HAKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH SABTI 29-KA OKTOOOBAR 2022-KA

0
Saturday October 29, 2022 - 08:40:01 in Wararka by
  • Visits: 437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HAKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH SABTI 29-KA OKTOOOBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheikh oo furay shirka Mad asha Wadatashiga dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu shir gudd oominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac, Guddoomiyaha Gobolka Ban aadir iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka qeyb galay shirkan.

Ololaha milatari iyo kacdoonka dadweynaha ee ka dhanka ah Al-Shabab iyo xaaladda bini'aadantin imo ee hadda taagan, ayaa ka mid ah ajandayaasha ugu sarreeya ee shirkaan looga arrin sandoono.

Waxaa la filayaa inuu shirkan soo gabagaboobo maal inta berri lagana soo saaro war murtiyeed.

Waashirkii saddexaad ee watashiga qaran ee ay yeeshaan dowlad federalka iyo dowlad goboleedyada tan iyo may 2022.

Dhinaca kale, weli dowladda iyo dowlad goboleedyada ma qabaan aragti loo dhan yahay oo wada shaqayn ah. Shantii bilood ee madaxweyne Xasan Sheikh ay jirtay do wladdiisa dhowr mar ayay dowlad goboleedyadu iska hor yimaadeen.

Waxyaabaha ugu badan ee khilaafku ka taagan yahay waa kaalmada caalamka iyo qeybsiga kheyraadka dabiiciga ah

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Ka Qeyb gal ay Shirka Wasiiradda Maaliyadda Carabta .

Waxaa magaalada Algiers ee dalka Algeria ka furmay shirka Wasiirradda Maaliyadda dalalka Jaamacadda Car abta oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliya dda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi ayaa Shalay khudbad ka jeediyay furitaanka Fadhiga 31-aad ee Wasiirada Maaliyadda dadalka Jaamaca dda Carabta oo sanadkaan diirada lagu saarayo arrimaha dhaqaalaha iyo caqabadaha ka jira dunida la xiriirta hoos u dhaca ku yimid dhaqaalaha caa lamka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa diiradda ku saaray hadal-jee dintiisii marxaladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliy adda, dhameystirka deyn-cafinta iyo taageerada Wada mada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxa uu bilow u yahay Shir Madaxeed ka wayn ee Jaamacadda Carabta ee dalkaasi ka dhacayo 1-2 bisha November.

Sidoo kale Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Soo maaliya ee dalka Algeria Cabdulwahaab Macallim Maxa med iyo Safiirka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta/ ah na Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ILyaas Sheekh Cumar.

MD Xasan Sheekh Oo Kulan Saagootin Ah Mada xto oyada Ugu Sameeyay Danjiraha Imaaraatka

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowlad da Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Al-cusmaan oo soo gaba-gabeeyey shaq adiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaad iyey Danjire Al-cusmaan, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga La bada dal, gaar ahaan gurmadka ab aaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Maxamed Al-cusmaan oo Madaxwey naha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen do wladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, gaar ahaan walaalaha Car abta, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo shir uga qayb galay magaalada Kampala

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Md. Axmed Mad oobe Nuunow ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee ururka xakameynta Ayaxa iyo dulimada hayaama ee dalalka Bariga Afrika ma gaciisana lagu soo gaabiyo DLCO-EA, ururkaas oo la aas-aasay sanadkii 1962 kaasoo sanadkiiba mar la qabto. Shirkaan oo ahaa mid heer wasiir ah oo ay kasoo qayb gal een dhammaan wasiirada beerahah dalalka bariga Afrika ayaa waxaa shir gudoonka 2022 ilaa 2023 la wareegay dowladda federaalka taasoo ugu dambeysay sida uu wasiirku sheeg ay in ay shir gudoomiyaan sideetam eeyadii.

Soomaaliya ayaa inta badan kasoo muuqanaysay dhamaan ururka ay xubnaha ka tahay ee he er gobol iyo heer caalami intaba.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre Iyo Siciid Deni Oo Kulan Gaar Ah Yeeshay

Iyadoo wali Muqdisho uu ka socdo Shirka Golaha Wa datashiga Qaran, kaasii oo Dorraad si rasmi ah u billawday ayaa waxaa socda kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayan, madaxda ka qayb galaysa shirka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ha mza Abdi Barre ayaa Habeen hore booqa sho iyo salaan ugu tagay Madaxweynaha Dowlad Goboll eedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla soo qaaday qoddobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga iyo gurmadka abaaraha.

Kulanka waxaa ka qaybgalay La taliyaha Ra’iisul Wasa araha ee Arrimaha Dib U Heshiisiinta, Cali Cabdi Awaare iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Kulan La Qaatay Masu uliyiin Ka Socday Heya’adda Nadra

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa Shalay xafiiskiisa kula kulmay hey’adda NADRA ee ka shaqeysa diiwaangelinta dadweynaha iyo arrimaha aqoonsi sameynta.

Shirkan oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Cabdixakim Ashkir, Agaasimaha guud ee wasaarad da Mudane Caydaruus Macali Xasan,agaasime ku xigeenka, ahna sii hayaha madaxa hey’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliye ed (DADSOM) Marwo Fahmo Xaaji Ma xamuud, mas’uuliyiin ka kala socotay wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta iyo Villa Somalia ay aa waxaa lagu falanqeeyey warbixin qiimeyn ah oo ay soo diyaariyeen guddiga farsamo ee dowladda taas oo la xiriirtay shaqada NADRA, iyada labada dhinac la is dhaaf saday wixii fikrado ah, laguna ballamay in lasii wado am baqaado kulamo kale.

Ciidamada HARAMCAD oo weeraray goob ay isku aruursanayeen Al-Shabaab

Wararka naga soo gaarayo Birtaqleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegayo inuu Habeen hore ka dhacay dagaal aad u culus u dhaxeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sida dad goobjoogayaal ah ay Caasimadda Online u shee geen, dagaalka ayaa socday wax ka badan hal saac waxaana la is ku adeegsaday hubka noocyadi isa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Hara mcad ay weerareen degaanka Bi rtaqleey oo u dhow degaanka lambar Konton, halkaas oo la sheegay inay isku aruursanay een Al-Shabaab.

Dhawaqa hubka la isku adeegsanayey ayaa laga maqla yey meelo fog fog, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray inkastoo aan tiro rasmi ah la heyn.

Inta la ogyahay dagaalka waxaa ku dhintay 1 qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka halka uu jiro dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa guryahooda.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa dhankooda sheegay inay ka warheleen in degaanka Birtaqleey ay isku aruursanateen Al-Shababa, si ay weeraro u geystaan, balse ay ciidamadu ka hortageen.

Ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu dambeeyey bilaabay inay weeraro gaadmo ah ku qaadaan meelaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab. Tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaa liya Xasan Shiikh Maxamuud waxaa dalka ka bilowday how lgalo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab waxayna dowla dda Soomaaliya garab ka heshay shacab u abaabulan hab qabiil oo bilaabay kacdoon ka dhan ah kooxdaan.

Wasiirka Amniga Oo La Kulmay Wasiirada Aw-Qaafta Heer Federaal Iyo Heer Dowlad Goboleed

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali "Doodishe” ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta DFS iyo Wasiirada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedyada dalka.

Kulankaan waxaa ujeedadiisu ahaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradda Awqaafta, heer fe deraal iyo heer dowalad gobo le ed,gaar ahaan dadaalada ku aad dan hawlgallada dalka ee looga soohor jeedo Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Dr. Maxa mad Axmad Shiikh Cali "Doodi she” waxa uu boga adiyay kaalinta hormuudnimo ee Wasaa radda Awqaafta ay ka qaadaneyso jiheynta.

RW Xamse oo Amar culus siiyay Wasaaradda Maaliyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soo maaliya Xamsa Cabdi barre ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda in qeyb kamid ah lacagaha Gunada ah oo ay qaataan Xubnaha Golaha wasiirada iyo Shaqaalaha joog tada ah in laga jari si loo isticmaalayo howlaha dib u xur eynta dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo loo diray Wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu am ray Wasaaradda in lacagaha Guna da ah oo ay qaataan Xubnaha Gol aha wasiirada laga jaro 20%, sida as oo kale Shaqaalaha joogtada ah na laga jaro 5%, iyada oo aan la shaacin cidda maamuleysa lacagtaas.

Ugu dambeyn Warqadda kaso baxday Xafiiska Ra’iisul Wa saaraha ayaa lagu soo geba-gabeeyay in la rajeynayo Was aaradda Maaliyadda in sida ugu dhaqsiyaha badan ay fuliso Amarka.

Xogaha kale ee Risaala heleyso ayaa sheegaya in qor shahaan uu kayimid dhinaca Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ra’iisul Wasaar aha oo fulinaya amarka Madaxweynaha uu amarkaasi siiyay Wasaaradda Maaliyadda.

Xigasho:-radiorisaala.net

Madaxweyne Deni oo kulan Sagootin ah la yeesh ay James Swan

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Ca bdullaahi Deni, ayaa Magaalada Caasimada ah ee Mu qdisho kulan sagootin ah Kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo usoo dhammaatay shaqadii diblumaasiyadeed ee uu Soomaaliya u joogay.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha maamul Go boleedka Puntland wada shaqeynta iyo doorkiisa hogg aamineed ee ku aadan Dowlad dhiska Soomaaliya iyo sha qada uu ka qabtay Puntland ee sida horum arka iyo hirgelinta dimuqraadiyadda.

Sidoo kale Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Danjire James Swan uga mahadceliyay doorkii uu ka qaatay marxaladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo martay intuu Xafiiska joogay, sida Amniga, Arrimaha bani’aadantinimo iyo dada

alada Dowlad wanaaga, wuxuuna ku maamuusay Hadyad.

Gabar 7 jir ah oo si arxan darro ah loogu dilay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan oo ka dhacday xaafadda Wajeer oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo ka dha latay dil arxan darro ahaa oo loo geystay gabar 7 sano jir aheyd.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Nasro Cabdifi taax Abuukar ayaa la sheegay in dishay haweeney ay sha qaale u aheyd, taas oo ay soo xireen ciidamada amm aanka.

Ehellada gabadha yar ee la di lay ayaa warba ahinta u she egay in mar kii hore loo sheegay in ga badhooda ay ku dhacday mus qusha, ka dibna ay sidaas ku geeriyootay, balse waxa ay til maameen in arrintaasi aysan waxba ka jirin, isla-markaana la dilay gabadhooda yar.

Aabbe Cabdifitaax Abuukar Cali oo la hadlay RTN So omaali TV ayaa shaaca ka qaaday in gabadha yar jirkeeeda uu ka muuqday dhaawac ka dhashay jirdil xoogan oo loo geystay.

"Aniga waan ku qanci waayey hadalka la ii sheegay, ma rka saldhigga Kaaraan ayaan tegay waxaan ku sameeyey dabagal ciidanka iyo aniga waan is raacnay guriga uu dhi bka ka dhacay ayaan tegnay waxaa noo cadaatay in gaba dha la falay oo dhibaato badan jirkeeda uu ka muuqdo,” ay uu yiri Aabe Cabdifitaax Abuukar Cali oo la hadlay RTN Soomaali TV.

Sidoo kale wwuxuu intaasi sii raaciyey "Ma aheyn mid Shalay kaliya dhib loo geystay, dhib fara badana waa ka muuqday,”.

Dhankeeda hooyada dhashay gabadha yar ee sida arxan darrada ah loo dilay ayaa ka warbixisay dareenkeeda iyo waxa ay la kulantay markii ay dul tegtay meydka gab adheeda.

"Aniga Shalay, ayadoo meyd ah ayey isoo wacday, haddii aan u tegaayey canugta naf kuma jirin waxaana u maleyn aayey inay caadi u dhimatay daqar ayaa ku yaal marna is ma dheheyn? ” ayey tiri Nasro Hooyadeed.

Ugu dambeyn waxa ay qosykan farriin u direen dowlad da federaal Soomaaliya oo ay ka dalbadeen in cadaaladda ay marsiiso haweeneydii ka dambeysay dilka gabadhooda

Ergeyga Gaarka Ah Ee Arrimaha Gurmadka Abaa raha Oo Kulan La Qaatay Madaxda Afrika Ee Was aaradda Arrimaha Dibadda Switzerland

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdir axmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Shalay kulan la qaatay madaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Switzerland.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Bern ee caasimadda Switzerland, waxaana Erg eyga ku weyliyay safiirka Soomaaliya ee dalkaas, iyadoo looga hadlay kordhinta kaalmada gurmadka abaaraha iyo sidii Switzerland ay Dowladda Soomaaliya uga gacan siin lah ayd helista dhaqaalaha loo qoondeeyey waddamada uu is-beddelka cimilada saameeyay.

Ergeyga ayaa Switzerland kala hadlay in si toos ah kaal mada bani’aadannimo loo siiyo Dawladda Federaalka iyo hay’adaha Soomaaliya ee ka shaqeeya arrimaha sama-fa lka, si loo fududeeyo in gargaarku si degdeg ah u gaaro dad ka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen, lana dhiso kartida hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka sii horreeyay shir ka dhacay M/Gen ève oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalam iga ah ee is huwan, badqab la’anta cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ay ku leeyihiin qaxootiga iyo barakaca bulshooyin ka, kaasoo Ergeygu diiradda ku saaray saamaynta ay Is-beddelka Cimilada ku yeelatay Soomaaliya.

Ergeyga ayaa Dowladda Switzerland uga mahadceliyey kaalmada ay Soomaaliya siiyaan, isagoo ku boorriyay mud naanta ay siinayaan dalalka gobolka ee ku aaddan iskaash iga horumarinta Switzerland ee hoos yimaada barnaamijka iskaashiga Geeska Afrika.

Ergeyga ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaan la kulmi doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland, kulan ka dhici doona magaalada Zurich, isagoo Jaalidda uga warbi xin doona xaaladda guud ee dalka kuna dhiiragalin doona sidii ay qeyb lixaad leh uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada.

Oday Alshabaab u qaabilsanaa ururinta Zakooyin ka oo lagu qabtay Howlgal ka dhacay Sh/Dhexe

Taliska ciidamada xoogga dalka ayaa shaaciyey in how lgal ka dhacay Degaanka War-ciise ee gobalka Sh/Dhexe ay kusoo qabteen Oday horjooge Alshabaab ah oo lac agaha u ururin jiray Alshabaab. Horj oogahan ayaa lagu magacaabaa Maxam ed Jeelle Jarrasow, wuxuuna Al-Shabaab u qabilsanaa degaanada hoos taga maga alada Jowhar ee Caasimadda Hirshabe elle iyo degaanka Raage-ceelle ee Go bolka Shabeellaha Dhexe.

Nabadoon Maxamed Jeelle Jarasow oo lasoo bandhigay ayaa sheegay inuu Al-Shabaab la Shaqeynayay muddo 10 sano ah, una qaabilsanaa u aruurinta lacagaha Saka waadka loo yaqanaan, wuxuuna sheegay inuu soo dhowey nayo dagaalka Al shabaab lagula jiro ee ka socda gobolka Sabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in intii ay howlgallada wad een gac anta ku dhigeen Xubno badan oo la shaqeynayay Ururka Al-Shabaab, ayna sii socon doonaan ilaa iyo inta Al-Shab aab laga saarayo Gobolka Shabeellaha Dhexe..

Ciidamo katirsan ATMIS oo dalka ka baxay & kuwo horleh oo la keenay

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku maamuusay askarta Uganda ee uu waqtigooda dhama aday doorkii ay ka qaateen dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS, Keith Katungi, ayaa ku bogaadiyay kooxda daga alka ee waqtigeeda dha maaday sida ay u fuliyeen howlgal lada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xaqiijinta doorashoo yinka baarlamaanka iyo madaxwe ynaha iyo sidoo kale kaalintooda guud ee dad aalka nabadda iyo xasiloonida.

"Waxa ay ahayd muhiim in aan joogno gudaha Soomaaliya oo aan hubinno in kala-guurka siyaasad eed iyo xilliga doorashada uu ya hay mid hagaag san,” ayuu Katungi ku yiri hadal uu ka soo saaray magaa lada Muqdisho ee caa simadda Soomaaliya.

Biladaha iyo shahaadooyinka ayaa waxaa la guddoons iiyay koox saraakiil ah oo ka socday kooxda 33-aad ee Ug anda oo dhameystay socdaal shaqo oo muddo hal sano ah ay ku joogeen Soomaaliya iyagoo hoos taga ATMIS.

Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS ee dhanka howl gallada iyo qorshayaasha William Kitsao Shume ayaa ku bo gaadiyay ciidamada waqtigooda dhamaaday sida ay u xa qiijiyeen Soomaaliya oo nabad ah oo xasiloon.

Intii ay ku guda jireen howlahooda shaqo Ciidamada Uganda kooxdooda dagaalka waxay ku sugnaayeen sal dhigyo ciidan oo ku yaala Carbiska, Arbacow, Lafoole iyo Laantabuur, oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadan ayaa sidoo kale sugayay amniga xarumaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya ku leedahay maga alada Muqdisho, sida madaxtooyada, dekedda Muqdisho, baarlamaanka federaalka iyo xerada ATMIS.

Sida laga soo xigtay ATMIS, ciidamada baxaya oo lagu bedelayo koox cusub ayaa xiriir wanaagsan la lahaa bu lshooyinka Soomaalida ee deegaanka, waxaana ay sugeen waddooyin suurageliyay in ay si badbaado leh ugu socdaan dadka iyo badeecadaha ee mara waddooyinka muhiimka ah ee kuyaalla gobolada dalka Soomaaliya.

Booliska DF oo digniin ka soo saaray qorshe ay wadaan odayaal dhaqameed

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa digniin u diray oda yaal dhaqan oo la sheegay inay hor taagan yihiin maxk amadaha dalka, kuwaas oo doonaya inay xeer dhaqameed ku xaliyaan kiiska gabar 7-sano jir ah oo maalmo ka hor lagu dilay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ay aa Idaacadda Kulmiye u sheegay in booliska Soomaaliya aysan yeelin doonin in kiis dambe oo gacanta lagu hayo qof kii ku geystay aan lagu xali doonin xeer-jajab.

Wuxuu sheegay inay gacanta ku haya an haweeneydii qiratay inay dishay ga badhaas yar ee shaqaalaha u ahayd, si doo kalena uu meesha ku jiro dembi ka le oo ah in cunug saqiir ah aan la shaqaaleysii karin.

"Xeerkeena dhaqanku ma xuma, laakiin malahan cidii qaa dan laheyd dembiga, sharciga dalkaan wuxuu dhigayaa in la helo cid qaada masuuliyadda dembigii dhacay, marka de mbiyada dhacaya dhaqan in lagu xaliyo uma rabno,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.Afhayeenka booliska ayaa intaas ku sii daray in cunug saqiir ah aan la shaqaaleysii karin, sida sharciga dalku dhig ayo, balse hadda uu dil meesha yimid, taas oo qasab ka dhi geysa in dembigaan lagu xaliyo gars oorka dalka. "Waxaan ka digeynaa in xeer dhaqameed lala soo aado dembiyada noocaan ah, sababta ay u soo laa laabanayaan waa sida loo xaliyo, waana u digeynaa oday aasha doonaya inay dhaqan iyo xeer-jajab ku xaliyaan kiisk aan,” ayuu yiri Afhayeenka Boosiska Soomaaliya. Haween ey loo heysto di lka gabar yar oo 7-sano jir ah, isla marka ana uu boolisku shaaciyey inay qiratay dilkaas iyo seyge eda ayaa la soo xiray maalin ka hor, wuxuuna booliska Soo maaliya ku ad keysanayaa in kiiskaan sharciga la marsiiyo.

Madaxweynaha Somaliland oo mar kale ka hadlay sida doorashooyinku usoo kala horaynayaan

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar kale ku celiyay in doorashada urruradu ay kasoo horay nayso doorashada madaxtoo yada, xili qaybo kamid ah bulshada Soma liland diidmo ka muujiyeen.

Madaxweynaha oo shirguddoomiy ay shirkii Golaha Wasiirada Somali land oo lagu ansixinayay miisaani yad sannadeedka 2023, ayaa sheegay in doorashada urr uradu kasoo horaynayso ta madaxtooyada.

"Shirka furitaankiisa waynu wada ogayn wasiirka maaliy ada sida uu usoo qorsheeyay miisaaniyada, xoogana uu u saaray doorashooyinka axsaabta iyo ta madaxweynaha oo ku xigta" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 10 milyan ay miisaaniy ada ugu jirto diwaangalinta codbixiyayaasha iyo doorasha da urrurada, waxa uu sheegay in diwaangalin kali ah lagu wada gali doono doorashooyinka xisbiyada iyo madaxtooy ada, si looga fogaado kharash badan.

"Waxa ku lifaaqan tii diwaangalinta oo iyaduna 5 milyan ah, markaa waa 10 milyan xisbiyada kharashkoodu, sidoo kale ta madaxtooyada waxaanu ku galaynaa diwaangalin tan, waxan aynu iskugu soo dhawaynayno doorashooyinka, 10 milyan ayaynu dhimaynaa"ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay u ji haysatay sidii doorashooyinka dhakhso loogu qaban lahaa.

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka ka codsat ay inuu dabciyo xannibaada duqeymaha ka dhan ka ah Alshabaab

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa qiimayn aya codsi uga yimid Soomaaliya oo ah in Maraykanku uu dabciyo xannibaadaha uu saarayo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Codsigan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku jirto duulaan ka dhan ah Al Shab aab, duullaankaas oo Alshaba ab lo oga saaray deegaanno ay tob an sa no ka badan xukumaye en.

Madaxweyne Biden waxa uu horey 450 askari oo Maraykan ah dib ugu soo daad gureeyay Soo maaliya, taas oo meesha ka saartay ka bixitaanka degdega ah ee Madaxweynihii hore ee Maray kanka Donald J. Tru mp bishii January 2021.

Si kastaba ha ahaatee Dowladda Soomaaliya waxa ay uga baahan tahay ciidamada Maraykanka si ay awood ugu yeeshaan in ay weeraraan Al-Shabaab kuwaas oo ay suur ta gal tahay in ay khatar ku yihiin howlgallada dalka ka socda.Koongarayska Maraykanka ayaa horey u soo saaray sharciyo xakamaynaya duqeymaya Maraykanka uu ka gey sto Soomaaliya, kadib markii hay'adaha u dooda xuquuqul insaanka ay walaac ka muujiyeen khasaaraha rayidka soo gaara.

MSF oo ka digtay in jadeecada iyo daacuunka ay ka dilaacaan xerada qaxootiga ee Dhadhaab

Hay’adda Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa soo saartay warbixin ay kaga digayso halista cudurada jadeecada iyo daacuun caloolaha ee ka dilaaca xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ay Soom aalidu degan tahay.

MSF waxa ay tilShalayy in daryeel xu mida iyo ka warqab la’aanta dadka ay keeni karto in cudurka uu dilaaco ay na adkaan doonto sidii loo soo afjari lahaa hadii aan hadda laga hortagin oo aan la samaynin olole wacyigelin ah.

Hadalka MSF ayaa lagu muujiyay sida ay xaaladdu uga sii dari karto iyadoo dhawaan xeryaha ay ku biireen qaxooti ba dan oo ka soo barakacay abaaraha iyo colaadaha Soom aaliya.

Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn (MSF) ayaa baaqo oda si gaar ah u dirtay cid kasta oo ka qayb qaadan karta baadigoobka qaxootiga si looga hortago khatarta cudurada oo noqon kara masiibo ku dhacda nolosha dad badan.

In ka badan 233,000 oo Qaxooti ah ayaa ku nool saddex xero qaxooti oo ku yaalla dhul ballaaran, kuwaasi oo dham aantood ka fakaraya sidii ay u heli lahaayeen Cunto, Biyo, Caafimaad, waxayna qorsheynayaan inay dib ugu laabtaan

goobihii ay markii hore ka tageen.


Elon Musk Oo $44 Bilyan Ku Iibsaday Shirkadda Twitter.

Elon Musk ayaa noqday mulkiilaha cusub ee Twitter-ka Khamiistii, isagoo sidoo kale shaqada ka eryay madax sare oo uu ku eedeeyay inay marin habaabiyeen.

Maamulaha shirkadda baabuurta korontada ku shaqeysa ee Tesla Inc ayaa sheegay in uu do onayo in uu isbedel weyn ku same ynayo shirkadda Twitter, isla mark aana uu ka dhigi doono goob ka caaggan been abuurka, kana ilaalin doono inay noqoto meel naceybka iyo kala qeybinta lagu fa afiyoo, xitaa haddii ay dhacdo inuu xaddido faafreebka.

Hase yeeshee Musk ma uusan bixin faahfaahin ku saa bsan sida uu ku gaari doono waxaas oo dhan iyo cidda maa muli doonta shirkadda.

Wuxuu sheegay inuu qorsheynayo inuu dhimo shaqooy inka shirkadda, taasoo ka dhigeysa ku dhawaad 7,500 oo shaqaale inay ka welwelaan mustaqbalkooda Twitter-ka.

"Uma iibsan Twitterka inaan lacag badan ka sameeyo. Wax aan isku dayayaa in aan caawiyo bini’aadamka oo aan jec lahay” ayuu yiri Elon Musk.

Musk oo ah ninka ugu taajirsan dunida ayaa $44-bilyan ku biibsaday shirkaddan, waxaana heshiiskan soo gunaana day hadal-heyntii shakiga gelisay dhammeystirka iibkan.

Musk ayaa isla markiibaa shaqada ka eryay Madaxii Fulinta ee Twitter Parag Agrawal, Madaxa Maaliyadda Ned Segal iyo madaxa arrimaha sharciga iyo siyaasadda Vijaya Gadde, sida ay sheegeen dadka xog-ogaal u ah arrinkan, wu xuuna ku eedeeyay inay ku marin habaabiyeen isaga iyo maalgeliyayaasha kale ee Twitter-ka tirada cinwaanna da been abuurka ah ee ka furan shabakaddan barana bul shada.

Askarigii loo haystay dilka xildhibaan Juweyriya Subcis oo ka hadlay ‘sababta dilka’

Warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya iyo kuwa Soo ma alida ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn uga had layay dilkii garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga maalintii Talaadada loogu geystay Juweyriya Subcis oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sheekadan ayaa weji kale yeelatay markii uu askariga lagu eedeynayay dilka Juweyriya isaga qudhiisa qirtay inuu si "ula kac ah” u toogtay marxuumadda, sida BBC u sheegay ku xigeenka hogaanka nabadgal yada deegaanka Soomaalida, Ma xamed Axmed Gureey.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdadaas oo sababtay mudaharaad ay sameeyeen qaar ka mid ah dadka deegaan ka oo dalbanayay in ay caddaalad helaan qoyska Juweyriya oo ahayd hooyo 26 jir ahayd oo ka tagtay labo carruur ah.

Waaxda dembi baaristu waxay sheegaysaa in ninkan isagu dilka geystay uu qirtay in uu falkaas u geystay si ulak ac ah. Maxamed Guurey waxa uu BBC iyo warbaahin kale ba u sheegay in ninkan dembi ka hor qirtay maxkamada 26-kii bishan oo ahayd maalintii ku xigtay maalinta uu dhacay dilka.

Si kastaba, ma jirto ilo wareed kale oo madaxbaan oo arrinkan xaqiijisay, iyadoo aysan warbaahinta goobjoog u ahayn dhegeysiga dacwada.

Ku xigeenka hogaanka nabadgalyada deegaanka Soomaa lida, Maxamed Axmed Gureey oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in uu askarigan qirtay in uu dilka isaga geystay.

"Ninkaas booliiska ayaa gacanta ku haya wuuna xiran yahay wuuna qirtay dilka inuu geystay,” ayuu yiri Gureey.

Waxa uu sarkaalkan sheegay in maalintii uu dilka dhacay maalintii ku xigtayba eedeysanaha la hor geeyay Maxkam adda gobolka Faafan, maadaama aan la heyn karin wax ka badan 48 saacadood, markii garsoorka la hor geeyayna uu maxkamadda ka qirtay inuu geystay dilka.

Maxkamadda ayaa oggolaatay in boolisku ay sii hayaan si loo wado baaritaannada, sida uu sheegay Gureey. War arka aan heleyno ayaa sheegaya in kiiska eedeysanaha si rasmi ah loo furi doono maalinta Isniinta ah.

"Muran”

Askarigan ayaa sheegay in ka hor inta uusan dilka gaysan uu muran dhex maray isaga iyo gabadha sidaasina uu u toogtay.

"Waan careysnaa oo hadallo ayaan isdhaafsannay yuu isagu ku andacoonayaa, waan murannay, gabdhuhu wax bay igu yiraahdeen aanan raalli ka ahayn markaa goor aan xabad ku furay-ba ma aanan garanayn, saas ayuu hadda ku doodayaa,” ayuu yiri Gureey.

Nooma suurtogelin in aan helno qareenada u doodaya eedeysanaha ka tirsan ciidamada booliska Itoobiya ee ka howlgalla garoonka diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga. Ku xigeenka madaxa nabadgalyada de egaanka Soomaalida Maxamed Axmed Gureey ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan askar kale oo la xiran askariga ku eedeysan dilka xildhibaan Juweyriya, iyadoo ay boolisku weli wadaan baaritaan dheeraad ah oo ku ogaanayaan sida ay wax u dhaceen. Dadka la xiran eedeysanaha waxaa ka mid ah askar kale oo shaqada kula qorneyd maalintaas, sida uu sheegay Maxamed Gureey.

"Ma jirin cid ku wehelisay falka”

Maxamed Gureey ayaa dhanka kale sheegay in askarigan uu she egay in dilka uu kaligii ku ahaa oo aysan cid ku wehelisay aysan jirin.

"Wuxuu sheegay in kaligii uu ah aa oo aysan jirin cid kale oo ku wehelisa, xabadahana cidda riday uu isaga yahay, qofka wax toogatayna uu isaga yahay intaas-na wuu qirtay,” ayuu Gureey sii raaciyay hadalkiisa.

Waxaa uu intaa ku daray in weli ay wadaan baaritaannada ay ku hubinayaan arrinkan.

Dilka xildhibaan Juweyriya Subics ayaa waxaa ka dhalatay caro iyo dibadbaxyo kooban oo ka dhacay magaalada Jigjiga.

Mareykanka oo ka hadlay geerida Juweyriya

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa Khamiistii tacsi u dirtay qoyska iyo ehelada xildhibaannaddii la dilay, waxayna sheegtay in ay ka mid ahayd dadkii wax ka bartay barnaamij ay Mareykanku fuliyeen oo loogu tal ogalay hoggaamiyeyaasha da’da yar ee Afrika.

Bayaan lasoo dhigay bogga saraafadda ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Juweyriya ay ahayd samafale si weyn u daneyn jirtay in gabdhaha yar yar iyo haweenkuba ay helaan xuquuqdooda.

Marka laga soo tago xubinnimada baarlamaanka ee do wlad deegaanka iyo xisbiga talada haya, Juweyriya waxa ay sidoo kale ahayd Agaasimaha Ogaden Welfare Society, oo ah hay’ad aan dowli ahayn oo caawisa dadka kaalmada u baahan, sida uu tebiyay wargeyska kasoo baxa Itoobiya ee Addis Standard. Isha: BBC SOMALI

Ilaalada Safaaradda Ruushka Ee Dalka Zimbabwe Oo Si Bareer Ah U Toogtay Nin Xirnaa Dhar Ciid an

Ilaalada safaaradda Ruushka ee dalka Zimbabwe, ayaa toogasho ku dhaawacay nin ku labisnaa dharka ciidamada meel ka baxsan safaaradda magaalada caasimadda ah ee Harare, habeenima dii Arbacada, sida ay booliisku shee ge en.

Afhayeenka booliiska ee Zimbabwe, Paul Nyathi, ayaa BBC-da u sheegay in ninkan oo 24 jir ah uu ka horyimid qa adashada awaamiirta ilaalada safaa radda.

Waxaa loo qaaday isbitaal u dhaw safaaradda oo uu ku xiran yahay haatan, iyadoo booliisku ay wadaan baaritaan la xiriira sababta keentay dhacdadan.

U qeybsanaha dhanka saxaafadda ee safaaradda Ruush ka, Egor Kuropitnik, ayaa BBC-da u sheegay in muuqa alada ku jira kamiradaha safaaradda, ay

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu Mareykanka ka la shaqeeyo sidii nabad iyo xasillooni loogu soo dabbaali lahaa caalamka

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu Mareykanka kala shaqeeyo sidii nabad iyo xasillooni loogu soo dabbaali lahaa caalamka.

Dhambaalka hambalyada ah ee casho-sharafeedka sa nadlaha ah ee guddiga qaran ee xiriirka Mareykanka iyo Shi inaha, Xi ayaa ku daray in Shiinaha iyo Mareykanka ay ta hay in ay is ixtiraamaan, kuna wada no olaadaan si nabad ah.

Kani waa hadalkiisii ​​ugu horreeyay ma daxweynaha Shiinaha ee ku saabsan xiriirka Mareykanka ka dib markii loo doortay mar saddex aad oo taariikhi ah madaxweynenimada usbuucan.

Xi waxa uu rajaynayay in guddiga qaran ee Shiinaha u qaabilsan xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha uu sii wadi doo no doorkiisa firfircoon, isaga oo ka caawinaya xidhiidhka la ba geesoodka ah in uu ku soo laabto jidka horumarka caa fimaad iyo xasilloonida leh.

Dalalka maraykanka iyo Shiinaha ayaa xiriirkooda siy aasaddeed waxa hore u hareeyey khilaafaadyo caalami ah kaas oo ku dhisan loolanka dunida.

ISIS Oo 15 Qof Ku Dishay Iran, 40 Kalena Dhaawacday.

Dalka Iran, dablay hubaysan ayaa waxay rasaas ku fureen dadweyne ku sugan goob ay shiicadu ka barakaysato, waxayna halkaas ku dileen illaa 15 qof, halka ay dhaawaceen 40 qof oo kale, sida laga soo xigtay ilo rasmi ah. Weerarkan ayaa ka dhacay go obta ay shiicadu ka barakaysato ee Shah Cheragh oo ku taalla magaalada Shiraz. Warbaahinta dawladda ayaa dha cdadan ku tilmaamntay inay tahay weerar argagixiso, wax ayna sheegtay in la ka mida dadka loo tuhmayo weerarkan in la soo xidhay.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda weerar kan.Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dalka Iran ay maalintii 40aad ka socdaan mudaharaado looga soo horjeedo xukuumadda dalka Iran, kuwaas oo ka dhashay gabadh yar oo ay ciidamada anshaxa ee caasimadda The ran ay xidheen, ka dibna ku dhex geeriyootay xabsiga

Militariga Itoobiya Oo Lagu Eedeyay Inay 60 Qof Ku Dileen Duqeymo Ka Dhacay Gobolka Orom ada

Jabhadda mucaaradka Oromada ee OLF iyo kooxda hubaysan ee ka goosatay ee Oromo Liberation Army (OLA) oo saldhiggoodu yahay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay ciidanka inay ku dileen boqollaal qof oo rayid ah duqeymo cirka ah oo ay ka geysteen gobolka, xilli uu dhawaan furmay wadahadal nabadeed oo looga hadlayo colaadda Tigrayga.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa la hadashay qof rayid ah oo ku sugan Oromiya, oo ku taalla galbeedka Ito obiya, kuna hareeraysan caasimadda federaalka ee Addis Ababa, kaas oo sheegay in uu goobjoog ka ahaa weerar dhinaca cirka ah oo Axaddii lagu dilay illaa 60 qof oo uu ku jiro adeerkiis.

Gobolka Oromiya oo ay ku nool yihiin qoomiyada ugu badan ee dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin in ka badan 40 milyan ayaa waxaa sanado badan ka socday rabshado ka dhashay xaqiraadda iyo dayaca dowlada federaalka oo xiliyada qaar ku cadaadin jirtay gobolka.

Xukuumadda iyo afhayeennada ciidamada ayaan wax jawaab ah ka bixin Khamiistii codsiyo ah inay ka hadlaan eedeymaha uga yimid jabhadda mucaaradka Oromada ee OLF iyo kooxda hubaysan ee ka goosatay ee Oromo Liberation Army (OLA).

PUTIN oo shaaca ka qaaday inuu Nukliyeer u adeegsan doono Ukraine iyo in kale

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiistii beeniyey inuu wax damac ah ka leeyahay inuu hub Nuk liyeer u isticmaalo dalka Ukraine.

Putin ayaa dagaalka dalkaas ku qeexay inuu qeyb ka yahay dadaallo ay Reer Galbeedka ku xaqiijinayaan awood ku muquunintooda caalamka, oo uu ku sheegay mid guuld arreysan doonta.

Isaga oo ka hadlayey shirka khubarada caalamka ee siyaasadda arrimaha dibedda, Putin ayaa sheegay inaysan wax macno ah sameyneyn in Ruushka ay Nukliyeer ku wee raraan Ukraine.

"Ma aragno baahi taas loo qabo. Ma jiro wax macno ah oo ay sameyneyso siyaasad ahaan, iyo militari ahaan,” ayuu yiri Putin.

Putin ayaa sheegay in diginin uu horey u jeediyey oo aheyd inuu diyaar u yahay inuu adeegsado "wax kasta oo la heli karo si loo difaaco Ruushka,” aysan ka dhigneyn istic maal Nukliyeer, balse ay jawaab u aheyd hadallada Reer Galbeedka ee ah suurta-galnimada inay adeegsadaan hub Nukliyeer.

Wuxuu si gaar ah u xusay Liz Truss oo bishii August sheegtay inay diyaar u tahay adeegsiga hub Nukliyeer, ha ddii ay noqoto ra’iisul wasaare, hada lladaas oo Putin uu sheegay inay wal aaciyeen Kremlin-ka.

Truss ayaa ra’iisul wasaaraha Britain noqotay horraantii September balse xilkaas iska casishay 44 maalmood kadib.

"Maxay aheyd inaan ka fakarno?” ayuu yiri Putin. "Waxaan taas u aragnay mowqif mideysan, isku day na lagu baqe-maalayo.”

Putin ayaa Mareykanka iyo xulufadiisa ku eedeeyey inay isku dayayaan inay dalalka kale u meeriyaan xeerark ooda, taasi oo uu ku sheegay cayaar xukun "oo halis, dhiig iyo wasaq ah.”

Putin oo ciidamadiisa u diray Ukraine 24-kii Febraayo, ayaa taageerada Reer Galbeedka ee Kyiv ku qeexay inay qeyb ka tahay dadaallo ballaaran oo Washington iyo xu lufadeeda ay rabitaankooda ugu qasbayaan kuwa kale.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in siyaasadaha Re er Galbeedka ay kordhin doonaan qaska, isaga oo intaas ku daray "qof walba wuxuu guran doonaa miraha waxa uu beerto.”

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa Khamiistii weriyayaasha u sheegay in Mareykanka uusan weli arkin wax muujinaya in Putin uu go’aansaday inuu nukliyeer adeegsado. AP, VOA



OGAYSIISKACALAAMADAGANACSIGA

OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsiga ee sare ay tahay hantida SCHLUMBERGER LIMITED (SCHLUMBERGER N.V.),Incorporated in Curacao of 5599 San Felipe Street, Houston, Texas, 77056, United States iyo in calaamad ganacsi oo isku mid ah loo isticmaalo badeecadaha soo socda:

Fasalka 01:

Asiidhyada loo isticmaalo baadhista iyo soosaarka saliidda iyo gaasta; dareeraha hydraulic; diyaarinta kiimikada, kuwaas oo, nadiifinta dareeraha loo isticmaalo sahaminta saliida iyo gaaska iyo soosaarka; kiimikooyinka loo isticmaalo qodista saliidda; qodista dhoobada loo isticmaalo qodista ceelasha saliidda iyo gaaska; kiimikooyinka alxanka; gaasaska alxanka; biraha qulqulka alxanka; dareereyaal kiimiko ah oo loo isticmaalo ceelasha dhulka hoostiisa mara, kuwaas oo ah dhoobada qodista, dhamaystirka dareeraha, dareeraha shaqada iyo dareeraha ceelasha; kiimikooyinka lagu daro isticmaalka dareerayaasha qodista; kiimiko

qodista dareeraha loo isticmaalo qodista ceelasha saliidda; hydrogen sida tamarta qaada; iyo lithium oo qayb ka ah cusboonaysiinta nidaamka tamarta.

Fasalka 07:

Saliidda, gaaska, kuleyliyaha dhulka, horumarinta biyaha, iyo qalabka garoonka ee kaarboon-dioxide, kuwaas oo ah qalabka qodista makiinadaha farsamada iyo aaladaha ka kooban qufulka, ibta naasaha, balaarin kara, koojyada, xakamaynta socodka aaladaha, valves-ka go'doominta, xargaha xargaha, isku-xidhyada, baadiyaha, qalabka sabbaynta, xarun dhexe Qalab, qalabyo kala duwan, collars, qalabka la socodka, aaladaha kala duwan, qalabka wax lagu xidho, fiilooyinka,

xajiyayaal, xasiliyayaal, qaboojiyayaal, reameers hoostooda, kaydka karbaash, mishiinka, shaabadihii, furayaasha, birta laydhka, layli afkoda, matoorada qodista, mishiinada qodista, dubbaha qodida, qalabka saamaynta qodida, shirar-shiidid,

dubbayaasha garaaca, suumanka, tuubooyinka, tuubooyinka, gooyayaasha, dabaasha, balasmaha daasadaha iyo tuubooyinka, duritaanka qalabka, swages, ruxruxayaasha, saxarada, saxarada, qalabka nadiifinta dhoobada, centrifuges, dareere qalabka wax lagu farsameeyo, guntimaha, warmaha, kabo baqalo ah, kabo haga, kabo guba, kabaha wax lagu dhaqo, vacuums, qalabka soo saarista, qalabka kalluumaysiga, qalabka wax lagu qodo, biraha loo isticmaalo mishiinada qodista, rotors, loo isticmaalo mishiinada qodista, baakadaha, stators oo ah qaybo ka mid ah mishiinada qodista, valves badbaadada, wareega

Qalabka xakamaynta, qalabka xidhidhka, hangarada, qalabka baadhista, dareemayaasha, qalabka xakamaynta qulqulka, khadadka birta ah, qalabka dalloolinta, bambooyin, tubbada, tuubooyinka, kala goysyada tuubooyinka, kala goysyada badbaadada, xawaaraha, xoqida, beddeleyaasha, daasadaha, fiilooyinka, qalabka gaaska qaadista, kala-soocida dareeraha, mitirka, awoodda iyo xakamaynta

qalabka, qalabka kor u qaada, qalabka gariirrada, barroosinnada, qalabka sawirka, ceelasha, kaydinta qalabka, taangiyada, qalabka hydraulic, qalab loogu talagalay fiirsashada fog iyo hawlgalka saliidda iyo Qalabka qodista gaaska, qalabka la socodka socodka iyo heerkulbeegyada dhammaan waa aaladaha loo isticmaalo iyo

qayb ka mid ah mishiinnada makaanaynta qodista; bambooyin loo isticmaalo hababka waraabka; qaybo ka mid ah saliidda mashiinada ceelasha, kuwaas oo ah, chokes, degassers, iyo centrifuges. xakamaynta cadaadiska awoodda ku shaqeeya

Qalab ka kooban qaybo ka mid ah mishiinnada ceelka saliidda, kuwaas oo kala ah, chokes, degassers, centrifugal degassers, hydrogen sulfide kala-soocidda gaaska dhoobada, kala-soocidda gaaska dhoobada ah ee qodista siman; caag iyo biraha farsamada o-ring shaabadood oo loo isticmaalo qalabka sahaminta saliidda iyo gaaska iyo wax soo saarka; mashiinada goynta iyo qalabka mishiinada, kuwaas oo ah, mishiinada ku shaqeeya goynta ama qaabaynta ama dhamaystirka biraha ama alaabta kale; Qalabka mashiinka saxda ah, kuwaas oo ah, qalabka birta adag, xawaaraha sare Aaladaha birta (HSS), agabka carbide, aaladaha dhoobada, dheemanta poly crystalline (PCD), aaladaha dheeman-qalabyada dahaarka leh iyo kuwa dheemanka ah, iyo qalabka biraha adag, oo dhan loogu isticmaalo goynta iyo samaynta maadada kuwa kale; xirmooyinka farsamada; Qalab koronto oo hawo ku shaqeeya, kuwaas oo kala ah, laylisyada, mishiinada, iyo mishiinada; layliyo warshadaha macdanta; laylisyada korantada; jimicsiga pneumatic; laydhka korontada; qalabka korontada, oo kala ah, reameers; mashiinnada alxanka korontada; mashiinnada alxanka laser; Qalab alxanka-kicin; khilaaf-kicin

mashiinnada alxanka; qaniinyada mashiinnada macdanta; qaniinyada laylinta tamarta; qodista xudunta u ah; qashinka macdanta; qalab qaniinyada mishiinada; xirmooyinka, sida qaybaha mashiinnada; rullaluistemadka mashiinada; bamka diaphragms; mishiinada, kuwaas oo ah, qalabka sibidhka ee loo isticmaalo sahaminta iyo soo saarista saliidda iyo gaasta.

Fasalka 09:

Saynis, badeed, sahamin, sawirqaade, filimo, muuqaal, miisaan, cabbir,

Calaamadaynta, hubinta (kormeerka), badbaadinta nolosha iyo qalabka iyo qalabka; qalab iyo Qalabka lagu sameeyo, beddelka, beddelka, ururinta, habaynta ama xakamaynta

koronto; qalabka duubista, gudbinta ama taranka codka ama sawirada; xogta magnetic sidayaal, saxanadaha duubista; mashiinnada wax iibinta ee tooska ah iyo hababka loogu talagalay qalabka lacagta qadaadiicda ah lagu shaqeeyo;

diiwaannada lacagta caddaanka ah, mishiinnada xisaabinta, qalabka habaynta xogta iyo kombiyuutarada; dab-demis qalabka; Software-ka kombuyuutarka iyo buug-gacmeedyada oo la qaybiyay si loogu habeeyo xogta loo isticmaalo saliidda iyo gaasta sahaminta iyo soo saarista helida, qiimaynta iyo soo saarista kaarboonka; firmware for digital awood u yeelashada agabka saliida; Aaladaha ilaalinta elegtarooniga ah ee iswada leh oo noqon kara loo diray si ay u ururiyaan macluumaadka goobaha sahaminta saliidda iyo gaaska; imtixaan iyo qalabka lagu cabbiro ee loo isticmaalo sahaminta saliidda iyo gaaska iyo xarumaha wax soo saarka si loo tijaabiyo waxqabadka iyo waxtarka qalabka ceelasha saliidda iyo gaaska; Qalabka warshadaha batroolka, kuwaas oo ah, qalabka elektarooniga ah

qalabaynta lagu kormeerayo cadaadiska ceelka iyo mugga dareeraha qodista soo laabtay; Processor-yar-yar kombuyuutarku gacanta ku hayaan rig-floor Monitors kaas oo la socda soona bandhigaya hawlaha qodista ee kala duwan alaarmiga; Isku-dariyeyaasha mugga godka elektiroonigga ah iyo dareemayaasha socodka soo-celinta si loogu isticmaalo ka-hortagga qarxinta ama la socodka cadaadiska dareeraha qodista, heerkulka, viscosity, iyo ka kooban; qodista elektarooniga ah

wax duubayaasha, kuwaas oo ah, Processor-yar-yar oo koontaroolaya qodista dhoobada qalabaynta si loogu isticmaalo goynta cadaadiska dareeraha qodista, heerkulka, viscosity iyo ka kooban yahay; fiilooyinka korantada, fiilooyinka fiber optic; mashiinnada tijaabinta sibidhka; qalabka alxanka laser; alxanka electrodes; qalabka alxanka; magnets ujeedooyinka warshadaha; magnets loo isticmaalo sahaminta saliidda iyo gaaska iyo soosaarka; qalabka loogu talagalay

wax soo saarka tamarta hydrogen; qalabka loo isticmaalo habka soo saarista lithium; qalabka loogu talagalay qabsashada iyo kaydinta kaarboonka, qalabka isticmaalka tamarta-jiyoore ama tamarta dhulka; kombuyuutar software.

Fasalka 12:

Cagafyada loo isticmaalo sahaminta iyo soosaarka saliidda iyo gaasta; baabuurta lagu rakibay qalabka lagu dhaqo tijaabinta ceelka adeegyada, qiimaynta, qodista, dhamaystirka, soo saarista iyo hagaajinta ee la sameeyay oo leh ceelal saliid iyo gaas, iyo si loo helo, farsameeyo, loo tarjumo, kaydiyo, soo bandhigo iyo

u gudbinta hal meel una gudbisa meel kale xogta qodista ceelka; doonyo iyo doonyo lagu rakibay qalabka bamgareynta jabinta, aashitada, sibidhka, iyo xakamaynta ciidda ee xidhiidhka la leh saliidda iyo ceelasha gaaska; baabuurta dhulka ee baadhista fiilooyinka iyo cabbiraadda ceelasha saliidda iyo gaaska ee goobta.

Fasalka 13:

Walxaha qarxa iyo madfacyada, sida kharashyada qaabaysan, ee loo isticmaalo daloolinta birta xuubka iyo saliidda si fiican oo ay weheliyaan samaynta dhulka iskuxiran.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip