay 12 ruux halka ay ku dhawaacmeen 7 kale sida uu sheegay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Maxkamada ciidamada Qalabka Sida Maxamed Cabdullaahi Khaliif.

Isaaq Keerow Aadan ayaa Maxka mada ciidam ada sheegtay in lagu helay in uu qeyb ka geystay dilal qorsheysan iyo weeraro kala duwan oo dhacay gobolada, Sh/ Hoose, Banaadir iyo Hiiraan.

Nuur Ibraahim Nuur weyne oo sida la sheegay ho ray uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Booliiska Soomaaliya, hayeshee sida maxkamaddu sheegtay laga saaray kadib markii uu lunsaday hub ay dow laddu laheyd, islamarkaana uu intaasi kadib kubiiray Al-Shabaab, waxaana la sheegay inuu ka dambe eyay qarixii lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii Amn iga degmada Maxaas Rashiid Cismaan Cabdi.

Goobta toogashada ka dhacday waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo goobjoog ku ahaa fagaaraha Iskuul Buluus iya oo ku yaalla degmada Xamar jajab ee ee maga alada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa todo baadkii hore xukuno dil toogasho ah ku fulisay ilaa 5 Nin oo uu ku jiray askarigii dilay Wasiirkii howlaha gu ud ee dowladii madaxweyne Farmaajo Cabaas Sir aaji, halka kuwo kalena ay ahaayeen

xubno ka tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish.

Saadaq Joon iyo Sheekh Cabdiqani Qor ane oo hadallo kulul isu mariyey Facebook

Xildhibaan Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saad aq Joon) ayaa jawaab kulul kala kulmay mid kamid ah culumada Soomaaliyeed ka dib qoraal uu Shalay kusoo daabacay bartiisa Facebook.

Saadaq Joon ayaa Shalay soo daabacay qoraal uu cinwaan uga soo dhigay Aaway Culummadii?, kaasi oo sida muuqata ku saabsan sababta culimada aysan uga hadli qaraxyadii lagu laayey shacabka ee Sabtidii ka dhacay Zoobe, wuxuuna qoraalka uu soo qoray u qor naa sidaan:

Aaway Culummadii? 1- Ma hadli karaan?, Dhiig ma shubi karaan?, 3- Cunto Magayn karaan?, 4- Dha wacyada Qur’ aan kumasoo aqrin karaan?, 5- Janaasooyin ka Kuma tukan karaan?, 6- Dhaawac yada na soo booqankaraa?, 7- Nadaa fada kama qayb qaad anka rtaa?

Waxaa saacado kadib qor aalkaan kasoo jawaa bay Sul daan Cabdiqani Qora ne oo muddooyinkii da mbe ku caan baxay inuu cod kiisa kula dagaalamo ko oxda Al-Shabaab isagoo su’ aalo adag waydiiyey.

Shiikh Qorane ayaa sidaan ugu soo jawaabay Saa daq Joon

"Xildhibaan Saadaq Joon, marka aad culumada u keentid ciidamo ka waardiyeeya Khawaarijta wuxu ushta ah iyo gaadiid aysan xabbaddu karin (Bullet prof vehicles), xaafado amnigoodu sugan yahayna dejisid ama adigu aad ciidamada iska reebtid, ga waarida gaashaamanna ka degtid, xaafadaha shac abkana soo dhex degtid, dhiigna aad adigu bixisid marka hore ayey su’aashaas kuu furan tahay, Jaw aabteeda oo ficil ahna aad heli kartaa. Intaas inta ka horreysa tooshka aad ifineysid adiga un buu ku qab anayaa.

Culumadu dagaalkan wey galeen, wey ku dhint een, weyna u dakanoobeen, walina wey u taagan yi hiin iyadoo cid aan Alle ahayn oo u maqan aysan jirin ee Brig. Jeneraalow culumada wax ula har adigana wax isula har.

Saadaq ayaan isna mar kale kusoo jawaabay "Sh .Suldan ixtiraam Umdda Soomaaliyeed kuu hayso oo kale ayaan kuu hayaa Waxaan lahaa kaligaa ayaad noqotee Garab u raadi. Aniga Waxaan qabanayana bilaa Sawir ayaan qabtaa. Baraarujin Culimmo ayay eheed ee eedayn Ma ahayn”.

DF oo SHACABKA u dirtay DIGNIIN cusub oo la xiriirta weerarada AL-SHABAAB

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaal iya oo Shalay booqday xarunta howl-galada gurmad ka degdega ah ee ay hirgelisay hey’adda musiibo oyinka qaranka kadib qaraxyadii Zoobe ka dhacday Sabtidii, ayaa shacabka Soomaali yeed ugu baaqay inay ka feejign aada weerarada Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhagey stay Cabdiraxmaan Maxamed Guu taale oo ah ma amulaha xarunta howl-galada gurm ad ka degdegga ah, isaga oo sharaxaad ka bixyey dii waan-gelinta ay sameeyeen sida khasaaraha kala du wan ee naf iyo maalba leh oo ay ku jiraan dhaawa cyada, dhimasha da, dadka maqan, hantida kala duw an ee baaba’day iyo agoonta.

"Waxaan u baahanahay in xaaladda degdegga ah laga qayb qaato sidii loo gargaari lahaa shacab ka,” ayuu yiri Dr. Axmed Aadan Cabdi, guddoomiye kuxigeenka SODMA oo isagna goobta ka hadlay.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa bogaadiyey shaq ada xarunta iyo ahmiyadda ay leedahay, isaga oo soo jeediyey in lala shaqeeyo hey’adda maareynta musiibooyinka iyo xarunta gurmadka si ay u helaan xogaha maqan.

Sidoo kale waxa uu xusay wasiirku in loo baa han yahay in shacabka istaakuleeyaan, dhanka kal ana ay ka feejignaadaan argigixisada jabtay ee naf la caarida ah, una socota aargoosigooda.

"Si khasaaraha u yaraado waa in lasoo sheego ar gigixisada, argigixisadu waxaa ay ku faaneen leynta Shacabka Soomaaliye ed, waa in sida tuugada loo qabanayo oo kale in lasoo qabto,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina tilmaamay in wasaaraddiisu ay hormuud ka tahay dadaalada kala duwan ee gurmadka, waxaa uuna adkeeyey in la ball aariyo howlaha socda oo dadka dhan ay ka qeyb qaataan. Shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha, federaal ka iyo dib u heshiisiinta ayaa dhiig u shubay dhaawa cyada qaraxa Zoobe, waxaa kale oo ay wasaaraddu uga qeyb-qaadatay gurmadka socda lacag dhan $5,000.

DF oo dhaqaatiir ka dalbatay afar dal xil li dhaawa cyada qaar ay yihiin kuwa halis ah

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaci say inay dhaqaatiir ka dalbadeen afar dal, si ay u yim aadaan magaalada Muqdisho oo ay qeyb uga noqd aan badbaadinta dadkii ku dha awacmay qaraxyadii Zoobe 2.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji oo la hadlay BBC-da ayaa sheegaya in dhakhaatiirtaas ay illaa hadda ka dalbadeen dalalka Turkiga, Masar, Kenya iyo Sacuud iga, oo saaxiibo la ah dowladda federaalka Soom aaliya.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay ku dhali say ka dib markii ay arkeen xaalada dadka dhaawaca ah oo ay adag tahay in dibada loo qaado, sidaas darteedna si loo badbaa diyo ay door-bideen in dalka keenaan dhakhaatiir ajnabi ah.

"Marka qiimeynay haddii la dalbo in dibe dda loo qaado ay waqti qaadan karto, in laga yaabo in kuwa ICU-da hadda noogu jira ay diyaarad qaban karin oo la qaadi karin. Marka waxaa doorbidnay in aan dalb ano dhakhaatiir aan u baahanahay, ciddii noo soo hor jawaabta ayaa arki doona,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa "Xarunta gurm adka degdeg ah dhismaheeda wuu soo gaba-gaboo bay oo waa la dhameystiray, ayadana mardhow waa lagu shaqeynayaa insha allah.”

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina sheegay in xar unta loogu tala-galay inay noqoto Bangiga Dhiiga ee dalka ay mareyso heer gaba-gabo ah, islamarkaana la furi doono labo bilood gudahood.

Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in tirada dhimashadu ay haatan maray so 120 qof, islamarkaana dhaawaca uu ka badan ya hay 320. Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmayayaa laga saaray isbitaallada, islamarkaana hadda waxaa isbitaallada ku jiraan 152, sida uu sheegay wasiirka.

Safaaradda Mareykanka oo qaaday talla abo caji ib ah kadib qaraxyadii Zoobe 2

Sida Shalayeyd lagu baahiyay barta twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, shaqaalaha safaarada ayaa Shalay bilaabay olole ay dhiig ugu shubayaan dadkii ku waxyee loobay qaraxyadii Zoo be 2 ee dhacay Sabtidii.

Qoraalka kasoo baxay Safaar adda Mareykanka ee Sooma aliya ayaa sidoo kale waxa la gu sheegay in dow ladda Ma reykanka ay garab taagan tahay shacabka Sooma aliyeed.

Waxa kale oo lagu xusay in Mareykanka uu mar walba taageero nooc walba la garab taagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, si looga adkaa do argagixisada.

"Kooxda safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa Shalay dhiig ugu deeqay muwaadiniinta Soomaaliy eed ee ku waxyeeloobay qaraxyadii Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka lasoo dhigay barta twitter-ka ee safaraadda.

Tan iyo markii ay Sabtidii dhaceen qaraxyadii la gu hoobtay ee Zoobe 2 waxaa isa-soo taraya gur madka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyad aas, kaasi oo isugu jira dhaqaale ururin iyo dhiig shu bis. Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya oo go or sii horeysay oo Shalay ah ka hadashay khasa araha qaraxyadaasi ayaa sheegtay in tirada dhima shada ay haatan marayso 120 qof, islamarkaana dhaawaca uu ka badan yahay 320.

Markasta waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhi ntay qaraxyadii is xigxigay ee Sabtidii ka dhacay aga gaarka isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, ay ada oo marba marka kasii dambeysa maydad kale laga soo saarayo dhismayaasha ku burburay qara

xyada.

Ehallo raadinaya dadkooda weli aan no lol iyo geeri lagu hayn kadib qarax yadii Zoobe

Tiro qoysas ah ayaa weli aan nolol iyo geeri toona ku heyn ehelkooda oo ugu war dambeysay kahor in ta aysan dhicin qaraxy adii we ynaa ee lagu beegs aday Wasaarad da Waxbara shada Soomaaliya October 29, 2022.

Qaar kamid ah dadka baadigo obka ku jira ayaa sheegay in telefoonnadii ay wateen dadkooda ay ka maqan yih iin hawada, ka na raadiyeen goobaha caafimaadka ee la geeyay dhaawacyada si looga daweeyo Waxy eellada gaartay dadkaas.

Aamina Maxamed, waxa ay raadineysaa Seyge eda oo sheegtay in uu ugu maqnaa qaliin lacag la’ aan ah (Bilaash ah) oo ay u baahan tahay, balse taa baddelkeeda waxa ay weysay isaga qudhiisa oo ku dhawaad 48 saac raq iyo ruux toona ku hayn.

"Waxa aan raadinayaa Seygeeda oo aan u dhal ay 10 Carruur ah, waxa uu igu dhahay qaliin lacag la’ aan ah ayaan kuu raadina yaa oo waxa uu idhahay ma awoodi in aan isbitaal lacag ah ku geeyo, Aniga & Walaalihiis ayaa ka raadineyno goobtii ugu dambe ysay uu joogay oo uu ku iibinayay dharka huudhey da,” Aamina Maxamed.

Dadka ehalladooda raadinayo waxaa ka mid ah Cabdicasiis Cabdi oo ah ardey wax ka dhigta Muqdi sho wuxuu sheegay in habeenkii oo idil uu raadin ayay walaashii oo ku sugneyd isgooyska Zoobe xill iggii uu qaraxa dhacayay.

"Meydkeeda Shalay ayaan helnay, waxaan ku ga ranay dharkii ay qabtay, jirkeeda gebi ahaanba wuu gubtay,” ayuu yiri Cabdicasiis. Wuxuu intaa ku daray, "Weligey ma arag dhacdo noocan ah.”

Dhinaca kale, Maxamed Ganey oo dumaashidii ka raadinayay isbitaalka ayaa sheegay, "waxay u dhi matay dhaawaca daqiiqo kadib markii aan ka helnay isbitaalka, qof kasta wuxuu ka naxay qaraxa.”

"Su’aasha la isweydinayo ayaa ah maxaa loo laa ynaya dad aan waxbo Shalaysan?,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dadka illaa iyo hadda nolol iyo geeri lagu la’yah ay ayaa lagu sheegay inay kor u dhaafayaan illaa 10 qof, waxaana meesha uu qaraxa ka dhacay laga hel ay qeybo kamid ah jirka bini’aadamka kuwaas oo aan la aqoonsan dadka ay yihiin.

Goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan qoysas raadinaya xubno ka tirsan ehelkooda oo ugu war dambeysay markii ay dhaceen qaraxyadii sababay dhimashada & dhaawaca ee Mu qdisho ka dhacay 29-October-2022.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadaan ku dhimatay 120 qof oo shacab ah halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Waa markii labaad oo qarax noocaan ah uu ka dha co isgoyskaan, waxaana sidaan oo kale 5 sano ka hor loo waayey dad badan oo nolol iyo geeri lagu wa ayey. Kooxda Al-Shabaab ayaa ka dambeysay qar axy adaan, waxayna sheegatay inay la beegsatay ar day la rabay in askar laga dhigo balse sida muuqata waxaa qaraxyadaan ku dhintay dad shacab ah oo ganacsiyo ku lahaa Zoobe iyo kuwa kale oo jidka marayey.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay lag una taage erayay walaalaha reer Hiraan oo lagu qabtay mag alada Columbus Ohio

Xaflad taageero iyo dhaqalo ururin ah ayaa loo sameeyay shacabka reer Hiiraan ee dagaalada iyo la dagaalanka argagixisadu saameysay.

Inta baddan Hal doorka Jaaliyad da Soomaaliyeed ee Columbus ayaa ka soo qeybgalay waxaana soo abaabulay qaar kamid ah jaal iyada reer Hiiraan ee gobolka Ohio.

Inta baddan dadkii ka hadlay ayaa diirada saaray ah miyada kulankan iyo in la muujiyo sida qurba joogtu ugu diyaarsantahay in ay dadkooda is garab taagaan islamarkaana ay u muujiyaan in ay xanuunka la qeybsanayaan. Dowlada Soomaaliyeed iyo madaxda ayaa laga codsaday in la dardargaliyo howlaha ka dhanka ah Shabaab iyo in dadka laga dulqaado.

Waxaa Tuusaale wanaagsan oo taariikhda gali doo nta lagu tilmaamay dadkii howshan bilaabay iyo kuwii ku dhintay ama hantidooda u huray.

Balan qaadka dhaqaale ee halkaasi laga sameey ay ayaa tusaale wanaagsan u ah qurbajoogta Soo maaliyeed ee Caalamka ku nool.

Waxay xuseen in halkaas aan looga hari doonin ee siyaabo kale dhaqaalo kale loo aruurin doono tan iyo inta dadku helayaan gurmad dhab ah.

Arimaha la xariira Abaaraha iyo ceelasha la aasay ay aa lagu tilmaamay musiibo biniaadanimo oo dhanka xoolaha iyo dadka la soo daristay.

Waxaa loo mahadceliyay cidwalba oo is garabtaagt ay howlgaladan iyo shacabkii ku wax yeeloobay.

Afhayeenka Kulmiye: Xisbigii yidhaa doora sho magalayo xaq ayuu u leeyahay

Afhayeenka xisbiga kulmiye ee haya talada Som aliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa sheegay in qabashada doorashooyinku anay u baah nayn in mucaaradka lagala heshiiyo.

Buuni waxa uu sheegay in doorashada sharci ha go oo anay u baahnayn in axsaabta mucaaradka So maliland lagala heshiiyo xiliga doorashooyinka la qabanayo iyo sida loo qabanayo.

"Doorashooyinka laguma heshiiyo qaanuunka uunbaa loo raacaa, qaan uunkana hay'addo ayaa qaabilsan ja ran jarooyina wuu leeyahay, cidan ku qanacsanayn qaanuunka sharciga ayaa qabanaya" ayuu yidhi Afhayeen Buuni.

Buuni waxa uu sheegay in hadii axsaabta mucaa radku ay doorashada diidaan in anay cidna ku qas baynin, waxa uu sheegay in xisbigii aan doorasho galaynin uu xaq u leeyahay oo urruraduba diyaar u yihiin in ay galaan.

"Anagu uma jawaabayno nin aan nin kii leh doora sho magalayo, ninkaan doorasho galayn isagay u taa laa, doorasho hadad tidhaa magalayo ood halkaa iska fadhiisato dee urruro galaya oo diyaar ah ayaa jira, markaa xisbiga yidha doorasho ma galayo xaq buu u leeyahay" ayuu yidhi Afhayeen Buuni.

Isaga oo ka jawaabaya su'aal laga waydiiyay in axsa abta mucaaradku anay aqoonsan doonin madaxwe yne Biixi marka mudadiisu dhamaato, ayuu sheegay in madaxweynaha Somaliland aanu aqoonsi uga baahnayn madaxda mucaaradka.

Ciidanka Somaliland Oo Shalay La Ware egay De gmo Ay Isaga Baxeen Ciida mada Puntland

Wararka aan ka heleyno degmada Boocame ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Shalay halkaas ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan Booliska Maamulka Somaliland oo degmada gaaray.

Ciidamo kamid ah Booliska dowlad Goboleedka Punt land oo ku sugnaa Boocame ayaa la xaqiijiyey inay isaga baxeen degmadaas, waxaana durbadii tegay Ciid amo kamid ah Somaliland oo qabsaday.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyey in gebi ahaan Ciidankii Puntland ay isaga baxeen degmada, isla markaana xarumihii iyo Sal dhiga Boocame ay la waregeen Ciidanka Som aliland, kuwaasi oo la tilmaamay inay wateen gaadiid badan. Weli lama oga sababta Ciidankii Maamulka Puntland uga baxeen degmada Boocame ee Gobol ka Sool, kuwaasi oo aaday deegaano kale, sidoo kal ena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka oo ku aadan ka bixinta Ciidamada ee degmadaas.

Si kastaba, degmada Boocame ee Gobolka Sool ayaa ahayd degmada kali ah ee Maamulka Puntland gacanta kaga haayay Gobolkaas, Maamulada Punt land iyo Somaliland ayaa dhowr jeer oo horey deg mooyin kala qabsaday.

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda wasa aradda qorshaynta iyo hawlwadeeno la socd..

Agaasimaha Maaamulka iyo Maaliyadda Md.

Siciiid Axmed Maxamuud oo ay wehliyaan Qaar ka tir san Howl-wadeennada Waasaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa Shalay booqday Isbitaallada ay ku jiraan dhaawacyadii Qarixii Soo be 2. waxaana ay u kuurgalleen xaaladda bukaann ada, baahiyaha ugu waa weyn ee taagan iyo sida hadda wax loo ga qaban karo.

Booqashada Isbitaallada ka dib waxaa la ogaaday in baahiyaha ugu badan ee hadda jira ay ka mid yihiin waxyaabaha aas-aasiga ah sida Marwaaxado, maaddaa ma dadka jirkoodu gubtay, waqti kululna lagu jiro, waxaana ay gaarsiiyeen Cabitaa nno iyo agabyo kale.

Waxaa wali socoanaya dadallada loogu gurmanaayo dadka ay Qaraxyadu saameeyen oo qaarkood ay ku sugan-yihiin xaalado adag, Dorraad oo ahayd Maal inta koowaad ee Qaraxa ka dib ayaa Wasiirka Qorsh eynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan "Beena-beene”, qaar ka mid Shaqaalaha Wasaar adda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada dhiigg u shubeen dhaawacyada ku waxyeeloobay qaraxyadaasi

Aqalka Cad ee Mareykanka iyo dowlad da UK oo war kasoo saaray qaraxyadii Zoobe 2

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa cambaareeyey qaraxyadii Sabtidii ka dhacay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof.

" Dowladda Mareykanka waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarkii argagixisada ee ka dhacay M/Muqd isho oo ay ku dhinteen dad lagu qiya asay 100 qof, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 oo kale, waxay si gaar ah ay u cam baareyne ysaa beegsiga foosha xun ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo kooxaha gu rmadka deg degga ah,” waxaa sidaas bay aan uu soo saaray ku yiri Jake Sullivan oo ah la-taliyaha amniga qaran ka ee madax weyne Joe Biden.

Sullivan ayaa sheegay inay tacsi u dirayaan sha cabka Soomaaliyeed iyo dhammaan kuwii nolosho oda ku waayey iyo kuwa ku dhaawacmay "weerarad aas argagaxa leh ee lala beegsaday shacab aan wax ba Shalaysan.”

"Dowladda Mareykanka waxaa weli ka go’an inay dowladda federaalka Soomaali ya ka taageerto dag aalka ay uga hortage yso ficillada argagixiso ee nax ariis darrada ah,” ayuu yiri Sullivan.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Britain Ja mes Cleverly ayaa ka hadlay weeraradii Zoobe, wux uuna si adag u cambaareyey qaraxy adii ka dhacay halkaasi.

James Cleverly oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in muragada iyo xanuunka ay la qayb sanayaan ehellada ay dadkooda waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadaasi.

"Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii fulaynimada ahaa ee argagaxa lahaa ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaan la murug oonayaa qoysaskii iyo asxa abtii dadkii sida xun loo dilay loona dhaawacay” ayuu ku yiri warka qoraalka ku yiri Cleverly.

Sidoo kale wuxuu xusay in dowladdiisa ay sii wadi doonto garab istaaga iyo taageerada ay siiso dowladda faderaalka oo haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab.

"Waxaan sii wadi doonaa garab istaagga dowlad da iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaa lka kulajira argagixisada. UK waxay cambaarayna ysaa argagix isada nooc kasta oo ay tahay,”.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay dhi mashada 104 qof iyo dhaawaca in ka badan 300, haddana waxaa weli jira dad la la’yahay, waxaana suurta-gal ah in khasaaraha intaas kasii bato.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Ba rre ayaa Habeen hore wacad ku maray in loo aarg udi doono dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaaw acm ay qaraxyadaas.

Dowladda Kenya Oo Ballan-Qaad Garab Istaag U Sameeysay Dowladda Soomaaliya

Dawladaha Jabuuti iyo Kenya ayaa si adag uga hadlay weeraradii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Waxba rashada Xukuumadda Soomaal iya oo ku taalla Isgoyska Soobe.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyey VOA-da ayaa waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, wuxu una tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay, isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacmay.

Dhanka kalana, Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa Soomaaliya uga tacsiyeeyay khas aaraha ka dhashay weerarkii sabtidi ka dhacay mag aalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro lixaad leh oo gaaray dad shacab ah iyo Askar dowladeed.

Madaxweyne Ruto ayaa ballanqaaday in dowladiisu ay dowladda Fdderaalka Soomaaliya la garab taag antahay tageero buuxdo, isla markaana ay la qeyb sanayaan murugada qaraxyadii ka dhacay Muqd isho.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe, halka ku dhawaad 300 oo qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ha atan xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo isbita alada waaweyn ee magaalada.

Madaxweynihii hore ee Barazil Lula da Silva oo mar kaleku guuleystay doora shada Madax weynaha Brazil

Madaxweynihii hore ee Barazil Lula da Silva ay aa ku guuleystey doorashadii maalintii Axadda ka dhacdey Brazil taas oo xaqiijineysa inuu ku soo laab anayo xafiiska markii saddexaad, isagoo ka adka aday Jair Bolsonaro oo ka tirsan xisbiga midigta fog. Wuxuu ku baaqay "nabad iyo midnimo” ka dib olole doorasho oo kharaar.

Brazil waxay isticmaa shey nidaamka coda ynta ee elektarooniga ah, tirinta codadka dal ka ayaa si degdeg ah u dhacday, natiijadii doorashaduna waxay ahayd mid cad habeenkii isniinta. Sida laga soo xigtay maam ulka doorashada, Lula ayaa ku guuleystay 50.9 boqol kiiba halka madaxweynaha hadda xafiska jooga Bol sonaro uu helay 49.1 boqolkiiba.

"Shalay cidda kaliya ee guuleysta waa dadka re er Brazil,” da Silva ayaa u sheegay dadkii isugu soo baxay hotel Sao Paulo kadib guushiisa. "Tani maaha guul aniga iyo xisbiga shaqaalaha toona, ururadii olo laha igu taageerayna maaha. Waa guusha dhaqdha qaaq dimuqraadi ah oo ka gudbay xisbiyo siyaasad eed, dano shakhsi iyo aragtiyo si ay dimuqraadiyadu u soo baxdo.”

LULA DA SILVA

Doorashadan ayaa sidoo kale noqoneysa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha xilka haya uu ku guuldareysto inuu mar kale ku guuleysto doora shada.

Lula da Silva ayaa laba jeer oo hore oo isku xiga Madaxweyne ka soo noqdey Brazil 2003 – 2011, sanadkii 2016 ayaa lagu soo oogey dacwad mu suqmaasuq ah, waxaana lagu xukumey sanadkii 2018 xabsi, iyada oo laga reebay tartankii Madaxwey naha. Lula ayaa laga sii daayay xabsi guri sanadkii 2019 ka dib markii maxkamada sare ay xukuntay in uusan helin nidaam cadaalad ah.

FAALLO: XILLIGA DAGAALKA IYO XEELADAHA CADOWGA

Soomaaliya, waxaa heysta cadow aan arxan laheyn, diin laheyn, damiir laheyn, xishoodna aan laheyn.

Dalku wuxuu ku jiraa xaalad dagaal, waxaana shacab iyo dowladba loo dhaqaaqey sidii la isaga dulqaadi laheyn cadowgaan nabad-diidka ah, culimaduna ku caddeeyeen in ay yihiin khawaarijta casriga. Sida taariikhaha Nabad-diidka caalamka soo marey ku cad, markasta oo culeys la saaro, ayna dareemaan in lagu soo jeestey, waxay ku dhaqaaqaan arimahaan;

1) Shacabka ayey beegsadaan iyo birma-geydada, si ay ugu gambadaan xanuunka shacabka

2) Colaado kooxeysan ama qabiileysan ayey abuur aan, si ay ugu dhex noolaadaan

3) Dhaqan iyo odayo been abuur ah ayey sameey aan, waxayna dhinac maraan dadka bulshada mat ala ee saxda ah

4) Dhaqaale ayey ku bixiyaan si ay u helaan bulsho kala qeybsan

5) Halbowleyaasha nolosha ayey beegsadaan

6) Cid kasta oo cadow u ah ummadda ay la dagaa layaan ayey soo dhoweystaan

7) Culimada iyo aqoonta bulsha ayey beegsadaan.

Haddaba Soomaaliyeey, haddii nooca cadowga na hayaa sidaas yahey, waxaa nala gudboon;

1) Inaan dhammaanteen u istaagno sidaan isaga du lqaadi laheyn cadowgaan nolosha noo diidan

2) Inaan garab istaagno dowladda Soomaaliya ee sharciyadda heysata, iskana ilaalino xeeladaha khaw aarijta ee kala qeybinta iyo isku dirka

3) Inaan yareyno isku imaadka, kana fogaano goo baha saxmadda badan

4) Inaan ilaashano halbowleyaasha nolosha, sida; Ji dadka muhiimka, Buundooyinka, Ceelasha biyaha, il aha dhaqaalaha, goobaha cibaadada iyo dadka muh iimka ah

5) Inaan xogta wadaagno, kana joojino in ay helaan wax dhaqaale ah

6) Inaan wax kasta oo aan heli karno ku bixinno la dagaalanka Khawaarijta

7) Inaan adkeysi la imaano, loona dabcin khawaarijta naf la-caariga ah inta aan ka adkaaneyno.

Dagaalka lagula jiro khawaarijta ee hadda socda, wa xaa ka dhalanaya khasaarooyin nafeed iyo mid hanti yeed, shaqo la’aan iyo faa’iido la’aan, wuxuu yeelana yaa saameyn dhaqaale oo ballaaran. Dulqaad, adkey si, iyo sabir waa inaan la imaanaa inta laga guuleysa nayo cadowgaan.

Ogoow, Qofkii dila iyaga, waa janneystey, key dila anna, waa janneystey, inshaa Raxmaan.

Dowladda Soomaaliyeed oo aan dareemayo in ay dadaaleyso, waxaan kula talinayaa;

1) In dagaalka la xoojiyo, furimahana la ballaariyo oo dalkoo dhan dagaalka laga bilaabo, siyaasadaha iyo khilaafkana meel la iska dhigo

2) In la helo siyaasad lagu maareynayo khasaaraha ka dhalanaya dagaalka lagula jiro khawaarijtu iyo dhi baatooyinka ay geysanayaan

3) In muddo sanad ah la hakiyo dugsigada waxbara shada, Jaamacadaha, shirarka iyo shaqooyinka dowl adda, xooggana la isugu geeyo dagaalka. Tan waxay xoojineysaa dagaalka, waxayna yareyneysaa khasa araha falalka naf la-caariga ah ee khawaarijta

4) In amni xoogan loo sameeyo ilaha dhaqaa laha, ji dadka iyo buundooyinka muhiimka ah, ganacsiyada waaweyn iyo danaha kale ee muhiimka ah

5) In la diiwaangeliyo dadka iyo gaadiidka maga alo oyinka waaweyn, ayna ugu horreyso Muqdisho.

Ugu danbeyn, haddii aan u wada istaagno, mu ddo kooban ayaan dhinac iska marin karnaa khawaarijta iyo inta la socota, waxaana uga gudbi doonaa nabad, hormar iyo barwaaqo insha allah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip